Rasmi Media

Rasmi Media Breaking Somali News and Information providers Rasmi Media Waa Warbaahin Madax-banaan oo fadhigeedu yahay magaalooyinka London, UK iyo Hargeisa, Somaliland.,

29/01/2025

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Marwo Kaltuun Sh. Xasan Cabdi, oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee wasaaradda, Mudane Maxamed Siciid Maxamuud, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Ku-xigeenka Madaxa Xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa (British Office Hargeisa), Christina Toepell.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo dowladda Ingiriiska, gaar ahaan mashaariicda uu Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka, iyo Horumarka Caalamiga ah ee Ingiriiska (FCDO) ka taageero Somaliland.

YAA  KA MUDAN WASIIR KALTUUN EE METELI LAHAA GOBOLKA CAGAARAN EE GABILEY ? MAHADSANID MADAXWEYNE  W/Q: Aqoonyahan Cabdi ...
25/01/2025

YAA KA MUDAN WASIIR KALTUUN EE METELI LAHAA GOBOLKA CAGAARAN EE GABILEY ?
MAHADSANID MADAXWEYNE
W/Q: Aqoonyahan Cabdi Kariim Muxumed Cadde(Qaamuuska)

Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Marwo Kaltuun Sheekh Xasan waa Gaari Karti Badan iyo Aqoon isku Darsatay,Waa Hooyo Dhistay Qoys Guulaystay Waa Marwo Qarran oo Xilal iyo Mansabyo Qarran oo Aqoonteeda Qofeed Ay ku Heshay oo ayna qoys iyo Qabiil toona ku Metelayn isla Markaana Lagu Geyn Qaraabo kiil Soo Qabatay Maantana Waxuu Madaxweyne Cirro Ku Soo Xushay Mudnaanteeda Qofeed iyo Magaca iyo Milgaheda Gaarka Ah oo kuma iman Hayb iyo Habar Wacasho.
Marka ay Sidaa Tahay Ee ayna Muran ku jirin Marwo Kaltuun inay Tahay Marwo Qarran Miyeyna ahayn inaynu ku Faano.
Inaynu ku Faano Kaltuun oo kale inay inaga dhalatay inaga ayay Faan inoo Tahay ee iyada Waxba uguma Fadhido oo Waa Sodoh Heer Sare Ka Gaadhay Saaxada Siyaasada Somaliland isla markaana Safka H**e kaga Jirta Haldoorka Haweenka Geeska Afrika.
Ma Jiraa Qof ka Mudan Marwo Kaltuun oo Meteli lahaa Gobolka Cagaaran? Alleyleha Maya Sharaf iyo Karaamo ayay inoo Tahay inay Kaltuun ina Metasho Aynu ilaashano Hablaheena Haldoorka ah Halkii aynu Taalo uga Samayn lahayn inaynu Hadal Tiro ula Tagnaa Dhaqankii Gobta Maaha. Ee Ha la Kala Xishoodo Oo aynu Xurmayno Hablaheena Xariirta ah.

11/01/2025

Top News : Tuugtii Uu Cirro Dhawaan Siidaayey Dantiisuna ahayd Ku Dhexqarinta Shaqsiyaadkii Qaranka Danbiga ka Galay Oo Hadh Cad Mobilada Ku Dhacaya .
"Waxaa Soo Socota iyadoo Hadh Cad Laysku Toogto Magaalooyinka Tani waa Saleelee midhkaa inoo Sii Qora"

Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya William Waern oo wax laga weydiiyay wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ayaa s...
11/01/2025

Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya William Waern oo wax laga weydiiyay wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ayaa sheegay in ay is arkeen Madaxweyne Cirro iyo xisbigiisa Waddni kadib doorashadii 13 November, waxana ay u xaqiijiyeen in ay sii amba qaadayaan wadahadalada, dhankoodana (Somaliland) ay dabcinayaan shuruudaha ku xidhan si loogaadho natiijo degdeg ah.

