Maal TV

Maal TV Boggan Waxaad Ka Helaysaa Muuqaalo Maad & Madadaalo Iyo Documentary, Tayo Leh
https://www.youtu

Halkan waxaad kala socon Doontaa insha alah Suugaan, Ruwaayado, Murti iyo Majaajilooyin iyo Decomentry si tayeysan loo Duubey

Qodobbada Miisaanka Leh Ee Xeerka Saxaafadda Somaliland Oo Wasiir Cali-mareexaan U Bandhigay Golaha WakiilladaHargeysa (...
09/12/2024

Qodobbada Miisaanka Leh Ee Xeerka Saxaafadda Somaliland Oo Wasiir Cali-mareexaan U Bandhigay Golaha Wakiillada

Hargeysa (Maal Tv) - Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali-mareexaan), ayaa Xildhibaannada Golaha Wakiillada faahfaahin ka siiyey xeerka saxaafadda dalka oo dhawaan Xukuumadu u gudbisay Golahaasi.

Wasiir Cali-mareexaan, ayaa sharaxaad ka bixiyey qodobbada ay ka mid yihiin xuquuqda Mulkiilayaasha Hay'adaha Warbaahinta, Suxufiyiinta ka hawl-gala iyo xuquuqda dadka kale ee Wararku saamaynayaan.

Wasiirka Warfaafintu waxa kale oo uu faahfaahiyey xuquuqda lahaanshiyaha wararka la tebinayo oo uu xeerku u dhowrayo cidda leh ee samaysay, taasi oo afka qalaad loogu yeedho "Copyright".

Copyright-ka ama xuquuqda lahaanshiyaha oo xeerkani waajib ka dhigayo, ayaanay h**e ugu dhaqmi jirin Saxaafadda Somaliland, balse marka xeerkan la dhaqan-geliyo ay khasab noqonayso dhowristeedu.

Xeerkan oo muhiim ah, ayaa sidoo kale ka hor-tagaya in Weriyeyaasha loo xidho Wararka ay ku baahiyaan xarumaha Warbaahineed ee ay ka hawl-galaan, balse wuxuu xeerka dhigayaa in lala xisaabtamo Mulkiileyaasha iyo Tifaftirayaasha.

Wasiirku waxa kale oo uu ka warramay in Xeerku ka hor-tagayo in Suxufiyiinta oo awooddooda iyo xirfaddooda adeegsanaya ay sumcad-dil ku sameeyaan qofka ay si shaqsi ah isku qabtaan.

Ugu dambayn, Wasiir Cali-mareexaan oo hadalkiisa sii wata ayaa Xildhibaannada Golaha Wakiillada u soo jeediyey inay xeerka si dhexdhexaad ah u eegaan, maaddaama aqlabiyaddooda oo h**e Mucaarad u ahaa ay Maalmo ka dib Muxaafid noqonayaan.

fans Ku xidhnow Maal TV

Ujeeddada Socdaal Daahir Rayaale Ku Yimid HargeysaHargeysa (Maal Tv) - Madaxweynihii 4-aad ee Somaliland Daahir Rayaale ...
09/12/2024

Ujeeddada Socdaal Daahir Rayaale Ku Yimid Hargeysa

Hargeysa (Maal Tv) - Madaxweynihii 4-aad ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa Maanta lagu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal.

Daahir Rayaale Kaahin oo ay socdaalka ku weheliso Marwadiisa Huda Barkhad Aadan, ayaa waxa garoonka diyaaradaha Hargeysa ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka mid ah Xukuumadda Somaliland ee xilligeedu sii dhamaanayo.

Rayaale oo dalka dibeddiisa deggan, ayaa Hargeysa u yimid inuu ka qayb-galo Xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee JSL Cabdiraxmaan M. Cabdilllaahi (Cirro) iyo ku-xigeenkiisa oo 12-ka bishan talada dalka loo dhaarinayo, ka dib markii ay doorashadii Somaliland ka dhacday 13-ka bishii h**e ee November kaga adkaadeen Madaxweynaha xilka wareejinaya Muuse Biixi Cabdi oo dalka xukumayey 7-dii sano ee u dambeeyay iyo Cabdiaxmaan-saylici oo 14 sano Madaxweyne ku-xigeen dalka ka ahaa.

