Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay in bandow caawa ka bilaabanaya ay kusoo rogeen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, isla markaana ku eg maalinta Isniinta ah.
Afhayeenka Ciidanka Booliska ayaa sheegay in sababta Bandowga loo soo rogay ay tahay xaqiijinta ammaanka doorashada Madaxweynaha iyo in laga hortaggo in ay dhacaan falal amni daro. Waxaana uu xusay in heegan buuxa la galiyay Booliska.
Khudbadii madaxweyne
MAXAMED CABDULAHI MAXAMED (FARMAJO)
15-ka May ee lagu asteeyey doorashada waa maalin taariikhi weyn u leh shacabka Soomaaliyeed oo ah markii la aasaasay xornimo doonkii SYL, waa maalin halgan oo ku suntan xornimo doon iyo waddaniyad, taas oo Soomaaliya gaarsiisay xornimo buuxda.
Innagoo tixraacayn sooyaalka maalintaas waxaa waajib ku ah mudane iyo marwo kasta oo ka tirsan Baarlamaankeenna sharafta badan in ay 15-ka May ay muujiyaan Mabaadi’dii wadaniyadda iyo dowlad-jecelka ee lagu aasaasay halgankii waddaniga ahaa ee miro-dhalay ee SYL.
Waddaniyaddu waxay dhashaa midnimo, midnimaduna waxay keentaa dowlad-wanaag, dowlad-wanaagana waxaa aas-aas u ah la dagaallanka musuqmaasuqa iyo qabyaaladda.
Mudaneyaal iyo Marwooyin,
Sida aaad ogsoon tihiin muddada aan xilka hayey waxaan aad iyo aad uga fogaaday musuqmaasuqa iyo qabyaaladda, waxaan ku dadaalay in aan ilaalinno hantida umadda iyo madaxbannaanida qarankeenna, waxaan ku guulaysannay in aan isbeddel dhab ah ka hirgelinno dalka.
Mudaneyaal iyo Marwooyin,
Sida aad ogsoon tihiin, isbeddel-doonka socda ee aan hoggaaminayo waxaa uu ka soo horjeedaa nidaamka isbeddel-doonka fadhiidka ah ee curyaamiyey dalkeenna, kaas oo hadiifkiisu yahay “Qof lagu beddelo qof kale”.
Xildhibaanna sharafta badan
Waxaa xaqiiq ah in dadka Soomaaliyeed ay idin ka sugayaan in aad kala doorashadiinna ku saleysan afkaarta maamul iyo awood hoggaamineed ee uu leeyahay hoggaamiyaha lagu aaminayo talada dalka.
Haddaba ii ogalaada in aan fasiraad kooban idin ka siiyo isbeddel-doonka socda ee aan hoggaaminayo iyo farqiga u dhexeeya isbeddel-doonka fadhiidka ah.
Isbeddel-doonka fadhiidka ah waa,
- Siyaasi bannaysta kutakri-falka hanti ka dhaxeysa Umadda.
- Siyaasi aan ka xishooneyn qabyaaladda iyo kala qeybinta shacabka, taas oo u adeegaysa danihiisa gaarka ah.
- Siyaasi ka horumariya danta shisheeye tan dalkiisa.
Isbeddel-doonka socda waa;
- Siyaasi ka shaqeeya ilaalinta danta guud iyo ammaanada shacabka, lana da
Qorax soo baxday sacabka lama saari karo