Cirro kitaabkii uu Somaliland ugu dhaartey waxay noqotuun tii Ina khaliif durba waataa soo baxaysa waxay maleegayeen

09/01/2025

TOP NEWS : Ergaygii La Qariyey Ee Uu Magacaabay Cirro Shaqadiisuna ahayd Midaynta Somaliya iyo Somaliland Oo Muqdisho Looga Dabaal Dagay
"Balaqa Balaqa Balaqa Albaabada Balaqa"

 : Kiiska maxamuud xasan xuseen aakhiro iyo maayir mooge io berri loo balansan yahay.Rasmi Media
07/01/2025

: Kiiska maxamuud xasan xuseen aakhiro iyo maayir mooge io berri loo balansan yahay.
Rasmi Media

03/01/2025

Maxaa Runta Maalinba Maalinta kadanbaysa La Ogaanayaa "Taariikhdu Waa Dhigaal"

01/01/2025

Wajahada Waxaan ahayn ka Tooganmayno Cadegude iyo Kuwa Lasocdaba

01/01/2025

Nin Nabi Maxamed Saaxir ku Sheegay Oo Hargeysa Jooga "Subxaanalaahu"

  : Ilo-diblomaasiyadeed ayaa xaqiijinaya in Hassan Sh Moxamuud uu bedeli doono wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axm...
31/12/2024

: Ilo-diblomaasiyadeed ayaa xaqiijinaya in Hassan Sh Moxamuud uu bedeli doono wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Fiqi oo hadda xidhiidh la leh Al-Shabaab. Cali Balcad ayaa lagu wadaa inuu qabto xilkaas, taasoo muujineysa isbedel weyn oo ku yimid siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya. Isbeddelkani maaha mid uu dadku qariibsanayo oo kaliya;ee waa fariin cad oo kuu sheegaysa saameynta
Djabouti, eriteria iyo masar ku leeyihiin somalia.
Rasmi Media

 : Siyaasiyiin iyo xildhibaano Maraykan ah ayaa bayaan codsi ah u diray Congress-ka Maraykanka, kaas oo ay kaga dalbanay...
30/12/2024

: Siyaasiyiin iyo xildhibaano Maraykan ah ayaa bayaan codsi ah u diray Congress-ka Maraykanka, kaas oo ay kaga dalbanayaan in ay ansixiyaan xeerka HR 10402, ee h**e loogu gudbiyay shirweynihii 118aad ee aqalka Congresska, si loogu aqoonsado Somaliland qaran madaxbannaan.

Xubnahani waxay ku baaqeen in Somaliland loo aqoonsado in ay tahay qaran madax-bannaan, dimuqraadi ah. Sidoo kalena la taageero dadaalka Somaliland ugu jirto inay xubin buuxda ka noqoto ururada caalamiga ah oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.

Warkan oo ay qortay warbaahinta Sign.moveon oo uu soo xigtay Wargeyska Dawan, waxa uu u dhignaa sidan: Bayaanka Codsiga: "Ictiraafka Somaliland. Waa Qaran Madax-bannaan oo Dimuqraadi ah oo Ku Hanweyn in uu ka mid noqdo qaramadda caalamka.

Annaga oo ah kuwa hoos ku saxeexan, waxaanu ugu baaqaynaa Congress-ka Maraykanka inay ansixiyaan HR 10402, ee lagu soo bandhigay shirweynihii 118aad, si loo aqoonsado Somaliland qaran madaxbannaan.

Xeerkani waxa uu ka dhigan yahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca aqoonsiga Somaliland, taas oo ah sida hagar la’aanta ah ee ay uga go’an tahay dimuqraadiyadda, nabadda, iyo is-maamulka.

In ka badan soddon sanno, Somaliland waxay u shaqaynaysay sidii dal madax-bannaan, iyada oo ka go’day Soomaaliya. Ka dib markii ay ku dhawaaqday madax banaanideeda 1991 ka dib burburkii dawladii dhexe ee Soomaaliya,

Somaliland waxay dhistay dimuqraadiyad xasiloon, shaqaynaysa oo ay ka go’an tahay doorashooyin xor ah, xuquuqal insaanka iyo sharciga. Si ka duwan sida Soomaaliya oo weli la daalaa dhacaysa nabad-gelyo-xumo iyo colaado gudaha ah, Somaliland waxay u taagan tahay ifka rajo iyo horumarka Geeska Afrika.

