Mohamed Ex-ilkacase

Mohamed Ex-ilkacase Farxada iyo naxdint waa lama filaan waana xaqiiqo jirta balse Murugada baqashada iyo warwarku waa doorashadaada aad adigu doratay.
(1)

Thanks
25/01/2024

Thanks

Ciwaankaygii canibaadba saaran waana la report gareeyey sidaa daradeed pagekaygan kale ayeynu kawada  socondoona isha al...
29/04/2023

Ciwaankaygii canibaadba saaran waana la report gareeyey sidaa daradeed pagekaygan kale ayeynu kawada socondoona isha allah mudo bil ah ayey ku xanibeen

Buuga maansooyinki iyo gabayadii cabdi iidan faarax ee boqorkayow heedhe oo dhawaan hargiesa lagusoo handhigi doono.
11/01/2023

Buuga maansooyinki iyo gabayadii cabdi iidan faarax ee boqorkayow heedhe oo dhawaan hargiesa lagusoo handhigi doono.

Sawir hadlaya
11/07/2022

Sawir hadlaya

Dhamaan Umadda Islaamka ah gaar ahaan, Ehelka,Asxaabta,Qoyska iyo Qarabaada.Waxaan idin Leeyahay Eid Mubarak, Ilahay Eid...
09/07/2022

Dhamaan Umadda Islaamka ah gaar ahaan, Ehelka,Asxaabta,Qoyska iyo Qarabaada.

Waxaan idin Leeyahay Eid Mubarak, Ilahay Eidan Eideda Ha inagu Gaadhsiiyo Caafimaad, Bashbash iyo Barwaaqo. Aamiin Aamiin Yaa allah.
🌙🌙🌙 تهنئه عيد
الاضحي👇🌹👇

الى عائلتى واحبابى واصدقائى يسرنى ويسعدنى ان اتقدم اليكم بأصدق التهانى واطيب التبريكات بمناسبه حلول 💙 عيد الاضحي المبارك 💙سائل المولى عز وجل ان يجعل ايامكم كلها افراح وان يعيد علينا وعليكم اعوامآ عديده وازمنه مديده 💙 وانتم فى احسن حال. ويتقبل الله منا ومنكم صالح الاعمال
❤❤❤كل عام وانتم بخير❤❤

Wiilkani waxa uu baraha bulshada kusoo gala magaca    Teyzan Alley Waxan jeclaystay inan waxyar u iftiimiyo dadka ninkan...
06/07/2022

Wiilkani waxa uu baraha bulshada kusoo gala magaca Teyzan Alley

Waxan jeclaystay inan waxyar u iftiimiyo dadka ninkani yari wuxu sameeyey barnaamij is barbar dhig ah oo kitaab iyo iphone 13 pro kartoonkiisa oo madh oo kala dooran siinayo dadweynaha suuqa jooga.

Waxan arkay hadana dad badan oo isaga ku dhagan oo haysta oo wax yar oo soke ku meeraysanaya

Waxa jira barnamij hada ay wadaan dad youtubers waa weyn oo carbeed iyo ay kasoo qaateen mashaariic wasaradaha diinta iyo awqaafta si dadka loo jeclaysiiyo kitaabka alle

Waxa naxdin noqotay in dadka laysu barbar dhigo lacag yar oo dhawr boqol oo riyaal ah iyo kitaabka ay dad badani qaateen lacagta.

Hadaba ninkan yar ee Teyzan wuxu sameeyey qiimo ka badan kuwa carabta laga wado oo ah iphone 13 pro iyo kitaabka oo uu waliba dadka qalbiga fiican uu lacag ugu darayo doller ah.

Waxa mucjiso noqotay in aanu hal qof oo somali ahi aanu qaadan iphone 13 pro ee ay wada qaateen kitaabka alle iyaga oo uu qalbigooda ku weyn yahay.

Ma in lagu aamano inuu kitaabka alle dadka hadyad iyo tajriibo ugu dhigay wanaagoodana aduunka tusay ayey ahayd mise in lagu dhaleeceeyo

Anigu shakhsiyan arintaa waxan u arkaa arin uu ku mutaystay sharaf iyo wanaag uu tusay caalamul islam inaynu nahay umad ehelu tawxiida.

Mahad sanid walal see share garee si uu u gaadho walalaha kale

W/Q: Mohamed Ex-ilkacase

Congratulations  wasiirka horumarinta beeraha ENG-Cabdiqadir iimaan warsame.
27/06/2022

Congratulations wasiirka horumarinta beeraha ENG-Cabdiqadir iimaan warsame.

