
31/01/2025
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo waraysi siiyey Jariirada Washington Post ayaa qiray in ay jirto dedaallo lagu doonayo in lagu aqoonsado Somaliland kuwaas oo uu sheegay in ay wadaan xubno ka ag dhow Madaxweynaha dalka Maraykanka Trump. Xasan ayaa sheegay in aanay walaac taas ka qabin maaddama oo ay ku kalsoon yihiin uu midnimada sii adkayn doono madaxweyne Trump oo kolkiisi labaad ku soo laabtay kursiga dalkaaas looga taliyo.
Hadal haynta ka dhalatay in Maraykanku uu aqoonsanayo Somaliland ayaa xoogganayd tan iyo sannadkii h**e taas oo ay sii xoojisay doorashadii madaxweyne Trump.