Hargeysa Today

Hargeysa Today Hargeisa Today Kala Soco Warar iyo Muuqaallo Cusub Hargeysa Today kala soco muuqaallo Xiiso Leh
(5)

03/02/2025

Baaxadda Dabka Qabsaday Suuqa Idaacadda Oo Shuf beelay iyo Naf-hurkii Ciidanka Dab-demiska

02/02/2025

Dab Xooggan oo Ka Kacay Suuqa Idaacadda ee magaalada Hargeysa

01/02/2025

Boqor Buurmadow Oo Ku Dhawaaqay Warkii Laga Sugayey Oo Jiif iyo Joogba U Diiday Cadowga Somaliland

30/01/2025

Maxaa Lagu Xusuustaa Taliye Tuux Taani Oo Ardaygiisii Ku Wareejiyey Xilka Taliyaha Ciidanka Qaranka?

28/01/2025

Mujaahid Maanso Ka Tiriyey Hadal-haynta Ka Dhalatay Safarka Madaxweynaha Somaliland ee Imaaraadka Carabta

28/01/2025

Maamulaha Dahabshiil Group, Abdirashid Duale iyo qaar ka mid ah ganacsatada waaweyn ayaa maanta kula kulmay magaalada Hargeisa safiirka UK iyo madax ka tirsan Hay’adda Save the Children.

Kulankan ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo la xiriira kobcinta iyo horumarinta dhaqaalaha iyo sidii xal loogu heli lahaaa caqabadaha saamaynaya horumarka dhaqaalaha, iyo sidoo kale dhiirrigelinta maalgashiga qurbo-joogta ay ku sameeyaan wadamada ay ku dhasheen iyagoo Ka-qaybgalayaashu kulanku carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay iskaashiga u dhexeeya dowladaha iyo ganacsatadda si loo hormariyo oo loo abuuro horumar dhaqaale oo xoogan mustaqablka fog.

Abdirashid Duale, oo ah Maamulaha Guud ee Dahabshiil Group, isla markaana ka mid ahaa ganacstadda kulanka ka qayb galay, ayaa tilmaamay baahida loo qabo iskaashi xooggan oo ka dhex dhaca ganacsatada, dowladaha daneeya horumarka ee ka mid tahay dowlada UK, hay’adaha caalamiga ah, iyo ganacstadda isagoo tibaaxay in ay muhiim tahay in dowladda UK iyo hay’adaha caalamiga ahi la shaqeeyaan ganacstadda si ay u fursado badan oo shaqo abuur ah ugu sameeyaan dhalinyaradda, tag iyo haweenka, si loo gaadho isku filaansho cuntadda ah iyadoo la horumarinayo beeraha maxalliga ah iyo kaluumaysiga.

Ka-qaybgalayaasha ayaa ku booriyey dowladda UK inay u fudeydiso lacag dirista qurbo-joogta Soomaaliyeed si ay maalgashi uga sameyn karaan wadamda ay ka soo jeedaan. Waxa ay sidoo kale tilmaameen baahida loo qabo in bangiyada UK, shirkadaha lacagaha dira, iyo hay’adaha adeegyadda maaliyadeed bixiya ee dalka gudihiisu iyo dibadaba ay iska kaashadaan sidii loo fududeyn lahaa lacag dirista loona xoojin lahaa fursadaha maalgashiga iyo dhaqaalaha iyo ganacsiga.

Waxa sidoo kale oo lagu falanqeeyey kulanka dhiirigalinta ciyaaraha fudud, oo ay ugu horeeyaan tartamada orodka, kuwaas oo dhiirrigelin kara midnimada iyo isdhex galka bulshada iyo horumarka. Ka-qaybgalayaashu waxay muujinayeen sida ay muhiimka u tahay taageerada ganacsatadda ee lagu xoojinayo caafimaadka, kor u qaadidda nabadda iyo xasiloonidda.

Kulanku ayaa kusoo dhammaaday si wanaagsan, iyagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay iskaashiga iyo joogtaynta wada-hadalladda si culays loo saaro sidii loo sii xoojin lahaa dhamaan wixii keenya horumarka iyo shaqo abuurka.

Riwaayadii "Galbeed Waa La Xoreeyay Waarsaase Gaagixisay" waa mid kamid ah riwaayaddihii uu curiyay Abwaan Xasan Xaaji C...
25/01/2025

Riwaayadii "Galbeed Waa La Xoreeyay Waarsaase Gaagixisay" waa mid kamid ah riwaayaddihii uu curiyay Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan Genay), waxaana jilliinkeedii masraxiyadeed la metelay sannadkii 1977-kii.

