Abdiqani Nour Abdulle

Abdiqani Nour Abdulle Newsletter.

20/09/2024

Horjooge Maxamuud Maxamed Salaad, wuxuu ka mid ahaa horjoogayaashii lagu aas'aasay kooxda xagjirka ah ee AS. Talliyaha hay'adda NISA ayee walaalo yihiin. Mahad Salaad ayaa ka weynaa Maxamuud.
Mahad waxaa la dhashtay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu firfircoonaa ee kooxda uu hadda kula jiro dagaalka. Mahad walaalkiis waxaa la dilay isagoo dagaal kula jira tolkiisa, gaar ahaan suufida guriceel.
Maxamuud wuxuu ku jiray rag aad u tirro yaraa oo kasoo qalin jabiyeen guryihii sirta ee muqdisho. Kawaadirtii ugu horreysay ee xarakadu soo saarto ayuu qeyb ka ahaa. Sannadihii 2002-2003 ayaa tababaro sir ahaa lagu siiyay guryo isla sir ahaa oo muqdisho ku dhex yiilay.
Maxamuud, waxaa soo saareen oo gacmahooda ku tababareen Macallin Aadan iyo Cumar Dheere oo ay habargidir isla yihiin. Keddib markii uu soo dhameestay tababarka ayaa lagu darray amniyaadkii howlaha khaarijinta ka waday xilligaas magaalada muqdisho.
Maxamuud ayaa muqdisho ka dhex fuliyay tobanaan howlgalo kala duwan oo khaarijin ahaa. In badan oo dadka uu beegsaday ah waxay ahaayeen dad u shaqeynayay hay'ado kala duwan iyo saraakiishii h**e ee ciidamada xooga dalka. Maxamuud ayaa siddoo kale ka mid noqday dadkii lagu aas'aasay mucaskarkii Salaaxu diin ee magaalada Muqdisho.
Gacanta midig ee Macallin Aadan ayuu noqday waqtigii uu socday dagaalkii galgalato. Wuxuu ka qeyb ahaa inta badan dagaaladii lala galay hoggaamiye kooxeedyadii muqdisho. Maxamuud ayaa ka mid ahaa saraakiishii maxaakiimta ee la wareegay gacan ku heynta magaalada Kismaayo.
Maxamuud ayaa ku dhaawacmay dagaal ka dhacay degmada dajuumo ee gobolka jubbada dhexe. Siddoo kale wuxuu ku dhaawacmay dagaalkii Daynuunaaye. Keddib jabkii maxaakiimta wuxuu ka mid ahaa raggii dib usoo nooleeyay kooxda AS.
Wuxuu isku wada qaban jiray shaqada amniyaadka iyo jabhadeynta. Wuxuu ku jiray horjoogayaashii AS ee qaabilsanaa muqdisho waqtigii uu socday dagaalkii la kula jiray ciidankii Itoobiya iyo dowladdii Cabdullaahi Yuusuf. Dagaalo kharaar oo ka kala dhacay muqdisho iyo daafaheeda ayuu ka qeyb ahaa.
11 January 2009, ayaa Maxamuud lagu dilay degmada Guriceel ee gobolka galgaduud. Dagaal aad u kululaa oo dhex maray AS iyo Ahlu Sunna ayaa lagu dilay. Dhowr horjooge oo kala ah Maxamuud Maxamed Salaad, Timo Jilic, Cabdullaahi Suudaani ayaa maalintaas la dhigay fagaaraha dagaalka.
Mahad Salaad ayaa xilligaas ku noolaa magaalada Qaahira. Marka la dilayay walaalkiis wuxuu ka maqnaa dalka. Xariir aad u sarreeya ayuu la lahaa walaalkiis. Maxamuud ayaa siddoo kale xariir la laha labbada ganacsade ee ay qarabada yihiin ee lagu kala magacaabo Xuseen Goleey iyo Xuseen Cali Salaad.
Farriin uu Ina Godane soo diray bishii September 2009-kii, ayuu kusoo hadal qaaday magaca Maxamuud Maxamed Salaad. Horjoogayaashii uu soo hadal qaaday waxay kala ahaayeen Cabdullaahi Salaad, Macallin Timo Jilic, Maxamuud Maxamed Salaad, Cabdiraxmaan Sandheere, Cukaashe.

