Rasumal Tv

Rasumal Tv Fadlan ka mid noqo saaxibada Rasumal Tv

Tobannaan dadweyne ah ayaa salaaddii Jimcaha kadib isugu soo baxay dibadda masjidka Cumar Bin Khadaab ee magaalada Muqdi...
17/01/2025

Tobannaan dadweyne ah ayaa salaaddii Jimcaha kadib isugu soo baxay dibadda masjidka Cumar Bin Khadaab ee magaalada Muqdisho iyagoo taageeray heshiiska xabad joojinta ah ee looga dhawaaqay magaalada Qasa. Dadweynaha ayaa watay boorrar ay ku qornaayeen nabadda Qasa iyo calamada Falastiin.

Haddallo ay dibad baxa ka jeediyeen xubnaha ka qaybgalay ayay ku sheegeen in heshiiska uu muujinayo guul ay gaareen shacabka Falastiin iyo dadka reer Qasa.

Isra'iil iyo Xamaas ayaa ku heshiiyay xabbad-joojin iyo sii deynta maxaabiista ka dib 15 bilood oo dagaal ah, sida ay sheegeen dhexdhexaadiyayaasha Qatar iyo Mareykanka.
Ra'iisul Wasaaraha Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdul Rahman Al Thani, ayaa sheegay in heshiiska uu dhaqan geli doono Axadda haddii golaha wasiirrada Israa'iil uu ansixiyo.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in tani ay 'joojin doonto dagaalka Gaza, korna ay u qaadi doonto gargaarka bini'aadantinimo ee aadka loogu baahan yahay ee shacabka Falastiin, isla markaana ay maxaabiistu la mideyn doonto qoysaskooda.

Markii ugu h**eysay ee dhexdhexaadiyeyaasha heshiiska ee Qatar iyo Mareykanka ay ku dhawaaqeen heshiiska, waxay sheegeen in heshiiska uu dhaqan gelayo maalinta Axadda ah iyadoo ay ansixin doonaan golaha wasiirada Israa’iil.

Dagaal ayaa la sheegayaa inuu dib uga qarxay galbeedka gobolka Mudug, gaar ahaan Meygaagta, sida ay RasumalTv u sheegeen...
15/01/2025

Dagaal ayaa la sheegayaa inuu dib uga qarxay galbeedka gobolka Mudug, gaar ahaan Meygaagta, sida ay RasumalTv u sheegeen ilo wareedyo deegaanka ah.

Dagaalka saaka ayaa yimid xilli ay dhawaanahan socdeen dedaallo nabadeed oo lagu heshiisiinayo dhinacyada dagaalamaya.

Wasiirro ka socday Puntland iyo Galmudug oo loo soo diray howlaha nabadeynta gobalka Mudug ayaa dib ugu kala laabtay Garoowe iyo Dhuusamareeb.

Dhawaan ayay ahayd markii maamulada Puntland iyo Galmudug ay sheegeen in xal laga gaaray dagaalka sida hadda muuqatana heshiiskaas ayaanan dhaqan gelin.

Xildhibaanada Labada Golle ee Baarlamaanka JFS ku matala Jubbaland ayaa dhaleeceyn kulul ujeediyay dowladda Federaalka a...
15/01/2025

Xildhibaanada Labada Golle ee Baarlamaanka JFS ku matala Jubbaland ayaa dhaleeceyn kulul ujeediyay dowladda Federaalka ah ee uu hoggaamiyo Xasan Sheikh Maxamuud kuwaas oo ku eedeeyay inay siyaasadeeysay arimaha gargaarka, kabka Miisaaniyada iyo Deeqaha Caalamiga ah ee Jubbaland.

Sawirrada hadal haynta dhaliyay ee soo dhaweyntii heerkeedu sareeyay ee ay Itoobiya u sameysay  Madaxweyne Xasan Sheekh ...
12/01/2025

Sawirrada hadal haynta dhaliyay ee soo dhaweyntii heerkeedu sareeyay ee ay Itoobiya u sameysay Madaxweyne Xasan Sheekh taas oo lagu tilmaamay soo dhaweyntii ugu sarreysay ee ay Itoobiya u sameyso madaxweyne Soomaali ah.

Waddooyinka magaalda Addis Ababa iyo dhismayaasha ayaa waxaa lagu xardhay calanka Soomaaliya iyo sawirrada madaxwynaha.

Maxay kulatahay?

Saraakiil katirsan Midowga Yurub ayaa sheegay in ay xoogga saareen howlgallada looga hortagayo dib usoo laabashada Kooxa...
10/01/2025

Saraakiil katirsan Midowga Yurub ayaa sheegay in ay xoogga saareen howlgallada looga hortagayo dib usoo laabashada Kooxaha Burcad badeedda Soomaalida oo bilihii u dambeeyay bilaabay dhaq-dhaqaaqyo iyo isku dayo ah in ay qaadaan weerarro ka dhan ah maraakiibta.

Waxay sheegeen in roondada ay sameysanayaan Maraakiibta Dagaalka oo ay wehliyaan Diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kuwa Duulliye la’aanta ee Drones-ta loo yaqaan ay fududeynayaan kahortagga weerarrada kooxahaas.

