Berbera News

Berbera News Berbera News Website I am Yurub Mohamed Abdi aka Yurub Geenyo, prominent Somali Singer and Songwriter. One of the leading modern Somali music Industry.

XUSUUS QORKA MAANTA  21.1.1990  33 SANO KA HOR IYO BANDHIGII RIWAAYADII LAAN-GARUUSAR        Masrixiyadii ka Nixisay    ...
21/01/2024

XUSUUS QORKA MAANTA 21.1.1990 33 SANO KA HOR IYO BANDHIGII RIWAAYADII LAAN-GARUUSAR
Masrixiyadii ka Nixisay
Maxamed Siyaad Bare
Qalinkii Cali-Mahad Yuusuf
Waa xili caways ah oo bishu tahay 21 Janawari 1990kii waxay ahayd Xaflad balaadhan oo ka dhacday Golihii Murtida iyo madadaalada (Tiyaatarka) oo lagu xusaayey maalinta Warbaahinta Soomaaliyeed. waxaa goob joog ahaa Masuuliyiintii u saraysay ee Dowladii talada haysay, Safka ugu h**eeya waxaa Fadhiyey Maxamed Siyaad Barre oo ay hareera fadhiyeen Raysal wasaare Maxamed Cali Samatar oo Midigtiisa fadhiyey iyo Cabdirashiid Sheekh Axmed oo ahaa Wasiirkii Warfaafinta oo dhinaca Bidixda ka xigay. Inkastoo muuqaalka guud ee madashu ahaa jawi degan oo Madaxda kasoo qaybgashayna mid kastaa ku lebisnaa Suudh ama Safaari. Waxaa loo fadhiyey Riwaayadii munaasabada ee Hobolada Waaberi kusoo talagaleen. Sida badan Masrixyadaha maalmahan oo kale la dhigaa waxay ahaayeen khiyaali u badan buunbuuninta Kacaanka iyo waxay ula baxeen Horumarka Ijtimaaciga ah ee Qaranku ku talaabsaday.
Manay lahayn nuxur iyo xigmad soo Jiitada Bulshada balse inta daawanaysa oo ugu h**eeya Odaygii MSBare waxay is raacin jireen Sacabka iyo qosolka waa marka ay dhegahoodu maqlaan Amaanta beenta ah ee Mikirifoonka laga sheegayo. ugu dambayntana waxaa lagu soo xidhi jiray heestii NOOLOOW MA DAALOOW oo Fadhiga kasoo kicin jirtay MSBare.
Inta ay socotana wuxuu dhex mari jiray Hobolada Isagoo mid mid u gacan qaadi jiray Fanaaniinta Gabdho iyo Wiilalba. Balse Habeenkani wuxuu ahaa mid ka duwan sidii h**e. Markii loo wada jeestay dhinaca Masraxa oo jihada waqooyi kasoo jeeday xidhiidhiyihii Barmaamijku wuxuu ku dhawaaqay Magaca Riwaayada oo ahaa DAREENKA FANAANKA
Waxaana curiyey AHN Abwaan Cabdi Muxumed Amiin. oo sanadkii 1985kii kasoo goostay Mucaaridkii Hubaysnaa ee SSDF.
Waxaana dhamaanba Daawadeyaashii ku war heleen Hees lama filaan ku noqotay waxaaana Codkeedii baxsanaa ku luuqeynaysay AHN Saado Cali Warsame, midhaheedana waxaa kamid ahaa
"GACAL IYO TOLOOW BAAHIDA GUDBANE GEYIGEENA TAAL IDINKOON KA GUBAN GAADHI RAAXALE IYO LAANGUSAAR GADO MA GUDOONSADEEN
GUUXISA MOOD GOB INAAD KU TAHAY GEESKA AFRIKOOW......
Inkastoo midhaha Heestani ka degi waayeen Madaxdii daawanaysay, waxaa xaalku kasii daray markii Gebi ahaanba Riwaayadii ay si toos ah u turjuntay sida uu ahaa dareenkii Shacabka ee Sanadahaas taagnaa heerka uu maraayey.
iyo sida Bulshadu uga soo taagnayd Jidkii ay ku socdeen Madaxdii talada haysay
Riwaayadan oo marka dib loo milicsado taariikhda ku gashay inay ahayd markii ugu horaysay ee Ninkii ba'naa ee MSBare indhihiisa oo Shan ah hadal cad oo heerka khaladkiisu taagan yahay loo dhiibo.
Filimqaade ka tirsanaa Telefishinkii Soomaaliya oo kamid ahaa Suxufiyiintii habeenkaas duubaysay Riwaayadaas ayaa 1996kii iiga sheekeeyey Inuu habeenkaasi xusuus gaar ah lahaa, muuqaalada uu sheegay inaanu weli xusuustiisa ka bixina uu kamid ahaa Wejigii MSBare oo cadho awgeed Midab kale yeeshay. Intii Riwaayadu socotayna waxaa debeda uga baxay Tiyaatarka xubno badan oo ka tirsanaa Masuuliyiintii Wakaalada Murtida iyo madadaalada oo ka baqday inay arintani saamayn ku yeelato.
Balse qisada yaabka lehi waxay ku dhacday xubnihii loo xilsaaray inay soo hubiyaan Riwaayadan ka hor intaan lasoo bandhigin. waxaa cajiib ahayd in la tusay masraxiyad Kacaan ah oo ka hadlaysay Afkaartii Kacaanka iyo Libintii Xisbiga. hase ahaatee Riwaayad gebi ahaanba ka duwan tii laysku ogaa ayaa Badka lasoo dhigay.
Shacabka Soomaaliyeed ee aqoonta u lahaa dabeecadihii MSBare iyo sida uu ula dhaqmi jiray Cid kastoo maamulkiisa ka hor timaada ayaa ku fasiray inay dhacdadani tahay gaba gabadii Nidaamkaas.waxaana xusideeda mudan in Heestani ay sidaa ku yeelatay Magacii Riwaayada oo Isimkii ahaa Dareenka Shacabka waxaa ka magac dheeraaday LAANKURUUSAR oo Caan noqotay

