16/12/2025
Xog: Abaarta Ba'an ee gobollada Sool, Togdheer iyo Sanaag
Hal miyan Oo Qof Ayay Saamaysay in ka badan 200 Oo kun Oo Qof Ayaa Barakacay, 150 dugsi Ayaa xidhmay 45000 kun oo Arday Ayaa Wax barashadii Ka hayaamay 260 iskuul Ayaa Qarka u saaran inay xidhmaan Abaarta Darteed...........
Dalka waxa ka jira abaaro ba’an oo ka dhashay roob-yaraan soo noqnoqotay, taas oo isu beddeshay xaalad bini’aadan-nimo iyo culays nololeed. Xogo kala duwan oo soo baxaya ayaa sheegaya in dad ku dhow ilaa hal milyan oo qof ay saameeyeen abaaruhu. Halka dadka barakacay ay ka badan yihiin 200,000 oo qof gaar ahaan gobolada Togdheer, Sool iyo Sanaag iyagoo raadinaya biyo iyo baad. Tiro gaadhaysa ilaa 45,000 arday ayaa ka tegay waxbarashada, halka 150 iskuul xidhmeen, 260 kalena ay qarka u saaran yihiin in la xidho.
Biyo-la’aanta, baad-la’aanta, haraadka iyo rafaadka ka jira deegaannada miyiga iyo tuulooyinka waxay sabab u noqdeen hayaankii qoysas badan, iyo khasaare ballaadhan oo soo gaadhay xoolahooda, taas oo halis gelisay nolosha, dhaqaalaha, iyo badbaadada kumannaan qoys.
Madaxweynaha JSL waxa uu 25-kii Nofeembar 2025 ku dhawaaqay xaalad abaar qaran, isagoo sheegay in $1 milyan loo qoondeeyey gurmad bilow ah. Madaxweyne-ku-xigeenkuna 17-kii Nofeembar 2025 wuxuu caddeeyey in abaartu sii adkaanayso. Si kastaba ha ahaatee ma muuqdo hawlgal ama tallaabooyin ay xukuumaddu qaaday si looga jawaabo xaaladda sii adkaanaysa ee abaaruhu keeneen.
Waxa iyaduna jirta:
• Guddidii abaaraha ee la magacaabay wax la taaban karo may qaban.
• Qaadhan-ururin qaran oo muuqda ma jiro.
• Biyo-dhaamis si nidaamsan loogu gaadhsiiyo meelaha ay abaaruhu saameeyeen oo aan muuqan.
• Dayactirka lagu sameeyay ceelasha biyaha oo aan muuqan.
• Warbaahinta oo aan qaadan doorkeedii wacyigelinta, gudbinta xaaladda abaaraha, iyo abaabulka gurmadka.
Iyada oo ay jirto xaaladda abaareed ee culus, xukuumaddu waxa ay u muuqataa mid aan diyaar u ahayn ama aan si buuxda ula socon duruufaha adag ee bulshada soo foodsaaray. Iyada oo la filayo wakhtiga Jilaalka ee soo socda (Jan–Mar 2026) uu adkayn doono biyo-yaraanta iyo baad la’aanta imikaba.
Hadaba, Waxa loo baahan yahay in si degdeg ah loo qaado tallaabooyinka soo socda:
• Biyo-dhaamis degdeg ah oo la gaadhsiiyo deegaannada ay abaaruhu aad u saameeyeen.
• Gurmad la gaadhsiiyo dadka iyo xoolaha nool oo isugu jira biyo,baad iyo dawo-ba.
• Qaadhan-ururin qaran oo xukuumaddu hoggaamiso oo si hufanna loo xisaabin karo ( Qaadhaan ka yimid dawladda Qadar ayaan ilaa imika la garanayn sida loo maamulay).
• Isku-dubarid hawlaha gargaarka ee la xidhiidha gurmadka abaaraha.
• Ku celin Baaq abaarta iyo in loo gargaaro dadka Abaartu saamaysay (Drought Appeal).
Sidoo kale, ganacsatada iyo qurbo-joogta waxaa laga sugayaa inay qaataan door muuqda oo degdeg ah, balse taas waxa saldhig u noqon kara oo keliya kalsooni iyo hufnaan.
Haddii maanta aan la qaadi tallaabo degdeg ah oo wadajir ah xukuumadda, ganacsatada iyo qurbo-joogta, abaartu waxay isu beddeli doontaa masiibo qaran oo ay adkaanto in la mareeyo ama wax laga qabto.
W/Q: Ex Wasiir Dr Abdiweli Suufi Jibriil