Somalifair Media Group

Somalifair Media Group Get the latest from Somalifair News & Entertainment Network: breaking news, views and analysis that reshapes how we consume news, events and entertainment.

30/12/2024

*11 Maalmood Oo Sawirkii Madaxtooyaddu Isku Badelay Muuqaal La Mid Ah Kii Muuse Biixi Ee 7-da Sano Soo Dhismaayey*

Madaxweynaha la doortay ee Somaliland mudane, Cabdiraxmaan Cirro iyo wasiirka madaxtooyadda ee uu u cugtay hogaaminta wasaaradda ayaa durba dheeli aan loo meel eegin ku dardar geliyey nidaamkii shaqada ee madaxtooyadda. Tusaale madaxweynaha oo ah muraayadda qaranka iyo wasiirka madaxtooyadda oo ah wasiirka ugu awooda badan golaha wasiiradda ayaa isku beel ka soo wada jeeda (*Garxajis*) waxaa intaas raaca Cheif of staff-ka xafiiska madaxweynaha oo isla beeshaas ah, qofka ugu sareeya maamulka shaqaalaha oo isna ah jifada hoose ee Cabdiraxmaan Cirro, iyo maamulka iyo lacagta oo hada lala cumaamadayo isla beesha madaxweynaha ee hoose. Shaqaale cusub oo banaanka la keenay ayaa laga door biday saddex boqol oo shaqaale joogto ka ah, kuwaas oo khibrad ahaan iyo aqoon ahaan buuxin kara boos kasta oo looga baahdo madaxtooyadda.

11-ka maalmood ee la soo dhaafay waxaa jirta xukumad kale oo aan ahayn mida uu Cabdraxmaan Cirro hagaayo oo laga maamulaayo albaabo kale, waxa awooda xilalka hoos ee xukumadda ku dagaalamaya gudoomiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xassan iyo wasiirka Madaxtooyadda Khadar Xuseen Cabdi, waxay durba ku muujiyeen awoodaas, golaha wasiiradda oo xoghaynta 1aad uu keenay Xirsi, halka xisaabiyaha madaxtooyadda uu wasiir Khadar Xuseen miiska soo dhigay wiilka aynu habyntiisa xaga sare ku soo sheegnay.

Todobadii sano ee Muuse Biixi dalka haystay waxaa isku fuuqsaday saamiga indho beelka lagu qaybsanayo ee ka dhex socda aqalka waddanka looga arrimiyo. Bal waxa aad sii sawirataa iyada oo kala badh la gaadhay mudo xileedka madaxweyne Cirro waddanku sida uu u eekaan doono?
Mr. xogogaal.

Address

Perivale

Opening Hours

Monday 10am - 5pm
Tuesday 10am - 7pm
Wednesday 10am - 5pm
Thursday 9am - 7pm
Friday 10am - 5pm
Saturday 9am - 5pm
Sunday 11am - 5pm

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somalifair Media Group posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Somalifair Media Group:

Share