Rayaale, ayaa ku suntan qabashada doorashooyinka qof iyo codka ah ee Somaliland ku caano maashay.

fans Ku xidhnow Maal TV

07/12/2024

Degmooyinka 26 Gacmadheere iyo koodbuur waxgaradkii iyo Salaadiintii oo ka Xaal siiyey Maayerka Magaalada Hargeysa Abdikarim Ahmed Mooge

Madaxweynaha Xilka Wareejinaya Ee Somaliland Oo Kulan Gaar Ah La Qaatay Hoggaanka Xisbiga KULMIYE.Hargeysa (Maal Tv) - M...
07/12/2024

Madaxweynaha Xilka Wareejinaya Ee Somaliland Oo Kulan Gaar Ah La Qaatay Hoggaanka Xisbiga KULMIYE.

Hargeysa (Maal Tv) - Madaxweynaha xilka wareejinaya ee JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay xubnaha hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE, waxana kulankaas lagaga wada hadlay arrimo kala duwan oo ku saabsan hawlaha xisbiga ee mustaqbalka iyo kuwa haatan hor yaallaba.

Madaxweynaha, ayaa xubnaha hoggaanka xisbiga uga mahadnaqay sidii xilkasnimada lahayd ee ay uga shaqeeyeen hawlihii adkaa ee xisbigu soo maray muddadii lagu jirey ololihii doorashooyinka madaxtooyada iyo xisbiyada, iyaga oo hoggaankuna dhankooda madaxweynaha uga mahadceliyeen sidii uu ugu garab galay shaqooyinkii adkaa ee lasoo maray iyo taaariikhda ma guurtada ah ee uu kaga tegayo xilka madaxweynenimo.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa hoggaanka sare xisbiga KULMIYE oo haatan mucaarid noqonaya kula dardaarmay inay baxnaaniyaan waqtina siiyaan xukuumadda dhawaan xilka hoggaaminta dalka la wareegi doonta, islamarkaana mucaaradaddooda ka dhigaan mid wax dhisaysa sidii ay h**eba caanka ugu ahaayeen ka hor intii aanay hoggaaminta dalka ku guulaysan.

Xubnaha hoggaanka xisbiga KULMIYE, ayaa si mug leh ugu bogaadiyey Madaxweynaha garab istaaggii iyo taageeradii luxdanayd ee uu xisbiga u muujiyey muddadii uu hoggaaminayey iyo waqtigii uu murrshaxa ahaaba, iyaga oo taageerayaashii xisbiga KULMIYE-na si weyn ugu mahad celiyey.

Kulankan waxa qayb ka ahaa xildhibaannada xisbiga KULMIYE ku metela golaha wakiillada, iyo xubno kamid ah golaha wasiirrada, kuwaas oo madasha kasoo jeediyey aragtiyo la xidhiidha sidii xisbiga KULMIYE dib isugu habayn lahaa, bulshadana u hor iman lahaa isaga oo intii h**e ka xooggan.

fans Ku xidhnow Maal TV

Madaxweynaha  Dhawaan Xilka wareejinaya ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinayoGud ku Xigeenka  1aad ee Xisbiga...
06/12/2024

Madaxweynaha Dhawaan Xilka wareejinaya ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinayo
Gud ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee kulmiye Cabdicasiis Maxamed Samale

ayaa xafiiskisi ku qaabilay Safiirka Somaliland ee Dalka Imaaradka Carabta ahna Xidhiidhiyaha Somaliland ee Arrimaha khaliijka Amb. Cismaan Maxamed Badmaax

Amb. Badmaax ayaa Madaxweynaha warbixin ka siiyay Arrimaha dublamaasiyada ee khaliijka carabta gaar ahaana Dalka Imaaradka Carabta oo Somaliland uu kala dhaxeeyo xidhiidh qoto dheer.