Waxan kula tilanayaa dhamaan dhalinyarada miyirka qabta ee academyga ah in inankaas yar aan la niyad jabin ee buugaas la...
27/06/2022

Waxan kula tilanayaa dhamaan dhalinyarada miyirka qabta ee academyga ah in inankaas yar aan la niyad jabin ee buugaas laga iibsado.

Tacaba ka galay maskax iyo safaro iyo qarash aan cidina k caawinba ka galay daabacada lafteediiba laga rabaa qarashkeedii.

Hadad inuun miyir qabtaan qorayada dada yar ee dadaalaya yaan la niyad jabine intaad waxano bararaqa joojisaan buuga xalay cidi may xasuusan in la iibsadee hada haloo hiiliyo ninkaas.

Waliba si qaran haloogu hiiliyo oo buugaas halaga iibsado inanka ifka wax laysugu yahaye aakhiro waxba laysuguma aha dhalinyaroy.

AHUN cabdirahman ahmed cali xurmo iyo duco iyo abaalbu inagu leeyahay dhamaanteen.

W/Q:Mohamed Ex-Ilkacase

25/06/2022

''Cabdilaahi Jawaan Waa Shaqsigii Sameeyay Astaanta Qaranka JSL''

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta JSL

KA FAAIIDAYSO WAKHTIGAN CASRIGA AHwaxaynu samaynaa in aynu ku dadaalo sida wakhtiga loo lumiyo hadaynu nahay somali.Laki...
05/06/2022

KA FAAIIDAYSO WAKHTIGAN CASRIGA AH

waxaynu samaynaa in aynu ku dadaalo sida wakhtiga loo lumiyo hadaynu nahay somali.

Lakiin ma ogtahay umadaha hurumaray inay wakhtiga ka faaiideeyaan kana faaiidaan horumar iyo wax soo saar cusub.

Waxaynu joogna wakhti aad naftaada ku dhisi karto diiniyan iyo maadiyan, waa wakhti ay sahlan tahay inaad hesho macluumaad aad u faro badan oo duuban.

Waxa layidhaahda wakhtigan aynu ku jiro information age waxa kalo looyaqaana digital age computer age Media age
waxad awood u leedahay inaad adigoo kursigaaga ku fadhiya ama sariirtada jiifa inaad baran karto aqoon aan ahayn facultyga aad ku takhasuustay amase adigoon masiiba u helin waxbarasho.

Waxa intaaba kasii fiican oo awooda maskaxeed kaa dhisi karta, dhagaysiga maqalka ood dhagaysato macluumaad iyo aqoon duuban oo internetka ku jirta waayo waxa aad akhrido waxa ka samayn weyn waxad maqasho ee maskaxda toos ugu dhacaya.

Bal qiyaas intee oo cilmi ah ood dhagaysataa maalinta qudha,
xog intee leeg oo ah cilmi iyo maqluumaad ayey ku kordhin kartaa maskaxdada.

Waxa hubaal ah inaanad ahaanayn kaad shalay ahayd, oo aad dareemayso farqi weyn oo u dhaxeeya hab fikirkaagii shalay iyo maanta.

Tusaalaha ugu yari waa markaad kaligaa tahay ood cidlo lugaynayso waa hubaal inaad wakhtigu kugu dheeranayo hadad iska socoto,
balse hadaad cilmi dhagaysanayso waa hubaal inay kugusoo koob mayso wakhtigu.

If iyo aakhriba inaad adeegsato dhagaha iyo carabka waa guul weyn hayska lumin wakhtiga waliga

Bal qiyaas xadiiskan كليماتني خفيفاتني في ليساني ثقيلاتاني في لمزاني حبيباتني إلراحمني سبحالله وبيحمدي سبحالله العزيم

Waa laba kalmadood oo ku fudud carabka miisankana ku culus illahayna jecel yahay subxanalahi wa bixamdi subxanali cadiim

Akhirte waxad is waydiisaa saacadan la joogo maanto dhan waad buuqaysay waakhti badana waa laga yaaba inaad firaaqo haysay hal kalmadna ha ahaatee maxad ka faa'iiday wixii oo hadal iyo tororog ahaa eed ku dhex jirtay.

Akhriste waxad is waydiisaa waxa aad wakhtiga ugu badan ku bixiso ama ku lumiso maxa faa'iido ah ee kasoo gala hanoqoto mid cilmi mid aduunyo.

Maxad wanaag iyo dan umadeed iyo mid gaaraba aad qabatay maanta, runtii shamacu wuxuu inoo iftiimiya si aynu iftiin u helo waxanu dhamada isagoo unoo faa'iidey iftiin,
sida macalinkuba ardayda ugu bixiyo energy badan si ay wuxuun u fahmano.

