Goobsan Media

Goobsan Media Ku soo dhawoow Warbaahinta Goobsan, Warar, warbixino, iyo dhacdooyinkii u danbeeyay intaba kala Soco Goobsan Media
(1)

08/08/2023

Salaan saaxiibayaal waxaan rabaa inaan kala saaro laba qeeybood ee dadka qaar isku qaldaan ee SEO ga.

1- LOCAL SEO.. waa koorso gooni ah oo aan ahayd midda aad iska diiwaangaliseen...Haddii rabbi idmo waxay diyaar noqoneysaa August 15..Ardayda ugu h**eeysan qiimo dhimis ayaan u sameeynay...

Local SEO gu website shaqo kuma laha oo waa GOOGLE MY BUSINESS PROFILE IYO BING PLACES..

Ganacsade kasta ayaa u baahan horay ayaadna shaqo uga heli kartaa..

2- ON PAGE SEO IYO OFF PAGE SEO..Waa koorsada diyaarka ah ee aad muuqaalkeeda aragteen..

Waa SEO oo dhan marka laga reebo Local SEO..

Waa qeebta ay aad u daneeyaan shirkadaha, dadka online ka wax ku iibiya iyo dadka adeegyada bixiya.

Waxaan filayaa in hadda qofku yaqaano qeeybta uu rabo inuu doorto..

Fadlan markaad ila soo xiriireyso soo raaci koorsada aad rabto..

Thank you.

13/10/2022

Maslaxo iyo Hooyadeed waxa kaa ooysiiyey wax yar ma ahan bahdilkaas ay sheegatay Ninka qabay ayaa sabab u ahaa balse Waa Lamaane da'a yar ee Nolol midaas dhaanto allaha u sahlo.

Taliyaha Ciidamada Milatariga ee Dalka Burkina Faso Captain Ibrahim Traore ayaa caawa taladii Dalkaasi kala wareegay Mad...
30/09/2022

Taliyaha Ciidamada Milatariga ee Dalka Burkina Faso Captain Ibrahim Traore ayaa caawa taladii Dalkaasi kala wareegay Madaxweynihii wadankaasi
Paul-Henri Damiba.

Waxa uu sheegay in afganbigani uu ku yimid talo ay isugu yimaadeen saraakiisha sarsare si loo badbaadiyo dalka.

Waxa uu hogaamiyahani laalay Dastuurkii dalka iyada oo la kala diray Xukuumada.
Goor sii h**eysay ee saakay ayay qabsadeen xarumihii Warbaahinta ee dalkaas waxa ayna goordhow shaaciyeen inay ku guuleysteen qorshahoodii afgambiga ahaa oo ay talada dalka Burkinafaso kula wareegayeen.

Al-Shabaab ayaa dad shacab ah ku laysay ceelbiyood laga qodayay deegaanka Gariley ee Gobalka Gedo. Ugu yaraan 11 qof aye...
30/09/2022

Al-Shabaab ayaa dad shacab ah ku laysay ceelbiyood laga qodayay deegaanka Gariley ee Gobalka Gedo. Ugu yaraan 11 qof ayey Al-Shabaab gubeen iyo waliba riiggii ceelbiyoodka ka qodayay deegaanka Gariley oo u dhaxeeya degmooyinka Bardheere iyo Ceelwaaq.

Bulshada deegaanka ayaa xaqiijiyey oo inoo sheegay in Al-Shabab ay gubeen injineeradda ceelka qodayay & shacabkii la socday dhammantood.

Allaha unaxariisto General Farxaan Qaroole iyo Raggii kale ee la sheegay iney la geeriyoodeen.Generalka ayaa ku geeriyoo...
30/09/2022

Allaha unaxariisto General Farxaan Qaroole iyo Raggii kale ee la sheegay iney la geeriyoodeen.
Generalka ayaa ku geeriyooday sida la sheegay Qarax Miino oo lala eegtay Kolonyo Gawaari ah oo marayey aaga Basro oo ay Ciidamada dowladu saakay kala wareegeen Al-shabaab.

Hassan Sheikh Mohamud oo loo doortay Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.Hambalyo Madaxweyne.
15/05/2022

Hassan Sheikh Mohamud oo loo doortay Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Hambalyo Madaxweyne.

