Daaru tawxid centre

Daaru tawxid centre Dedicated to education and Islamic revival. Follow us

Dimuquraadiyadu waa nidaam ay dadku sameeyeen, oo ay ula jeedaan inay dadku u taliyaan dadka. Markaa waa ka soo horjeeda...
22/08/2024

Dimuquraadiyadu waa nidaam ay dadku sameeyeen, oo ay ula jeedaan inay dadku u taliyaan dadka. Markaa waa ka soo horjeeda diinta Islaamka, maxaa yeelay xukunku waxa iska leh Allaah weyne ee weyne, mana bannaana in xuquuq sharciyeed la siiyo qof kasta oo bini’aadan ah, qofkuu doono ha ahaadee.

Shaki kuma jiro in nidaamka dimuquraadiga ahi uu yahay mid ka mid ah qaababka casriga ah ee shirkiga, marka loo eego adeecida iyo ku-dhaqanka, ama xeer-dejinta, maadaama uu diidayo madax-banaanida Abuuraha iyo xaqa uu u leeyahay inuu soo saaro sharciyo, xaqna u siinaya aadanaha.

“Go’aanka waxaa iska leh Allaah kaliya”

المنظومة الحائية في عقيدة أهل السنة والجماعة للإمام   أبي بكر عبدالله بن أبي داود السجستاني  رحمه الله رحمة واسعة
07/12/2023

المنظومة الحائية في عقيدة أهل السنة والجماعة

للإمام أبي بكر عبدالله بن أبي داود السجستاني رحمه الله رحمة واسعة

SILSILADATaariikhda IslaamkaQaybta | 1aadSiira:Taxanaha Taariikhda Islaamka oo ka Kooban 12 Qeybood.Waxaa Qore: Sheekh C...
15/06/2023

SILSILADA
Taariikhda Islaamka
Qaybta | 1aad
Siira:
Taxanaha Taariikhda Islaamka oo ka Kooban 12 Qeybood.
Waxaa Qore: Sheekh Cabdirisaaq
Macalin Abshir (Musanif) & Ridwan Mohamed Abdullahi Abdi

Dhismihii Kacbada
Masjidka Xaramka
Sida Alle qur’aankiisa ku caddeynayo kacbada waxaa dhisay Nabiga Alle ee Ibraahiim iyo wiilkiisa Nabiga Alle ee Ismaaciil (cs) qisaduna waxay u dhacdey sidaan. Nabiyullah Ibraahiim asalkiisu wuxuu ka soo jeedaa dhulkaan loo yaqaan Ciraaq (Iraq) Magaala yar oo saraan daanta galbeed ee wabiga furaat oo magaceeda la yiraahdo (Ara) waa meel hadda ku aaddan kufa agteeda waxaana jira looxaan dhulka laga soo faagay hadda oo laga helay warar faahfaahsan oo ku saabsan magaaladaan iyo qoyska Ibraahiim (cs) iyo xaaladooda diineed intaba. Ibraahiim (cs) magaaladaan waa ka hijroodey dhinaca magaalada kale ee xaraan kadibna dhulkaan Falastiin halkaas oo uu ka dhigtay saldhigga wayn ee dacwadiisa, hadaba Ibraahiim (cw) wuxuu u bixi jiray safaro dacwo oo uu ku maray dhulka Falastiin oo dhan iyo meelo kale oo dunida kamida.

Safaradaan mid kamida ayuu Ibraahiim (cs) ku tagay dhulka masar, halkaas oo uu fircoonkii masar ka talinayey u dagay shirqool ka dhan ah Ibraahiim (cs) iyo Zawjadiisa sharafta badan ee (Saara). Shirqoolkaan oo ahaa Isku day uu fircoonkaani isku dayay kufsi uu la damcay Saara oo ahayd mid lasiiyey quruxdii aduunka nuskeed.

Alle shirqoolkaan waa ka badbaadiyey ayadoo fircoon uu ka arkay Saaro mucjizo wayn oo uu darteed aqoonsaday xariirka wayn ee Saara ay la leedahay Alle uuna qirtay fadligeeda iyo sharafteeda isla-markaana uu siiyay gabar shaqaale ah oo magaceeda la dhoho (Haajara) Saarana ay dhankeeda u guurisay gabadhii ninkeeda Nabiga Alle ee Ibraahiim (cs).Ibraahiim (cs) wuxuu ku soo laabtay Falastiin asagoo Alle ka siiyay Haajara (Ismaaciil).