Heesihii Riwaayadda
• Heesta: "Maalmaha Qalooca"
Codka: Xasan Aadan Samatar
Laxanka: Xasan Aadan Samatar
• Heesta: "Gadhba Gadhbaa La Tusaa"
Codadka: Sahra Axmed Jaamac iyo Xasan Aadan Samatar
Laxanka: Xasan Sabriye Afrax (Gareed)
• Heesta: "Daa'uus"
Cododka: Xasan Aadan Samatar iyo Sahra Axmed Jaamac
Laxanka: Axmed Nuur Iidow Abtiile (Jaangow)
• Heesta: "Sayla"
Cododka: Xasan Aadan Samatar iyo Sahra Axmed Jaamac
Laxanka: Xasan Aadan Samatar
• Heesta: "Masciideed"
Codadka: Cabdinaasir Macallin Siciid iyo Aamina Cabdilaahi Xirsi
Laxanka: Aweys Abuukar Nuur (Goobe)
• Heesta: "Looyaanka Caashaqa"
Codadka: Aamina Cabdilaahi Xirsi iyo Cabdinaasir Macallin Siciid
Laxanka: Axmed Nuur Iidow Abtiile (Jaangow)
• Heesta: "Sheeko Baralay"
Codadka: Aamina Cabdilaahi Xirsi iyo Cabdinaasir Macallin Siciid
Laxanka: Cabdiraxmaan Cismaan Maxabe (Cabdiraxmaan Dheere)

XIGASHO: Ceynaanshe Axmed

24/01/2025

"Hadday Afmadow Jubaland Dhashay, Laascaanood Dhalimayso Khaatumo" ~ Shirqool Jigjiga Laga Soo Maleegay Oo Hargeysa Lagu Kar-karinayo iyo Qayla-dhaan Ka Digtay

23/01/2025

Sanduuqa Aqoonsiga Somaliland, Qorshaha Maraykanka iyo Quusta Soomaaliya

Allah SWT ha janeeye Abwaan Xasan Qawdhan Yuusuf waxa uu ahaa hal abuure curiya suugaanta noocyadeed kala gedisan sida G...
23/01/2025

Allah SWT ha janeeye Abwaan Xasan Qawdhan Yuusuf waxa uu ahaa hal abuure curiya suugaanta noocyadeed kala gedisan sida Gabayga, Geeraarka, Heesaha iyo Riwaayadaha.

Riwaayadihii uu Abwaanku curiyay waxaa kamid ah riwaayaddii "Anagoo Waalan Waagu Noo Bari" ee soo baxday sanadkii 1970. Sidoo kale riwaayadii "Nina Waal Nina Waani" taa oo Abwaanku sameeyay sanadkii 1973.

Dhanka kale hadii aynu eegno heesihii ku jiray riwaayadda "Nina Waal Nina Waani" waxa ay kala ahaayeen.

• Heeska: "Dardaaran"
Codka: Muuse Ismaaciil Xuseen (Qalinle)
Laxanka: Xasan Sabriye Afrax (Gareyd)
• Heeska: "Qalam Jalam"
Codka: Muuse Ismaaciil Xuseen (Qalinle)
Laxanka: Xasan Sabriye Afrax (Gareyd)
• Heeska: "Waan Kuu Waramayaa naftaydaay"
Codka: Muuse Ismaaciil Xuseen (Qalinle)
Laxanka: Xasan Sabriye Afrax (Gareyd)
• Heeska: "Gacalo"
Codadka: Axmed Cali Cigaal iyo Shankaroon Axmed Yuusuf (Sagal)
Laxanka: Xasan Sabriye Afrax (Gareyd)
• Heeska: "Laba Lis Caashaqa"
Codadka: Axmed Cali Cigaal iyo Shankaroon Axmed Yuusuf (Sagal)
Laxanka: Xasan Sabriye Afrax (Gareyd)
• Heeska: "Shalow"
Codka: Axmed Cali Cigaal
Laxanka: Axmed Cali Cigaal
• Heeska "Alloow Sahal Amuuraha"
Codadka: Sahra Siyaad iyo Muuse Ismaaciil Xuseen (Qalinle)
Laxanka: Xasan Sabriye Afrax (Gareyd)

XIGASHO: Ceynaanshe Axmed

"Isma waafaqsana wareegtada Madaxwaynuhu mushaharka ugu kordhiyay Ciidanka iyo miisaaniyadda waxaa ku Qoran"Hargeysa (HT...
22/01/2025

"Isma waafaqsana wareegtada Madaxwaynuhu mushaharka ugu kordhiyay Ciidanka iyo miisaaniyadda waxaa ku Qoran"

Hargeysa (HT)- Madaxwenaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa xeer madaxweyne oo uu maanta soo saaray ku dhaqan-geliyey mushahar kordhin loo samayn doono Ciidamada Qaranka kaddib marka lagu sameeyo diiwaangelin rasmi ah oo ku muddeysan muddo 30 maalmood ah.

