Somali Cable TV

Somali Cable TV Kusoo dhawaada Telefishinka caalamiga ah ee Somali Cable TV

29/12/2024

SHEEKADA IQAADA & KHATAR CUSUB:-Maxey yihiin dhibaatooyinka Ka dhalan kara Muqaalada ay maalmahan dhalinyarada duubayeen ee iqaada oo naftooda halis gelin Kara.

Wariye Cabdixafiid Nuur Barre ayaa ka waramaya.

28/12/2024

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo gobolka Galgaduud u diyaarisay gargaar bani’aadannimo oo gaaraya 25 gaari oo xamuul ah maalmaha soo aaddana gaari doono deegaanada maamulkaas.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa gargaarkaan oo loogu tala-galay in ka badan 13,000 qoys waxa uu ku wareejiyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka Galmudug oo ay wehliyaan wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Galmudug.

28/12/2024

"Nimanka hadda noo dowladeynaya ee dadkeena Ceel-Baraf ku xirxiraaya,kuwo horay dadkeena u laayay kujira ee dowladeey arintaas hoos haloo eego"Nabadoon Shamuuq.

Roobabki Dayrta ee la filayay in ay da’aan bilihii Sebtembar, Oktoobar iyo Nofembar oo baaqday ayaa sababay abaar saamey...
28/12/2024

Roobabki Dayrta ee la filayay in ay da’aan bilihii Sebtembar, Oktoobar iyo Nofembar oo baaqday ayaa sababay abaar saameysay inta badan gobollada dalka oo h**e ula daalaa-dhacayay dhibaatooyinka ka dhasha dhacdooyinka cimilo ee soo laalaabtay.

Degaannada Galmudug, gaar ahaan Gobolka Galgaduud, wuxuu qeyb ka yahay goobaha ay abaaruhu sida ba’an u saameeyeen, halkaas oo kumannaan shacab nugul ah ay ku wajahayaan nolol adag oo u baahan jawaab aan daah lahayn.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo ka jawaabeysa baahida bulsho ee guud ahaan gobolka iyo goobaha laga xoreeyay argagaxisada ayaa diyaarisay gargaar bani’aadannimo kaas oo 25 gaari oo xamuul ah maalmaha soo aaddan looga qaadi doono keydadka hay’adda ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa gargaarkaan oo loogu tala-galay in ka badan 13,000 oo qoys ku wareejiyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka Galmudug oo ay wehliyaan wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Galmudug.

Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa Dowladaha Shiinaha iyo Turkiga kaga mahad-celiyay deeqdaan oo ay ugu tala-galeen in Dowladda Soomaaliya gaarsiiso dadka nugul, isagoo madaxda iyo shacabka Galgaduud ugu baaqay in gargaarkaan bani’aadannimo wadajir loogu hubiyo gacmaha dadka duruufaha nololeed heystaan ee loogu tala-galay.

28/12/2024

"Intii dhima rabtay waa dhimatay ee waxay maslaxadu kujirtaa in aan colaad kale lasoo hurin"Nabadoon Macalin Baashir

28/12/2024

"Abgaalow Xawaadle Mudulood ayuu la siman yahay soo baxa oo walaalihiina Agoon yare u imaada hadii ay qaldan yihiin ceshta hadii ay saxan yihiin garab siiya"Nabadoon Cumar.

28/12/2024

"Xawaadle waan u tacsiyeenaynaa falkaas anaga raali k**a nihin,laakiin dowladda in ay Gudoomiyaha xirto ma aheyn"Nabadoon Muxudiin Gaabow.

28/12/2024

Toos Muqdisho:- Barnaamijka Xulka Wararka.

28/12/2024

AGOONYAR & EEDEYN CULUS:-Odayaasha dhaqanka Dadkii lagu eedeeyay Askartii lagu dilay Ceel-Baraf oo dowlada ku eedeeyay inay beegsatay dad aan waxba galabsan.

Wariye CabdiXafiid Nuur Barre ayaa Ka waramaya.

Farmaajo "waxaan ka muragaysannahay saraakiisha iyo ciidanka Soomaaliyeed ee difaacayey dalkooda ee aanada qabiil loogu ...
28/12/2024

Farmaajo "waxaan ka muragaysannahay saraakiisha iyo ciidanka Soomaaliyeed ee difaacayey dalkooda ee aanada qabiil loogu laayey Hirshabeelle"

Madaxweynihii h**e ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo baaq kasoo saaray dagaalada Beelaha.

BAAQ NABADEED:-

Dadka Soomaaliyeed ee ehelka iyo xigtada isu ah ee sida xaq darrada ah ugu dagaallamaya deegaanno badan oo ka mid ah dhulkeenna, waxaan ugu baaqayaa in ay joojiyaan colaaddaha macno darrada ah ee aan lahayn guul, geeri mooyee.

Hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda heer Maamul waxaan xasuusinaynaa qiimaha ay leedahay in ay ku shaqeeyaan Soomaalinimo iyo midnimo, maadaama oo ay tusaale u yihiin shacabka, taas oo yaraynaysa dareenka qabyaaladda, eexda iyo colaadaha sokeeye.

Si gaar ah, waxaan uga muragaysannahay saraakiisha iyo ciidanka Soomaaliyeed ee difaacayey dalkooda ee aanada qabiil loogu laayey Hirshabeelle, arrinkaas oo khatar wayn ku ah jiritaanka Ciidamada Qalabka Sida oo aan lahayn hayb iyo qabiil ka hooseeya Soomaalinimo.