Hadaba, dhalashada wiilkaan wuxuu masayr ka keenay Zawjada wayn ee Ibraahiim (cs) waa Saaree -inaysan ayadu dhali jirin darteed- ilaa ay Ibraahiim (cs) ku kalliftay inuu fogeeyo oo masaafuriyo Haajara iyo wiilkeeda yar Ismaaciil. Ibraahiim (cs) wuxuu la safray Haajara iyo wiilkeeda yar Ismaaciil ilaa uu kalasoo galay dhulkaan Xijaaz uuna dajiyay geed wayn hooskii oo ku yaal tog aan beero lahayn oo u dhaw barxadda uu Alla u doortay inay noqoto Bayt-kiisa sharafta leh ee Xaramka oo markaa ah dalcad kor u dheer oo daadadku ka maraan labada dhinac.

Wuxuu dajiyay geed wayn hooskii oo ku beegan ceelka Zamzam-ka meesha uu ku yaal korkeeda mana jirin markaa cid ku nool eeryadaan biyona malahayn wuxuuna ag dhigey dambiil ay ku jiraan xoogaa timira iyo sibraar biyo ah waana iska tagay markuu wax yar ka dhaqaaqay ayuu gacmaha kor u qaaday asagoo Alle ka baryaya inuu kaligii ku halleeyay ugana tagay dadkaas meesha cidlada ah lagaga tagay kagana baryay Alle inuu ka dhigo meel dadka qalbiga kaga taal oo ay isagasoo shubmaan uuna ku irsaaqo dadka ku nool noocyada thimaarta si ay Alle ugu shugriyaan.

Duca dheer oo Alle ku sheegay qur’aankiisa suurado badan sida suuradda Ibraahiim dhamaadkeeda wuxuuna Ibraahiim (cs) isaga laabtay dhulkii Falastiin, isl-markiiba saadkii yaraa waa dhamaaday halkaas oo Haajara iyo wiilkeeda Ismaaciil gaajoodeen oomeenna markaas Alle uu usoo fatahay isha macaan ee Zamzam-ka naxariista iyo fadliga Alle taasoo u noqotay quud iyo wax ay gaajada ku moodaan. Qisadaanna waa qiso dheer oo lawada yaqaan.

Muddo kadib waxaa meeshii soo maray qabiilo carbeed oo loo yaqaan (Jurhamta-labaad) oo markii h**e mari jirtay togaan hase-ahaatee aan ku aqoon biyo iyo dad midna Markay arkeen Haajara iyo wiilkeeda waxay uga idan qaateen inay la dagaan, halkaas oo Ismaaciil uu ku dhexbarbaaray qabiiladaan carbeed bartayna afkooda.

Ibraahiim (cs) dhiniciisa wuxuu safaro badan ku soo aaday makka si uu u kormeero duriyaddii uu meesha kaga tagay inkastoo aan la aqoon inta goor uu kormeerkaan Ibraahiim (cs) ku yimid, hadana qur’aanku wuxuu sheegayaa labo kamida.

Labadaan safar kan h**e intuu ku guda jiray ayuu Alle subxaanah riyo ku amray Nabi Ibraahiim (cs) inuu gawroco wiilkiisa Ismaaciil -Alla u dhawaansho darteed- arrintaan oo ahayd imtixaan adag oo Alle ku marsiiyay Ibraahiim (cs) inuu wiilkiisa kaligii lagu arko gawroco, sidoo kale Ismaaciil inuu aabihiis ka yeelay inuu fuliyo waxa Alle amrayo. Markay labadooduba Alle u hogaansameen oo imtixaankii ku guuleysteen ayaa Alle ugu badalay wan wayn.

Labo safar oo kalana waxaa sheegaya xadiith ku yaal saxiixul-bukhaari in Ibraahiim (cs) Ismaaciil oo maqan uu yimid gurigiisa oo xaaskiisa waraystay oo ay dhib-sheegatay markaa Ibraahiim (cs) ku yiri waxaad ku dhahdaa iska badal kaabadda guriga oo Ismaaciil yimid uuna gartay in ninka yimid uu aabihii yahay uuna kula taliyay inuu xaaskaan iska furo inuu Ibraahiim mar kale soo laabtay sidoo kale Ismaaciil oo maqan oo uu waraystay xaaskiisa oo ay markaa Alle amaantay oo khayr sheegatay markaa uu yiri waxaad ku dhahdaa adkee kaabadda guriga Ismaaciil gartay cidda timid inay aabihii tahay uuna amrayo inuu xaaskiisaan xagsado.