Ku dhawaad 100 Xildhibaan oo katirsan labada aqal ee Baarlamanka ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay in Ga...
06/01/2025

Ku dhawaad 100 Xildhibaan oo katirsan labada aqal ee Baarlamanka ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay in Ganacsade Ajnabi ah uu u uxiray Dhoofka Xoolaha oo loo diiday Ganacsatadii Soomaaliyeed.

05/01/2025

Waxaa jira dalal badan oo aanan dooneeynin ineey soomaaliya NABAD noqoto hadaba waa kuwee dalalkaas?

Maxeeysa tahay sababta ka danbeeysa arinkaas?

02/01/2025

Hadal-jeedintii Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle).

02/01/2025

Hambalyada Madaxweyne Xasan Sheekh ee ku aaddan ka-mid-noqoshada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey oo ay ugu dambeysay 54 sano ka hor.

54 sannadood ka dib Soomaaliya ayaa ku fadhiisatay kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.Soo...
01/01/2025

54 sannadood ka dib Soomaaliya ayaa ku fadhiisatay kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Soomaalida ayaa xilkan haynaysaa labada sanno ee soo socota ee 2025-2026. Wakiilada ayaa sheegay in ay ka go’antahay ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah.

Faahfaahin aanu ka heleyno deegaanka Dharjaale ee gobolka Bari ayaa tibaaxaya in saaka uu dagaal ku dhexmaray ciidamada ...
31/12/2024

Faahfaahin aanu ka heleyno deegaanka Dharjaale ee gobolka Bari ayaa tibaaxaya in saaka uu dagaal ku dhexmaray ciidamada Puintland iyo Kooxda Daacish ee buuraleyda Calmiskaad.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dagaalka saaka uu ku bilowday weerar Ismiidaamin ah oo uu fuliyey baabuur laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo lagu weeraray fariisin kamid ah kuwa ciidamada Puntland.

Kadib waxaa bilowday dagaal toos ah oo dhexmaray labada dhinac.

Xogo laga helayo saraakiil ciidan oo ku sugan furinta h**e ayaa sheegaya in dhamaan kooxdii weerarka soo qaaday ay dagaalka ku dhinteen inkastoo Rasumal TV aysan si madax bannaan u xaqiijin karin warkaas.

Afhayeen u hadlay ciidanka Puntland ayaa warsaxaafadeed ku sheegay inay dileen 8 qof oo u dhashay dalal shisheeye oo kamid ah maleeshiyaadka weearka soo qaaday.

"Geesiyaasha har iyo habeen u taagan Difaaca iyo in ay Argagixisada ka sifeeyan Puntland, ayaa soo bandhigay Ajaanibta weerarka lagu dilay oo ka badan 8xubnood, hubkoodii iyo jabka xooggaanna ee saaka lagaarsiiyey Argagixisada Daacish.," ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ciidanka Puntland.

Muuqaalo lagu baahiyey baraha bulshada oo ay duubeen Askar isticmaala Aaladaha Internet ka ayaa muujinaya Maydad dad Anaajiib ah oo ku dhintay dagaalka saaka dhacay.

Puntland ayaa mudooyinkii danbe qorshaynaysey duulaan ka dhan ah kooxda Daacish ee ku sugan Buuraleyuda Calmiskaad, weerarka saaka lagu soo qaaday ciidanka Puntland ayaana noqday bilwoga dagaalka labada dhinac.

30/12/2024

Dowladda oo u hanjabtay dadka Baraha Bulshada ka wada kicinta dagaallada qabaa'ilka.

30/12/2024

Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan"Soomaaliya waxay ay noqotay dalkii koowaad oo iyada oo deyn laga cafiyay loo sii wado deeqda Bangiga Adduunka".

Duqeymo dhanka cirka ah ayaa lagu soo waramayaa in lagu garaacay caasimada Yemen ee Sanca iyo magaalada dekadda ah ee Xu...
26/12/2024

Duqeymo dhanka cirka ah ayaa lagu soo waramayaa in lagu garaacay caasimada Yemen ee Sanca iyo magaalada dekadda ah ee Xudeyda ee ku taal badda cas.
Wakaaladda wararka ee AFP ayaa ku warantay in TV-ga Xuutiyiinta uu duqaymahaasi ku tilmaamay “gardarrada Israa’iil”. Ilaa haatan Israa'iil k**a aysan hadlin.
baaxadda duqeynta iyo khasaaraha ka dhashay ma cadda oo waxa hadda la tabinaya ayaa ah wararkii ugu h**eeyay.
Maalmihii la soo dhaafay Israa’iil ayaa ka digtay in ay diyaarinayso weerar xooggan oo ay ku qaado bartilmaameedyada fallaagada Xuutiyiinta ee Yemen ka dib markii ay kooxdaasi gantaallo ku weerareen Tel Aviv.
Xuutiyiinta ayaa tan iyo bilihii ugu h**eeyay ee dagaalka Gaza Israa’iil ku weerarayay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalaha, dagaalkan oo bilowday October 2023.

