Awdal History

Awdal History Awdal History: Waxaad Ka Helaysaa Taariikhda Dunnida, Tani Soomaaliyeed. {Taariikhda H**e Waxa Laga Bartaa Waxa Danbe Ee SooSocda}

Awdal History waa hoyga taariikhda suggan iyo dhaqanka suubban. Sidoo kale waxa aad ka helikartaa xoggo suggan, siman, dhex-dhexaad ah oo dheeli-tiran.

WANAAG IYO XUMAAN WARKA AAD BAAHISO ADIGA AYAA KA MASUUL AH ADUUN IYO AAKHIRABA !!Marka laga hadlaayo dagaal ay dad ku d...
23/12/2025

WANAAG IYO XUMAAN WARKA AAD BAAHISO ADIGA AYAA KA MASUUL AH ADUUN IYO AAKHIRABA !!

Marka laga hadlaayo dagaal ay dad ku dhinteen qaar kalena ku dhaawacmeen, dadka caadiga ah oo ay ku jiraan qaar baraha bulshada u adeegsada in ay ku faafiyaan xogta ay helaan waxay ku go'aan qaataan hal mar oo ay warka ka maqlaan hal qof lkn saxaafadu sidaas maaha.

Suxufigu hadii aanu goobjoog ahayn dhacdada waxa uu ku bixiyaa dedaal badan. Sobobta oo ah xogta uu tebinaayo k**a qaadan-karo il keliya. Xataa hadii uu helo masuulka ugu sareeya maamulka deegaanka uu dagaalku ka dhacay xogta uu ka helay weli kuma filna.

Sobobta oo ah waxa meesha ka dhacay wuu ka sal-balaadhanyahay inta uu xiligaasi ogyahay masuulku gaar ahaan marka ay noqoto in war laga helo goob dagaal.

War-tabiyeenka wanaagsani waxa uu isku hawlaa in uu helo goob-joogayaal kala duwan, dhinacyada dagaalamaya, qof dagaalku saameeyey (ama ha ku dhaawacmo ama ha ku bara-kaco) iyo cadaymo la xidhiidha dhacdada.

War-fidiyeenka bulshadu dhageysato waxa uu sameeyaa Kuur-gal, dhabo-gal, xaqiijin, xaqiiq-ku salayn, hadana hubin iyo dhex-dhexaadnimo isaga oo ilaalinaaya dheeli-tirnaanta xogta. Suxufigu la mid maahan dadka soo bandhiga wararka kutiri-ku-teenka ah ee ku salaysan caadifada kuwaasi oo halis gelin-kara nolosha dad kale oo ku nool deegaano kale oo ka baxsan halka uu dagaalku ka dhacay.

Xili ay xiisad colaadeed ka dhex-aloosnayd labo qoomiyadood oo wada degen dalka Rwanda ayaa weriye caadifadaysan warbixin iskugu jirta been-abuur iyo kicin bulsho waxa uu ka siidaayey idaacada wadanka, arintaasi waxay noqotay mid ka mid ah sobobihii ugu weynaa ee keenay xasuuqii wadankaasi ka dhacay 1994-kii oo ay ku dhinteen dad ay tiradoodu ku dhowdahay hal million oo qof (1M).

Waa tusaale ku sahabsan saamaynta ay leedahay marka la baahinaayo war aan la xaqiijin ama dhacdo jirta oo si xun loo sheego, sidaasi darteed qofka bulshada la wadaaga war aan xaqiiqo ahayn ama si qaldan u sheega (buun-buunin, caadifadayn, kicin Iwm) Isaga ayaa ka masuul ah adduun iyo aakhiraba !!

Ugu danbayn, ma ogtahay in warbaahinta lagu kalsoon-yahay ay maalinkasta soo bandhigto wararka xaqiiqada ah taasina kuma helaan tixgelin gaar ah maadaama ay tahay waajibkooda,

Balse hal maalin oo ay baahiyaan war ay ku deg-degeen kaasi oo hadhow xaga danbe ka noqda mid been ama been-abuur ah waxay ku mutaystaan in lagu shaambadeeyo warbaahin beenalay ah oo aan lagu kalsoonaan-karin.