Culimada, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in ay u istaagaan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta deegaannada colaaduhu ay ka jiraan, si dadka walaalaha ah ay nabad ugu wada noolaadaan.

Alle waxaan ka baryayaa in uu dalka iyo dadkeenna ku mannaysto nabad iyo barwaaqo.

28/12/2024

"Madaxda Hirshabeele ayaa macaash ku qaba dagaal beeleedyada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe,hurinta Colaadana qeyb ayey ka yihiin "Xildhibaan h**e Cali Saciid.

28/12/2024

Shirka hogaanka Hey'adda SoDMA iyo Culimada Soomaaliyeed,Warbixinta dagaalada Qabiilada iyo Xaalada abaarta La-nina.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, Gudoomiyaha cusub ee Gobalka Banaadir M...
28/12/2024

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, Gudoomiyaha cusub ee Gobalka Banaadir Maxamed Axmed Amiir iyo Gudoomiyaha Maxk**adda Gobalka Banaadir Saalax Cali Maxamuud ayaa kullan looga hadlayey xoojinta wada-shaqeynta Boliiska iyo Maamulka Gobalka ku yeeshay Magaalada Muqdisho.

Hambalyo iyo Bogaadin ayuu ugu h**eyn Taliyuhu la wadaagay Gudoomiyaha cusub ee Gobalka Banaadir,waxaana uu kulanka ka sheegay inuu diyaar la yahay is waafajinta qorshayaasha amaan ee Boliiska iyo maamulka cusub ee Gobalka Banaadir si kor loogu qaado amaanka Caasimadda Dalka ee Muqdisho iyo guud ahaan Gobalka Banaadir.

Ugu dambeyn Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Maxamed Axmed Amiir ayaa Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi uga mahadceliyey soo dhaweyntiisa waxaana uu ku bogaadiyey isbadalada amaan ee Boliiska ka muuqda mudada kooban ee Taliyuhu xafiiska joogo , waxaana uu balan qaaday in wada-shaqeyn joogta ah yeelanayaan si looga baaqsado dal daloolkasta oo ragaadin kara amaanka guud ee Dalka gaar ahaan kan Gobalka Banaadir.

28/12/2024

Qodobada Warka Somali Cable TV Muqdisho 28-12-2024.

28/12/2024

WARARKA CAALAMKA:-Ruushka oo fashiliyey isku day Ukrain ku dooneysay iney ku disho Sarkaal sare oo Ruush ah.

Mareykanka oo diiwaan galiyay heerka ugu sarreeya darbi-jiifka taariikhdiisa.

Israa’iil oo qorsheynaysa howlgalo ballaaran oo Militari oo ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka Hay’ad...
28/12/2024

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Dr. Axmed Cabdi Aadan ayaa kulan looga hadlay ka hortagga colaadaha sokeeye, muhiimadda ay leedahay wacyi-galinta wax-garadka iyo u diyaar-garowga yareynta khatarta ka dhalan karta abaarta La-nin la qaatay culimada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Hay’adda ayaa culimada uga warbixiyay saameynta billowga ah ee La-nina, taas oo durba saameysay nolosha iyo degaanka 13 gobol oo ka mid ah 18-ka gobol ee dalka, si gaar ah gobollada Gedo, Hiiraan, Baay, Bakool, Mudug, Togdheer, Galgaduud, Sool, Shabeellaha hoose, Shabeellaha dhexe iyo Jubbada hoose.

Guddoomiyaha ayaa xusay in roobabkii Dayrta oo baaqday ay sababeen in ku dhawaad lix malyan oo qof oo danyar ah ay haatan u baahan yihiin gargaar bani’aadannimo oo deg-deg ah, halka uu cilimada ka codsaday in ay karaankooda oo dhan isku geeyaan sidii looga hortagi lahaa in abaartaas xaddigaas leh aysan dadkeenna ugu darsamin coloodo sokeeye.

Qaar ka mid ah Culimadda Soomaaliyeed oo kalmado kooban kulanka ka jeediyay ayaa hay’adda SoDMA ku boorriyay dadaallada gargaarka iyo shaqada guud ee ay dalka ka heyso, halka ay wadajir u ballan-qaadeen in ay sii adkeyn doonaan wacyi-galinta bulshada ee la xariirta ka hortagga colaadaha sokeeye iyo muhiimadda ay leedahay xoojinta nabadda.

28/12/2024

QUUS & ARGAGAX:-Aabe Toorey Nafta ku dhaafiyay Xaaskiisa oo u dhashay 5-Caruura iyo ehelada Gabadha oo Cadaalad dalbaday,haddaba sidee ayuu u dhacay falka Dilka?

Wariye Ismaaciil Yabaroow ayaa ka waramaya.

28/12/2024

MUUQAAL XASAASI AH & XABSI:-Gudoomiyihii Ceel-Baraf iyo Odayaal dhaqan oo Gacmaha ka xiran oo Diyaarad Helicopter ah laga soo saaray degmada Ceel-Baraf kadib Askartii lagu dilay degmadaasi.

Wariye Liibaan Lucky ayaa kasoo waramay Ceel-Baraf.

Address

253 Well Street
London
E96RG

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Cable TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Somali Cable TV:

Videos

Share