Karamara TV

Karamara TV Ku soo dhawoow Karamara TV
Xog la helaa talk la helaa! Talo la hela danta lagu gaadhaa! Karamara TV
Xog la helaa talo la helaa!

Kala soco wararka Soomaalida iyo Caalamka Telefiishinka caalamiga ee Karamara TV

Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta lagu xidhay magaalada Hargeysa. Xildhibaa...
02/09/2024

Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta lagu xidhay magaalada Hargeysa.

Xildhibaanka oo kasoo laabtay safar uu dalka dibeddiisa ugu maqnaa ayaa laga qabtay garoonka diyaaraha Hargeysa.

Ururka KAAH oo uu ka tirsanaa ayaa cambaareeyey xadhigga Xildhibaan Maxamed Abiib oo h**e ay xeer Ilaalinta Somaliland uga dalbatay Golaha Wakiillada in xasaanadda laga qaado.

Ciidamada Finaasta ayaa xaabad ku furay suuqa Jigjiga iyaga oo ku andacoonaya inay magaalada dhaxdeeda ka raadinayaan ko...
02/09/2024

Ciidamada Finaasta ayaa xaabad ku furay suuqa Jigjiga iyaga oo ku andacoonaya inay magaalada dhaxdeeda ka raadinayaan koontarabaan.

Illaa hadda ma jirto cid la sheegay inay wax ku noqotay Xabadaha ay ciidamadu fureen, hase yeeshee arrintan ayaa walaac ku abuurtay shacabka.

Faahfaahin dheeraad ah dib ayaanu idiinka soo gudbin doonaa.

FALANQAYN: DDS maxay yeeli doontaa haddii uu dagaal dhax-maro Itoobiya iyo Soomaliya?
01/09/2024

FALANQAYN: DDS maxay yeeli doontaa haddii uu dagaal dhax-maro Itoobiya iyo Soomaliya?

YAAB: "Mustafe Cagjar Wuxuu Weerarayaa Soomaaliya, Dad Badanna Wuu Dilayaa" - Dr. Cabdi M. Buubaal

01/09/2024

Saamayn Intee Le'eg ayuu Deegaanka Soomaalida ku yeelan karaa xafiiltanka Itoobiya iyo Soomaliya?

01/09/2024

Dagaal Dhax-mara Itoobiya & Soomaaliya, Saamayn Intee Le'eg Ayuu Ku Yeelan Doonaa Soomaali Galbeed? - Dhegayso Dr. Cabdalla Faatix

FAHAD YAASIIN & FARMAAJO OO ISA-SEEGAYLataliyihii h**e ee Amniga Qaranka ee Madaxweynihii h**e ee Soomaaliya, sidoo kale...
01/09/2024

FAHAD YAASIIN & FARMAAJO OO ISA-SEEGAY

Lataliyihii h**e ee Amniga Qaranka ee Madaxweynihii h**e ee Soomaaliya, sidoo kalena soo noqday agaasimaha NISSA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in ay soo-dhamaatay saaxiibtinimadii iyo isku-duubnaantii siyaasadeed ee isaga iyo Madaxweynihii h**e ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Fahad Yaasiin ayaa isa-seegga siyaasadeed ee Farmaajo kusoo koobay afar qodob.

Qoraalka uu soo saaray Fahad Yaasiin ayaa u dhignaa sidan:

Waxaan muddo ka badan 10 sano saaxiibo siyaasadeed ahayn Madaxweynihii 9aad ee dalka Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo, sidoo kalena muddo ka badan 5 sano maamulkii uu hoggaaminayay kasoo qabtay xilal kala duwan oo ii sahlay inaan dalkayga iyo dadkayga si hufan oo daacadnimo ah ugu soo adeego.
Anigoo dhawraya waayahaas wanaagsanaa ee aan isla soo marnay, misana ilaalinaya dhaqanka suubban, kana fogaanaya inaan faahfaahin ka bixiyo sababaha, waxaan ummadda Soomaaliyeed la wadaagayaa go’aannadan soo socda;
1. Laga bilaabo maanta, oo ay taariikhdu ku beegan tahay Ida Sebteembar 2024, waxaa soo idlaaday wadajirkii iyo wada socodkii siyaasadeed ee aan la lahaa Madaxweyne h**e Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxaana cid walba u caddaynayaa in aanan qayb ka ahayn ololihiisa siyaasadeed ama doorasho.
2. Waxaan la yeelan doonaa dhammaan saaxiibada aan talo wadaagga nahay wada tashi iyo kulamo looga arrinsanyo ambaqaadka cusub, waana idin la soo wadaagi doonaa xilliga ku haboonaato.
3. Waxaan si mug iyo maqaam buuxa leh uga mahadnaqayaa Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo masuuliyadihii uu ii igmaday iyo kalsoonidii uu isiiyay intii uu ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda, waxaana u rajaynayaa mustaqbal wanaagsan.
4. Waxaan raalli galin buuxda siinayaa cid walba oo dhibsata go’aankan ama lama filaan ay ku noqoto, waxaanse ugu qalbi qaboojinayaa in tallaabadan ay tahay mid danta guud ee qaranka u adeegaysa, kana fog danaysi shakhsi ah.

