Tala wadaag

Tala wadaag Waxan idinkugu soo bandhigaa page kaan arimo la xiriira siyaasada iyo documentry kala duwan, iyo Sch

QISO AAD UCAJIIBA  oo si’ gaar ah u quseyso “Dumarka” Siiba kuwa jidhkooda qaawiya.Raawiga qisadan soo gaarsiiyay caalam...
18/12/2023

QISO AAD UCAJIIBA

oo si’ gaar ah u quseyso “Dumarka” Siiba kuwa jidhkooda qaawiya.

Raawiga qisadan soo gaarsiiyay caalamka Islaamka ayaa ku billaabay:-

Waxaa jirtay mid ka mid ah magaalooyinka carbeed gabar aad iyo aad ay u jeclaayeen dhallinyarada iyo dhamaan dadka aan fahamka wanaagsan ka heysan halista qaawinta cowrada, gabadhaasi waxaa lagu casuumi jiray xaflad kastoo lagu sameeyo munkar uusan ilaahay raalli ka aheyn.

Waxay gabadhu aad ugu caan baxday labiska aadka u muujiya jirka dumarka, waxay sidoo kale aad ugu dheg dhegi jirtay ragga xafladda jooga ilaa dadka qaarkiis ka baqaan inay iyagu ku camirato, waxay kaloo caan ku aheyd inay heesto iyadoo miyuusikada si’ xad dhaaf ah u la jaan qaadi jirtay.

Maalin baa waxaa looga yeeray xaflad aroos oo aad u camiran, waxay aheyd goob mashxarad iyo tamashleyn is-dhex yaac ah lagu sameynayo, waxayna u soo labisatay sidii looga bartay iyadoo mar qudha badashay jawigii goobta oo dadkii hoos iskaga sheegeen “Waxaa soo gashay hebla”.

Waxaa la tumay muusugii, waxaa la dheelay wax kastoo ciyaar lagu tilmaamay balse aan xad diineed iyo mid damiirba laheyn, waxaana goobta is-qabsaday sawaxanka uu qurxiyo sheydaanka, ee heesaha.

Dadkii oo dhan baa miirkooda siiyay waxa socda, waxaase mar qudhaa la waayay fanaanaddii la jeclaa codkeeda, lagu maadeysan jiray cowradeeda, misa hadii leys fiir fiiriyay waxay taallaa dhulka iyadoo aan dhaqaaq iyo dareemo midna laheyn.

Dadkii baa isku soo xoomay oo korkeeda iskugu yimid laakiin saaxibteed oo aan goobta ka sii fogeyn baa dalabtay in miyuusikada aad loo dheereeyo iyadoo tilmaameyso inay suuxdinta wax caadiya tahay..! Laakiin arrinku sidaas wuu ka gedisnaa markaas.

Waa laga quustay inay soo toosto oo ay sameyso wixii laga sugayay, waxaana markaas goobta soo galay lamaanihii arooskooda munkarka ku qurxiyey, waxay taabteen wadnaheeda misana “gaw iyo gariir” midna maleh.

Waxay ogaadeen inay dhimatay, waxaase cajiib ah intaasi kadib maxaa xigay..?

Kolkey hubsadeen inay meyd tahay gabadhii ku saaciday tamashleynta Sheydaanka ayay u carareen inay asturaan oo ay dhar huwiyaan laakiin waxaa layaab iyo amakaag madaxa ka weyn uu ku dhacay dhamaan dadkii goobta joogay kadib markii maro waloo lagu dado korkeeda ka biibtay oo ay jirkeedii uu diiday wax kastoo la huwiyo.

Waxaa deg deg loogu yeeray seygeedii oo aan ka war heyn arrintan soo korortay wuxuuna si’ hal-haleel ah ku soo gaaray goobtii ay taallay xaaskiisii geeriyootay, wuxuu ku cararay inuu bal marka h**e asturo laakiin isna wuu ka quustay inuu taako allah haka dhigee jirkeeda qariyo.