Madaxweyne Muuse ayaa ku bogaadiyay Amb. Badmaax hawlihii uu qabsoomay muddadaas ee dhanka xidhiidhka dawliga ah iyo dublaamisyada ee Somaliland kala dhaxeeyay Waddamada khaliijka Carabta gaar ahaana waddanka Imaaradka Carabta.

Qaramada Midoobay Oo Aqoonsatay Xeerka Beesha Ciise.Hargeysa (Maal Tv) - Qaramada Midoobay, ayaa Xeerka Beesha Soomaaliy...
05/12/2024

Qaramada Midoobay Oo Aqoonsatay Xeerka Beesha Ciise.

Hargeysa (Maal Tv) - Qaramada Midoobay, ayaa Xeerka Beesha Soomaaliyeed ee Ciise (Xeer Ciise) u aqoonsatay Xeer Caalamiya.

Ha'yadda Qaramada midoobay u qaabilsan waxbarashada, Sayniska iyo dhaqanka ee (UNESCO), ayaa war ay Maanta soo saartay ku sheegtay inay Xeerka Ciise u aqoonstay Xeer caalami ah oo ka mid xeerarka lama taabtaanka ah.

Xeerkan Ciisaha oo la aasaasay qarnigii 16aad, Qaab dhismeedka Xeerka Ciisuhu wuxu ku dhisanyahay rukunno ay ugu waa waynyihiin: 1. Lix (6) Kabood. 2. Boqol iyo lixdan Dhagalay (160) 3. Saddex boqol iyo lix iyo Soddon (336) Sarood. 4. Afar boqol iyo Afar iyo Afartan ( 444) Indhal.

Xigasho.

fans Ku xidhnow Maal TV

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro Oo Loo Digay !!"Mudane Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxaan ku xasuusinaya, Khaladaad Mada...
05/12/2024

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro Oo Loo Digay !!

"Mudane Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxaan ku xasuusinaya, Khaladaad Madaxweyne Biixi ku Hoggaamiyay in uu sababsado oo saaxadda siyaasadda dhexdeeda lagaga adkaado . mudane Madaxweyne, dhisidda Xukuumadda cusub marnaba haka shakiyin inaad qaadato go'aanka in ay noqoto Xukuumaddani mid ka dhalata Xisbiga Waddani oo aad asaase u ahayd .

Madaxwaynaha kaaga h**eeyey xafiiska wuxu ka tagay qodobkani,isagoo si joogto ah dad aan la siyaasadda ahayn u xushay, wuxuuna ka dhaxlay guuldarada aad kaga guulaysatay, sidaas darteed qodobkani yuuna kuu dhuuman marnaba.

Mudane Madaxweyne, Xukuumadda aad dhisato iyo Xafiiska Madaxweynahu waa in ay shacabka u furaan xogta laxidhiidha xaaladaha dalka si joogto ah, Mudane Madaxweyne, Madaxweynaha Ka h**eeyey wuxu xidhay Xogaha hawl qabadyada kala duwan taas oo dhaxal siisay in uu lumiyo taageerayaasha Xisbiga iyo Xukumadiisa . Sidaas darteed marnaba ha u arkin sir iyo wax u dhigma toona hawlaha shaqada iyo dhacdooyinka siyaasadeedba. Waayo xogta dadweynahaaga ayaa u baahan haddii kale wad kala lumaysaan adiga iyo Jamhuurka taageeradda ku hayaa....

Mudane Madaxweyne Labadan qodob, waxay ahaayeen fashilada u waaweyn ee uu sababsaday Madaxwaynaha ka h**eeyey, sidaas darteed waxaan rajaynaya in ay ku jiraan arrimaha mudnaanta kuu leh IA ."

HANAD A YUUSUF
La-taliye sarre oo dawladda ah .