Marka laga soo tago doorashada qabsoontay Madaxweynihii h**e Mohamed Abdullahi Farmajo wax walba oo wanaag ah ee uu wada...
15/05/2022

Marka laga soo tago doorashada qabsoontay Madaxweynihii h**e Mohamed Abdullahi Farmajo wax walba oo wanaag ah ee uu wadanka uso qabtay waan uga mahadcelinayaa waana wax taariikhda ku xusan.
Marka xigta madaxweyne Xasan sheekh dib u doorashadiisa waxa uu fursad u helay inuu hagaajiyo oo dib u saxo wax walba oo horay uga qaldamay koley sida caadiga ah qalad waa ka dhacaa Bini'adamka ee markaan Wadada toosan allaha nagu wada aadiyo dhamaanteen. Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud.
Wadankana barwaaqo iyo nabad allaha noo gaarsiiyo. AMIIN🤲

Codadki dadki ugu awooda badnaa waa kuwaas Deni aya hogaaminaya.
15/05/2022

Codadki dadki ugu awooda badnaa waa kuwaas Deni aya hogaaminaya.

15/05/2022
WAR DEG DEG AH: waxa la xaqiijiyay Geerida Xilhibaanad Amina Maxamed  Allaha ha u naxariiste, waxaana ay ku dhimatay qar...
23/03/2022

WAR DEG DEG AH: waxa la xaqiijiyay Geerida Xilhibaanad Amina Maxamed Allaha ha u naxariiste, waxaana ay ku dhimatay qarax ismiidaamin ah oo hadda ka dhacay Baladweyne.
Qaraxan ayaana ka dhacay gudaha xerada lama galaay.

04/03/2022

Waa Askar Russian ah oo shalay lagu qabtay dagaalo aad u kululaa oo ka dhacaye Kherkeiv

WARARKII UGU DAMBEEYEY DAGAALKA UKRAINE▶️ Waxaa sii kordhaysa khasaaraha ka dhashay dagaalka ba’an ee ka socda Ukraine, ...
04/03/2022

WARARKII UGU DAMBEEYEY DAGAALKA UKRAINE

▶️ Waxaa sii kordhaysa khasaaraha ka dhashay dagaalka ba’an ee ka socda Ukraine, iyadoo khasaaruhu u badan yahay dhanka reer Ukraine maaddaama lagu dagaalamayo magaalooyinkooda oo ay ku nool yihiin malaayiin qof.

▶️ Maalinta siddeed dagaalka galay wali Ruushku si buuxda uma gaarin yoolkooda, waxaase caawa gacantooda ku habeenaynsatay magaalada Kherson ee Koonfurta ku taal, halkaasi oo dagaallo la isku riiqmay ay ka dhaceen.

▶️ Maamulka magaalada ayaa u muuqda ina isdhiibeen oo go’aan ku gaaray inanay u babacdhigi karin gulufka Ruushka, kana badbaadiyeen khasaare dadka iyo hantida magaalada sidaasi darted Ruushku weli lama wareegin hawlaha maamulka oo waxaa shaqeynaya dawlada hoose ee deegaanku lahaa.

▶️ Madaxweyne Putin wuxuu ku eedeeyey Ukraine inay ay dagaalka u adeegsanayso shisheeye, wuxuu kaloo tibaaxay in hawlgalku u socdo sidii loo qorsheeyey.wuxuu si kulul ugu cambaareeyey ciidamada Ukraine inay gabbaad ka dhiganayaan dadka shacabka ah.

▶️ Geesta kale madaxweyne Ukraine Zelensky, wuxuu ka dalbaday madaxweyne Putin inay yeeshaan wadahadal fool ka fool ah, isagoo leh taasi waa xalka kaliya ee lagu dhammeyn karo dagaalka.

▶️ Dagaalada ugu culus iminka wuxuu ka socda magaalada Mariupol ee dekada leh kuna taal koonfurta Ukraine, magaaladaasi gees kasta waxaa ka harreeyey ciidamada Ruushka waxaana ku socda duqeyn xooggan. Waxay u muuqataa maamulka iyo ciidamada halkaasi ku sugan ee reer Ukraine inay jilibka u aaseen weerarka Ruushka.