01/09/2024

Xogo Dheeraad Ah Oo Kasoo Kordhay Dekedda Ay Djibouti Siinayso Itoobiya Iyo Isbeddelka Cusub Ee Ay Ku Yeelanayso Xiisadda Gobolka

Ma Hadiyad-baa Dekedda Djibouti Ay Siinayso Itoobiya Mise Waa Kiro?  - Daawo Xogo Dheeraad Ah
01/09/2024

Ma Hadiyad-baa Dekedda Djibouti Ay Siinayso Itoobiya Mise Waa Kiro? - Daawo Xogo Dheeraad Ah

Ma Hadiyad-baa Dekedda Djibouti Ay Siinayso Itoobiya Mise Waa Kiro? - Daawo Xogo Dheeraad Ah

Sawiro: Kulanka Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL iyo Guddida HawlgEllinta Xisbiyada iyo Ururrada Siyaasadda ee KDQ ...
31/08/2024

Sawiro: Kulanka Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL iyo Guddida HawlgEllinta Xisbiyada iyo Ururrada Siyaasadda ee KDQ (Taskforce)

SAWIRRO: Madaxweynaha Somaliland oo ku sugan magaalada Boorama, ayaa caawa la kulmay odayaasha iyo waxgaradka reer Awdal...
31/08/2024

SAWIRRO: Madaxweynaha Somaliland oo ku sugan magaalada Boorama, ayaa caawa la kulmay odayaasha iyo waxgaradka reer Awdal.

31/08/2024

Itoobiya Ma Qabsan Kartaa Soomaaliya? - Xasuusta Xanuunka Badan Ee Itoobiya Niyad-jabka Ku Ah

31/08/2024

"Boorama Waligeed Dagaal K**a Dhicin, Waa Inay Laascaanood & Ceerigaabo ..." - Madaxweyne BiixI

GODEY BOOK FAIRMagaalada Godey waxa saaka ka furmay Bandhigga Buugaagta oo markii ugu horreysay lagu qabtay.
31/08/2024

GODEY BOOK FAIR

Magaalada Godey waxa saaka ka furmay Bandhigga Buugaagta oo markii ugu horreysay lagu qabtay.

Madaxweynaha Somaliland iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta gaadhay magaalada Boorama, waxaana si weyn usoo dhoweeyey s...
31/08/2024

Madaxweynaha Somaliland iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta gaadhay magaalada Boorama, waxaana si weyn usoo dhoweeyey shacabka reer Awdal.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Djibouti ayaa aheegay in ay Itoobiya ku wareejinayaan dekedda Tadjourah oo maamulkeeda ay gaca...
31/08/2024

Wasiirka Arrimaha Dibedda Djibouti ayaa aheegay in ay Itoobiya ku wareejinayaan dekedda Tadjourah oo maamulkeeda ay gacanta ka gelin doonaa xukuumadda Addis Ababa.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Djibouti Maxamuud Cali oo waraysi siiyey BBC Focus on Africa ayaa sidoo kale xusay inay wada-hadallo u furi doonaan Soomaaliya iyo Itoobiya, iyaga oo kaashanaya Kenya.

Arrintan ayaa imanaysa 8yadoo Itoobiya ay heshiis hordhac ah ama is-faham ah la gaadhay Somaliland horraantii sannadkan, kaas oo dhigayey in Somaliland ay ka kirayso Itoobiya 20km oo Badda Cas ah, sidoo kalena ay Itoobiya aqoonsato Somaliland.