Dadka martida ku ah Bandhiga Buuga Ee Berbera
21/01/2024

Dadka martida ku ah Bandhiga Buuga Ee Berbera

20/01/2024

"Xasan Sheekh nooguma Hanjabi Karo shabab Geelaanu Ka Waraabin" ~ Mujaahid Luqad Adag Ugu Jawaabay madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Djibouti

Miyaan islahaa xabashibaa kuu dhaamaya?? WQ mustafe shiine.Sheekada Jimcaha iyo wixii la soo maray.31kii May 1988, maalm...
19/01/2024

Miyaan islahaa xabashibaa kuu dhaamaya?? WQ mustafe shiine.
Sheekada Jimcaha iyo wixii la soo maray.

31kii May 1988, maalmo yar kadib, waxa qof kasta oo ogaa uu xasuusan yahay diyaarado leh calankii 5ta xidigood lahaa oo dumar iyo caruur ka sii baxsanaaya madaafiicdii milaterigii Somalia ka daba tegay oo banka ku duqeynaaya, kuna shiish baranaaya.

Ayeeyo Cosob oo ilmihii siday ay horteed dileen oo socon kari la' ayay dhinac walba xabad kaga ag dhufteen, laakiin nasiibka iyo maalintaa oon EEBBE qadarin ayay ku baxsatay, waxa iyadoo iska rajo dhigtay oo ALLE weydiinaysa " Rabiyow, maad aniga i oofsatid ood Muuse yare igu bedeshid", (waa wiilka siday ee ay diyaaraduhu dileenee), ayaa waxa jidkii ay jiiftay soo maray ehelkeedii kale oo ka kooban laba hablood oo ay dhashay inanteedii curad kuwaasi oo ka dul baroortay, dabadeedna goobtii dusha kaga qaatay ilaa 40km la lugeeyay aakhirkiina geeyay bankii loo yiqiinay Dulcad ee ay Ethiopia uga saamaysay xerada xaqooti shacabkii reer Somaliland ee lagu laayay hubkii ay bixiyeen cashuurtiisii.