Isagoo naxsan oo wareersan oo aan ogeyn siduu waxyeelo ayuu geeyay goobtii lagu dhaqi jiray meydka, misana waxaaba ka sii daray jirkeedii oo laga quustay in karfantii la galiyo, waxaa mara kastoo la huwiyo u biibeysaa sida inay dabeyl xagga hoose kaga imaaneyso oo ay haatineyso.

Waa Arrin cajiib ah oo maan gal la noqon weysay dadkii goob joogga u ahaa arrintan qabsatay gabadhii jirkeeda qaawisay ee adduunka lagu ibtileeyey.

Hadaba Maxaa qisadan laga fahmay?

Marka h**e waxaa dhacdadaan baraarujin u tahay dhamaan dumarka Islaamka gaar ahaan kuwa is-qaawiya ama jirkooda qeyb ka mid ah aan asturin.

Marka xigta hadii qofku Ilaahay Subxaanah Watacaalaa ka baqi waayo intuu adduunka joogo waxaa suura gal ah in ciqaabta qabriga iyo cadaabka aakhiro aan lala sugin oo adduunka lagu imtixaano ama khaatumo xun uu ku dhameysto nolosha sidaasna lagu soo bixiyo qiyaamo ileyn “Qof walbo siduu ku dhintay unbaa lagu soo bixin doonaa qiyaamaha”.

Maxaa Muhiim noo ah oo qisadan naga kaafisay.?

Waxaa muhiim ah in Qof kastoo dumar ah ogaato in jidhkeeda oo dhan uu cowro yahay, loona baahan yahay inay ku asturto dhar xoog leh oo aan ku dhaganeyn qeyb jirkeeda ka mid ah, waa hadii aan raaceyno sharciga Islaamka oo aan ka baqeyno ilaahaygii ina abuuray.

Si’ kastoo Culimada Islaamka u darseen cowrada dumarka Islaamka, waxaa leysku raacay in gabadha xorta ah markay ajaanib la joogto jirkeeda oo dhan uu cowra yahay, waxaana shardi ah inaan qeyb ka mid ah jirka la baneyn ama dhar ku dheggan la gashan.

Ilaahay xaqa hana waafajiyo..Aamiin aan dhano walaalayaal.

FG: Walaalayaal aan ku cibra qaadanno qisadan oo noqonno kuwa qaata hadalka kiisa wanaagsan xumaantana iska reebno.

Waxaa walwal igu haya ATMIS oo aan Madaxtooyada  joogin markii madaxwayanaha iyo raisuwasaaraha is qabtaan cida kala cel...
17/12/2023

Waxaa walwal igu haya ATMIS oo aan Madaxtooyada joogin markii madaxwayanaha iyo raisuwasaaraha is qabtaan cida kala celi doonta
Iyo ATMS oo aan airport ga iyo Teendhada joogin sida doorasha xalaal ah ku dhici doonto
Haddii aan soomaali nahay xamaasada nagu badan lkn inyar xitaa taariikhda dib uma milicsano

16/12/2023

Inta aad habeenkii seexanayso adiga oo aan isticmaalin daawooyin qofka hurdada ka caawiyo, subaxdiina aad soo kacayso adiga oo caafimaad qabo awoodna u leh inuu xaajaadkiisa daboolo iyadoo aysan jirin cid ceebahaaga arkayso xaal aad tahay mid lugahiisa ku socdo oo caajis, xanuun iyo duqnimo intaba aysan dabrin, haddaba ogow waxaad kamid tahay boqorrada adduunka dushiisa ku nool ee u mahadnaq Allaha ku abuurtay ee xisaab la’aanta kugu siiyay nimcada weyn ee aad maanta haysato.

Mustafa Kamal Mahmoud Hussein.

13/12/2023

Xoolo-jaceylka iyo magac-doonku waxay qofku u baabi'iyaan sida laba yeey (weer) oo gaajeysan oo Ari lagu sii dhex daayey.

Imam Axmed.

13/12/2023

“Lammaanuhu waa in ay noqdaan saaxiibbo nolosha ku midoobay si uu guurkoodu u guulaysto. Waa in saaxiibtinnimadoodu ay ka muhiimsanaato baahiyaha maaddiga ah; sidoo kale waa in midkood uu midka kale ku dhiirrigeliyo cabsida Alle oo micnaheedu yahay in uu qofku sameeyo wax uu Eebbe raalli ka yahay.”