Madaxweynaha oo xilligii uu mucaaradka ahaa ballan-qaaday inuu boqolkiiba 250 kordhinayo mushaharka Ciidamada muddo-xileedka uu joogo, waxa uu wareegtada ku sheegay in miisaaniyadda sannadkan 2025 uu ciidamada ugu kordhiyey boqolkiiba 50 mushaharka ay qaataan.

Haddaba waxa arrintan ka hadlay Xildhibaan Xirsi Cabdilaahi oo sheegay inaanay is-waafaqsanayn mushahar kordhinta madaxweynuhu xeerka ku dhaqan-geliyey iyo mushahar-kordhinta ciidamada ee ku xusan Miisaaniyadda Dowladda ee 2025 oo xilligan hortaala Golaha Wakiillada.

“Waan soo dhawaynayaa wareegtada madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ee kordhinta mushaharka ciidanka oo dhan 50%. Miisaniyada Golaha Wakiilada hortaala waxaa ku qoran kordhin 10% kali ah, isma waafaqsana wareegtada madaxweynaha iyo miisaniyada 2025. Iswafajin iyo sixid ayey uga baahantahay Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland.” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaanka Xirsi Cabdilaahi oo ka mid ah mudaneyaasha Xisbiga Kulmiye ee laga soo doortay Gobolka Saaxil.

22/01/2025

Madaxweyne Cirro Oo Kulan Sharafeed Ku Maamuusay Warbaahintii La Soo Shaqaysay Xilligii uu Mucaaradka Ahaa

Riwaayadii "Gododliyo Gabdhaha Kacay", waa mid kamid ah riwaayaddihii uu alifay Abwaan Maxamed Aadan Ibraahim (Dacar) ta...
22/01/2025

Riwaayadii "Gododliyo Gabdhaha Kacay", waa mid kamid ah riwaayaddihii uu alifay Abwaan Maxamed Aadan Ibraahim (Dacar) taa oo jilliinkeeda masrixiyadeed la metelay sanaddii1970, sidoo kale waana riwaayaddii koowaad ee Dacar lahaa ee Shankaroon Axmed Yuusuf (Sagal) ka qeyb qaadato. Dhanka kale heesihii riwaayaddaa ku jiray waxay kala ahaayeen

• Heeska: "Igu Sooo Dhawoow Ii Dhiib Gacmaha"
Codadka: Maxamed Warsame Qaasaali iyo Sahra Siyad
• Heeska: Ila Garo Wanaagoo Ha I Loobin Gobanimo"
Codadka: Maxamed Aadan Ibraahim (Dacar) iyo Shankaroon Axmed Yuusuf (Sagal)
• Heeska: "Ma Ii Hiilinaysaa"
Codadka: Cabdi Tahliil Warsame iyo Shankaroon Axmed Yuusuf (Sagal)
• Heeska: "Igu Dheeridaa"
Codadka: Shankaroon Axmed Yuusuf (Sagal) iyo Maxamed Aadan Ibraahim (Dacar)
• Heeska: "Ibtilada Jacaylka Adiga Igu Beeray"
Codadka: Maxamed Warsame Qaasaali iyo Sahra Siyaad
• Heeska: "Xoodaamo"
Codka: Cabdi Tahliil Warsame
Waxaa xusid mudan in heeska "Xoodaamo" ee ku jiray riwaayadda "Gododliyo Gabdhaha Kacay" ma laha Abwaan Dacar, balse heeskaa waxaa riwaayadda ku darsaday AUN Abwaan Ismaaciil Sheekh Axmed Jaamac (Cagaf).

XIGASHO: Ceynaansho Axmed

21/01/2025

Maamulaha Dahabshiil Group, Abdirashid Duale oo ka qaybgalay Munaasibadda caleemo saarka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee ka dhacday Washington DC, ayaa VOA uga waramay waxyaabaha qaaradda Afrika ay ka filayso Madaxweynaha 47aad ee Maraykanka.

20/01/2025

Qayla-dhaan Ka Soo Yeedhay Muwaadiniin Maayar Mooge Dhulkooda Xoog Kaga Qaaday

20/01/2025

Xisbiga Kulmiye Oo Bilaabay Mucaaradnimadii Lagu Yaqaanay Oo Qaddin Ah iyo Hanjabaad Loogu Digay Xukuumadda Madaxweyne Cirro

18/01/2025

Mucaaridkii Maayir Mooge oo War Lama Filaana Kaga Dhawaaqay 26-ka June iyo Garnaqsiga Hargeysa

17/01/2025

Aqoonyahan Ka Waramay Xaqiiqada Taariikhda Dhabta Ah ee Reserve Area & Ogadenia Oo Laga Been Abuuray iyo Damaca Qaawan ee Ogaadeen

Address

Hounslow
London

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hargeysa Today posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Hargeysa Today:

Videos

Share

Category