Waxa tiiyoo labadii hablood oo marba ay midi qaydka u xidhanaysay Ayeydeed la sii daalaa dhacaanba iyadoo aanay nafi ku jirin ayay ku fureen islaantii waab ay qolo ka sii yara h**eysay dugsanayeen, waxana markiiba u yimid Askari iyo qof shaqaale ah oo afka Amxaariga ah ku hadlaaya kuwaasi oo biyo iyo wax ay afka ku qabtaan u keenay.

Ayeydii oo yaaban una haysatay in Xabashidu ( Ethiopiaku) dadka cunaan ayaa tidhi " Ayeeyo miyaanay Xabashi ahayn", saa hablihii baa ugu jawaabay " haa", sey tidhi " Haday ka sii dartay".

Waxyar gudahood ayuu turjubaankii la hadlay hablihii iyo Ayeeyadood oo uu ku yidhi " waxay idin lee yihiin ku soo dhawaadoa dhulkiinii oo ah dalkiinii labaad", kolkaasay ayeeyadii oo markii h**e quus ahayd tidhi " yaa, " turjubaankii ayaa ugu celiyay " Waxa kaloo ay idiin sidaan teendho, weel iyo raashin, waxana dawlada Ethiopia amarta ganacsatadeeda in wixii lacag ah eed sidataan aad wax ku iibsan kartaan",.

Intaa markii lays weydaarsaday ayay dhaqaaqeen 2dii Ethiopianka ahaa iyo turjubaankii, labadii hablood oon dareenka Ayeydood qabin ayaa iska bilowday inay biyii cabaan, una diyaar garoobaan inay teendhada dhistaan, se Ayeeyo Cosob oo waayo badan bay soo joogtay ayaa waxa afkeeda mar keliya ka soo baxay oo ay tidhi " Miyaan is lahaa xabshi ayaa kuu dhaamaaya taad calankaagii bilaa sharuuda ugu geysay".

Waxa Ayeeyo Cosob ay intaa raacisay oo ay hablihii u sheegtay in aan mar kale lagu qiyaamayn ( Soomaalinimo oo haddii ALLE guusha siiyo Snm Aanay mar danbe halkii dib loogu noqon oo hadday timaatana aan Xabashi ( Ethiopia) aan cadow looga dhigin oo ay iyada doortaan).

?????????????????????????????????????????????
18/01/2024

?????????????????????????????????????????????

Warqad FuranKu: Xeerilaaliyaha Guud Ee Qaranka JSL.Og. Cidkasta Oo Ay Khusayso.WQ. Garyaqaan Yuusuf BiixiMudane Xeerilaa...
18/01/2024

Warqad Furan
Ku: Xeerilaaliyaha Guud Ee Qaranka JSL.
Og. Cidkasta Oo Ay Khusayso.
WQ. Garyaqaan Yuusuf Biixi

Mudane Xeerilaaliye Guud Aniga Oo og in dalku uu ku jito Xaalad adag oo dublimaasiyadeed iyo mid siyaasadeed isla markaana ay muhiim tahay in difaaca Qarankan Af, Qalin, iyo gacanba lagu difaacaa in ay waajib tahay, balse hadana si sharciguna u sareeyo, hadaan gudaheena lawada xisaabtamin waxba jirimayaan, difaaca iyo duulaanka dibadna waxaba ka taramayno isla markaana shaqada qaranka kuwa maanta ugu igman adeegyada bulshada ee kala duwani waxay ka horaysiin doonaan dantooda gaarka ah, danta guud ee qaranka, waxaan shaki ku jirin in marwlaba sidan uun ay bulahadu ugu dhibanaan doonto maxsuulka masuuliyadeed, sidaas darteed si sharcigu u sareeyo waxaan soo jeedinayaa sidan