Maxay Somaliland Ugu Mudan Tahay Ictiraaf:

Hannaanka Dawladnimo Dimuqraadi ah iyo Xasiloon: Somaliland waxa ay qabatay doorashooyin dhawr ah oo nabad ah, iyada oo ay dawladuhu ku kala wareegayeen sanduuqa codbixinta. Nidaamkeeda siyaasadeed waxa uu ka tarjumayaa rabitaanka dadkeeda, isaga oo u kala saaraya in uu yahay dimoqraadiyad shaqaynaysa ee gobolka.

Madaxbanaanida Shacbiga: Somaliland waxay si joogta ah u muujiyeen rabitaankooda madaxbanaanida iyagoo adeegsanaya habab dimuqraadi ah, oo ay ku jirto aftidii 2001 oo in ka badan 97% ay u codeeyeen inay ka go’aan Soomaaliya.

Ballanqaadka Nabadda iyo Xasiloonida: Somaliland waxa ay ahayd mid inta badan nabad ah, xitaa iyadoo Soomaaliya ay la daalaa dhacaysay rabshado iyo xasillooni darro baahsan. Waxay samaysatay hay’ado u gaar ah, ciidan iyo hannaan sharci, iyadoo sugaysa amniga muwaadiniinteeda, waxayna gacan ka geysataa xasilloonida gobolka.”

Rasmi Media

 : Ciidamada Qaranka JSL oo kaashanaya Cíidanka Madaniga oo si buuxda ula wareegay deegaanka Shan geed.Kala soco wararka...
30/12/2024

: Ciidamada Qaranka JSL oo kaashanaya Cíidanka Madaniga oo si buuxda ula wareegay deegaanka Shan geed.
Kala soco wararka rasmiga ah ee ka Soo kordha xaaladaha degaal ee ka socda deegaanka shangeed ee duleedka Buuhoodle bartayadan
Rasmi Media

 : Xogtii iyo wararkii ugu danbeeyey ee Weftigii Dawlada Somaliland ka socday iyo madaxda  DDS-Ethiopa  iyo Taliye-yaal ...
26/12/2024

: Xogtii iyo wararkii ugu danbeeyey ee Weftigii Dawlada Somaliland ka socday iyo madaxda DDS-Ethiopa iyo Taliye-yaal ciidan oo ka socday dawlada federaal Ethiopia .......

Weftiga ka socday JSL ayaa kulamo fool ka fool ah la yeeshay qaar ka mida madaxda DDS-ITOOBIYA Iyo Taliye-yaal ciidan oo federaal Ethiopia ka socday .
waxaanay yeesheen kulan guud iyo kulamo gaar ahaa.
Kulan kii koobaad ayaa u dhamaayeen madaxda labada dal ka socotay kadib na kulamo gaar gaar ah eyey yeesheen Taliye yaasha ciidamada labada wadan ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawlada federaal Ethiopia, waxaanay kulamadii gaar ahi ahaayeen kuwa ay gaar u kulmeen Taliyasha ciidamada Booliska ee JSL Maxamed Adan saqadhi (Daba-gale) iyo taliyaha milateriga JSL Nuux Ismaaciil Taani oo si gaara kulan u la yeesheen Taliyaha aaga Bari ee Milateriga federaalka Ethiopia iyo Taliyaha Booliska ee heer federaal ee Ethiopia.
Ilaa imika madaxda kulantey kamay hadal waxay isla garteen ee ku saabsan arintii Deegaanka Dacawalay .
Weli war sax ahna kamay soo saarin oo xaqiiq iyo run ku saabsan oo bulshada loo gud bin karo.

Fadlan wararka beenta iyo ku tiri ku teenka ah yaan la faafin.
Ee bulshada xaqiiqda iyo warsugan ha loo gudbiyey.
Rasmi Media

 : Xukuumadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Itoobiya ayaa maanta Xadka Magaaladda Wajaale ku kulmaya, si ay uga wad...
26/12/2024

: Xukuumadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Itoobiya ayaa maanta Xadka Magaaladda Wajaale ku kulmaya, si ay uga wada hadlaan Xasuuqa ay Ciidamadda Liyuu Booliisku ka geysteen Qabaleega Dacawalay.

The governments of Somaliland and Ethiopia Federal Government are meeting today at the border of Wajale, to discuss the massacre of the Da’awalay tribe by the Liyuu police forces.
Rasmi Media

Address

400 Summerwood Road
Isleworth
TW77QT

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Rasmi Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Rasmi Media:

Videos

Share