Hamza Mx

Hamza Mx wll soo dawow fadlan subscribe deh channel Keega

Wallahi waan u tiiraanyoonayaa masaakiinta .. Shalay unbay ahayd markii ay lahaayeen Yuhuud baa na ictiraafaysa, maantan...
11/01/2026

Wallahi waan u tiiraanyoonayaa masaakiinta .. Shalay unbay ahayd markii ay lahaayeen Yuhuud baa na ictiraafaysa, maantana waxaa loogu yeeray in loola dhaqmo sidii kuwii Yemen oo kale, laguna qabto gacan bir ah..

Hadaba ​Haddii Sacuudigu aqbalo codsigan waana hubaal inay aqbalayaan .. tolow kuwii Hargeysa joogay xaggee bay u carari doonaan?

​Ma Yuhuuddii bay u yeeran doonaan mise xaqiiqada ayay waajihi doonaan?..

Sida la sheegayo, Trump wuxuu leeyahay: Dulqaadkii waa dhammaaday.. Haddii tani dhacdo, Adduunku wuxuu galayaa bog cusub...
11/01/2026

Sida la sheegayo, Trump wuxuu leeyahay: Dulqaadkii waa dhammaaday..

Haddii tani dhacdo, Adduunku wuxuu galayaa bog cusub oo aan la arag, saameyntuna meel walba way gaari doontaa xitaa shidaalka iyo maciishadda runtii..

​Waxaad mooddaa inaan u dhawaannay Dagaalkii 3-aad ee dunidu ka cabsanaysay..

Hadaba Trump ma ku dhiirran doonaa tallaabadan, mise waa cadaadis siyaasadeed kaliya..

War heedhe, Abiy Axmed waxaan maqlay inuu Jabuuti u cararay, isla markaana albaabka ku garaacay Ismaaciil Cumar Geelle. ...
11/01/2026

War heedhe, Abiy Axmed waxaan maqlay inuu Jabuuti u cararay, isla markaana albaabka ku garaacay Ismaaciil Cumar Geelle. tolow, maxaa uu damacsan yahay..

Qisadan waa mid ka mid ah dhacdooyinka ugu cajiibsan ee Taariikhda Islaamka, taas oo ku tusinaysa in Hidaayada Alle ay t...
11/01/2026

Qisadan waa mid ka mid ah dhacdooyinka ugu cajiibsan ee Taariikhda Islaamka, taas oo ku tusinaysa in Hidaayada Alle ay timaado ilbiriqsi gudaheed..

​Saxaabigan magaciisa waa Camar Binu Saabit oo loo yaqannay Al-Usayrim.
​Si aan si fiican ugu fahanno miisaanka saxaabigan, bal dib aan u xasuusano qisadii aan horay uga hadlay ee Sacad Binu Mucaad (RC), ninkii geeridiisa uu la ruxmay Carshiga Raxmaanku..

​Markii uu Sacad qaatay Diinta, reerkiisa oo dhan (Banii Cabdil Ash hal) hal mar ayay wada muslimeen, marka laga reebo hal nin oo kaliya oo isagu dib uga dhacay qaadashada Diinta .. Ninkaasina wuxuu ahaa saxaabiga qisadeena maanta ee Al-Usayrim..

​Mudo ayuu ka cudur daaranayay Islaamka, laakiin Maalintii Dagaalka Uxud, markii ciidanka Muslimiintu baxeen, ayaa qalbigiisa waxaa si lama filaan ah u haleelay Nuurka Iimaanka..

​Ma uusan sugin, degdeg ayuu u soo qaatay seeftiisa, wuxuuna ka daba tagay ciidanka isagoo raba inuu Rasuulka (SCW) garab istaago oo uu difaaco. Si geesinimo leh ayuu u galay dagaalka ilaa uu dhulka ku dhacay isagoo dhaawacyo culus qaba..

​Markii dagaalku qaboobay, Asxaabta oo maydadka dhex maraya ayaa arkay nin dhiig baxaya.. Waa kuma? Waa Al-Usayrim
Way naxeen, sababtoo ah waxay ku ogaayeen inuu diinta diiddanaa,

waxayna weydiiyeen: "War Usayrim, maxaa halkan ku keenay? Ma xamaasad qabiil iyo tolnimo mise Islaam jaceyl?"
​Wuxuu ku jawaabay:

Mayee, waa Islaam jaceyl. Alle iyo Rasuulkiisa ayaan rumeeyay, seeftana waan qaatay, waana dagaallamay ilaa aan ka gaaray heerkan aad aragtaan..

