Daarul Hadaf

Daarul Hadaf Kuso Dhawada Hoyga Barashada Cilmiga Sharciga Ah Ee Daarul Hadaf

Kusoo Casuma Walaalaha Kale Si Ay U

31/08/2021

Siirada Rasuulkeena Muxamad
( NNKH )

*Qeebta 1aad

NASABKII RASUULKA SCW

Sida la wada ogsoon yahay nasabka Rasuulka SCW ama abtirisiinyihiisu wuxuu galaa nabiyullaahi Ismaaciil oo uu dhalay nabi Ibraahim.
Abtirsiinyada nabiga SCW waxay u
qaybsantaa saddex qaybood:
*Qaybta u hooreysa marka nabiga SCW laga soo bilaabo waxay ku eg tahay ilaa Cadnaan, waana qayb culimada islaamka oo dhan ay isku waafaqsan tahay isla markaasna la hubo sixadeeda;
*Qaybta labaad oo iyaduna ka
bilaabato Cadnaan waxay ku eg tahay ilaa nabi Ismaaciil, hase yeeshee waa qayb ay culimadu isku khilaafsan tahay sixadeeda in badan oo culimada ka mid ihina way ka gaabsadaan, qaar kalena way ka hadlaan;
*Qaybta saddexaad oo ka bilaabata nabi Ismaaciil ilaa laga gaaro nabi Aadan aad ayaay u adag tahay xaqiijinteeda iyo sixadeeda waxana wanaagsan in laga dhowrsada oo aan la dhex dabaalan. Waxaan markaa soo qaadaneynaa qaybta ugu horreysa ee ay culimada islaamku isku waafaqsan yihiin dhabnimadeeda hadday noqon lahaayeen kuwii h**e iyo kuwii
dambeba, waxaana weeye sidatan:
1: محمد
2: بن عبد الله
3: بن عبد المطلب ( شيبه)
4: بن هاشم ( عمر )
5: بن عبد مناف ( مغير )
6: بن قصي ( سيد )
7: بن كلاب
8: بن مرة
9: بن كعب
10: بن لؤي
11: بن غالب
12: بن فهر
13: بن مالك
14: بن النضر
15: بن كنانة
16: بن خزيمة
17: بن مدركة
18: بن إلياس
19: بن مضر
20: بن نزار
21: بن معد
22: بن عدنان
Rasuulka SCW jilibkiisa waxaa la oran jirey reer binu Haashim, waxaana loogu magac daray awoowgiisii labaad, Haashim binu Cabdimanaaf.
Haashim wuxuu ahaa nin ka
sheegganaa reer Makka, wuxuu waraabin jirey xujeyda oo uu aabbihiis Cabdimanaaf ka dhaxlay, sidoo kale wuxuu ahaa ninkii ugu horreeyey ee jideeyey labadii safar ee suuratul Quraysh sheegtay oo ay qurayshtu u kala safri jirtay Shaam iyo Yamaan.
Haashim Wuxuu dhalay afar wiil oo kala ahaa: Asad, Abu Seyfi, Nadla' iyo
Cabdimudhalib iyo shan gabdhood oo kala ahaa: Sharaf, Khaalida, Daciifa, Ruqiya iyo Junna.
Waxaa sagaalkooda ugu yaraa Cabdimudhalib oo ahaa nibiga SCW awowgiis. Cabdimudhalib siduu ku dhashay waxay ahayd aabbihiis Haashim ayaa Safar ugu kacay Shaam, wuxuuna sii maray Madiina oo uu ku guursaday kulana aqalgalay Salma bintu Camar.
Haashim wuxuu sii watay safarkiisii Shaam. Markuu Shaam tegey ayuu
xanuunsaday, muddo dabadeedna wuxuu ku geeriyooday magaalo la yiraahdo Qusa oo Falastiin ku taala. Salma, oo uur lahayd markuu Haashim tegey, waxay dhashay wiil ay u bixisay Sheyba. Haashim markuu dhintay waxa mas'uuliyaddii waraabinta xujeyda
qaaday walaalkiis Mudhalib. Mudhalib markuu hawshaas muddo hayey ayuu Madiina aaday si uu u soo wado wiilkii uu walaalkiis Haashim ka tegey (Sheyba).
Markuu Madiina yimid ayuu Salma ka codsaday inay wiilka ku darto hase yeeshee way u diidday,
markaasuu ku yiri "waxaan u dhiibayaa hawshii aabbihiis iyo xaramkii Alle", sidaa ayeyna ugu dartay.
Mudhalib markuu Makka ku soo noqday isagoo wiilkuu adeerka u
ahaa wada, ayaa waxaa arkay dadkii Makka joogey markaasey wiilkii u maleeyeen addoon uu Mudhalib soo iibsaday sidaas darteed ayey wiilkii ku dheheen Cabdimudhalib
(addoonkii Mudhalib), markaasuu mudhalib ku yiri "war hooggiinee, waa wiilkii walaalkay
Haashim". Sidaas ayaa wiilkii Sheyba ahaa kula baxay naaneystaas Cabdimudhalib.
Cabdimudhalib wuxuu dhalay toban wiil iyo lix gabdhood, waxaana tobanka wiil lakalal
oran jiray: Xaarith, Subayr, Abuu Dhaalib, Cadullahi, Safar, Cabbaas, Xamsa, abuu
Lahab, Qiyidaaq, Muqawim.
Lixda Gabdhoodna waxay kala
ahaayeen:
Safiya, Arwa, Ummu Xakiim, Bara'Caatika iyo Ummayma. Cabdimudhalib wuxuu noqday nin cajiib ah oo qureysh oo dhan ka tilmaaman, wuxuu noqday odeygii qureysheed sida lo ogsoon yahayna wuxuu leeyahay qisooyin caan ah oo kala duwan, halkanna aynaan ku soo wada koobi karin, waxaana ka mida ahaa Duullaankii Abraha iyo Qodiddii Samsamka, kuwaas oo isaga iyo qureyshba Ilaahay ugu gargaaray.

Kuso Dhawada Hoyga Barashada Cilmiga Sharciga Ah Ee Daarul XadafKusoo Casuma Walaalaha Kale Si Ay Uga Faa’iidaystaan Idi...
31/08/2021

Kuso Dhawada Hoyga Barashada Cilmiga Sharciga Ah Ee Daarul Xadaf

Kusoo Casuma Walaalaha Kale Si Ay Uga Faa’iidaystaan Idinkuna Ajar Uga Heshaan
Email: [email protected]

Address

DaarulHadaf8gmail. Com
Nairobi
DAARULHADAF

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Daarul Hadaf posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Daarul Hadaf:

Share

Category



You may also like