In Afartan Masuul Ee Sawikan Kamuuqda Ee Shaqadan Hawada SL, Xalkeeda u Xilsaarnaa in Xafiiska Xeerilaaliyaha guud ahaan aad Su,aalo kawaydiiso awood shaqo ahaan iyo farsamo ahaanba shaqadii ay qaranka ugu igmanayeen waxa ay ku badasheen ama sida ay uga baxday gacantii dhex dhexaadka ahayd Ee UN ta Oo aanay La,aabtood ku wareegikarteen Hawadu Somalia, iyo Hantidii sida dhexda ah Loo hayay halkay ku danbaysay, oo hadii ay danbi leeyihiina laga abaal mariyo, hadii ay dambi,laawayaal yihiina tuhunka iyo canbaaraynta maalinlaha ah ay ka badbaadaan, oo karaamadaooda iyo sharftoodu dhawrsanaato, Oo hadiiba falkan maanta cawaaqib xumadiisa aynu arkayno hadii ay ku galeen sidii ay iyagu uga faa,iidi lahaayeen Dano shakhsi ah, oo uu ku cadaado sharciga la horgeeyo, Waxaana xusid mudan falka noocan ah in aanay jirin khiyaamo qaran oo kawayn oo la galikaro, Dastuurkeena iyo Xeerka Ciqaabtuba waxay u aqoon sanyihiin danbiyo qaran ama khiyaamo qaran oo culus ficilada noocan ah,

Sidoo kale waxaa xusid mudan in danbiyada qaranka laga galo aanay duugoobin wakhtikasta oo ay qaadatana maalinta uu cadaado in danbi dhacay in laga abaal mariyo cidii masuuliyadaasi ku cadaato, sidaas darteed mudane xeerilaaliyaha guud waxaan kuu soo jeedinayaa, in sharciga laga abaalmariyo waxii kaga cadaada ceebtan qaran iyo dhaxal qareejintan qaran ee soo shaacbacday, Si Masuuli- yiintan loogu taamilo qaato kuwa kale ee Masuuliyada maanta hayaana ay sharciga uga baqaan uguna taamilo qaataan, Talaabada Sharci ee aad maanta qaadato, taas oo dawo ka noqonaysa Qodobadan hoos ku xusan.

1. Mudane Xeerilaaliye Guud in afartan masuul iyo cidii kale ee masuuliyadan lahaydba In sharciga la horgeeyo su,aalo laga waydiiyo waxii ka khaldamay ama ay kharibeen waxay dawo ka noqonaysaa in masuuliyiinta maanta qaranka shaqada u hayaa aanay ku takrifalin ama ay u ilaaliyaan hanyida iyo karaamada shacbigan ay u shaqaynayaan

2. Masuulkasta Kuwa Maanta Saxeexa Qarankan ugu igman ee uu ugu sareeyo madcwaynuhu waxuu ogaanayaa heshiiska uu maanta galo ama waxii uu maanta ku takrifalo in 100 sano hadii ay kasoo wareegto in qarankani kula xisaabtamayo, waxaana ku badbaadaysa danta guud ee qaranka.

3. waxa kale Oo ay faa,iido ka tahay in afartan masuul oo qaarkood ay yihiin farsamo yaqaano khibrad hawo iyo lataliyayaal hawada ah iyo cidii l kula lug yeelataba inaanay qarankan shaqo u qaban oo aan lagu aaminikarin Danguud oo qaran, waxaana suurtagal ahba in wali ay badhkood shaqadii hayaan iyadoo dhibkaas ku eedaysan.

4. Waxa Kale Oo ay faa,iido ka tahay in ay afartan masuul ee tuhunsayaasha ah ama lagu eedaynayo hawada qarankan SL ee dhibkeeda cawaaqib xumada ka dhalatay aynu dareenay in ay Bari kayihiin oo ay kaga badbaadan hadalka bulshadu ku eedaynayso iyo canbaaraynta oo ay noqdaan kuwo Bari ah dhibkaas qaranka soo gaadahay oo danbi la,aawayaal ah.

5. Waxaa guud ahaan ay dawo ka noqonaysaa in laga badbaado masuul qaran in uu dantiisa gaarka ah uga faa,iidayso ama uu ka horumariyo danta qaranka.

5. Ugu danbayn Mudane xeerilaaliye guud Talaabada aad qaadaysaa Waxay Faa,iido ka tahay shaqada adiga Xeerilaaliye guud ahaan qarankan aad ugu igmantahay inaad gudatay masuuliyadii sharci ee laguu dhaariyay inaad u gudatay si dhab ah oo daacada sharcigana waafaqsan.

