08/11/2024
2,700 oo Israa’iiliyiin ah ayaa la sheegay inay ku xanniban yihiin magaalada Amsterdam ee xarunta dalka Netherlands, kuwaasoo aan awoodin inay ku dhex socdaan magaalada, sababtoo ah waxay la kulmeen carada dadweynaha , waxaana la garaacay tiro badan oo ka mid ah Israa’iiliyiinta oo u tagay Amsterdam inay taageerraan kooxda ka dhisan Israa’iil ee Maccabi Tel Aviv oo ciyaar ka tirsan tartanka UEFA Europa League guul-darro 5-0 ah kala kulantay kooxda Holland ka dhisan ee Ajax.
Maamulka Israa’iil ayaa u diraya diyaaraddo soo daabula Israa’iiliyiinta.
Fiiro gaar ah;
Waxaa la kashifay waxa dhaliyay in Israa’iiliyiinta la weerarro, kuwaasoo qaarkood waddooyinka Amsterdam lagu cayrsaday oo lagu garaacay illaa ay miyir-daboolmeen, kuwa kale muuqaallo ayaa laga duubay iyagoo lagu khasbay inay ku dhawaaqan Falastiin xor ah— Waxay sameeyeen Israa’iiliyiinta inay dejiyeen calanka Falastiin oo ay jeex jeexeen, markaa oo la weerarray ayna dhexda u galeen xaalad argagax leh oo ay kala kulmeen dhallinyaro u badan bulshada Carabta.
Laakin ka qeybgalka tartamada caalamiga ah ee kooxaha Israa’iil ayaa mar kale bannaanka soo dhigtay caddaalad-darrada iyo munaafaqada xiriirka ciyaaraha adduunka ee FIFA oo horey u diidday in xulka iyo kooxaha Ruushka ay ka qaybgalaan tartamada caalamiga ah, markaa oo ay ku marmarsiyoodeen burburintii Ruushka ee Ukraine.
Dhawr codsi oo lagu mamnuucayay kooxaha Israa’iil ayay diidday FIFA, maaddama ay Israa’iil ku kacday xasuuq rayid loo geystay midkii ugu darnaa oo lagu dilay 42 kun oo rayid ah iyo burburinta aan horey dunidda uga dhicin ee marinka Qasa.
Waxaa xusid mudan kooxda ka socota Israa’iil ee ka qeybgalaysa tartanka UEFA Europa League inay isku guruub ku jiraan oo ay la ciyaari doonaan koox ka socota Turkiga ee Besiktas oo la qorsheeyay inay Istanbul ku soo dhaweyso 28 bishan November kooxda Maccabi Tel Aviv, balse dawladda Turkiga oo soo faragelisay ayaa codsatay in dal saddexaad ciyaartan lagu qabtay , sababtoo ah ma ogga dawladda Turkiga waxa ku dhici kara taageerrayaasha Israa’iiliyiinta haddii ay yimaadaan Turkiga, waxaana badan qiyaasta in qof Israa’iili ah uusan caafimaad qab uga laaban karin Turkiga.