- Dr Bilal Philips
Ustad cabdiqani gaarane

Imaamu Shaafici oo ardaydiisa cashar siinaya ayay maalin mas'alo isku qabteen Yoonis Cabdi oo ardayda ka mid ahaa, taas ...
13/12/2023

Imaamu Shaafici oo ardaydiisa cashar siinaya ayay maalin mas'alo isku qabteen Yoonis Cabdi oo ardayda ka mid ahaa, taas oo sababtay in uu Yoonis ka baxo xalaqada isagoo careysan.

Habeenkii ayuu Imaamu Shaafici wuxuu gurigiisa ugu tegay Yoonis Cabdi, wuxuuna ku yiri: " Yoonisow waxaan isku raacsannahay boqolaal mas'alo, waxaanna isku diidannahay hal mas'alo kaliya, ee halkaas mas'alo yeysan duminin derbiyadii saaxiibtinimo ee aan muddada soo dhiseynay.

Yoonis, ha isku deyin in aad ku guuleysato dood kasta oo aad qof la gasho, waayo in aad qofkaas kasbato ayaa ka muhiimsan in aad doodda uga gar-hesho.

Yoonisow khaladka nac balse ha nicin qofka qaldamay, macsida nac balse ha nicin kan sameeyay, hadalka xun nac balse ha nicin qofka yiri, waayo ujeedku waa in aan cudurka daweyno, ee ma aha in aan bukaanka dilno"

Imaamu Shaafici Alle ha u naxariistee wuxuu na barayaa cashir ay tahay inaan dhaqan-gelino mar kasta oo aan arin ka doodeyno, wuxuuna far waaweyn noogu qorayaa in kasbashada qofka ay ka muhiimsantahay in aan doodda ku gar-helno, iyo in aan la fal-galno aragtida qofka ee aanaan ku mashquulin qofka kula doodaya.

12/12/2023

Sii wad in aad Wanaag sameyso si kasta uu Xaalku yahay…

1. Haddii aad tahay qof daacad ah oo Naxariis badan, waxaad arkeysaa dad badan oo ku qiyaamaya, sii ahow Daacad naxariis badan si kasta oo Xaalku yahay

2. Haddii aad Guuleysato waxaad yeelanaysaa Saaxiibo been ah oo dano gaara kuula socda iyo cadow badan, sii wad in aad Guulo kale gaarto si kasta oo Xaalku yahay

3. Haddii aad is tiraahdo xumaan reeb wanaagana dadka far, waxaa dhacaya in dad badan ku dhaliilaan, sii wad in aad xumaanta reebto si kasta oo Xaalku yahay

4. Haddii Qof aad Abaal badan u gashay uu ku inkiro ama ku xumeeyo, sii wad in aad Abaal gasho si kasta oo Xaalku yahay

5. Hadii aad Darajo ku gaarto dadaalkaagi iyo doonidaadi, dadku way ku xasdayaan wayna kaa maseerayaan, sii wad dadaalka iyo doonida si kasta oo Xaalku yahay

6. Haddii aad si degan u hadasho, si tartiib ah u socoto dadku waxay ku oranayaan muxuu ahaa waxan suuxsan ama waa qof jilicsan, sii wad daganaanta iyo dabeecad wanaaga si kasta oo Xaalku yahay

7. Haddii aad samafal u sameyso dad masaakiin ah ama masaajid, dadku waxay oranayaan waa tuug, hab uu wax ku gurto ayuu rabaa, sii wad samafalka iyo gargaarka si kasta oo Xaalku yahay

8. Haddii aad is asturto oo xijaabato, qaar baa ku oranaya belaayo ayay la duu-duuban tahay, waa dhaqan kale waxan, ilbax maaha, sii wad in aad Xijaabato oo is asturto si kasta oo Xaalku yahay

9. Haddii qof xanuunsanayay oo Qodaxi muday aad tiraahdo keen qodaxda kaa saaree, waxaa laga yaabaa in uu markaa caafimaado oo ku yiraahdo, “ma anigaa mashruuc igu soo qaadatay ama sheekadaadu waa igu sawir” sii wad in aad Ixsaan u sameyso si kasta oo Xaalku yahay

Si kasta oo ay tahay Xaaladu, si kasta oo ay dadku yihiin sii wad Wanaaga iyo sameynta wax Kheyr ah

Xusuusnow Tani waxay u dhaxeysaa Adiga iyo Alle, marnaba uma dhaxeyn Adiga iyo Iyaga!