Madaxwaynaha Jabuuti Oo Bixiyey Abaal-marino Qaali Ah Jabuuti (Maal Tv) - Dalka Jabuuti waxa Maanta lagu qabtay xuska To...
05/12/2024

Madaxwaynaha Jabuuti Oo Bixiyey Abaal-marino Qaali Ah

Jabuuti (Maal Tv) - Dalka Jabuuti waxa Maanta lagu qabtay xuska Toddobaadka Dadka naafada ah, taasi oo sanad walba la qabto.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo munaasibadda lagu bilaabay Xuska Toddobaadka Naafada, wuxuu ku celiyey sida ay uga go’an tahay in uu sii wado dedaallada lagu hagaajinayo xaaladaha dadka naafada ah ee ku nool Jabuuti.

Xuskan oo muhiim ah, ayaa Khamiista Maant ah ka dhacday Palais de la République, waxaana si dhab ah loogu calaamadeeyay khudbad uu u jeediyay madaxa dawladda Jabuuti "Sannadba sanadka ka dambeeya, waxaan isku dareynaa dadaalkayaga si aan u hubinno in dhammaan siyaasadeena dadweynaha ay ku jiraan naafada iyo cabbirka baahiyaha gaarka ah," ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, waxaanu intaa ku daray "Ma joojinayno ka shaqaynta hagaajinta xaaladaha naafada.."

Madaxweynaha Jabuuti, wuxuu bixiyey abaal-marino qaali ah.

Saddex ka mid ah, la abaal-mariyeyaasha la abaalmariyey intii lagu jiray bandhigga 6-aad ee toddobaadka naafada Qaranka ayaa dhammaantood lagu kala soocay guulo la taaban karo iyo adeegyo loo qabtay xaaladaha dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Abaalmarinta 1-aad, jeeg dhan 3 milyan oo Faranka jibuutiya , ayaa la guddoonsiiyay "Ururka Isboortiga iyo Madadaalada", kaas oo ka shaqeeya abuurista jawi maadi iyo akhlaaqeed oo ku habboon horumarinta dadka naafada ah ee Jabuuti.

Abaalmarintii labaad oo jeeg dhan 2 Milyan oo Faranka jibuutiya ah ayaa waxaa la guddoonsiiyay Abdoulkader Houmed Daoud, isagoo ku muteystay tartamo badan iyo koobab isboorti oo loo soo agaasimay dadka naafada ah.

Abaalmarinta 3-aad, jeeg dhan 1 milyan, ayaa waxaa la guddoonsiiyay Mr. Moustapha Bouh Samriyeh, isagoo ku muteystay hoggaamintiisa iyo mintidnimadiisa ah inay shaqooyin helaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

fans Ku xidhnow Maal TV

05/12/2024

Durba Kuwan Calan Walaynaaya Ha Cabsiinin Liintee Basbaas Caadi Ugu Qoosh" Abwaan Dhako oo Gabay Cusub so saaray

Abwaan Dhako Oo Soo Saaray Maanso Taabanaysa Xaaladda Somaliland & Farriintiisa Ku Aaddan Madaxweynaha La Doortay.

"Meherka Habluhu Wuxuu Noqon Doonaa 100 Geel Ah.."Hargeysa (Maal Tv) - Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale oo ka mid ah Madax-...
05/12/2024

"Meherka Habluhu Wuxuu Noqon Doonaa 100 Geel Ah.."

Hargeysa (Maal Tv) - Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa sheegay inay qaali ka dhigeen Meherka Hablaha.

Suldaanku wuxuu sheegay inay sidaa u yeeleen, ka dib markii uu batay furriinka Habluhu, waxaanu yidhi "Anagu Meherkii Hablaha waanu Qaali garaynay oo Inan kasta Boqol Halaad oo Geel ah ayaa Lagu Meherin Doonaa.

Sababta oo ah haddaanu Nahay Bahdii Dhaqanka Markii aanu Guurkii jebinay anagoo eegayna Duruufta dhalinyarada waxaa batay in Hableheenii Qaaliga ahaa ee Reer Somaliland uu Furriinku ku ku bato, markaa si arintaasi ay meesha ugu baxdo Guurku halkiisii ayuu ku Noqonayaa oo Hablaha 100 geel ah ayaanu ku Meherin doonaa…”

fans Ku xidhnow Maal TV

Madaxweynaha La Doortay Oo Dhaqan-gelinaya Heshiiskii Uu Madaxweyne Biixi La Galay Itoobiya Hargeysa (Maal Tv)  -  Madax...
05/12/2024

Madaxweynaha La Doortay Oo Dhaqan-gelinaya Heshiiskii Uu Madaxweyne Biixi La Galay Itoobiya

Hargeysa (Maal Tv) - Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa laga soo xigtay inuu dhaqan-gelinayo heshiiska aqoonsiga iyo badda ee Madaxweyne Muuse Biixi uu sanadkan horraantiisa la saxeexday Raysal-wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed Cali.

