RADIO Laascaanood

RADIO Laascaanood Warar sugan Barmaamijyo iyo Suugaan
(1)

Maamulka khaatumo waxaa uu noqday maamul isagoo mudo kooban jira ka gaarey horumar dhinacyada.Amaanka CaafimaadkaWaxbara...
24/12/2024

Maamulka khaatumo waxaa uu noqday maamul isagoo mudo kooban jira ka gaarey horumar dhinacyada.
Amaanka
Caafimaadka
Waxbarashada
Kaabayaasha dhaqaale ee isku tashi.
Dhismayaasha xarumaha dawlada ku shaqayso
Ka hortaga cadow kasta oo isku daya inay burburiyaan ama kala furfuraan maamulka SSC khaatumo.
Bulshada oo garab is taagtey maamulkooda.
Waxaa jira dhinacyo badan oo diidan in maamulka sii jiro balse maamulka Iyo hogaanka dhaqanka Iyo shacabka jamaahiirta waxay diyaar u yihiiin inay difaacaan maamulkooda Waa sababta keentay horumarka SSC khaatumo.
Dhinacyada qaar ayaa doonaya in xildhibaanada SSC khaatumo laga soo xulo meelo kale balse waxaa taas beeniyey maamulka SSC khaatumo oo hantiyey bulshadiisa in xildhibaanada soo socda lagu soo xuli doono magaalada Laascaanood ee maamulka SSC khaatumo.
Adeer tani dhaqaaqday

15/12/2024

Ciidamada maamulka SSC oo 24 soo socda la wareegi doona dhamaan gudaha Magaalada ceerigaabo.gaadiid badan oo laga qabtay jabhada argagisada SNm

05/12/2024

Ololaha isku tashi ee SSC khaatumo meeshii ugu saraysay gaarey

03/12/2024

Waa wax aan wax ka jirin, wararka been abuurka ah, ee bulshada lagu dhex faafiyay.

Amar Ka Soo Baxay Taliska Ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo  Taliska Ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo Oo Amar Dul-dhi...
29/11/2024

Amar Ka Soo Baxay Taliska Ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo

Taliska Ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo Oo Amar Dul-dhigay TikTokaro Furimaha Ciidanka Muuqaalo iskaga soo duubaya

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo Gen. Saleebaan Barre Geesood ayaa soo saaray amar kaasoo la Dul-dhigay TikTokaro Muuqaalo iskaga soo duubay Furimaha Ciidanka SSC-Khaatumo kuwaas Oo aan war u ahayn Ciidanka Xogaha ay sheegayaana yihiin kuwa aan xaqiiq ahayn,

Taliyahu waxa uu la socodsiiyey dhamaan xubnaha ciidanka, saxaafada madaxa banaan iyo bulshada rayidka ah inta ba, in ay reeban tahay muuqaal ka duubista iyo sawir ka qaadista dhamaan fadhiisimada, difaacyada iyo kolonyada ciidamada howlgalada ku jira intuba.

Cid kasta oo ay ku cadaato in ay xog ciidan u faafisay si khaldan waxa lala tiigsan doonaa sharciga.

Taliska Ciiidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo
-DHAMAAD

23/11/2024
11/11/2024

"Ninna haybta kuma raaci karo hooyo aan dhalin

Dadka waxaa matala dadka masuuliyaddooda loo igmaday".

Sidaa waxaa yidhi wasiirka warfaafinta maamulka SSC-Khaatumo.

Najiib Barkhadle warsame.

11/11/2024

Wasiirka warfaafinta maamulka SSC-Khaatumo iyo saraakiisha ciidamada aagga gobolka Cayn ayaa kormeeray aagagga h**e ee Qori-lugud.

HOGGAAMIYAHA MAAMULKA SSC-KHAATUMO AYAA SAXEEXAY XEER CIQAABEEDKA HORGALLADA Xeer Hoggaamiye No.XH..... 25/2024 Laascaan...
10/11/2024

HOGGAAMIYAHA MAAMULKA SSC-KHAATUMO AYAA SAXEEXAY XEER CIQAABEEDKA HORGALLADA

Xeer Hoggaamiye No.XH..... 25/2024

Laascaanood 10 November 2024: Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa qalinka ku duugay Sharciga Ciqaabta Horgallada.

Sharcigan ayaa Golaha Baarlamaanka Maamulka SSC-KHAATUMO u soo ansixiyeen si waafaqsan qodobka 11aad ee Axdiga Maamulka SSC-Khaatumo, iyagoona u soo gudbiyey Hoggaamiyaha Maamulka si uu uga guto waajibaadkiisa Dastuuriga ah.