10/12/2023

Waxaan la yaabay oo marar badan sababta shaqaalaha iyo madaxda hormuud telcom intooda badan kuwa iska qanacsan uyihiin
sababtoo ah 1post ay soo galiyaan dhamaan share iyo amaan ayay ula duldhacaan oo ay sii dheer tahay marka aad la shekaysato qof ushaqeeyo waxaad umooda inuu shirkadq asagu leeyahay.

Ma shaqaalaheeda wada qanacsan badankood oo intaas ayay shirkadaha kale oga duwan yihiin?
Maxay amaantaas keenay waa wax ubaahan daraasayn aad uwayn
Mar aan ku sameeynay baxthi muda 4sana ka hor natiija la yaab leh nooso baxday

10/12/2023

Bulsho waxa u taliya: doofaar nin cay uga dulqaad badan, kudkude gaajo uga adkaysi badan, kurtin qorrax uga adkaysi badan, dhagaxna qabow uga adkaysi badan.❗

Laba kooxood oo siyaasadda dalkeena ku jira, inta badan ma aqblaan in la saxo ama lala loollamo, waayo umay baran ba oo waa shay ku cusub. Haddii taasi lagala horyimaadana markiiba way xanaaqaan oo fartaa gaarta.

Labadaasi kooxood ma garanaysaan ⁉️

10/12/2023

ذَرْهُمْ يَأْكُلُواْ وَيَتَمَتَّعُواْ وَيُلْهِهِمُ ٱلْأَمَلُ ۖ فَسَوْفَ يَعْلَمُونَ

06/12/2023

قوله تعالى {وامتازوا اليوم أيها المجرمون}

27/11/2023

كما قال تعالى
أَسْمِعْ بِهِمْ وَأَبْصِرْ يَوْمَ يَأْتُونَنَا ۖ لَٰكِنِ ٱلظَّٰلِمُونَ ٱلْيَوْمَ فِى ضَلَٰلٍۢ مُّبِينٍۢ.(wax maqli ogaa,wax arki ogaa maalinta wayn)
Gaalada daalimiinta aakhiro amar kaste oo lasiiyo h**e ka qaadanayaan halkii xilligii adduunyada ay wax maqli waayeen

Waxaan umaleynayaa in dumarku ay ku khaldan yihiin in ay iska yeelaan kuwa ragga ku maqaam ah iyaga oo weliba ka sarreey...
25/11/2023

Waxaan umaleynayaa in dumarku ay ku khaldan yihiin in ay iska yeelaan kuwa ragga ku maqaam ah iyaga oo weliba ka sarreeyo, dabeecadna u leh in wax kasto oo la siiyo ay ku kordhiyaan qurux iyo qiimo dibna ay ugu celiyaan ragga, tusaale ahaan - haddii aad shahwadaada siiso gabadha waxay beddelkeeda ku siisaa ubad aad adiga dhashay, haddii aad guri yar siiso waxay ku siisaa qasri aad u weyn, haddii aad adeeg ku filan siiso waxay ku siisaa cunto ay si macaan u soo karisay, haddii aad u dhoola-caddeyso waxay hanti kaaga dhigtaa qalbigeeda, aslan wanaag yar oo loo sameeyo dumarka ayaa raad fiican ku yeesho noloshooda iyo xaaladda ay maalintaas ku jirto balse marka qurra ee aad xumaan la maagto waa inaad durbadiiba diyaar u noqotaa boqol jibbaar in ka badan xumaantii aad u gaysatay.

William Golding.

