Hon abdiko news

Hon abdiko news NABAD IYO HORMAR

Deni marhadii shacabkii puntland wax u qaban waayey muxuu kadonaaayaaa villada
19/03/2022

Deni marhadii shacabkii puntland wax u qaban waayey muxuu kadonaaayaaa villada

Guuleed Saalax Barre "Puntland waxay malaayiin doollar ku bixisay doorashada, iyadoo ay jiraan abaaro ba'an iyo sicir barar"............................................................................................
Bismillaah.

Doorashadii xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matalayay Puntland way soo idlaalatay iyada oo ay ku xeeranyihiin tabashooyin badan. Waxa iiga baxay iyo talooyin kooban ayaan qodobada hoose kusoo koobay:

1. Doorashadu uma qabsoomin si furan oo hufan, kursi walba bannaanka hoolka doorashada ayaa lagusoo xulay iyadoo aan la ogolaan in lala tartamo qofka la xushay.

2. Doorashadu muddadii ay socotay waxay dawladdu ku bixisay malaayiin doollar iyada oo ay Puntland ka jirto abaaro ba’an, sicir barar, adeegyadii arrimaha bulshada oo hooseeya iyo mashaariicdii kaabayaasha dhaqaalaha ee iskutashiga lagu waday oo wada qabyo ah.

3. Xubnaha labada aqal ee soo baxay eed kuma leh hannaanka lagusoo doortay/xushay, waxaase horyaalla masuuliyad wayn sidii ay dadka Soomaaliyeed ugu adeegi lahaayeen matalaad dhab ahna ugu samaynlahaayeen Puntland. Reer Puntland waxay idin ku qiimayndoonaan sida aad ugu matashaan aqalada aad ka tirsantihiin.

4. Waxaa dhaawac soo gaaray wadajirkii bulsho maadaama koox kooban faramaroojisteen hannaankii doorasho, si ka baxsan sharciyadda iyo habraacyadii doorashada. Hurgumooyinka ka dhashay doorashada waxay ubaahanyihiin in laga dhayo hogaanka bulshada gaar ahaan dhaqanka laga hor-istaagay kaalintii ay ku lahaayeen hannaanka iyo aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta mudnaa in ay tartamaan ee laga xirtay.

5. Masuuliyiinta dawladda ee gacmahoodu ku wasaqoobin boobka oo uu ugu h**eeyo Madaxweyne Kuxigeenku waxaa u furan kaalin ay hormuud unoqdaan dhaayidda hurgumooyinkaas ka dhashay doorashada si looga baaqsado inuu sii fido tararka galay wadajirka bulshada.

6. Masuuliyiin ka tirsan golaha xukuumadda Puntland ayaa Madaxweynuhu u xushay inay ka mid noqdaan xubnaaha Baarlamaanka Federaalka, arrintaani waa ugub waxayna umuuqataa in la furfurtay hay’adihii dawlagi ahaa loona ekeysiiyay sallaan lagu fuulo jagooyinka federaalka.

7. Haddii Madaxweynuhu u tartamayo madaxnimada Soomaaliya waa in uu bulshada sidaas u sheegaa xilkana wareejiyaa si aysan u imaan firaaq dastuuri ah, shaqooyinka dawladuna uga baxaan hakadka haystay muddadii doorashadu socotay. Damaca gaarka ah iyo dawladnimada Puntland kalasaaris ayay u baahantahay.

8. Bulshada reer Puntland waxay soo mareen xaalado ka adag tan maanta taagan, waxaana looga soo gudbay dulqaad, tanaasul, iskuduubni iyo iskutashi. Tabasho kasta oo jirta waa muhiim in hoggaanka bulshada ee leh dhaqan, culimo, siyaasiyiin, ganacsato iyo aqoonyahanba ay u jiheeyaan bulshada sidii wadajirka iyo xasiloonida loo ilaashan lahaa.

Wabillaahi Tawfiiq.

21/02/2022

WAR DEG DEG AH qarax ayaa kadhacay afafka h**e ee bosaaso waxaana la sheegay in lala beegsaday kolonyo gadiid uu la socday madaxweynaha DENI warar hordhac ah ayaa Soo sheegaya in qaraxa uu qabsaday gaari ciidan oo la socday kolonyada madaxweynaha waxaana jiro khasaaro ka dhashay. Bosaaso dhawaan waxaa ka dhashay qarax ay ku dhinteen odoyaal iyo dad shacab ah

20/02/2022

Xildibaan Fahad yasiin xaaji dahir ayaa kuguuleystay kursiga hop #086 isgoo helay codad dhan 70 Halka musharaxii la tartamaayey uu helay 24 cod waxaa halaabay 3 cod wadarta guud eee codaysa waa 97 ergo

20/02/2022

Hambalyo hambalyo dhamaan reer naban and nolol waxaa hada kursigii hop #86 ku gulaystay Fahad yasiin xaaji daahir mudane xilbaane Soo dhowow

20/02/2022

Deg deg waxaa hada bilaabatay codaynta kursiga tirsigiisu uu yahay hop #086 guusha way dhowdahay

Address

Dadaab
Nairobi

Telephone

+254702094284

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hon abdiko news posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Hon abdiko news:

Share