27/03/2022
Imisaad cuntaa maalintii !
Gabadh qurux u dhalatay ayaan ahay, markastana ku shukrida nimcadda Illaahay, baryo aan fogay ayuu Illaahay calaf iskugu kaayo daray wiil muddo aan badnayd aanu hadhuubka caashaqa wadda wandaafinaynay.
Nin daggan ayuu iila eekaa, qofna ma garan karo halka uu ku danbayn karo, si kasta oo aad ninka aad rabto u doorato, haddana qoraalka Illaahay marna lama dhaafayo, taas niyadda ku haya.
Muddo markaanu is qabnay ninkii waanu is fahmi waynay, fahan oo kaliya maaha, waxaanu ku kala duwanaanay qaabka noloshayadu ay u socon doonto.
Ninka Soomaliga ahi wuxuu jecel yahay gabadh aanu waxba ka waydiin noloshooda, gabadh uu iska wad wato oo tiisa oo qudha uun u yeesha.
Marka lamaane la yahay waxyaabaha aasaaska u ah nolosha lamaanuhu waa wadda tashi iyo is wax is waydiin.
Maalintii uu go’aanku ku adkaaday Nabbi Maxamed ( CSW ) cidda taladii ugu wanaagsanayd siisay waxay ahayd xaaskiisii oo u sheegtay, inuu isagu timaha xiirto, ka dibna ay asxaabtu ku dayan doonaan, sidii ayaanay u dhacday.
Mar kasta wadda tashigu waa wax fiican, waana mid guul u ah lamaanaha is qaba ee is calfaday, Illaahay ayaana quraankiisa inoogu sheegay wadda tashiga.
Aan u soo noqdo mawduucaygee, ninkii muddo ayaanu is haysanay, ugu danbayn go’aan isaga ka yimid ayuu iigu sheegay inuu rabbo inaanu kala dhamaano, aniguna waaban soo dhaweeyay wacad Alle.
Imika muddo waxoogaa ah ina rag shaqo kuma lihi, nolol maalmeedkayga anaa ka adag, k**a adki oo kaliya, waxaan wax taraa ehelkayga iyo qaraabada cidii aan awoodo, farxad iyo badhaadhe adduun ayaan ku jiraa, markastana Illaahay ugu mahad naqaa.
Gabadh wax baratay ayaan ahay oo aan cidna ka baryin bariiskeeda, diinteeda iyo dhaqankeedana ku adag .
Hadda telefoonkayga gacanta ayaa dhawr jeer soo dhacay, lambar aanan garanayn ayaa i soo garaacaya.
Dhawr jeer oo isku xiga ayuu dhacay, ma jecli dadka telefoonka ku soo cel-celiya dadka, waayo dabkay kaa ridayaan, telefoonkii oo ka bilaabmayay 441….. hadda ayaan ka qabtay .
Waa nin cod wayn,codkiisuna xabeeb yar leeyahay ah oo aad moodo inaanu igu cusbayn, salaan guud ka bacdi ayuu waraysigani na dhex maray .
Aniga : Waayo
Isagga : Ina ma garanaysaa codkan ?
Aniga : Codkani iguma cusba, ma se soo saarayo
Isagga : Waa Mustafe, waa wiilkii aad jaarka ahaydeen ee Aw-Cali uu dhalay.
Aniga: Mustafe , salaan sarre walaalo
Isagga : Xageed joogtaa ?
Aniga : Xaafadda walaalo
Isagga: Imisaad cuntaa oo kugu filan !
Aniga : Maan fahmin
Isagga:Waxba ha iga dhicine, imisaan kuu soo qaadaa anigaa kharashka bixinayee
Aniga : Maxaad ka wadaa , imisaa kugu filan ?
Isagga:Miyaanad qayilin, dumarka la soo furo oo dhanba waa kuwa wadda qayilee, maanad iga dhacaysaa !
Aniga: Telefoonkii aan gacanta ku hayay ayaa iga dhacay, madaxdaygii ayaa mijo isku baddalay, dhidid waawayn ayaa iga soo booday, dhulkaa ila wareegay, waxaan ku sigtay inaan koomo galo ama wadnuhu uu iskay taago.
Hooyaday oo ii dhawayd ayaa i dareentay inay wax iga khaldan yihiin, ku dhawaad saacad ayaan si kale ahaa, bal qiyaas qof aad jaar ahaydeen oo aydaan salaanta isku dhaafi jirin oo hadaladaa khadka telefoonka kaaga soo odhanaya, saw waali cas maaha.
Maalintii ilaa maanta ereyadaasi waa qaar igu soo noq-noqda, ninkii walow aan Illaahay dartii u cafiyay, haddana indho adkaantiisa ayaan la yaabay ilaa imikadan aan kuu waramayo.
Ragga Soomaliyeed baddankoodu gabadha la soo furay ama ay ninkii kala dhamaadeen, waxay u haystaan inay tahay gabadh ka kac ah oo noloshii quus ka joogta, gabadh balwad leh oo nolosha ka dhacday iyo gabadh is dhiibtay oo sidii la doono laga yeeli karo !
Aniga iyo kumanaan ila mid ah oo hammi iyo hiigsi nolosha ka leh ayaa buuxna, marka gabadha uu guurku ka xumaado ama ay sifo kale nin u kala tagaan, maaha micnaheedu inaanu nahay dumar xun.
Haddaad fikirkaa aaminsan tahay, waa mid adiga kugu gaara , gabadh kasta oo ay nin kala tageen iyo gabadh kasta oo guurku si uun uga xumaaday, waxaan leeyahay nacasnimo baddan iyo haddalo aad dhibsataan ayaa bulshada idiinka iman doona.
Ogow mid, lax walba halka ay is dhigto ayaa lagu qalaa, ha u nuglaan cadaawaha, dhulka ha is dhigin, xikmad carabiya ayaa tidhaahda, ‘’ Noloshaadu gacantaada ayay ku jirtaa.’’ Haa , waa runtay, noloshaadu adiga ayay gacantaada ku jirtaa .
Hadba sida aad rabto ayaad nolosha ka dhigan kartaa, gabadh faraxsan ayaan maanta ahay, noloshayda anaa gacantayda ku samaystay, samayso nolol, hadduu guurka kaa xumaaday ama calafkiinu dhamaaday ogow inaad ninka hortii noolayd nolol qurux baddan, imikana aad noolaad kartid mid ka sii qurux baddan tii h**e .
Si kasta oo ay nolol adag kuu soo marto, ogow inaad ka gudbi kartid, Saynab Cigana waa tii ku heestay ;
Dhibta laguma waaro
Dhaxal looma yeeshee
Waa laga dhamaadaa.
Guul ayaan u rajaynayaa hablaha Soomaaliyeed guud ahaantood, gaar ahaana inta guurku ka xumaaday sidayda, u noolaada sida aad rabtaan, noloshiina idinka ayaa isku haya .
One ❤️
Fiiro Gaara:Waa sheeko ay ila wadaagtay inantaasi, ana aan qoraal ahaan idiinku soo gudbiyay
Qore: Cabdifatax Sheikh Nuux
Fallow my page please - Guji linkiga hoose si aad ugu soo biirto page-kaygan 🙏
✅Suldaanka Dhalinyaradda Somaliland