Ibraahin Suxufi

DEG DEG: Xarunta wacyi-galinta nabada iyo xak**aynta tahriibta ayaa baaq nabadeed u dirtay beelaha walalaha ah ee Ciise ...
23/12/2025

DEG DEG: Xarunta wacyi-galinta nabada iyo xak**aynta tahriibta ayaa baaq nabadeed u dirtay beelaha walalaha ah ee Ciise iyo Gadabuursi.

Sareeyo Guuto Axmad Cilmi khayre ayaa loo magacaabay taliyaha saldhiga koowaad ee ciimada xeebta ee jamhuuriyadda Somali...
23/12/2025

Sareeyo Guuto Axmad Cilmi khayre ayaa loo magacaabay taliyaha saldhiga koowaad ee ciimada xeebta ee jamhuuriyadda Somaliland Taliye axmad cilmi khayre ayaa darojooyin.kala duwan ka qabtay ciimada qaranka somaliland

23/12/2025

Waa Kuma Hogaamiyaha ay Africa Ku Faanto ??

Madaxweynaha Dimuqraadiyada iyo Dawlad Wanaaga Daahir Rayaale Kaahin 2002-2010 !!

History

"Dadka Ehelka Ah Ee Isdilaaya Allow Boggooda Burcad Iskumari........Illaahey nabadda ha inoo soo qaddimo.dadka ehelka ee...
23/12/2025

"Dadka Ehelka Ah Ee Isdilaaya Allow Boggooda Burcad Iskumari........

Illaahey nabadda ha inoo soo qaddimo.dadka ehelka ee is-dilayana ( Ciise iyo Gadabuursi) boggooda burcad ha isku mariyo.

Xilliga adag ee lagu jiro, cidna uma fadhiyin in hogaanno dhaqan ay colaad ugu baaqaan dadka duruufta adag ee ay ku nool yihiin la wada ogyahay.

Sideedaba dagaal cidna cid kale kuma barokiciso sidaa-darteed, da'yarta waxan u sheegayaa in aan marna la ilduufin hadalka wanaagsan xataa haddii aad dagaalamayso.

Eebow ixsaan laga ma tago eed haddaad falli"

Waxa qoray✏️ Xildhibaan Rabiile Xaaji Abiib oo ka mida golaha deegaanka Borama.

"Waxaan Alle ka baryeynaa inuu qaboojiyo colada  ka dhex aloosan beelaha walaalaha ah ee Ciise iyo Gadabuursi, Ilaahay q...
23/12/2025

"Waxaan Alle ka baryeynaa inuu qaboojiyo colada ka dhex aloosan beelaha walaalaha ah ee Ciise iyo Gadabuursi, Ilaahay qalbiyadeennana ha isu soo jiido.

Ugaska duulanka ku baaqay waxan u rajaynayaa in Alle xaqa ku hanuuniyo, qalbigiisana ka saaro colaadda, kuna badalo damqasho nabadeed"

Waxa qoray Siyaasi Abdilaahi Kaahiye oo ka mida dhalinyarada Borama.

23/12/2025

Maayar Maxamuud Sh.Ibraahim ayaa maanta magaalada Hargeysa kusoo dhaweeyay, Maayarkii h**e ee magaalada Borama Mudane Maxamed Axmed Warsame oo maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Wariye Shucayb

23/12/2025

"Awliyaa dhul socodkiyo xidha wixii dhaq-dhaqaaqa.................

23/12/2025

Marwo Huda Barkhad

23/12/2025

DEG DEG: Madaxweyne Daahir Rayaale oo lagu soo dhaweeyay magalada Hargaysa.

DEG DEG: Dhawaqa rasaasta ayaa laga maqlayaa deegaan Habaas iyo tuulooyin hoos yimaada.Dagaalkan oo u dhexeeya Ciise iyo...
23/12/2025

DEG DEG: Dhawaqa rasaasta ayaa laga maqlayaa deegaan Habaas iyo tuulooyin hoos yimaada.

Dagaalkan oo u dhexeeya Ciise iyo Bahaber Celi ayay wararku sheegayaan in dhaawac jiro.

Faahfaahin kala soco warbaahinta Lughaya TV

23/12/2025

Badhasaabka Awdal Abdirashiid Xasan Mataan oo ku sugan magalada Hargaysa.

Address

Dublin

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Awdal History posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Awdal History:

Share

Awdal Authors and Journalists

Awdal Authors and Journalists {Historical Records}