Hanoqon shamac ka baxaya saxare(desert) cidla ah oon wax uu taraya jirin.

Ma jiro qof maanta uu haysto jahligii jiray sodon sano ka hor hadii uu jirana waa qof isagu doortay sidaas,

waad is bari kartaa aqoon naftaadana waad dhisi kartaa (self study) qofka isagu wax is baraa wuu ka aqoonyahan sanyahay ka wax lasoo baray ee lagu garab taagna wax barashada.

Fadlan, walal sii share garee adigo mahadsan si uu gaadho walalaha kale.

W/Q: Mohamed Ex-ilkacase

22/03/2022

Waar waa kan fankii bilaa danbiga ahaa

Waxa aad loogu farxo ah markan arko dad shawigooda qaadanaya oo xoolohoodii iyo hawlahoodi soo dhamaystay oo si xishoodleh u heesaya.

Wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa maalinta berri ah gaadhaya Taiw...
07/02/2022

Wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa maalinta berri ah gaadhaya Taiwan, sida ay shaacisay Wasaaradda Umuuraha Dibedda Taiwan.

Waftiga waxa kamid ah; Wasiirka Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Qorsheynta Cumar Cabdillaahi Bade, iyo Wasiirka Xanaannada Xoolaha iyo Kalluumeysiga Siciid Sulub.

Cadhada kasoo bilaabanta goobtada shaqo waxay samaysaa bisada gurigaaga joogta.
07/02/2022

Cadhada kasoo bilaabanta goobtada shaqo waxay samaysaa bisada gurigaaga joogta.

HANAANKA DAWLADNIMO------------☆☆☆☆☆☆Waxa aad maanta oo dhan maqlaysay in xisbigii aad la haydeen waa rajada shacabka uu...
23/10/2021

HANAANKA DAWLADNIMO
------------☆☆☆☆☆☆
Waxa aad maanta oo dhan maqlaysay in xisbigii aad la haydeen waa rajada shacabka uu qaaday wado qaldan oo han yaraani ka muuqato.

Maxay tahay bulshoda caalamka ayaa taageertay inaynu doorasho qabsano.

Waa maxay sababta loo hanjabinayo qaran dhan oo doorasho qabsan kara qarashkana diyaarin kara inuu gacmaha u hoorsado wax layidhaahdo (International community)

Mase og tahay nimanka la baxay bulshada caalamku inay leeyihiin siyaasad ah,

In aanay arki karin dal iskii wax u qabsada?.

Mase ogtahay inay jiraan wadamo liiska ugu jira oo ay u aqoonsan yihiin wadamo aan lahayn qacli ay isku maamulaan waajibna ay isaga dhigeen in la maamulo?

Hadii aanad fahan sanayn hanaanka dawladnimo wax badanba ka qaldamaya.
In yar u samir qoraalkan dheer balse koob sanaya falsafada dawladnimo.

Fikradaha siyaasadeed si guud ahaan ah waxeey kasoo baxeen maskaxda ama aqoonta & waayo aragnimada qof mararka qaar laga yaabo aan diin ama dhaqan wadaagin.

markaan falsafad ahaan waxaa dhalan karta in ay ku xiran tahay fikradaa diinta uu aaminsan yahay ama dhaqankiisa. Fikrahaan bulsheed ama siyaasadeed ama dhaqaale ayaa ah kuwo lagu kala gedisan yahay waxeeyna badanaa wataan sabababeyn ama doodo waaqici ah oo caqli gal ah sidoo kalena daldaloolooyin.

Aragtiyo badan iyo fekrado ayaa jira dhamaan culuumtan aartska ah.

Waxaana la yiraahdaa hadii su’aa falsafeed la is weeydiiyo ma jirto jawaab falsafadeed oo ay leedahay.

Dhamaan waxa la raadinaayo waa wanaaga bani aadamka iyo waxa u dhow cadaalada iwm.

Aragtida dowladnimada waa aragti ku saleysan yaa xaq u leh in uu wax maamulo, qaanuun dejiyo iwm.

Sideese loo qeybsan doonaa ama loo qeybsanayaa waxa dowladnimad ay keento ee awood ah ama dhaqaale ah, magac ah, fursado ah maamuus ah oo dowladu keento.