​Daqiiqado kadibna wuu geeriyooday, markii warkiisii loo geeyayna, Rasuulku (SCW) wuxuu yiri: Isagu waa Ehlu Janno..

​Sidaas ayuuna Al-Usayrim ku noqday Saxaabiga kaliya ee Jannada galay isagoon weligiis hal Salaad tukan, sababtoo ah markii uu soo Muslimayba wuxuu galay Jihaadka, waqti Salaad la tukado ayaanan soo gelin ilaa uu ka shahiiday.. Allahu Akbar..☝️❤️

​Qisada Al-Usayrim waxay inoo reebaysaa farriin culus oo ah in albaabka Towbaddu uusan weligiis xirmin. Cimrigiisa oo dhan wuxuu ku soo qaatay gaalnimo, balse Nus maalin oo daacadnimo ah ayaa ka dhigtay Saxaabi Shahiid ah oo Jannada ku waaray..

​Allow Khaatumada noo hagaaji.. Aamiin 🤲

Ugu dambayntii Walaalayaal, diyaarinta qisooyinkan dadaal badan ayaa ku baxa, balse idinkaa mudan.. Haddii aad ka heshay qaabka aan wax u wadno, fadlan ha naga iloobin Follow iyo Like-ta, si aan mar walba wax ka sii fiican idiin la wadaagno. Mahadsanidiin, Reer Hamza Mx.. 🫡❤️

Ugu dambayn .. Waxaa si rasmi ah u billowday tirinta maalmaha bisha barakaysan ee Ramadaan.. ​Waa bil ay qalbiyadu is-be...
11/01/2026

Ugu dambayn .. Waxaa si rasmi ah u billowday tirinta maalmaha bisha barakaysan ee Ramadaan..

​Waa bil ay qalbiyadu is-beddelaan, naftuna ay dib u xisaabtanto. Waa xilli uu u dhawaanshaha Alle ka qurux badan tahay, kana macaan yahay waqti kasta oo kale..

​Hadda waxaa inaga xiga qiyaastii hal bil oo kaliya

​Allow na gaarsii Ramadaan annagoo nabad qabna, noona barakee, naguna dar kuwa naarta laga xoreeyo.. 🤲

​Adiga shaqsi ahaan, maxaa ugu weyn oo aad Ramadaanka ugu xiistay sanadkan?

​1: Taraawiixda & Qiyaamul laylka..
2: Jawiga Afurka & Sambuuska?..
3: Isku imaanshaha Qoyska iyo Cafiska..

Hoggaanku ma ahan sheegasho, waa sharciyad iyo aqoonsi caalami ah.. 🇸🇴🌍​Waa Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo dhan, laga bil...
11/01/2026

Hoggaanku ma ahan sheegasho, waa sharciyad iyo aqoonsi caalami ah.. 🇸🇴🌍

​Waa Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo dhan, laga bilaabo Raas-Kambooni ilaa Raas-Casayr.

​Haybadda Dowladnimo ma ahan wax lagu raadiyo shucuur, waa wax lagu dhiso sharci.

16 sano kaliya? 😂​Ninkaan wuxuu ka cabanayaa alaab 16 sano jidka ku soo daahday oo Expired noqotay.. ​War bal yaa runta ...
11/01/2026

16 sano kaliya? 😂
​Ninkaan wuxuu ka cabanayaa alaab 16 sano jidka ku soo daahday oo Expired noqotay..

​War bal yaa runta u sheega in ay jiraan dad ka samir badan oo wali 34 sano sii maraya.. 🤣

​Shixnaddaan shaydaan laftiisu meel kuma oga..

Ninkaan wuxuu dadka geliyay 40 saacadood oo mugdi ah si kaliya loo soo badbaadiyo.. 😂Hadaba Haddii adiga aad ku jirto xa...
11/01/2026

Ninkaan wuxuu dadka geliyay 40 saacadood oo mugdi ah si kaliya loo soo badbaadiyo.. 😂

Hadaba Haddii adiga aad ku jirto xaaladdan oo kale oo aad kaynta ku go'doonto, maxaad samayn lahayd si aad caawimaad u hesho?..

