MMC Media Center

MMC Media Center Kusoo dhawoow page keena MMC Media Center

Isku aadka wareega Group-yada Horyaalka heerka 3aad ee Baydhabo.
25/04/2025

Isku aadka wareega Group-yada Horyaalka heerka 3aad ee Baydhabo.

Dib udhisma wadooyinka Baydhabo janaay ayaa si qurux badan usocda, waxaana ladhisayaa wadooyin badan oo Muhiim u ah Maga...
24/04/2025

Dib udhisma wadooyinka Baydhabo janaay ayaa si qurux badan usocda, waxaana ladhisayaa wadooyin badan oo Muhiim u ah Magaalada bilicdeeda iyo isusocodkeeda.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada DKGS Diini Abdinur Mohamed oo uu Weheliye Agaasimaha Guud Wasaaradd...
23/04/2025

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada DKGS Diini Abdinur Mohamed oo uu Weheliye Agaasimaha Guud Wasaaradda ayaa Magaaladda Muqdishu kulan kula yeeshay Ku-simaha Madaxa Hay’adda Somalia Mr Nisar Syid ahna ku xigeenga Madaxa Xafiiska Hay’adda iyo Madaxa u Adkaysiga Aafooyinka iyo Isbedelka Cimilada Mr Patrick iyo Saraakiil kale.

23/04/2025

1M Yeeeeeeeees Daaci Macalin Xasan he did it..👏👏👏👏
Qofkii ugu h**eeyey ee reer Baydhabo oo 1m TikTok gaarey xaflada dabaaldaga maalintiisa iyo Jimcaha Beerta Baidoa City Park.

Wasiirka Wasaarada Deegaanka iyo Isbedelka cimilada Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Diini Abdinur Mohamed ayaa ka qeyb g...
21/04/2025

Wasiirka Wasaarada Deegaanka iyo Isbedelka cimilada Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Diini Abdinur Mohamed ayaa ka qeyb galay kulan horudhac ah oo ku saabsan wada tashiga mashruuca oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Garoonka Kubadda cagta Baydhabo Dr Ayub Stadium oo loo xiisey horyaaladiisii Kubadda cagta ayaa dhowaan mar kale dib ciy...
19/04/2025

Garoonka Kubadda cagta Baydhabo Dr Ayub Stadium oo loo xiisey horyaaladiisii Kubadda cagta ayaa dhowaan mar kale dib ciyaaro loogu daawan doonaa.

Issack Adeeri mid kamid ah Sawirqaadayaasha ugu waqtiga dheer Magaalada Baydhabo sanadihii udambeeyey. Adiga goormee bar...
19/04/2025

Issack Adeeri mid kamid ah Sawirqaadayaasha ugu waqtiga dheer Magaalada Baydhabo sanadihii udambeeyey.
Adiga goormee baratey? maskiinkan adeeri ah

Ogeysiis ogeysiis ogeysiis,Isbitaalka cusub ee xaafadda Berdaale — dhinaca Labo DhagaxWaxaa farxad weyn noo ah inaan idi...
15/04/2025

Ogeysiis ogeysiis ogeysiis,

Isbitaalka cusub ee xaafadda Berdaale — dhinaca Labo Dhagax
Waxaa farxad weyn noo ah inaan idinla wadaagno in isbitaal casri ah oo adeeg caafimaad oo dhammeystiran bixinaya uu hadda ka furnaan doono xaafadda Berdaale, meel ku dhow Labo Dhagax.

Waxaa si gaar ah ugu mahadsan dhakhtarka wiilka Ibraahim Maalin, oo dadaal iyo hagar la’aan ku bixiyay hirgelinta adeeg caafimaad oo tayo leh oo bulshada u adeega.

Isbitaalkani wuxuu u taagan yahay rajo, daryeel, iyo caafimaad — waxaana diyaar u nahay inaan si hufan ugu adeegno dhammaan bulshada deegaanka Baydhabo ku nool iyo somalida oo dhan .

Nabad caafimaad waa nolosha halbowlaha u ah. Ku soo dhowaada isbitaalkiina cusub! Numberka boorka ku xusan wixii faah faahin ah kala xiriir:

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo Daah-furay Hindisaha Mustaqbalka Dhaqashada XoolahaRa’ii...
15/04/2025

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo Daah-furay Hindisaha Mustaqbalka Dhaqashada Xoolaha

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labbaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa ka qeyb galay munaasabadda daahfurka Hindisaha Mustaqbalka Dhaqashada Xoolaha oo lagu qabtay Muqdisho.

Hindisahan waa hal-abuur cusub oo muhiim u ah horumarinta nolosha bulshada xoola-dhaqatada Soomaaliyeed, ujeedkiisana yahay in la helo isbeddel waara oo wax-ku-ool ah, kaas oo kor u qaadaya tayada nololeed ee xoola-dhaqatada, isla markaana la jaanqaadaya xaaladaha isbeddelka cimilada.

Hindisaha wuxuu diiradda saaraya dhowr qodob oo asaas u ah kobaca dhaqaalaha xoolaha, oo ay ka mid yihiin, Xoojinta awoodda bulshada xoola-dhaqatada, si ay ula qabsadaan dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada, Helitaanka suuqyo waara oo fursado cusub u fura ganacsatada iyo xoolo-dhaqatada, Maareynta hufan ee kheyraadka dabiiciga ah, si loo ilaaliyo deegaanka iyo sii jiritaanka dhaqashada xoolaha.

Munaasabaddan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso inay ku horumariso dhaqaalaha miyiga iyo faya-qabka bulshada reer guuraaga ah.