6. Shacbiga Somalilandna waxaan leeyahay yaanay qiiro reernimo ina qaadine ma ka badbaadinaa kuwa maanta saxeexa qarankan inoo haya ee uu ugu h**eeyo madaxwayne muuse biixi inay ogaadab in sharciga lagula xisaabtami doono wakhtigii ay doontaba ha qaadateen, markaas waxaa inala gudboon inaynu taageerno.

Fiiro Gaar ah.
Waxaa iga daacad ah oo alle igu ogyahay inaan afartan masuul maxamuud xaashi mooyee aanan 3sadexda kale aqoonin ab iyo isirtoona, sawirkooduna baadhis aan ka sameeyey iigu h**eeyo, balse xataa hadii uu walaalkay ku jito oo aan masuuliyada xeerilaaliyaha guud ee qaranka ahaan lahaa waa talaabadan qaadi lahaa oo dhab ah.

Isla xisaabtanku waa muhiim, waana furaha horumarkee shacab iyo xukuumadba maanta ma bolawnaa si aanaynu Bari markale u calaacalin.

Xaqsoore Waa Alle
Garyaqaan. Yuusuf Biixi "Talasame".

SOMALIYA oo hay'ddii rayidk ahayd ee maamulaysay  hawada wadankii SOMALIYA laysku odhan jiray ka dhigtay hub ay ku cunaq...
18/01/2024

SOMALIYA oo hay'ddii rayidk ahayd ee maamulaysay hawada wadankii SOMALIYA laysku odhan jiray ka dhigtay hub ay ku cunaqabanayso shacabka Somaliland.

War-murtiyeed- Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland Hargeysa-18/01/2024-()-Fadhigii 123aad ee Golaha Wasiirrada Ja...
18/01/2024

War-murtiyeed- Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland

Hargeysa-18/01/2024-()-Fadhigii 123aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo lagu lafo-guray arrimaha mandaqadda Geeska Afrika iyo ta Somaliland iyo Soomaaliya ayaa laga soo saaray war-murtiyeedkan oo u dhignaa sidan:-

Sida la-wada ogsoon yahay waxay Jamhuuriyadda Somaliland ahayd Maxmiyad Boqortooyadii Ingiriiska. 1884 illaa 1960 oo ah muddo 76 sanno ah, waxayna ahayd waddankii 17aad ee Qaaradda Afrika ee qaatay Xorriyadiisa 26 June, 1960-kii.

Somaliland markii ay xornimada qaadatay waxa ay ahayd waddan leh xuduudo caalamiya, Dawlad, Dastuur iyo Baarlamaan oo loo aqoonsan yahay sidii waddamada kale ee xornimada qaatay.

Doonistii shantii Soomaaliyeed ayuu ka dhashay midowgii aan sharciga ku fadhiyin ee Somaliland iyo Soomaaliya July 01, 1960.

Somaliland isla markiiba waxay ka biyo-diidday hannaankii midawga oo baal maray xeerkii midowga (Act of Union) labada dhinac in la isu-keenno, iyadoo xeerkii Somaliland-na la tuuray, kii Soomaaliyana loo codeeyey.

Sidaa-awgeed waxa aqlabiyadda reer Somaliland diideen aftidii loo qaaday dastuurka 1961.

Mudadii ka dambaysay dadka reer Somaliland waxa loo gaystay tacaddi badan iyo xasuuq baahsan. 1988 waxa Somaliland lagu dilay 50,000 (konton kun ) oo rayid ah, waxaana la dumiyey wixii ay dhisteen miyi iyo magaaloba, waxaa qaxay hal miyan oo noqday Qaxoonti, kaas oo ay ka markhaati kacday War-bixintii Qaramada Midoobay ee sannadkii 2001-dii, Madaxda Soomaaliyana ay qireen.
Burburkii ka bacdi Shacabka Reer Somaliland oo ay hoggaaminayaan Madaxda Dhaqanka, wax-garadka, siyaasiyiinta iyo culimadu waxa ay go’aansadeen inay la soo noqdaan xornimadoodii 18 May 1991, markaasi ayaa ugu dambaysay in Soomaaliya ay ka taliso Dhulka Somaliland.