20/09/2024

Mudooyin badan ayaa inagu dhaafay talo xumo salka ku haysa wax aan la sharixi Karin oo aan u maleenayo in weli loo la yahay cidii sharixi lahayd tani waa mid sameyn ku yeelatey dadka lagu magacaabo reer Galmudug oo dhan Arintani waa mid u baahan in si dhaqso ah wax looga qabto waayo waa arin sii gumeynaysa reer Galmudug aan kala sooc laheyn balse su’aashu waxay tahay

1- Waa maxay Talo Xumada aan sheegaya?

Talada Xumada aan sheegayaa waa midan cid walba u muuqata ee aynu ka wada dharagsan nahay oo ka mid noqotey nolol maalmeedkeena taas oo ah hogaan xumo,siyaasad xumo maamul xumo, waa arinta hor taagan in dhibaatooyinka Galmudug wax ka qabato

2- Xagee ayey Joogtaa talo Xumadu?

Talo xumadu waxay yururtaa caqliga qaar ka mida oday dhaqameedada Galmudug , iyo kuwo sheegta siyaasiin oo gacanta ku hayey talada deegaankaas la yiraa Galmudug ilaa hadana ku haya, qaar ka tirsan ganacsatada somaaliyeed Qorshaha ay ku fuliyaan si ay u gaadhaan waxaa la yidhaahdaa qabyaalad ku qadhaabo.

,taas oo hageyso dano shaqsiyadeed oo huwon shaadh qabyaaladeed ku dhisan dhalaan habaabis fikireed.

3- Maxaa ka Jira in dadka qabyaalada ku adeegtaa ay dhab ka tahay qabyaaladu oo ay daacad u yihiin qabiilkooda?

Su’aasha Jawaabteedu waa mid si fudud qof waliba uga jawaabi karo waayo waxa aynu u soo joogney isbedelka ku dhaca dadka ku xoogsadada qabiilku markey danahooda gaarka ah ku fushadaan in ay ugu dambeyso soo hadal qaadka qabiilkii uu ku abtisan jirey markuu rabey in uu ku fushado ama ku kacsado awrkiisa .

Tusaale yaal badan ayeynuu soo qaadan karnaa sida aaney dhab uga ahayn kooxaha dadka ku kiciya qabyaaladu inaaney wax dan ah ka lahayn qabyaalada iyo reernimada balse ay u adeegsadaan uun qalab ahaan (as a tool),si ay uga faa’iideystaan caadifada kuwa aan ka ilbaxin hagardamada, iyo shirqoolka maalin walba taagan.

Marka taariikhda dib u eegno waxaa aynu milicsan karnaa dhacdooyin badan oo taariikhda ku xusan oo rag xukun ku coloobay balse isku reer ahi isku shirqooleen iyaga oo sidaa u yeelaya uun xasad,iyo shaqsi toocsi balse aan dan ka lahayn qabiil,dawladnimo qaranimo, horumar iwm

Galmudug maanta fursad ayaa hortaala
Kofi Adam waa siyaasi aan marnaba ka qeyb noqon dhibaatooyinka aan kor ku soo sheegay ee ka jiray ka jira deegaanadas hadana u taagan jagada ugu sareysa Galmudug
Nin oday ah ayaa hada ka hor oraah laga qabtay taas oo aheyd
Maalinkaan tabar hayey talo ma heyn maanta oo talo hayana tabar ma hayo
Reer Galmudug isku duuban maanta intaba waad heysaan ee ka faaiideysi ayey u baahan tahay

01/07/2024

Ilmaheyga la jirkooda

Address

Nairobi

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Friday 09:00 - 17:00
Saturday 08:00 - 17:00
Sunday 08:00 - 17:00

Telephone

+252618270634

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdiqani Nour Abdulle posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Abdiqani Nour Abdulle:

Videos

Share

Category

Nearby media companies