Sky Somali Tv

Sky Somali Tv Sky Somali Tv is an independent Tv that operates in Somaliland and around the world.

09/02/2025

“ Waddada Baligubadle maanta ayaan bilownay waana dhameys-tirayaa qiimo kasta oo ay ku kacayso …..” Madaxweyne Cirro

09/02/2025

“Mudane Madaxwayne aad iyo aad ayaan kuugu mahad naqayaa..” Dr Edna Aden

09/02/2025

Madaxweynaha Somaliland ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay bilowga dhismaha Waddada Baligubadle - Hargeysa.

Shir lagaga xaajoonayo xiisadda Congo ayaa maanta ka furmay magaalada Dara-Salaam ee dalka Tanzania. Shirkan oo ay madax...
08/02/2025

Shir lagaga xaajoonayo xiisadda Congo ayaa maanta ka furmay magaalada Dara-Salaam ee dalka Tanzania.

Shirkan oo ay madaxda ururka bulshada bariga Afrika ay soo abaabushay wax ka qayb gelaya hoggaamiyeyaal ay ka mid yihiin madaxweynaha Kenya William Ruto, madaxweynaha Rwanda Paul Kagame, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, Madaxweynaha Tanzania Saamiya Saluhu Xasan.

Guud ahaan waxa shirkan ka maqan oo qaab fogaan araga kaga qayb gelaya madaxweynaha waddankiisa laga arrinsanayo ee Congo Mr Felix Tshisekedi kaas oo h**ena u diiday in uu uga soo qayb galo shir kan oo kale ahaa.

Madaxweynaha Congo ayaa ku doodaya in qaar ka mida madaxda shirkan soo abaabushay ay qayb ka yihiin dhibaatada dalkiisa ka taagan.

08/02/2025

Xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye oo war ka soo saaray soo dhawaynta madaxwaynihii h**e ee Somaliland.

08/02/2025

Xukuumadda Madaxweyne Cirro Oo U Qalab Qaadatay Wadada Balli-gubadle

Afhayeenka Ciidamada Puntland, General Maxamuud Maxamed Faadhigo, oo ka hadlay xaaladda dagaalka ay ciidamada Puntland k...
08/02/2025

Afhayeenka Ciidamada Puntland, General Maxamuud Maxamed Faadhigo, oo ka hadlay xaaladda dagaalka ay ciidamada Puntland kula jiraan kooxda Daacish, ayaa sheegay in labadii maalmood ee la soo dhaafay ay xaaladda goobihii lagu dagaallamay afartii bishan ay degganeyd oo aysan dhicin wax dagaal ah.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in 115 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Daacish ay ku dileen dagaalladaasi,Isagoo dhinaca kalena sheegay in ciidamada Puntland ay ka dhinteen 27 askari in ka badan 60 askarina uu dhaawacyo ka soo gaadhay oo uu ka mid yahay taliye ku-xigeenkii ciidamada Daraawiishta Puntland.

"Waxaan taageero iyo garab istaag u muujinayaa ciidamada dowladda Puntland ee buuraha Calmiskaat dagaalka kula jira arga...
08/02/2025

"Waxaan taageero iyo garab istaag u muujinayaa ciidamada dowladda Puntland ee buuraha Calmiskaat dagaalka kula jira argagixisada caalamiga ah ee Daacish, Argagixisadu arxan iyo ehel toonna ma gasho, inama kala jecla oo iyagu waxay inoo arkaan cadow, iyagana waa in aynu u aqoonsanaa cadow."

Xukuumadda Somaliland waxaan u soo jeedinayaa in ay muujiso taxaddar dheeraad ah si aan firxadka argagixisadu gabbaad uga dhigan
buuraha silsiladda Gollis iyo dhulka xadka ah ee
Jamhuuriyadda Somaliland, waayo balaayo madax laqabto ayay leedahay ee minjo la qabto maleh."

Xildhibaan Maxamed Abiib

08/02/2025

Guddida heer qaran ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro u magcaabay qiimaynta khasaaraha iyo taakulada dabkii suuqa Idaacadda, ayaa saaka kulankoodu u horreeyey yeeshay.

08/02/2025

Suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho ee Bakaaraha ayaa gebi ahaanba maanta xidhan ka dib markii ay ganacsatadu diideen cashuuro uu ku soo rogay maamuulka gobolka Banaadir.

Ganacastada oo xalay war soo saaray ayaa sheegay in ay suuqa shaqadiisa hakiyeen tani iyo inta laga xalinayo cabashada ay qabaan.

Dawladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii la soo dhaafay xoojisay cashuuraha ay ku soo rogtay suuqyada, shirkadaha iyo dhammaanba adeegyada kala duwan taas oo sababtay khilaaf xooggan oo u dhexeeya ganacsatada iyo dawladda.

Ciidamada Booliska JSL ayaa hawlgal ay sameeyeen gacanta kusoo dhigay Eedaysane  Salmaan Cabdilaahi Siciid  oo 10-1-2025...
07/02/2025

Ciidamada Booliska JSL ayaa hawlgal ay sameeyeen gacanta kusoo dhigay Eedaysane Salmaan Cabdilaahi Siciid oo 10-1-2025 Mobile kaga qaaday gabadh Degmada Ibraahin Koodbuur sida ay qabatay Kamerada qarsoon ee (CCTV).

Dedaal dheer oo ay sameeyeen Ciidamada Booliska JSL garahaan Saldhiga Ibraahim Koodbuur ayaa eedaysanaha gacanta kusoo dhigeen, waxaanu Ciidanku ku raad-joogaa eedaysane kale oo baxsada.

Taliska Ciidamada Booliska JSL waxa uu ka codsanayaa in dhibantii laga qaaday Telefoonka in ay timaado Saldhiga Ibraahim Koodbuur si kiiskeeda loogu gudbiyo Xeer Ilaalinta iyo Maxkamadda awooda u leh.

07/02/2025

Caaqil Jaambiir oo shaaciyay go'aano laga soo saaray shirkii nabada.

Ciidamada Booliska JSL garahaan hogaanka Nabadgelyada waddooyinka ayaa hawlgal ay sameeyeen  gacanta kusoo dhigay Eedays...
07/02/2025

Ciidamada Booliska JSL garahaan hogaanka Nabadgelyada waddooyinka ayaa hawlgal ay sameeyeen gacanta kusoo dhigay Eedaysane Mubaarik Cabdiraxmaan Maxamed oo xalay ku jiidhay waddada Labada Boqol Marxuumad Haweya Iidaan Ibraahin kadibna ka baxsaday goobta.

Waxaana Ciidamadu gacanta ku hayaan eedaysanihii iyo gaadhigii uu watay oo noociisu ahaa" Vitz" , waxaana eedaysanaha degdeg loo horgayn doonaa Ha'yaddaha garsoorka

06/02/2025

Ciidanka Booliska Somaliland oo gacanta ku dhigay hub sharci darro ah.

06/02/2025

"Dadka reer Puntland meel kasta oo ay joogaan dagaalka ha ka qayb qaataan " Madaxweyne Deni

06/02/2025

“Puntland waxay go’aansatay iyada iyo dadkeedu in ay isku tashadaan” Madaxweyne Deni

06/02/2025

Madaxweyne Cirro ayaa magacaabey guddiga heer Qaran ee qiimeynta khasaaraha iyo taakulada dabkii Suuqa Idaacadda.

Dagaal culus oo ay ku dhinteen qaar ka mid ah saraakiisha Puntland ee ciidanka hoggaaminayey, qaarna ay ku dhaawacmeen a...
06/02/2025

Dagaal culus oo ay ku dhinteen qaar ka mid ah saraakiisha Puntland ee ciidanka hoggaaminayey, qaarna ay ku dhaawacmeen ayaa ka dhacay Togga Jeceel oo ka tirsan buuraha Calmiskaad.

Dagaalkan ayaa sidoo kale waxaa ku dhintay in ka badan 15 askari, waxaana ku dhaawacmay tiro ka badan 50 askari, sida ay illo xog-ogaal ah oo magacyadooda sababo amni u qariyay ay VOA-da u sheegeen.

Afhayeenka Ciidanka Difaaca Puntland, General Maxamed Maxamuud Axmed, ayaa sheegay in ciidanka Puntland ay guulo ka gaadheen dagaal fool-ka-fool ah oo 24-kii saacadood ee la soo dhaafay ay la galeen kooxda Daacish, isla markaasna ay ka dileen 57 dagaalyahan, oo ajaanib ku jirto, dhul cusubna ay ka qabsadeen.

Afhayeenka ayaa qiray in ciidamadooda khasaare kasoo gaadhay dagaalkan oo uu ku tilmaamay midkii ugu cuslaa ee dhex mara Puntland iyo Daacish, inkasta oo anu tirakoobka khasaaraha ciidankooda sheegin.

Address

10
Khobar

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Sky Somali Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Sky Somali Tv:

Videos

Share

Category