Falsafada dowladnimo ama siyaasadeed waxaa kor u qaada oo buunbuuniya umadaha markaa jira ee ay kasoo dhex baxdo sidaa darteed ayaa dimuqraadiyada hanaanka ahi u noqday mid caan ah oo idaacadaha ka hadlaan aadna loo buunbuuniyo in uu guul u yahay hanaan dowladnimadeedka jira caalamka.

Horumarka dad gaaro iyo hanaanka dowladnimo ee ka jira dal iskuma xerno oo waa la gaari karaa horumar iyadoo hanaanka dowladnimo yahay mid faashil ah.

Waa Maxay Dowlad Wanaag?
Dowlad wanaaga waa hanaan dhaqaalaha, siyaasada iyo maamulka dal uu maro meel la dhihi karo waa mid hufan oo cadaalad leh oo xisaabtan uu ku jiro go’aan qaadashada iyo hergelintada siyaasadaha dowladeed.

Sidoo kale dhamaan codka qofka awooda leh iyo qofka aan awooda laheyn waa la maqlaa marka ay noqoto qorsheynta, qiimeynta & hergelinta intaba.

FG:dawlada wanaagsani waxay ka timaada xisbiga wanaagsan ee hanka iyo qabka leh iyo qiyam wadaniyadee.

Dowlada wanaagsani waxey xiriir la leedahay suuqyada ganacsiga, bulshada rayidka ah, dalalka deriska ah, caalamka & hey’adaha caalamiga ah.

Balse maaha mid ay u taliyaan oo taladeeda u gacan galisa dawladaha aduunka.

Dowlada wanaagsani waa mid ka fog masuqmaasuqa waa mid leh xisaabtan oo waxaa loo baahan yahay in la is weeydiiyo su’aalahan Maxaa qabsoomay? Maxaanse qabsoomin? Maxayse u qabsoomi waayeen? Maxaan saxnay? Maxaanse khaladnay? Maxaan fulinay? Maxaase dhiman? Ma gaadhnay ujeedooyinkeenii? Mise wali waxbaa hadhay? Maxaa laynagu dhaliilayaa? Maxaa ka jira? Maxaanse ka qabanay? Maxaan khasaarnay? Maxaanse faaiidney? Maxaa kharasha oo baxay? Muxuu ku baxay? Maxaase loo bixiyay?
Dowlada wanaagsani waa mid leh asbaabahaan soo socda
In dowladu tahay mid muwaadin walba rag iyo dumar uu xaq u leeyahay ka qeybqaadashadeeda go’aanada,ka hadlideeda, ogaashaheeda, iyo in laga helo cadaalad si siman hadii ay noqoto in maamulka, shaqada iyo mansab walba oo siyaasadeed la Qabto. In dowladu leedahay sharci iyo qaanuun sidoo kale kala dambeyn bulshada dhexdeeda ah. Waa in uu jiraa sharci u kala dabqaada dadka oo u cadaalad fala oo ku dhisan rabitaankooda ka soomaali ahaan Sharcigeena waxaa wanaagsan inuu noqdo mid ku saleysan diinta islaamka. Waxaa wax laga xumaado ah sharci aan damaanad qaadi Karin cadaalad. In dowladu noqoto mid aqbaarteeda ku gudbisa idaacada si loo arko, loo maqlo, loona fahmo go’aanada ay qaadaneeyso, sharciga in ay kusocoto iyo inkale iyo hergelinta wixii ay h**e u balanqaaday. Taa waxeey ka hortagi kartaa masuqmaasuqa. Dowlada wanaagsani waa mid go’aanada ku qaadata si wadajir ah mararka qaarkoodna afti dadweyne kadibna meelmarida Dowlada wanaagsani waa mid lala xisaabtami karo oo u furan su’aalo weydiin, dood, iyo in wax meel la isla meel dhigo wixii qaldana la saxo. Dowlada wanaagsani waxeey bulshada u abuurtaa hiraal, ka dhaadhicidaa, ka gadaa hiraalkaa. Dowlada wanaagsani dadkeedaa aaminsan, waa mid loo jeedo meesha ay u socoto, mid qaadata go’aana wanaagsan oo shaqadeeda dadweynaha qiimeeyo mustaqbalkana keenta guulo iyo horumar la taaban karo. Dal majiri karo dowlad la’aan. Dowladu waa muhiim in ay heshaa ama leedahay dad isku xeran oo leh qaanuun, sharciyo & nidaam. Xurnimo waa in sidoo kale ka jirtaa gudaha iyo debada dalka tusaale ahaan in awaamiirta dowladeed loo hogaansamo dalka gudahiisa iyo debadiisaba. Waxaa kale oo muhiim ah in aysan jirin farogelin shisheeye. Waxaa kale oo mudan in la is tuso in qaran & qaranimo kala duwan yihiin oo mararka qaar la isku qaldo. Qaranku wuxuu sameysmaa marka dad ay wadaagaan ama kasoo wada jeedaan meel si simana u leeyihiin dhaqan wadajir ah, luqad, taariikh, dareen wadajir ah oo saxa iyo qaladka lagu garto iyo in ay leeyihiin dhul deegaan u ah. Qaranimadase waxeey leedahay tan h**e aan kusoo xusnay oo dhan oo lagu xeray dareen uu qofku u qabo dadkuu uu ka mid yahay oo isku xerta oo ka dhigta sidi jir wada damqada oo dareen wanaagsan sida farxada isla dareema si wadajir ah. Marka aan fiirino dagaalada ka dhacay caalamka badanaa waxeey ahaayeen kuwo ay sababtoodu laheyd qaranimo. Astaamaha qaranimo lagu garto waxaa ka mid ah in ay dadka ama bulshada wadaagto degaan ka dhexeeya, Ab/isir ka dhexeeya mararka qaar aan muhiim aheyn, luqad, dhaqan, diin, midnimo siyaasadeed iyo dan.