Sida bulshada caalamku ka warqabto Somaliland qayb kamay ahayn dhammaan dawladihii ay dhisteen Soomaaliya 33 sanno ee u dambeeyey iyo dastuurka ay samaysteen oo ku koobnaa shantooda maamul goboleed iyo dawladooda.

Gooni-isu-taaga Somaliland ee shirweynihii Burco 1991 waxay mar labaad shacabka Somaliland ku ayideen aftidii dadweyne ee loogu codeeyey dastuurka 97% 31 May 2001,
La-soo-noqoshada madax-banaanida Somaliland waxa ay waafaqsan-tahay Axdiga Midowga Afrika 1963, kaasi oo Afrika isku raacday in aan xuduudihii gumaysigu ka tagay aan waxba laga badalin.

Sidoo kale waxa arrintaas ka marag kacay Guddidii Xaqiiqo-raadinta ee Midawga Afrika u soo diray Somaliland 2005 ee uu hoggaaminayey Guddoomiye Ku-xigeenka AU.

Guddida xaqiiqo raadisku waxa ay qireen in Somaliland waafaqsan tahay Axdigii ilaalinta xuduudihii gumaysiga ee Afrika, soona jeediyay in la aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland.

Somaliland waxay buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa waddan madax-bannaan sida ku cad Axdiga caalamiga ah ee Montevideo Convention ee 1933, iyada oo Somaliland waafaqsan tahay Afarta qodob ee dhismaha dawladnimada ee ku xusan axdiga.

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu soo saaray qodob badan:-

1. Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo ka duulaysa Madax-bannaanideeda Dhuleed, Badeed iyo Cireed waxa ay heshiisyo u gali kartaa si waafaqsan Dastuurka JSL Qodobka 12aad, farqadiisa 3aad iyo Shuruucda. Horana ay heshiisyo ula gashay hay’addo Caalamiga ah iyo waddamo ay ka mid tahay Soomaaliya.

2. Sida uu dhigayo Dastuurka JSL Qodobkiisa 10aad, farqadiisa 4aad, Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku dadaalaysaa in colaaddii raagtay ee dalalka Geeska Afrika dhex ooli jirtay lagu baddalo is-afgarad iyo isku soo dhawaansho.

3. Oggolaanshaha iyo kiraynta Saldhigyada Ciidammada badda maaha mid ku cusub dalalka Geeska Afrika ee waxa leh waddamada Ereteria, Djibouti, Somaliland, Kenya iyo Soomaaliya.

4. Sida ku cad Heshiiskii Is-afgarad (MoU) ee 01/01/2024 ay kala saxeexdeen labada dawladood ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Federaalka Ethiopia, waxa ay Somaliland kiraynaysaa Saldhig Ciidan (Naval Base), iyada oo Ethiopia-na ay aqoonsanayso Jamhuuriyadda Somaliland, Saldhigaasi Ciidan maaha siin iyo iib midna ee waa kiro muddo cayiman ah oo waafaqsan habraaca heshiisyada saldhigga Ciidamada, Heshiiskaasi oo marka si rasmiya loo kala saxeexdo la marin doono golayaasha sharci dajinta.

5. Jamhuuriyadda Somaliland muddadii ay jirtay waxa ay xasilisay ammaanka gudaha dalkeeda (Bad, cir iyo Bariba), sidoo kale waxa ay ka qayb-qaadatay sugidda amaanka Gobolka oo dhan, gaar ahaan dalalka jaarka ah.

6. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay dalalka caalamka ugu baaqaysaa in ay Aqoonsadaan Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, arrintaasi oo guul istaraatajiyadeed iyo mid nabadgelyadaba u keenaysa guud ahaan caalamka, gaar ahaana Afrika iyo gobolka Geeska.

7. Jamhuuriyadda Somaliland waxay Beesha Caalamka ka codsanaysaa inay gacan ku siiyaan adkaynta nabadgelyada iyo xasilloonida Somaliland, taasi oo haddii ay wiiqanto saamayn ku yeelanaysa Mandaqadda, Dawladda Soomaaliyana ay ku cadaadiyaan inay joojiso colaada ay ka aloosayso Geeska Afrika.