Sidaa waxa ku warrantay Africa Confidential oo ka faalloota arrimaha Qaaradda Afrika isla-markaana adhigeedu yahay UK.

Madaxweyne Cirro ayaa Wasiirro Itoobiyaan ah oo uu Addis Ababa kula kulmay doorashadiisa ka hor u sheegay inay jiri doonaan isbeddelo yaryar oo lagu samayn doono heshiiskaasi, markaasi ka dibna ay Xukuumadiisu dhaqan-gelin doonto, sida uu ku warramay Africa Confidential.

fans Ku xidhnow Maal TV

Madaxweynaha Dhawaan Xilka Dagaya ee  Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan muhiima la qaatay cu...
05/12/2024

Madaxweynaha Dhawaan Xilka Dagaya ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan muhiima la qaatay culimada waa weyn ee dalka. Kulankaas oo daaranaa duco iyo sagootin ay Madaxweynaha Qaranka ugu yimaadeen Culimadii ay soo wada shaqeeyeen mudadii uu xilkq Qaranka hayey.

Madaxweynaha ayaa culimada ugaga mahadnaqay sidii hufnayd ee ay ula soo shaqeeyeen muddadii uu xilka hayey, iyaga oo culimaduna dhankooda madaxweynaha uga mahadnaqay xidhiidhkii hufnaa iyo sidii uu kaalintooda culimonimo ugu qaddariyey intii lagu gudo jirey muddo xileedkiisa.

Munaasibad Balaadhan oo lagu taageerayo guusha Madaxwaynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro  ayaa ka Dhacday Jamhuuriyadda...
04/12/2024

Munaasibad Balaadhan oo lagu taageerayo guusha Madaxwaynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa ka Dhacday Jamhuuriyadda Jibuuti
Waxaana ka qayb galay dabaaldagaasi Xilibaano iyo siyaasiyiin ka tirsan Xisbiga Muxaafidka ah ee Wadani

Madaxweyne Biixi Oo Muddo U Qabtay In KULMIYE Mucaarado Xukuumadda WADDANI Soo DhisayoHargeysa (Maal Tv) - Madaxweynaha ...
04/12/2024

Madaxweyne Biixi Oo Muddo U Qabtay In KULMIYE Mucaarado Xukuumadda WADDANI Soo Dhisayo

Hargeysa (Maal Tv) - Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo Maanta guddoomiyey shirkii u dambeeyay ee Golaha Wasiirrara, ayaa jeediyey kelmedo kooban oo dardaaran iyo hogo-tusaalayn isugu jira.

Madaxweyne Biixi, ayaa ugu horrayn u mahadnaqay golihiisa wasiirrada iyo sida hagar la’aanta ah ula soo shaqeeyey, isaga oo guul weyn oo taariikhi ah ku tilmaamay sharafta iyo sumcadda ay doorashooyinkii isa saarnaa oo kharashkii ku baxayey 90% (Boqolkiiba Sagaashan) dusha u ridatay u soo hooyeen Somaliland & shacabkeedaba.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu farriin waayeelnimo ah u diray bulshada reer Somaliland mucaarid iyo muxaafid ba, waxaana uu labada dhinacba ugu baaqay inay cagta u dhigaan oo ka fiirsadaan jidka ay qaadayaan, maaddaama oo doorashooyinkii laga soo gudbay, waxana isaga oo mucaardka dhawaan talada la wareegaya la hadlaya uu yidhi “Qolyaha mucaaridka ahaa waxaan leeyahay doorashadii waad hesheen, waana aannu idin hambalyeynay, qaran inaynu dhisno ayeynu u jeednaaye idinka hadal dambe oo mucaaridnimo iyo turxaan lihi idiin ma bannaano ee dib isugu noqda.”