Hoggaamiye Cabdiqaadir ayaa uga mahadceliyey Guddoonka Golaha Dhexe iyo Xildhibaannada sharafta leh sida xilkasnimada leh ee ay u ansixiyeen Sharcigan, isagoona ugu baaqay in sidoo kale dhammaystiraan xeerarka horyaalla.

Ugu danbayn, Hoggaamiyaha ayaa xusay in sharcigan yahay mid ka hortagaya khataraha jiritaan ee liddiga ku ah Maamulka SSC-Khaatumo, sidoo kale xeerkan ayaa denbiile u aqoonsanaya cid walba oo reer SSC-Khaatumo ah oo isku dayda in ay la timaado qaddiyad aan waafaqsanayn qodobadii 6-dii February iyo dhammaan mabaadi'dii halgan ee shacabka SSC-Khaatumo naf iyo maalba u hureen muddada dheer.

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Maamulka SSC-Khaatumo
Email: [email protected]

Baarlamanka SSC-Khaatumo: "Puntland iyo Jubbaland iyo cid kasta oo Xaq u leh in wax laga waydiiyo wax ka bedelka Dastuur...
10/11/2024

Baarlamanka SSC-Khaatumo: "Puntland iyo Jubbaland iyo cid kasta oo Xaq u leh in wax laga waydiiyo wax ka bedelka Dastuurka waa lagama-maarmaan waa in ay raadiso Dowladda Federaalku."

06/11/2024

Xafiiskii baasaboorada soomaaliya oo xariga laga jaray laascaanood Xarunta Maamulka SSC khaatumo dhana Waa horumarka dhana Waa difaaca

Radio Laascaanood 28.10. 2024:-Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo mud: Cabdiqaadir Axmed Aw Cali  oo ay weheliyaan xubno...
28/10/2024

Radio Laascaanood 28.10. 2024:-Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo mud: Cabdiqaadir Axmed Aw Cali oo ay weheliyaan xubno wasiirro ah oo u xilsaaran nabadaynta ayaa kulan la qaatay odayaasha, Waxgaradka, guddiga nabadaynta iyo xildhibaannada degmada Boocame.

Kulanka ayaa diirradda lagu saaray adkaynta nabadgelyada iyo sidii shaqaaqadii dhexmartay dadka walaalaha ah reer ee guuraaga ah iyo sidii loo sii anba qaadi lahaa wadahadalladii nabadaynta.

Hoggaamiyaha ayaa ayaa uga tacsiyeeyey ehelkii iyo qaraabadii dadkii ku dhintay shaqaaqadii dhexmartay dadka walaalaha ah, islamarkaana faray ilaalinta wada noolaanshaha iyo deris wanaagga.

Dhanka kale odayaasha ayaa warbixintooda ku daray in ay diyaar u yihiin nabad waarta oo dhexmarta iyaga iyo walaalahooda ay ood iyo ab-wadaagta yihiin.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in Maamulka SSC-Khaatumo uu isla maalintii shaqaadadu dhacdayba goobta u diray ciidammada Booliska iyo Xasilinta oo door weyn ka qaatay qaboojinta xiisaddan.

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha
Madaxtooyada SSC-Khaatumo
Email: [email protected]

28/10/2024

Warbaahinta radio laascaanood and tv oo dhowaan hawada soo gelaya halkan ayaad live uga daawan doontaan hambalyo shacabka maamulka SSC khaatumo

27/10/2024

Shacabka maamulka SSC khaatumo oo markii ugu h**eysey helay qalabka saadaasha hawada iyo cimilada Adeer tani dhaqaaqday

Horumarka xawli ayuu ku socdaa SSC khaatumo.SSC-Khaatumo ayaa yeelatay xarun saadaasha hawada ah; taasi oo lagu rakibay ...
27/10/2024

Horumarka xawli ayuu ku socdaa SSC khaatumo.

SSC-Khaatumo ayaa yeelatay xarun saadaasha hawada ah; taasi oo lagu rakibay magaalada caasimadda u ah ee Laascaanood, tan oo saadaalin doonta roobabka iyo cimilo-gooreedyada kala duwan oo ay h**e deegaannadaas ugu sadaalin jirtay Puntland.

25/10/2024

Roobab lagu diirsadey oo Saaka ka da'ay Caasimada Laascaanood, iyo degaanada SSC khaatumo

23/10/2024

Laascaanood Xarunta Maamulka SSC khaatumo waxaa ka socda isku tashi lagu hormariyey dhamaan baahiyaha arimaha bulshada waana maamulkii ugu h**eeyey ee isku tashi wax badan ku qabsaday .

Address

London

Telephone

+447949597419

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when RADIO Laascaanood posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to RADIO Laascaanood:

Share

Category