Milkiilaha Mimi Super Style ayaa Magaalada Nairobi ee Caasimada Dalka Kenya kaga qeybgashay Tababar Heer Sare.Tababarkan...
12/04/2025

Milkiilaha Mimi Super Style ayaa Magaalada Nairobi ee Caasimada Dalka Kenya kaga qeybgashay Tababar Heer Sare.

Tababarkan oo ay soo Qaban-Qaabiyeen GIZ iyo EPIS oo Kaashanaya Jarmalka, ayaa loogu talagalay Ganacsatada iyo dadka ka shaqeeya Horumarinta Bulshada si ay tababaro u siiyaan Ganacsatada yar yar ee ku nool Magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo.

Mimi Super Style waxay kaalin firfircoon ka qaadatay tababarka, iyadoo soo bandhigtay adeegyada kala duwan ee ay bulshada u qabteen iyo Fikrado cusub oo ay keeneen oo h**e looga arag Deegaannada Koonfur Galbeed.

waxaa si weyn loo dhiirrigeliyay, Mimi Super Styl iyadoo si weyn loogu amaanay hal-abuurkooda iyo sida ay uga go’an tahay horumarinta ganacsiga yaryar ee Deegnada Koonfur Galbeed.

10/04/2025

Maasha Allah, Abwaan Ali bugey Allah ufududeeyo Xifdinta Qur’aan ka. dheh Muuqaal ka dad badan gaarsii

Allah u naxariisto Cali Xasan Maxamuud  (Afkaa buuyoow) nin si weyn looga yaqaanay Guud ahaan deegaanada Koonfur Galbeed...
04/04/2025

Allah u naxariisto Cali Xasan Maxamuud (Afkaa buuyoow) nin si weyn looga yaqaanay Guud ahaan deegaanada Koonfur Galbeed ayuu ahaa.

Qabrigiisa Alle ha uwaasaciyo marti la Jecelyahay Allah haka dhigo.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Bakool mudane Adan Abdi  Abaaray oo shir guddoomiyey shirk...
03/04/2025

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Bakool mudane Adan Abdi Abaaray oo shir guddoomiyey shirka toddobaadlaha ah ee amniga gobolka looga hadlo

Bakool, Abriil 03, 2025 – Magaalada Xudur waxaa maanta ka qabsoomay shirka toddobaadlaha ah ee amniga, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta nabadgelyada iyo horumarinta iskaashiga laamaha amniga iyo bulshada. Shirkan oo muhiim u ah qorsheynta amniga gobolka Bakool ayaa waxaa shir guddoomiyay Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka, Mudane Aadan Cabdi Abaaray.

Kulanka waxaa ka soo qeyb galay maamulka degmada xuddur, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo ururrada bulshada, kuwaas oo si qoto dheer uga dooday xaaladda amniga Xudur. Waxa ay isla garteen baahida loo qabo in la xoojiyo sugnaanta amniga, la iska kaashado dagaalka ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka, iyo in la dardar-geliyo hawlgallada lagu xaqiijinayo xasilloonida gobolka.

Mudane Aadan Cabdi Abaaray, Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Bakool, ayaa shirka ka jeediyay khudbad muhiim ah oo uu ku balan qaaday in la xoojin doono dadaallada lagula dagaallamayo argagixisada. Wuxuu hoosta ka xariiqay in ciidamada ammaanka ay garab taagan yihiin shacabka, ayna si hagar la’aan ah ugu taagan yihiin ilaalinta nabadda iyo xasilloonida Xudur iyo guud ahaan Bakool.

Masuuliyiinta iyo saraakiisha ka qeyb gashay shirka ayaa adkeeyay muhiimada ay leedahay midnimada shacabka iyo wada-shaqeynta hay’adaha amniga. Waxay xuseen in dadaallada socda ay muhiim u yihiin horumarka gobolka, iyagoo ugu baaqay dhammaan shacabka in ay gacan ka geystaan sugidda amniga iyo xasilloonida deegaanka.

Dhammaad

31/03/2025

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose mudane Ibrahim Adan Ali Najah Ayaa deegaanka Number 50, ku soo dhoweeyay, Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kula ciiday Gobolka Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ee kusugan halkaas.

29/03/2025

CIID MUBAARAK☪️

28/03/2025

Barnaamijka Kediska Su’aalaha Bisha Ramadaan Magaalada Baydhabo iyo Abwaan Weerow.

Taliyaha Ciidanka Nabadsugida iyo sirdoonka gobolka Baay captain Abdifatah Isack Adan ayaa kormeerey suuqyada ganacsiga ...
28/03/2025

Taliyaha Ciidanka Nabadsugida iyo sirdoonka gobolka Baay captain Abdifatah Isack Adan ayaa kormeerey suuqyada ganacsiga Baydhabo ee ka socda u diyaar garowga maalmaha ciida.

Taliyaha oo ay wehliyaan saraakiisha hay'adda, xildhibaano, gudoomiyaha xaafada Isha iyo gudoomiyaasha Dhalinyarada xaafadaha ayaa booqdey qeybaha suuqa magaalada si loo adkeeyo amniga.

26/03/2025

KEDISKA RAMADAAN MUBAARAK.
Barnaamijka Kediska Su’aalaha Bisha Ramadaan.
Tabinta: Abwaan Weerow
Taabagalinta: Warshada biyaha Noor
dheh dheh Page ka

Address

Langgasse 134
Hounslow
TW59JX

Telephone

252615767550

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when MMC Media Center posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category