Tallaabada ay Djibouti qaadday ayaa u muuqata inay uga gol-leedahay in Itoobiya ka laabato heshiiska ay la gashay Somaliland, sidoo kalena lagu soo afjaro khilaafka ka dhashay heahiiskan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wali ma cadda in Djibouti ay dekedda Tadjourah ka kirayn doonto Itoobiya iyo inay qaab kale ugu wareejin doomto, qaxaana loo dheg taagayaa qaabka ay arrintani ku dhmaan doonto.

30/08/2024

Waa Kuwee Dalalka Loo Yaqaano Geeska Afrika? Maxaa Soomaalida Ku Koobay Geeska? Sidee Ayey Kusoo Galeen Yemen & Itoobiya? + Xiisadda Masar

Maxaa Soomaalida Loogu Koobay Geeska Afrika? Waa Kuwee Dalalka Geeska Afrika? + Yemen & Masar
30/08/2024

Maxaa Soomaalida Loogu Koobay Geeska Afrika? Waa Kuwee Dalalka Geeska Afrika? + Yemen & Masar

Maxaa Soomaalida Loogu Koobay Geeska Afrika? Waa Kuwee Dalalka Geeska Afrika? Yemen & Masar Maxaa..?

30/08/2024

Ceel Sumaysan Oo Ay Dad Ku Dhinteen Iyo Xaaladda Jaho-wareerka Ah Ee Ka Taagan Degmada Qooxle

Ciidamo Somaliland ah oo tababar ku qaadanayey Itoobiya ayaa maanta loosoo xidhay tababarka.Taliyaha ciidamada qaranka S...
30/08/2024

Ciidamo Somaliland ah oo tababar ku qaadanayey Itoobiya ayaa maanta loosoo xidhay tababarka.

Taliyaha ciidamada qaranka Somaliland, Nuux Ismaaciil Taani iyo saraakiil sarsare oo Itoobiyaan ah ayaa goob-joog ka ahaa xafladda maanta loo sameeyey ciidamadan oo lagu sheegay inay tiradoodu ka badan tahay 2 kun.

Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL oo kaashanaya Hay'adda Netherland Multiparty Institute for Democracy (NMID) ayaa ...
30/08/2024

Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL oo kaashanaya Hay'adda Netherland Multiparty Institute for Democracy (NMID) ayaa tababar ugu soo dhammaaday magaalada Boorama gaar ahaan Hudheelka Safari. Tababarkan oo lagu magacaabo BRIDGE ayaa ah tababar Caalami ah oo loogu talagalay Madaxda Komiishanada Doorashooyinka, ayaa waxaa muddo todobaad ah ugu socday halkaasi.

Tababarkan waxaa ka qaybgalay Xubnaha KDQ iyo Agaasimaha Waaxda Hawlgalinta, qaybaha ugu muhiimsan oo halkaasi lagu lafaguray waxaa ka mid ahaa; Qorshaha Hawlgalinta Doorashooyinka (Election Operation Plan), Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka, Maamulka iyo Maaraynta Natiijada Doorashooyinka.

DOODDA CAAWA EE KARAMARATVWaxa innoogu marti ah Abdalla Fatih oo ah khabiir saxaafadadeed (Aljazeera Arabic) & falanqeey...
30/08/2024

DOODDA CAAWA EE KARAMARATV

Waxa innoogu marti ah Abdalla Fatih oo ah khabiir saxaafadadeed (Aljazeera Arabic) & falanqeeyeyaal kale oo siyaasadda gobolka ku xeel-dheer.

Waxa ay ku saabsan tahay: Xaaladda cusub ee uu galay gobolka Geeska Afrika, Soomaaliya, Itoobiya, Masar iyo saamaynta arrimahan ee Deegaanka Soomaalida.

Waxa ay bilaabmi doontaa 9:30pm saacadda Geeska Afrika.

Si aad qayb uga qaadato ama u dhegaysato, fadlan raac lifaaqan:

https://x.com/KaramaraTv

Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay inay diyaar u tahay in wada-hadal iyo dariiq diblomaasiyeed lagu xalliyo khilaafka u dhe...
30/08/2024

Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay inay diyaar u tahay in wada-hadal iyo dariiq diblomaasiyeed lagu xalliyo khilaafka u dhexeeya Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Itoobiya Taye Atskeselassie oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Addis Ababa, ayaa xusay in xalka khilaafka Soomaaliya uu yahay wada-hadal, sidoo kalena looga baahan yahay Dawladda Soomaaliya in aanu dalkeedu hoy u noqonin xoogag lid ku ah danaha qaranka Itoobiya.