Safaradaan uu Ibraahiim (cs) ku yimid kormeerka mid kamida oo ah intii Ismaaciil barbaaray kadib ayuu la kulmay wiilkiisa Ismaaciil asagoo leebab qoranaya geed wayn oo Zamzam-ka u dhaw hooskiisa, markuu arkay Ismaaciil aabihiis oo mudda dheer aysan is-arag wuxuu salaamay salaan ay isku burureen, waalid ilmihiisa aan mudda dheer arag iyo ilmo aan waalidkiis mudda dheer arag salaantood.

Safarkaan ayaa Alle amray Nabigiisa Ibraahiim (cs) inuu dhiso masjidka Kacbada dalcaddaas uu Alle doortay korkeeda, markaasay bilaabeen dhismaha oo udubada u taageen, markay dhameeyeenna Alle subxaanah wuxuu Nabigiisa Ibraahiim amray inuu dadka ugu yeero inay usoo xajiyaan kacbadaan la dhisay marka waxaa la yiri Ibraahiim (cs) intuu buur dheer dhaladeed fuulay ayuu qayladiisa tan ugu dheer ku dhawaaqay “war dadoow Alle wuxuu idin saaray Xaj ee usoo xajiya kacbadiisa” qayladaan oo dunida daafaheeda gaadhay oo aduunkoo dhan laga maqlay.

Marka maalintaa laga bilaabo ayuu dadku bilaabay inay usoo xajiyaan kacbadaan xaggeeda diinta Nabi Ibraahiim-na ayku faaftay jaziiradda carabta oo dhan iyo meelo ka baxsan intaba.

Ismaaciil markuu barbaaray hooyadii Haajarana ay dhimatay oo uu noqday nin caqli badan sharafna badan, qabiilkii carbeed ee Jurham waxay u guuriyeen gabadha uu dhalay kaaba-qabiilkooda (madaad Ibn camar) waxaana Alle ka siiyay labo iyo toban wiil oo wada hanaqaaday kulligoodna ay ka farcameen qabiilooyin tarmay, halkaanina waa meesha ay ka bilowdeen carabta loo yaqaan (waladu Ismaaciil) ama cadnaaniyiin oo nabigu (scw) uu kasoo jeedo.

Qabiilooyinkaan markii h**e waxay noloshoodu ku tiirsanayd ganacsiga laga keeno dalka Yaman sidoo kale dhulka Shaam iyo Masar, Markiise ay ballaarteen intooda badan waxay ku faafeen gudaha iyo hareera jaziiradda carabta ayagoo isu badalay xoolo dhaqato iyo reer guuraa raac raacaya hadba meeshii roobku maro waxay kaloo dhiseen dawlado yaryar iyo maamulo dhaqso u baaba’ay kadibna taariikh-doodu waxay ku dhuntay mugdiga zabaanka.

Gudaha Makko waxaa kaga haray faraca Qiidaar Ibn Ismaaciil oo kaliy ah isaga ilmihiisu waxay salka dhigteen Makka oo ay isaga farcamayeen ilaa uu ka dhashay Cadnaan oo ah awowga 21-naad ee silsiladda abtirsiga Nabiga (scw) cadnaankaan ayaana carabta cadnaaniyiintu ka xafideen abtirsigooda, waxaana jira xadiith daciif ah oo la yiri Nabigu (scw) markuu abtirsado oo uu gaaro cadnaan wuu ka istaagi jiray oo oran jiray nasab-yaqaannadu beenbay sheegeen.

Hadaba intii Ismaaciil uu noolaa furaha kacbada iyo maamulkeeduba waxay gacanta ugu jireen Ismaaciil (cs) markuu dhintayna waxaa isaga dambeeyay laba wiilashiisa kamida oo kala ah Naabit kadibna Qiidaar markay dhinteenna maamulkii kacbada waxaa la wareegay awowgood xagga hooyo waa Madaad Ibn Camar oo ah saan sheegnay kaaba-qabiilka qabiilada Jurham ee Makka dagan kadibna maamulkii kacbadu qabiilkaan Jurham ayuu gacanta ugu jiray ayadoo faraca Ismaaciil (cs) aysan waxba ku lahayn inkastoo ay ahaayeen dad la Ixtiraamo inuu aabohood kacbada dhisay daraadeed.