24/11/2023

“Waxaan ka baqayaa maalin uun in aan hurdada ka tooso anigoo afartan jir ah si aan naftayda ugu sheego in aan noloshayda ku waayay doorasho khaldan oo aan sameeyay markii aan labaatan sanno jiray.”

- Ahmed Khaled Tawfik

Xigasho: Gaarane dufle

23/11/2023

Marka aan dhinto gacantayda ka soo bixiya Karfanta dhexdeeda si dadka kale ay u arkaan in xittaa suldaanka uu ka tegay adduunyada isaga oo gacan maran.

Suldaan Suleymaan Al Qaanuuni.

22/11/2023

In maalin wax gaar ah oo allaah uusan ku magacaabin in lagu sheego ima cajab galinayso
Lkn haddii cid abaal iyo hambalyo loo diraayo waxa mudan oo aan duco udiraa macalimkayga qur'anka Karimka ah isoo baray oo ah aabahay labaad, debadeedna shuyuukhda kutubta diiniga ah ii aqriyay/ii aqriya
Allah miisaankiina xasanaadka haidin kugu wada daro anaga cilmiga kuwa idinka dhaxlo oo dadkooda gaarsiiya hanaga dhigo

Robert Mugabe oo xilka Wadankiisa hayey in ka badan soddon sano ayaa geeriyooday 6 Sep 2019 ayaa waxa laga hayaa intii u...
18/11/2023

Robert Mugabe oo xilka Wadankiisa hayey in ka badan soddon sano ayaa geeriyooday 6 Sep 2019 ayaa waxa laga hayaa intii uu xilka hayey odhaahyo la yaab leh. Aan soo qaadano qaar kamida:

1. "Ma jirto gabadh Afrikaan ah oo lix muruq oo calooshaa (six packs) ka dooranaysa lix gaadhi. Sidaa darteed jooji inaad aado jidh-dhis. shaqo tag"

2. "Haddii inta aad nooshahay aad ka qeyb gasho in ka badan 100 aroos oo aanad weli guursan markaa waxba ma dhaantid hoolka aroosyada"

3. "Marka Afrikaanku Lacag yeeshaan
- waxay lacagtooda dhigtaan Swiisarland
-waxay caafimaad u aadaan Faransiiska
-waxay maalgashadaan Jarmalka
-waxay u adeeg doontaan Dubai
-waxay isticmaalaan alaabta Chine
-waxay u cibaado tagaan Makka ama Rooma
-waxay u waxbarasho doontaan Yurub
-waxay u dalxiis tagaan Kanada iyo Maraykanka
- hadday dhintaan waxay rabaan in lagu aaso dhulkoodi hooyo
Afrika waxay u tahay Qubuuro Afrikaanka, Markaa Qubuuro siday ku hormari karaan."

4. "Gabadha aad la sheekaysato waxaad ku tidhaa "Waan ku jecelahay" waxay kuugu jawaabi "sidoo kale waan ku jecelahay", waxa ku tidhaa "waan kuu xiisey" waxay kuugu jawaabi "sidoo waan kuu xiisey". Haddaba imiga waxaad ku tidhaa "$100 baan moobilka kuugu soo dirayaa" hadday kuugu jawaabto "sidoo kale waan kuu soo dirayaa, Walaalkayow waan iskaga tagayaa Zimbabwe oo waxaan ku biirayaa Booko-Xaaraam (Urur ka dagaalama Nayjeeriya)"

5. "Haddii Madaxweyne Barack Obama iga rabo in aan wadankayga ka oggolaado in ay dadka isku jinsiga ahi is guursadaan, waxa waajib ku ah in uu halkan immaado si aan isaga ugu bilaabo."

6. "Marka Yurub laga soo guuro oo Afrika la yimaad : wax cusub ayaa la daahfurayaa
Marka Afrika laga guuro oo Yurub la tagana: Muhaajiriin sharci daraa
Koox Afrrikaan ah Yurub dhexdeeda: Qoxoonti
Koox Reer Yurub ah Afrika dhexdeeda: Dalxiisayaal
Koox Afrikaan ah oo Baadiye jooga: Reer Miyi
Koox reer Yurub ah oo baadiye joogta: Ugaadhsato
Madowga dibeda ka shaqeeya: Ajaanib
Cadaanka dibeda ka shaqeeya: Khuburo"

7. "Haddii aad guursato oo aad aragto in ay ku soo jiidanayaan gabdhaha ciyaalo Iskuulka ah wax kale ha samayn ee gabadhaada direys usoo gad."