▶️ Ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in dhimashada iyo dhaawacu uu yahay mid aan xisaab laheyn, iyadoo la la’yahay fursad maydka lagu aaso, isla markaana dhaawacyda lagu geeyo Isbitaalada, taasi waxaa ugu wacan duqeynta joogtada ah.

▶️ Qaramada Midoobay waxay sheegtay in inka badan 1 milyan oo qof ay ka baracakeen coladda tan iyo markii ay bilaabatay dabayaaqadii toddobaadkii h**e.

▶️ Wadahalladii maanta ka dhacay dalka Belarus ee ay yeesheen wakiilada ka socday Ukraine iyo Ruushka waxaa la isku raacay qodob ah in jid loo furo dadka ku xayiran goobaha colaaddu ka aloosan tahay, Ruushku wuxuu sheegay in qoddobo kale oo dheeraad ah laga wadahadli doono maalmaha soo socda.

▶️ Madaxweynaha Ukraine wuxuu ku bixiyey digniin in haddii Ukraine la qabsado ay ku xigaan Latvia, Estonia, Poland iyo Lithuania wuxuu sheegay in Ruushku soo taaban doono illaa darbiga Barlin.

▶️ Qiimaha shidaalka ayaa kordhay dunida oo dhan, waxaase ugu daran Yurub oo 40% gaasku uga yimaado Ruushka, dad badan ayaa aamisan in lacagta Ruushka lagaga gato shidaalka uu adeegsanayo burburinta Ukraine. Ruushku waa wadanka kowoaad ee shidaalka ugu badan soo saara Yurub.

▶️ Dawlada UK waxay caawa cunaqabateyn ku soo rogtay laba nin oo u dhashay Ruushka waxay kaloo yihiin bilyineerka Alisher Usmanov, oo mar saami badan ku lahaa kooxda Arsenal ka hor intii aanu iibin, mudooyinkii dambe wuxuu saami ku lahaa Everton, ninka kale waa Igor Shuvalov oo h**ey u soo noqday Ra’isalwasaare kuxigeen.

▶️ Magaalada Chernihiv oo 70km u jirta caasimadda Kyiv 22 qof ayaa ku dhintay madfac ku habsaday bartamaha magaaladaasi.

11/11/2021

Somali NewsWARARKII UGU DANBEEYAYWarka H**e Ra’iisulwasaare Rooble oo booqday xarumo ku yaalla degmada Balcad (SAWIRRO) By Goobsan - November 11, 2021 Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo safar shaqo ku jooga degmada Balcad ayaa booqday Isbitaalka guud ee Balcad iyo qeybo ka mid ah magaalad...

14/10/2021

Cajiib

26/07/2021
28/04/2021

Asc

22/04/2021

Muxuu ku duceysan jiray Nabi Muxamed NNKH ?

21/03/2021

My snapchatshukrisharaf1facebook :shukri.hassan.90Instagram :Shukri Sharaf_officialTiktok

02/03/2021
27/02/2021
12/02/2021
10/02/2021

Ruuxii ku duceysta ducadan wuxuu ka mid noqon doonaa ahlu janada.

07/02/2021
31/01/2021

Cashir loo baahan yahay in laga faa'iideysto.

31/01/2021

31/01/2021
28/01/2021

22/01/2021

PLZ SUBSCRIBE AND COMMENT

20/01/2021
08/01/2021
04/01/2021
30/12/2020

♥Waa Hoyga Murtida iyo Dhacdooyinka♥♥Nolosha Maanta♥♥ Kalasoco Murtida iyo Madadaalooyinka Cusub. Fadlan Channelku waa Channel kaagi ha ilaabin inaad Subscri...

28/12/2020

Fadlan ka qeyb qaado oo Caawi

27/12/2020

♥Waa Hoyga Murtida iyo Dhacdooyinka♥♥Nolosha Maanta♥♥ Kalasoco Murtida iyo Madadaalooyinka Cusub. Fadlan Channelku waa Channel kaagi ha ilaabin inaad Subscri...

Address

Mogadishu
Banadir

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Goobsan Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share


Other News & Media Websites in Banadir

Show All