Hadii aad dhamaysatay
Ma jiraan qaladaad ay ku jirto dawladu ama xisbiyada mucaaradku?

Waa noo mihiim jawaabtadu.

Wafti uu hogaaminayo wasiirka arimaha dibada somaliland Dr ciise Kayd  oo  jooga maalintiisi labaad caasimada dalka keny...
21/10/2021

Wafti uu hogaaminayo wasiirka arimaha dibada somaliland Dr ciise Kayd oo jooga maalintiisi labaad caasimada dalka kenya ee Nairobi.

Waftigan waxa wasiirka ku wehelinaya wasiirka maaliyada Sacad cali shire wasiirka qorshaynta qaranka cumar cali Abdilahi, iyo ergayga gaarka ah ee wada hadalada somaliland iyo somalia Drs Adna Adan Ismail.

Waftigan ayaa lagu wadaa inay kusii nagaadaan ilaa 26 bisha October,
Iyagoo la qaadanaya kulamo kala duwan masuuliyiinta dalka kenya iyo bulshada caalamka ee joogta dalka kenya.

04/10/2021

Siyaasi ibrahim mahdi oo siro badan shafilay subxanalah.

SHARE AAD TIDHAAHDA BADBAADO U NOQON KARTA FADLAN SII FAAFI ADIGO U  NAXARIISANAYA UBADKAN IYO HOOYADAN DHIMIRKA AH-----...
29/09/2021

SHARE AAD TIDHAAHDA BADBAADO U NOQON KARTA FADLAN SII FAAFI ADIGO U NAXARIISANAYA UBADKAN IYO HOOYADAN DHIMIRKA AH
-----------------------
Waxad aan ku arkay sawiradan iyo warbixtooda Facebookga hooyo xanuunsanaysa oo dhimirka ah

Waxay hooyadiini wadataa laba caruura mid way jiidaysaa oo cagaha iyo jilbaha mudhxay sida la sheegay

Midna way xanbaarsan tahay balse ma dhaqdhaqaaqayo mana soo saa rayso maba xasuusna

Hooyadani waxa laga helaya oo ay soo ag fadhiisataa bartamaha magalada hargiesa gaar ahaan labada masaajid ee isku dhaw ee aaga xero hadhuudha labada masjid ee Aw Cabdi iyo Aw bashiir

Waxba dadka ma waydiisato ayaa la yidhi iyaguna maba xasuustan dadku way iska dhaafan mar hadanay la hadlaynba

Waxa shaki laga muujiyey in ilmaha dhabarka saarani aanu noolaynba waayo wax dhaqdhaaqa maleh mana soo furto ilmahaas

Fadlan haloo gurmado hooyada iyo caruurtaas

Bisad bulaacad ku dhacdayba waa la badbaadiyaaye dadkaas jilicsan ee usku dul bakhtiyaya haloo gurmado

Waxan ka rajaynayaa in wasarada iyo arimaha qoyska iyo haayadaha kale ee dawliga iyo shacabka muxsiniinti gurman doonan,

ugu yaraan waxay ubaahan yihiin badbaado nafeed bal wixii danbe la tarayaa ha danbeeyane.

Fadlan share garee walal idinko mahad san.

Address

Dawhat Al Qatar

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mohamed Ex-ilkacase posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Mohamed Ex-ilkacase:

Videos

Share

Category


Other Video Creators in Dawhat al Qatar

Show All