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale la hadlay taageerayaasha xisbiga KULMIYE iyo madaxdoodaba, waxana uu ugu baaqay inay fursad siiyaan dawladda dhawaan xisbiga guulaystay soo dhisi doono oo ay baxnaaniyeen,“Qolada KULMIYE waxan leeyahay haddii doorashadii la inaga helay shalay iyo dorraadba waynu helnay, qaran baynu dhisaynaa, welina xilkii maynu wareejin oo innagaa hayna, markaynu xilka wareejinana muddo ayeynu ka dhur sugaynaa sida maamulka dawladdu noqdo oo ummushaba waa la Afartan bixiyaa, dawladahana waa la baxnaaniyaa Boqolka cisho ee u horreeyee in hadal dhegaha u daran ama Somaliland wax yeelayaa idinka yimaaddo waa mamnuuc,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

fans Ku xidhnow Maal TV

Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Shirkoodii U Dambeeyay Yeeshay & Qodobbada Lagu NaaqishayHargeys (Maal Tv) - Fadhigii 13...
04/12/2024

Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Shirkoodii U Dambeeyay Yeeshay & Qodobbada Lagu Naaqishay

Hargeys (Maal Tv) - Fadhigii 134-aad ee Golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagaga dooday qodobbo kala duwan oo ku saabsan xaaladda guud ee dalka, guusha doorashooyinkii xukuumaddani dalka ka hirgelisay iyo diyaargarowga waqtigan kala guurka ah ee la galay.

Shirka kaddib waxa warbaahinta la hadlay wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta, ahna afhayeenka xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Marreexaan), waxana uu faahfaahiyey qodobbadii shirku ku saabsanaa iyo waxyaabihii sida gaarka ah diiradda loogu saaray.

Wasiirku waxa uu xusay in goluhu ugu horrayn bulshada u caddeeyey in xukuumaddu dusha u ridatay dhammaanba hawlihii iyo culaysyadii ay lahaayeen doorashooyinkii isa saarnaa ee Madaxtooyada, xisbiyada, Golayaasha Deegaanka iyo wakiillada, si loo dhiso oo loo adkeeyo dhismaha qaranka, dhidibadana loogu taago dawladnimada, iyada oo doorashooyinkaasi bileen korna u qaadeen maqaamkii Jamhuuriyadda Somaliland dunida inteeda kale ka taagnayd.

Goluhu waxa uu si mug iyo miisaan leh ugu mahadnaqay taageerayaashii baaxadda lahaa ee xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisaba codka siiyey iyo shacabka reer Somaliland ee muddada 14-sanno ah masiinkooda iyo taladoodaba ku aaminay xisbiga guunka ah ee KULMIYE.

Goluhu waxa uu bogaadiyey soona dhaweeyey sumcadda iyo guusha ay soo hooyeen doorashooyinkii hufnaa ee dalka ka qabsoomay ee Xukuumaddu Gadh-Wadeenka ka Ahayd oo sare u qaaday Maqaamkii Iyo Sharaftii ay Somaliland ku lahayd Dunida.

Wasiir Cali Marreexaan waxa uu caddeeyey in goluhu isla qaatay in sidii h**eba loogu yaqaanay xisbiga KULMIYE isu diyaarinayo xisbi mucaarid ah oo si waayeelnimo, xilkasnimo iyo tudhaale ku jiro wax u mucaarida oo mucaaradaddiisu noqoto mid wax dhista.

fans Ku xidhnow Maal TV

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Beeraha Oo Booqday Safaaradda Somaliland Ee NairobiNairobi (WHB) - Agaasimaha guud ee Wasa...
04/12/2024

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Beeraha Oo Booqday Safaaradda Somaliland Ee Nairobi

Nairobi (WHB) - Agaasimaha guud ee Wasaaradda H. Beeraha JSL Cabdikariin Aadan Cadde oo socdaal shaqo ku jooga dalka Kenya, ayaa booqday Safaaradda Dawladda Somaliland ku leedahay Caasimadda dalkaasi ee Nairobi.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Mudane Cabdikariin Aaden Siciid, ayaa waxa xarunta Safaaraddda ku soo dhaweeyay Safiir ku-xigeenka Somaliland ee dalka Kenya Sharmaarka Geelle.

