Waasan Official

Waasan Official Wadajir Somali Assocition Ireland :-
https://www.facebook.com/profile.php?id=61561103134550

11/05/2025
10/02/2025
30/11/2024

Tirada dadka hoy la’aanta ah ee ku nool Ireland ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyey taariikhda, sida ay muujinayaan xogta Wasaaradda Hoyga ee maanta la shaaciyey. Waxaa la diiwaan geliyey 14,966 qof oo ah hoy la’aan, kuwaas oo ay ku jiraan 4,645 carruur ah, 2,161 qoys ayaa sidoo kale ku jirta, Tirada guud ayaa 206 qof ka sarreysay tii bishii h**e.

Dadka waaweyn ee hoy la’aanta ah ayaa gaaray 10,321 qof, oo 7,388 ka mid ah ku nool yihiin Dublin. Ku dhowaad laba meelood meel dadkaasi waa dad kali ah (single), waxaana tirada dadka waaweyn korodhay 122 qof. Waxaa sidoo kale jira 2,161 qoys, kuwaas oo 1,245 ka mid ah yihiin hal waalid (single-parent).

David Carroll, oo ah Agaasimaha Guud ee hay’adda Depaul, ayaa ugu baaqay dowladda cusub inay tallaabo deg-deg ah qaado, isagoo sheegay in carruurta hoyla’aanta ahi ay xaalad adag ku jiraan. Waxa uu ku baaqay in dowladdu si deg-deg ah wax uga qabato dhibaatadan qaran.

Doorashada guud ee socota ayaa sii xoojisay doodaha ku saabsan arrimaha hoyga, inkasta oo xogta cusub ee dhismaha guryaha ay muujinayaan horumar. Bishii October waxaa la bilaabay 4,249 guri oo cusub, iyadoo tirada guud ee guryaha sanadkan la bilaabay ay gaartay 53,256 guri.

Xogta ayaa muujinaysa in heerka hoyla’aanta uu sanadkii la soo dhaafay korortay 15%, halka hoyla’aanta carruurta ay korortay 17%. Tani waxay muujinaysaa baahida loo qabo siyaasad waarta oo wax ka qabata dhibaatada hoyla’aanta ee ku sii kordhaysa Jamhuuriyada Ireland.

Wadajir Somali Association Ireland
Www.wadajirsa.ie

Follow our socials.

Instagram
https://www.instagram.com/wadajirsaa?igsh=Zmk4dDJ2NXVuOTR3&utm_source=qr

Facebook
https://www.facebook.com/Wadajirsa

TIkTok
https://www.tiktok.com/?_t=8qw1qiqbXQv&_r=1

LinkedIn
https://www.linkedin.com/company/wadajirsa/

Snapchat
https://snapchat.com/t/LLKmIHRu

YouTube
https://www.youtube.com/

10/11/2024

Wadajir Somali Association Ireland 🇮🇪

Address

Dublin 1
Dublin

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Waasan Official posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Waasan Official:

Share