Qofka dayaca Salaadda, wuxuu si tartiib ah u dayacayaa xiriirkii ugu qiimaha badnaa ee uu la lahaa Rabbigiis. Halkaas ay...
11/01/2026

Qofka dayaca Salaadda, wuxuu si tartiib ah u dayacayaa xiriirkii ugu qiimaha badnaa ee uu la lahaa Rabbigiis. Halkaas ayay ka bilaabataa guul darrada dhabta ah, xitaa haddii uu adduunyada kale uu ku guuleysto.

Adduunku waa mid dhammaanaya, maalmahiisuna waa tiro kooban, balse Salaaddu waa nuurka qabriga, waa badbaadada aakhirada, waana furaha Jannada.

Walaal, ha u ogolaan dhibaatooyinka nolosha iyo mashquulka maalinlaha ah inay kaa jeediyaan Rabbiga kuu abuuray noloshaas aad ku dhex jirto. Xusuusnow, marka aad sujuuddo, culayska wuu yaraadaa, qalbiguna wuu deggaa, naftuna way nastaa.

Salaaddu ma aha culays, ee waa naxariis. Ma aha waqti kaa luma, ee waa nolol kuu bilaabata.

Ilaahayow, qof kasta oo akhriya erayadan, qalbigiisa ku beeri jacaylka Salaadda, kana dhig kuwo ku adkaysta oo aan marnaba ka tegin, Aamiin.. 🤲❤️

11/01/2026

Muuqaalkan aad aragtaan waa nin u dhashay Argentina oo la ilmaynaya cadho darteed, kadib markuu qabtay koox Yuhuud ah oo kaymihii dalkiisa gubaya..

Ninkani wuxuu leeyahay: Waa inaad saacad gudaheed uga baxdaan dhulkayga..

Hadda isbar-bardhig ku samee Ninkan iyo kuwa inaga dhex jooga ee cadowgan roogga cas u dhigaya..

Isagu wuu ooyayaa oo wuu dagaallamayaa si uu dhulkiisa u badbaadiyo, kuweenuna way u sacab tumayaan iyagoo weliba moodaya ilbaxnimo..

Wallee farqi weyn ayaa u dhexeeya Muwaadin dhulkiisa u gubanaya iyo Damiir-laawe cadowgiisa soo dhawaynaya..

Alle ha u naxariisto Naasir Al-Wadaacii oo da'diisu ahayd 140 sano. Ninkan taariikhda galay wuxuu soo gaadhay dhammaan b...
11/01/2026

Alle ha u naxariisto Naasir Al-Wadaacii oo da'diisu ahayd 140 sano. Ninkan taariikhda galay wuxuu soo gaadhay dhammaan boqorradii Sucuudiga..

waxaana ka sii yaab badan in isagoo 110 jir ah uu gabadh dhalay, wuxuuna noloshiisa ku soo dhammeeyay cimri barakaysan oo cibaado iyo khayr badan.

Hadaba Su'aal Haddii Eebbe cimri dheer ku siiyo, maxaad ugu jeclaan lahayd inaad waqtigaaga ku bixiso..

Masha Allah, wallahi maanta warkii ugu farxadda badnaa aan maqlo runtii.. waana sababta aan u iri waa inaan idin la wada...
11/01/2026

Masha Allah, wallahi maanta warkii ugu farxadda badnaa aan maqlo runtii..

waana sababta aan u iri waa inaan idin la wadaago warkaan culus ee ah in dowladdii Suudaan ay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay dib ugu laabatay caasimadda Khartuum taas oo ah guul weyn..

dabcan guushaan marka h**e Alle (SWT) ayaa mahaddeeda leh, kadibna waxaa amaan mudan dadaalka iyo garab istaagga walaalnimo ee Boqortooyada Sacuudiga oo runtii tustay caalamka macnaha dhabta ah ee walaaltinimada,

iyadoo weliba mar walba u taagan ilaalinta midnimada iyo Xuduudaha dalalka Islaamka waana tan maanta ka muuqata sida ay u garab taagan yihiin midnimada iyo qarannimada Soomaaliya iyagoo si cad uga soo horjeeda cid kasta oo isku dayaysa inay kala jarjarto dhulkeenna..

haddaba Ilaahay waxaan ka baryeynaa inuu Suudaan nabad waarta siiyo, dhibkana ka dulqaado .. shacabka reer Falastiinna inshAllah maalin dhow guusha siiyo oo aan wada aragno iyagoo xor ah oo dhibka ka baxay..

Address

Https://maps. App. Goo. Gl/ohK1HFb2VhKua8VDA
Nairobi
00100

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hamza Mx posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share