Agaasimaha guud, ayaa Safiirka, Safiir ku-xigeenka iyo hawl-wadeenada Safaaradda ku bogaadiyey hawsha baaxadda leh ee ay u hayaan dadka iyo dalka Somaliland, isagoo u soo jeediyey inay dedaalka halkaa ka sii wadaan.

Ugu dambayn, Safiir ku-xigeenka Ambassador Geelle, ayaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha uga mahad-celiyey booqashadiisa...........
Madaxa Xafiiiska Warbaahinta Ee Wasaaradda H. Beeraha JSL
Cabdiqaadir A. Carab

Soomaali Ma Ku Jirtaa Dadka Ka Badan 300 Boqol Ee Sucuudigu Dilka Ku Fuliyey ?Riyaadh (Maal Tv) - Dawladda Sacuudi Carab...
04/12/2024

Soomaali Ma Ku Jirtaa Dadka Ka Badan 300 Boqol Ee Sucuudigu Dilka Ku Fuliyey ?

Riyaadh (Maal Tv) - Dawladda Sacuudi Carabiya, ayaa xukun dil ku fulisay in ka badan 300 oo qof sanadkan 2024, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AFP, ka dib markii afar daldalaad ah oo lagu dhawaaqay Salaasadii ay wadarta guud ee boqortooyada ay dishay ka dhigtay tii ugu badneyd ee sanad gudihii dalkaasi laga fuliyo.

Xukunka dilka ah ayaa lagu fuliyay saddex qof oo lagu helay inay daroogada tahriibinayeen iyo mid kale oo dil gaystay, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee rasmiga ah ee Sucuudiga, oo soo xiganaysa wasaaradda arrimaha gudaha.

Waxa ay tirada guud ee dilalka sanadkan ka dhigaysa 303 qof, sida lagu sheegay tiro-koob ku salaysan warbixinnada warbaahinta dawladda.

Boqortooyada Khaliijku waxay soo saartay ciqaabta dilka 200 jeer dhamaadka September, marka loo eego isla tirinta xogta rasmiga ah, taas oo muujinaysa heerar dil ah oo degdeg ah toddobaadyadii la soo dhaafay.

Sacuudi Carabiya ayaa ah dalka saddexaad ee ugu badan ee fuliya xukunada dilka ah marka laga yimaado Shiinaha iyo Iran, sida ay sheegtay Amnesty International.

Markii h**e tiradii ugu badnayd ee dil muddo hal sano ah dalka ka dhacday ayaa ahayd 196 sanadkii 2022, ayay tidhi kooxda xuquuqul insaanka ee fadhiggeedu yahay London, oo diiwaan gelisay tirada sanadlaha ah 1990-kii.

Taha al-Hajji, oo ah agaasimaha sharciga ee ururka xuquuqda aadanaha ee Yurub ee fadhiggiisu yahay Berlin (ESOHR), ayaa dhaleeceeyay xukunada 2024, isagoo ku tilmaamay "wax aan la fahmi karin oo aan la macnayn karin".

Dadka u dooda xuquuqul insaanka ayaa h**e uga digay in Sacuudiga uu ka badan karo 300 oo dil sanadkan, iyadoo ku dhawaad maalin kasta hal qof lagu fuliyo xukun dil ah.

Dadka dilka lagu fuliyey, ayaan la ogayn inay ku jiraan dad Soomaali ah oo halkaas loogu xidhay inay maandooriye ka ganacsanayeen, kuwaasi oo h**e qaarkood dil loogu xukumay.