21/12/2024

Madaxweyne Xasan Sheekh: "56 sano kadib dalka doorasho way ka dhaceysaa ,Ciidanka Booliisku ha isku diyaariyaano nabad gelyada muwaadiniinta codbixiyaasha ah."

21/12/2024

Daawo madaxweyne Saciid Deni oo sheegay inay Puntland sameysaneyso lacag u gaar ah.

16/12/2024

Madaxweynihii h**e ee Suuriya oo markii ugu horreysay hadlay tan iyo markii xukunka laga tuuray.

Madaxweynihii h**e ee Suuriya Bashaar Al Assad ayaa sheegay in aaditaankiisii Moscow uusan ahayn mid “qorsheysnaa”, hadalkiisii ​​ugu horreeyay ee meel fagaare ah uu ka sheegay tan iyo markii uu u cararay Ruushka toddobaad ka hor.

Waxa uu baxay ka dib 12 maalmood oo weerar culus ku socday kaas oo ay hogaaminaysay kooxda fallaagada ah ee Hayat Tahrir Al Sham, taasoo keentay in askarta Suuriya ay ka tagaan jagooyinkoodii iyo saraakiishii ay u xusul duubanayeen in ay dalka isaga baxaan markii ay sii yaraatay gacantii uu ku hayay qaranka.

Markii kooxdaJabhadda ah ay gudaha u galeen Dimishiq, waxa uu sheegay in uu u guuray magaalada dekedda leh ee Latakiya, halkaas oo saldhiggii Ruushka ee uu ku sugnaa la weeraray.

"Iyadoo aysan jirin hab macquul ah oo looga bixi karo saldhigga, Moscow waxay codsatay in taliska saldhigga uu diyaariyo daadgureynta degdegga ah ee Ruushka fiidkii Axadda 8-da Diseembar," ayuu yiri bayaankiisa.

"Marna dhacdooyinkan k**a fikirin in aan xilka ka tago ama aan magan-galyo raadsado, sidoo kale ma jirin soo jeedin noocaas oo kale ah oo uu sameeyay qof ama xisbi. Talaabada kaliya ee la qaaday ayaa ahayd in la sii wado dagaalka ka dhanka ah argagixisada."

Burburka taliskii Asad wuxuu soo afjaray 24 sano oo xukun ah, iyo 14 sano oo dagaal sokeeye ah oo ka dhashay kacdoonkii arxan darada ahaa ee lagu hakiyay mudaaharaadyada dadweynaha 2011-kii.

Saakay iyo Raaskambooni.Wararka aanu ka heleyno Raaskambooni iyo deegaanada ku xeeran oo shalay ka dheceen iska hor imaa...
12/12/2024

Saakay iyo Raaskambooni.

Wararka aanu ka heleyno Raaskambooni iyo deegaanada ku xeeran oo shalay ka dheceen iska hor imaadyo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Jubaland ayaa sheegaya in saakay ay xaaladdu Deggantahay.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaalka shalay ka dhacay Raaskambooni oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda federaalku ay halkaasi gaysay iyo kuwa maamulka Jubaland.

War qoraal ah oo lagu baahiyay bogga Facebook ee Wakaaladda Wararka Soomaaliya ayaa lagu yiri: ”Dawladda federaalka ah ee Soomaaliya oo gudanaysa waajibka ka saaran badbaadinta dhiigga Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidamada Qaranka ayaa amartay Ciidamo ka tirsan Ciidanka Qaranka oo loo geeyay Gobalka Jubada hoose in ay Kala wareegaan Atmis in ay halkaas dib uga baxaan,”.

Dowladda ayaa ku eedeysay madaxweynaha maamulka Jubaland inuu go’aansaday inuu iska horkeeno labada ciidan, iyadoo intaasi raacisay in ciidamadu aaney amar u haysan in ay la dagaallamaan cid aan ka ahayn Al-Shabaab.

Dhanka kale Wasiir ku xigeenka Amniga Gudaha Jubaland Aadan Axmed Xaaji oo shir jaraa'id qabtay ayaa sheegay in dagaal saacado badan qaatay ay ciidamada maamulkiisu kula wargeen deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubada Hoose.

Wuxuu ku eedeyay dowladda federaalka in ciidamadii caalamku u tababaray ay si qaldan u adeegsatay, isagoo sidoo kale sheegay in dagaalka ay ku qabteen ciidan hub iyo gaadiid isla markaana ay jiraan ciidamo ka dhaawacmay dhanka dowladda oo ay gacanta ku hayaan, waxaana uu xusay in si wanaagsan loola dhaqmayo ciidamadaas dhaawacyada qaba.

Marka laga yimaado labada dhinac iyo sida ay uga warrameen xaaladda dagaalka dhacay, ma jirto cid ka madax bannaan oo xaqiijin karta sida wax u dhaceen iyo khasaaraha dhabta ah ee dagaalka ka dhashay.

Address

22 Street MARY'S FLATS DORIC WAY
London
NW11LB

Telephone

+447447684369

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Rasumal Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Rasumal Tv:

Videos

Share