Bulsho News

Bulsho News Bulsho is a Somalian Tv that has been popular with news and political for the past ten years until now. political news, education and business, news.

he has been active in various news in a Somali and world such as. Bulsho is a Somalia tv's produced. social affairs" music and Business

27/12/2024

Xinjirbaa ku qubanaysa,geeri baana ka dhacaysa,Xabbadda Afarta jiho ka dhacaysana,tii Shannaad ayaa la doonaya in ay Burco ka dhacdo..

27/12/2024

"in sharciga lagu daryeelo ayey shaqaaluhu u baahanyihiin" Agaasimihii h**e Maxamed xuseen Cismaan

Ilaahay ha u naxariisto waxaa magaalada Hargeysa ku geeriyooday marxuum Wariye Ismaaciil Cali Ducaale oo ka tirsanaa Rad...
27/12/2024

Ilaahay ha u naxariisto waxaa magaalada Hargeysa ku geeriyooday marxuum Wariye Ismaaciil Cali Ducaale oo ka tirsanaa Radio Hargeysa.

Samatar Cumar yusuf

27/12/2024

"2582 shaqaale ah ayaad la wareegaysaa"Maxamed axmed wayrax

27/12/2024

Madaxwaye Ciro Oo Madaxwayna Yaashii H**e Muuse Biixi Iyo Daahiriyaale Shir Deg Dega Yeeshay

27/12/2024

wararka ka soo kordhay degaanka dacawalay

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu weheliyo  Madaxweyne-ku-xigeenka Jam....
27/12/2024

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu weheliyo Madaxweyne-ku-xigeenka Jam. Somaliland Maxamed Cali Aw Cabdi waxaa uu maanta kulan wada tashi ah la yeeshay Madaxweynayaashii iyo Madaxweyne-ku-xigeenadii h**e ee Qaranka Somaliland .

Madaxweynuhu, Madaxweynayaasha iyo Madaxweyne-ku-xigeenada uu kulanka wada tashiga ah la yeeshay waxaa ka mid ahaa:

1. Madaxweynihii 5-aad ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi,
2. Madaxweynihii 3-aad ee Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin,
3. Madaxweyne-ku-xigeenkii 3-aad Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin,
4. Madaxweyne-ku-xigeenkii 2-aad Mudane Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax.

Dhanka kale, waxaa isna kulanka qayb ka ahaa Madaxweyne-ku-xigeenkii 4-aad iyo 5-aad Mudane Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaciil (Saylici) laakiin kulanka ka maqnaa hooyadii oo Boorama ku geeriyootay awgeed, taasoo ay Madaxweynayaasha iyo Madaxweyne-ku-xigeenadu ay si wada jir ah uga tacsiyadeeyeen geeridaa ku timid.

Sidoo kale, kulanka waxa isaguna qeyb ka ahaa Gudoomiyihii h**e ee Golaha Wakiilada Somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax. waxaa kulanka wada-tashiga ah qeyb ka ahaa balse xaalado caafimaad uga maqnaa Madaxweyne-ku-xigeenkii 1-aad ee Somaliland Mudane Xasan Ciise Jaamac, waxana ay si wada jir ah

Alle uga baryeen in uu caafimaad taam ah siiyo.
Arrimaha mihiimka ah ee uu Madaxweynuhu kala hadley Madaxweynayaashii iyo ku-xigeenadii h**e ayaa ahaa wada-tashi la xidhiidha xaaladaha hadda taagan ee mihiimadda iyo mudnaanta gaarka ah u leh Qaranka Jamhuuriyada Somaliland .

Guntii iyo gaba-gabadii, Isku-xidhnaanta Madaxda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ay xilli walba kaga arrinsadaan Xaaladaha dalku waa towfiiqda iyo talo-waaga ay Jamhuuriyadda Somaliland kaga duwan tahay Soomaalida kale.

Kulankooduna waxa uu ummadda Jamhuuriyadda Somaliland u yahay ISHAARO-SAN iyo YIDIDIILO ah dhinaca adkaynta Qarannimada iyo wadajirka ummadda Jamhuuriyada Somaliland.

27/12/2024

Wax Aanu Aq Baleyno Maaha Wixii A Dhacey Degaanka Dacawaley Oo Waxa...

27/12/2024

Waxa Aan Halka U Taaganahay Guul Weyn Oo Usoo Hoyatey Saxaafada Somalilamd Waxa Aan Marnaba Ilaawayn

27/12/2024

Waxa Aanu Heyna Howl Culus Arimaha Bulshada O Dhan Wakiil U Nahay Runtii Waxa Aanu Dooneyna Inan Xeer Cadaalad Ah Ku Dhaqno

27/12/2024

Waa In Aynu Bad Baadinaa Dadkeena Oo Aynu.....

27/12/2024

Dad Shacaba In La Xasuuqo Waa Damiir Xumo.Wixii Dacawalay Liyuu Boolisku "Xil Barkhad Batuun

26/12/2024

Xukumada Madaxwayne Ciro Oo War Kale Ka Soo Saaray Xaalada Dagaalkii Dacawalay

WAR-SAXAAFADEED Hargeysa-26-12-2024()- Wefti uu Hogaaaminayey Wasiirka Amniga Gudaha JSL mudane Cabdalle Maxamed Carab a...
26/12/2024

WAR-SAXAAFADEED
Hargeysa-26-12-2024()- Wefti uu Hogaaaminayey Wasiirka Amniga Gudaha JSL mudane Cabdalle Maxamed Carab ayaa Magalada Jigjiga ee Degaanka Maamulka Soomalida Itoobiya kulan muhiim ah kula qaatay Saraakiil Sar sare oo ka tirsan Ciidanka Dawladda Federaalka Itoobiya, uu Hogaaaminayey Taliyaha Aaga Bari ee Ciidamada Itoobiya General Afgado iyo Madax kale oo ka tirsan Dawladda Degaanka uu u horreeeyo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada iyo masuulin kale oo muhiim ah.
Labada dhinac ayaa si qotodheer uga wada hadlay Xaaladda Degaanka Dacawalay iyo Degaanada kale ee ku xeeran, waxaana isfaham buuxa labada dhinac ka gaadheen Xaalada Degaanka Dacawalay,iyadoo la isla qaatay in la joojiyo dhiiga daadanaya, xaaladdana lagu dhameeyo xal Nabadgalyo ah oo salmi ah si aan wax danbe u dhiciin.
Weftiga Somaliland uu Hogaaaminayey Wasiirka Amniga Gudaha JSL, waxaa ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL, Mudane Khadar Xuseen Cabdi, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Maxamed Yuusuf Cali, Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismail Taani, Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi iyo Taliyaha Hay'adda Nabadsugida Qaranka.
Cabdillaahi Axmed Caarshe
Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadeynaha ee Wasaaradda Amniga Gudaha JSL.

26/12/2024

Muxu Ku Soo Dhamaaday Arinkii Wasiirada Iyo Taliyayaashu U Tageen Jigjiga + Sidee Loo Qaabilay

26/12/2024

Madaxwayne Ciro Oo Dagaalkii Dacawalay Iyo Dadkii Ku Dhintay Ka Hadlay

Address

38 Felix Road Easton Business Centere
Bristol
BS50HE

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Bulsho News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Bulsho News:

Videos

Share

Bulsho News Tv

Contacts

Mustafe Ahmed Dahir Bulshotv ManagerMob: +2525-63-4472503 E: [email protected] Abdirashid Nuur Wacays Bulshotv (Markting) Mob: +252-63-4406943 . +2525634423835

E: [email protected] Like real page Bulsho Somali International Tv