Wasiir Taye waxa kale oo uu ka digay in Soomaaliya ay ka dhalato xaalad halis ku ah amniga gobolka marka uu dhamaado hawlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika.

Hadalka Itoobiya ee maanta oo u muuqda inuu ka dabacsan yahay, kana duwan yahay luuqaddii ay h**e ugula hadli jireen Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya iyadoo toddobaadkan ay Soomaaliya yimaaddeen diyaarado ay leeyihiin ciidamada milateriga Masar oo keenay saanad iyo hub, waxaana la filayaa in ciidamo Masaari ah ay dhowaan iman doonaan Soomaaliya.

30/08/2024

"Soomaaliya waa in ay joojiso in dalkeeda ay keento cadowga danaha Itoobiya" Waxa sidaas yidhi wasiirka Arrimaha Dibedda Itoobiya

Itoobiya Oo Dib U Xasuusatay Dagaalkii 1977kii Ayaa Xog Qaldan Baahisay
29/08/2024

Itoobiya Oo Dib U Xasuusatay Dagaalkii 1977kii Ayaa Xog Qaldan Baahisay

Milateriga Itoobiya Oo Soo Saaray Muuqaal Uu Ku Jiro MW Mustafe, Dagaalkii 1977kii & Xogo Kale

29/08/2024

Masjidka Barakaysan Ee Al-AQSA Oo Ay Yuhuuddu Usoo Jeedsatay & Weerarrada Cusub Ee Daanta Galbeed

29/08/2024

Milateriga Itoobiya Oo Soo Saaray Muuqaal Hanjabaad Ah, Dagaalkii 1977kii & Siyaad Barre Oo Ay Xuseen, Hubka Masar, Hadalka Cagjar Iyo Wararkii U Dambeeyey

Milateriga Itoobiya ayaa sheegay, in taliska Bariga Dalka loo sameeyey, inay Itoobiya ka difaacaan weerarrada kaga imana...
29/08/2024

Milateriga Itoobiya ayaa sheegay, in taliska Bariga Dalka loo sameeyey, inay Itoobiya ka difaacaan weerarrada kaga imanaya Soomaaliya, gaar ahaan waqtigii Siyaad Barre.

"Soomaaliya waxa ay weerar kusoo qaadday Itoobiya, waxa ay soo galeen Wardheer, Dhagax-buur iyo Qabridahar, laakiin waanu burburinay iyaga iyo hubkoodiiba." Ayaa lagu yidhi qoraal uu soo saaray milateriga Itoobiya.

Muuqaal maanta la baahiyey ayaa lagu sheegay in ciidamada milateriga Itoobiya ay guulo waaweyn kasoo hooyeen bariga dalka, waxaana lagu xusay Saldhigga Godey.

Muuqaalkan waxa ku jira Madaxweyne Mustafe oo ammaanaya ciidamada milateriga Itoobiya iyo taliyeyaal h**e.

Warbixin faahfaahsan goordhow ka daawo Karamara TV

DHACDO LAYAABLEH: Jabuuti ayaa xil u magacowday nin geeriyooday bishii May ee sannadkan.War-saxaafadeed uu maanta soo sa...
28/08/2024

DHACDO LAYAABLEH: Jabuuti ayaa xil u magacowday nin geeriyooday bishii May ee sannadkan.

War-saxaafadeed uu maanta soo saaray wasiirka waxbarashada Jabuuti Mustafe Maxamed ayaa lagu sheegay, in agaasime iskuul loo magacaabay Allah ha u naxariisto e Cali Maxamed Faarax.

Wasiirka ayaa la sheegay in aanu ogeyn geerida agaasimaha uu magacaabay.

Arrintan ayaa hadal-hadayn badan ka abuurtay waddanka Jabuuti.

27/08/2024

Ugaadha Dhulka Soomaalida Oo Dabar-go'aysa & Noocyada Laga Digay In La Waayi Doono

27/08/2024

Dagaalka Cusub Ee Israa'iil & Xisbullaahi Oo Garab U Noqonaya Falastiiniyiinta Iyo Bariga Dhexe Oo Xaalad Kale Gelaya

Address

42 Canal Side Garden, Southhall
London

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Karamara TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Karamara TV:

Videos

Share

Category