Sidaas ayaa hadaba qaaruumo badani ku gudbeen, ilaa ay xumaatay taladii Jurham oo awoodoodii wiiqantay oo musuqmaasuq dhexgalay markaa waxay bilaabeen inay boobaan hantidii kacbada u taallay sidoo kale inay furtaan dadka wafdiga ah ee Xajka gudanaya, arrintaan oo ah mid aad uga caraysiinaysay cadnaaniyiinta (faraca Ismaaciil) sidaa darteed qabiilka khuzaaca oo ah qabiilo dagta hareera Makka ayaa ka faa’iidaysatay xaaladdaan hadaba ayagoo taageero ka haysta cadnaaniyiinta ayay dagaal ku qaadeen Jurham si fudud-bayna uga qixiyeen Makko ayagoo markaa la wareegay maamulka iyo awoodda kacbada intaba.

Waqtiga Nabi Ismaaciil (cs) Makko joogay waxaa lagu qiyaasaa inay ku aaddan tahay labaatan qarni kahor taariikh-da dhalashada ciise, tani waxay ka dhigaysaa muddada ay Jurham maamuleen kacbada 21-tan qarni ugu yaraan.

Muddada ay qabiilka khuzaaca maamulayeen Makko carabta cadnaaniyiintu maamulka Makka waxba kuma lahayn hasa-yeeshee waxaa jiray xurma diineed oo ay lahaayeen sida in ayaga looga dambeeyo qaar kamida camallada gudashada Xajka sidoo kale inay dib u dhigi jireen bilaha xurmada leh, cadnaaniyiintuna waa faafeen dagaanka Makko waxaa kagasoo haray lafaha Qureysh oo ah faraca Fihir Ibn Maalik.

Maamulkase waxba kuma lahayn ilaa uu kasoo baxay Qusayi Ibn kilaab oo ah awowga shanaad ee abtirsiga nabiga oo uu Qureysh isku duway (mideeyay) isla-markaana uu ku qabsaday Khuzaaca maamulka Makko kadibna arintii dagaal ay isu badashay, dagaalkiina uu kaga gacansareeyay, markuu Makko qabsaday wuxuu dhisay guri loo yaqaan (daaru-nadwa) oo ah baarlamaan yar oo Qureysh laga maamulo, hawlaha Qureesheed col iyo nabad-ba Qusayi ayaa halkaa ku gorfayn jiray, dhamaan masuuliyaadka Kacbada iyo hawlaha Qureesheed gacantiisa ayay ku jireen ilaa uu Makko ka dhigay sidii xukuumad yar oo kale, markuu dhintayna xeerarkii uu Qusayi dajiyay waxay u raaci jireen sidii diintii.

Waxay hadaba Makko gacanta ugu jirtay Qureysh ilaa Nabiga (scw) laga soo saaray sida aan arki doonno.

15/06/2023

IF YOU REALLY WANT TO DISOBEY ALLAH...

It is reported that a man once went to Ibraaheem ibn Adham and said,
"O Abu Isḥaaq, I continually wrong my own self, and I turn away from everything that invites me to improve my way of life."

Ibraaheem said, "If you can fulfil five conditions, then sinning will never harm you, and you can fulfil your desires as much as you want."

The man exclaimed, "Tell me those conditions"

Ibraaheem said, "As for the first, if you want to disobey Allah, then do not eat from His sustenance."

The man said, "What then will I eat, for everything on the earth is from His sustenance?"

Ibraaheem said, "Listen! are you being sensible when you eat from His sustenance while you are disobedient to Him?"

The man said, "No. What is the second condition?"

Ibraaheem said, "If you want to disobey Allah, then do not live in any of His lands."

The man said, "This is even worse than the first. All that is in the East and West belong to Him. So where then will I live?"

Ibraaheem said, "Listen! if you insist on disobeying Him while you eat from His sustenance and live in His lands, then at least look for some spot where He cannot see you, and disobey Him there."

The man exclaimed, "O Ibraaheem! how can I do that, when He even knows the deepest secrets that are in the breasts of men? What is the fourth condition?" he asked desperately.

Ibraaheem said, "When the angel of death comes to take your soul, then say to him, 'Give me some respite, so that I can repent sincerely and perform good deeds.'"

The man said, "When the time comes, the angel will not accept that plea from me."

Ibraaheem said, "Listen! if you cannot put off death in order to repent, then how do you expect to be saved?"

The man asked, "Tell me the fifth condition."

Ibraaheem said, "When the guardians of Hell-fire come to take you away on the Day of Resurrection, don't go with them"

The man exclaimed, "They won't let me go!"

Ibraaheem asked, "Then how do you expect to be saved?"

The man replied, "Stop, stop! that is enough for me. I ask Allah to forgive me and I indeed repent to Him."

The man then dedicated his life to the worship of Allah from that day.

05/11/2022



🖋️تعريف الدعوة:
تبليغ الإسلام للناس، وتعليمهم إياه، والإنكار على من خالفه، وقتال من يأبى الخضوع لحكمه.