8. Afrika digniinta keliya ee laga cabsadaa waa "Battery Low"

9. Weriye CNN ka socda: Ruushku waa wadankii ugu h**eeyay ee meerayaasha tagay, Maraykankuna waa wadankii ugu h**eeyay ee dayaxa tagay. Afrika maxay ugu h**eynaysaa?
Mugabe: Waxaan noqonaynaa kuwa ugu h**eeya ee Cadceeda taga. Weriyihii: Cadceedu aad bay u kulushahay oo ma tagi kartaan. Mugabe: Nacasiin ma nihin, habeen baan tegaynaa.

Maxaad ku dari lahayd adna?

20/05/2023

“Haddii aad haysata fursad aad qof uga farxin karto, hadda samee. Mararka qaar dadku iyagoo ku jira xaalad adag ayay aamusan yihiin. Laga yaabee wax yar oo aad u qabato in ay wax weyn ka beddesho noloshooda.”

- Unknown

19/05/2023

Waxaa ka dhaxayso cillaaqaad jaceyl oo awood badan
Gabadha quruxda badan iyo nasiibka xun.

Haddii aad tahay gabar qurxan maisku aragtaa calaamadahaan ah inaadan helin nin kugu haboonaa

18/05/2023

Sheikh ilmis iyo sheikh Turkiya maxa dhex maray

05/04/2023

" إن لم تقاتل لتحقيق ما تتمناه ستقاتل أضعافه من أجل التأقلم مع وضع أنت لا تريده "

"Haddii aadan u dagaalamin si aad u gaarto waxa aad rabto, waxaad u dagaalami doontaa marar badan si aad ula qabsato xaalad aadan rabin."

04/04/2023

: ( وَإِنَّ جَهَنَّمَ لَمَوْعِدُهُمْ أَجْمَعِينَ لَهَا سَبْعَةُ أَبْوَابٍ لِكُلِّ بَابٍ مِّنْهُمْ جُزْءٌ مَّقْسُومٌ )

24/02/2023

Askariga dameerka dusha ku xambaaray doqon ma ahan. Laakiin joogitaanka dameerka ee goobta miinada awgeed, tallaabo kasta oo qaldan oo uu dameerku qaado ayaa wada dileysa dhamaantood.

Mararka qaarkood kuwa u dhaqma sida dameeraha waa in aan xambaarnaa innaga oo badbaadineyna nafteena!.

16/02/2023

Markay hortaada marayaan Gawaari badan oo Aroos gelbineysa, Niyadda uga ducee inuu Rabbi isu barakeyo kana dhigo Lamaane Kalgaceyl iyo Naxariis kuwada jooga.

Markaad Isbitaalka kasoo baxeyso adigoo faraxsan oo Dhaqtarka kuu sheegay in Xaaladdaada Caafimaad fiicantahay, dib u milicso Bukaanada kale ee safka ugu jira Dhaqtarka uguna ducee inuu Alle caafimad siiyo Bukaan Kaste.

Markaad aragto Janaazo Qabriga loo sii wado xusuuso Mugdiga Qabriga iyo Cariirigiisa, Meydkaasna ugu ducee inuu Alle u Waasiciyo kana koriyo Cadaabul Caqriga.

Markaad Gurigaada gasho ee ishaadu qabato Xaaskaaga ama Hooyadaa oo Cunno kuu diyaarineysa ama ku mashquulsan Nadiifinta Dharkaaga, maqashii erayo macaan oo ay ku halmaami karto Daalka hayo, uguna ducee inuu Alle kheyr uga Abaal-Mariyo Howsha adag oo ay kuu heyso.

17/09/2022

Address

Nairobi West

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Tala wadaag posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share

Category

Nearby media companies


Other Video Creators in Nairobi West

Show All

You may also like