Ku xidhnow Maal TV

Madaxweyne Biixi & Madaxweynaha La Doortay Oo Qaabilay Wefti Maraykan Ah + Qodobbada Ay ka wada-hadleenHargeysa (Maal Tv...
03/12/2024

Madaxweyne Biixi & Madaxweynaha La Doortay Oo Qaabilay Wefti Maraykan Ah + Qodobbada Ay ka wada-hadleen

Hargeysa (Maal Tv) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa qaabilay wefti ka socda Dawladda Maraykanka, kuwaasi oo uu hoggaaminayey Safiirka Dalka Maraykanka Amb. Richard H. Riley, kana mid ahaayeen Taliyaha Taliska Ciidammada Maraykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM), Major General Brian Cashman, masuuliyiin kale iyo Saraakiil ciidan oo ka tirsan Dawladda Maraykanka.

Ugu horayn Madaxweynuhu waxa uu xubnaha weftiga ee dawladda Maraykanka uga mahadnaqay iskaashiga iyo xidhiidhka wada shaqayneed ee Amniga geeska Afrika iyo dhinaca Militriga ee labada dal ee Somaliland iyo Maraykanka. Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu xusay in booqashada weftigani ay xoojinayso xidhiidhka mustaqbal ee labada dhinac.

Dhinaca weftiguna waxay si wada jira u soo dhaweeyey hadalka Madaxweynaha Safiirka Maraykanka, Amb. Richard H. Riley iyo Major General Brian Cashman oo iyaguna sheegay inay dhinacooda diyaar u yihiin iskaashiga dhinacyada Amniga Geeska Afrika. Sidoo kale, waxa ay madaxweynaha Qaranka Somaliland ku bogaadiyeen doorka uu ka qaatay horumarka dalka, arrimaha dimuquraadiyada, doorashooyinka isku isku sidkan, adkaynta xidhiidhka labada dal ka dhexeeya iyo bisaylka siyaasadeed ee ka hana-qaaday dal aan weli ka mid noqon beesha Caalamka haseyeeshee buuxiyey dhammaan shuruudihii looga baahna. Iyagoo si gaara u bogaadoyey Madaxweynaha Qaranka ee aqbalay natiijadii guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranku ay ku dhawaaqeen.

Kulankaa waxa Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud, Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Taliyeyaasha Ciidamada Militeriga iyo Sirdoonka, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo Mustafe Maxamed Xasan (Bacaluul) iyo La taliyaha Arrimaha Sharciga ee Madaxweynaha Marwo Amaal Cabdilaahi Cawil.

Dhinaca weftigana waxa wehelinaayey safiirka iyo taliyaha masuuliyiin iyo saraakiil sarsare oo ka mida dawladda maraykanka iyo ciidamada Militeryga Maraykanka ee qaaradda Afrika kuwaas oo kala ah;-Colonel Carl Benander, Andrew Kelly oo ah la taliyaha arrimaha siyaasadda, Colonel Brian Luti, Matthew Cassidy iyo Sergeant Major Chadwick Forbes.

Sidoo kale, Weftigaasi ayaa la kulmay Madaxweynaha la doortay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Madaxweynaha la doortay oo qoraal ku baahiyey bartiisa Facebook, ayaa ka warramay waxyaabaha ay ka wada-hadleen weftiga ka socda Dawladda Maraykanka, waxaanu yidhi “Waxa aan maanta qaabilay wafti balaadhan oo uu hoggaaminayo Danjiraha dalka Mareykanka Danjire Richard H. Riley oo ay wehelinayaan taliyayaasha ciidamada AFRICOM. Wefdiga waxa aannu si qoto dheer uga wada hadalnay sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalweynaha Mareykan.

Sida oo kale, Danjiraha Mareykanku waxa uu na soo gaadhsiiyey dhambaal hambalyo ah oo uu ka siday dawladdiisa Maraykan. Doorashooyinkii Jamhuuriyadda Somaliland ka dhacay 13kii Nov, waxa ay noqdeen doorashooyin indhaha caalamka si weyn ugu soo jeedisay dalkeenna, inoona soo jiidi doona fursado maalgashi oo caalami ah.”

fans Ku xidhnow Maal TV

Address

Flat 2, 75 Cecil Road
Hounslow
W38RS

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Maal TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Maal TV:

Videos

Share

Category