🖋️فقه الدعوة:
العلم بالأحكام المتعلقة بمقاصد ووسائل تبليغ الإسلام للناس وتعليمهم إياه، والإنكار على من خالفه، بأيسر الطرق، وأقوم الحجج.

🖋️حكم الدعوة إلى الله:
الدعوة إلى الله واجبة على أتباع الأنبياء والرسل (قُلْ هَٰذِهِ سَبِيلِي أَدْعُو إِلَى اللَّهِ ۚ عَلَىٰ بَصِيرَةٍ أَنَا وَمَنِ اتَّبَعَنِي ۖ وَسُبْحَانَ اللَّهِ وَمَا أَنَا مِنَ الْمُشْرِكِينَ)

🖋️الغاية من الدعوة إلى الله:
أداء الواجب بهداية الناس، والفوز برضا الرحمن، بالأساليب والوسائل الشرعية، وفرق بين الأسلوب والوسيلة.

🎥من محاضرة فقه الدعوة إلى الله لشيخنا أبي سلمان الصومالي
https://youtu.be/RIU5hDd2QGE

21/10/2022

Bal dhageysta xaqiiqda Barlamaanka

Sheikh Abdul-Rahman al-Sa'diShaykh 'Abd al-Raḥman ibn Nāṣir al-Si'di (Carabi: الشيخ عبد الرحمن بن ناصر السعدي), oo sidoo...
20/10/2022

Sheikh Abdul-Rahman al-Sa'di

Shaykh 'Abd al-Raḥman ibn Nāṣir al-Si'di (Carabi: الشيخ عبد الرحمن بن ناصر السعدي), oo sidoo kale loo yaqaan al-Si'di (1889-1957), wuxuu ahaa Caalim Islaami ah oo u dhashay Sacuudi Carabiya. Wuxuu macalin iyo qoraa ka ahaa magaalada Unaizah ee dalka Sacuudiga. Wuxuu alifay in ka badan 40 kutub oo kala duwan oo ay ka mid yihiin tafsiirka, fiqhiga iyo caqiidada.[1] al-Sacdi waxa uu ahaa shakhsi saamayn weyn ku leh dhinaca tafsiirka[2] kitaabkiisa tafsiirka ah ee magaciisa la yidhaa Taysir al-Kareem al-Rahman waxa lagu tilmaamaa in uu ka mid yahay tafsiirka ugu caansan ee ay qoraan culimada casriga ah ee salafiya[3]. Wuxuu imaam iyo khadiib ka noqday masaajidka jaamica ugu wayn[4] iyo maamulaha dugsiga tababarka diinta, al-Mahad al-'ilmi, of Unayzah.[5]

Isha waa wax jira...
22/09/2022

Isha waa wax jira...

Salaada iska saax walal 🥰
08/09/2022

Salaada iska saax walal 🥰

18/06/2022
07/04/2022

𝐎𝐠𝐚𝐲𝐬𝐢𝐢𝐬

𝐖𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐝𝐢𝐧 𝐎𝐠𝐚𝐲𝐬𝐢𝐢𝐧𝐚𝐲𝐧𝐚𝐚 𝐢𝐧 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐣𝐢𝐦𝐜𝐚𝐡𝐚 𝟖/𝟎𝟒/𝟐𝟎𝟐𝟐 𝐆𝐚𝐥𝐛𝐭𝐞𝐞𝐝𝐚 𝐔𝐮 𝐒𝐡 𝐗𝐚𝐬𝐬𝐚𝐚𝐧 𝐐𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐃𝐨𝐨𝐧𝐨 𝐌𝐮𝐱𝐚𝐚𝐝𝐚𝐫𝐨 𝐊𝐮 𝐒𝐚𝐚𝐛𝐬𝐚𝐧 𝐀𝐲𝐚𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐀𝐱𝐤𝐚𝐚𝐦𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐧𝐤𝐚 𝐇𝐚𝐥𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐞𝐞𝐝𝐮𝐧𝐚 𝐲𝐚𝐡𝐚𝐲

مجالس رحمانية في آيات قرآنية

https://www.youtube.com/channel/UC6I30jm-TlamEB9H6kQMbdw

11/02/2022
09/02/2022

Waxad sheegta hogaamiyaha culumada muslimiinta dhamaan maalinka qiyaame lagasobilaabo nabi adam xiligiisa maalinka ilaa Qiyaamaha?

01/02/2022

Address

Nairobi

Telephone

+254727714981

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Daaru tawxid centre posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Daaru tawxid centre:

Videos

Share

Category

Nearby media companies