8. Xukuumadda Somaliland waxay beesha Caalamka ku wargelinaysaa inay Dawladda Soomaaliya si badheedh ah uga baxday dhammaan heshiisyadii ay la gashay Somaliland, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen in la iska kaashado wixii nabadgelyada wax yeelaya, lagana fogaado hadallada abuuri kara nac iyo kala fogaan isla markaana hawada (Air space) loo maamulo si siman, heshiisyadaa iyo heshiisyo kale oo Beesha Caalamku marag iyo Markhaati ka ahayd.

9. Sida ku cad hadaladii ay jeediyeen madaxda Soomaaliya waxay farriin guubaabo ah u dirayeen kooxaha argagixisada si ay falal amni darro uga fuliyaan Jamhuuriyadda Somaliland, iyaga oo xoqaya arrimo diimeed, kuna kicinayey haddii saldhig Ethiopian ah la sameeyo dadka la gaalaysiinayo, iyada oo ay soomaaliya saldhigyo badan ku leeyihiin Ethiopia iyo dalal kaleba, cid la gaalaysiiyeyna aanay jirin, isla markaana Ethiopia ay ku nool yihiin muslimiin badan oo ay ku jiraan soomaalida Ethiopia.

10. Marka la dhagaysto doodaha iyo muranka Soomaaliya waxay ku doonayaan inay xaq u leeyihiin in ay iyagu galaan heshiiska badda, sidii ay kuwo h**eba u galeen, mana diidana heshiiska, laakiin waxay diiday in Jamhuuriyadda Somaliland gasho heshiiska, taasina maaha mid ay Dawladda Somaliland iyo Dadkeeduba aqbalayaan.

11. Dawladda Soomaaliya waxaanu u sheegaynaa in ay joojiso marin-habaabinta shacabka Soomaalida iyo durbaanka colaadeed ee ay garaacayso, dhiirrigalinta iyo abaabulka Ururrada Xag-jirka ah.

12. In Jamhuuriyadda Somaliland aanay wax gorqortan ah ka galayn Qarannimadeeda, sidoo kale ay naf iyo maalba u hurayso madax-banaanideeda, dhuleed, badeed iyo cireedba.

13. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay shacabka ku bogaadinaysaa sida ay heeganka ugu jiraan difaaca qarankooda, waxana ay faraysaa inay Af iyo Addinba difaacaan qarannimada iyo horumarka Jamhuuriyadda Somaliland, kana feejignaadaan hadallada kasoo yeedhay dawladda Soomaaliya iyo cid kasta oo cadow ku ah Jamhuuriyadda Somaliland.
Dhammaad

17/01/2024

Dubbihii Xasan Sheekh Kaga Dhacay Shirkii Jabuuti Ee Soo Dedajiyey Heshiiska Somaliland iyo Ethiopia

17/01/2024

"Maanta Laga Bilaabo Xasan Sheekh Wuxuu Hoos Imanayaa Muuse Biixi" ~ Aqoonyahan Bannaanka Keenay Xuquuqo Sharci oo Somaliland Ka Maqan

17/01/2024


Nadwo Cilmiyeed Sheekh cabdiraxmaan aw axmed .
Habeenka koowaad.

DEGDEG: IItoobiya diidday ka-qaygalka shirka dalalka IGAD ee dawladda Jabbuuti abaabushay
16/01/2024

DEGDEG: IItoobiya diidday ka-qaygalka shirka dalalka IGAD ee dawladda Jabbuuti abaabushay

UPDATE: Ciidammada ammaanka Somaliland oo la sheegay inay goor dhoweyd xabsiga u taxaabeen siyaasiga Axmed Muumin Seed o...
14/01/2024

UPDATE: Ciidammada ammaanka Somaliland oo la sheegay inay goor dhoweyd xabsiga u taxaabeen siyaasiga Axmed Muumin Seed oo h**e u soo noqday Wasiirka Wasaaradda Beeraha...

14/01/2024

"Waxa Laga Qaylinayaa Heshiiska Ethiopia Maaha ee Waa Aqoonsiga Somaliland"

13/01/2024

On 1 January 2024, Ethiopia and Somaliland signed a significant agreement granting Ethiopia access to the Red Sea in exchange for potential recognition of So...

12/01/2024

"Dalqo Nibiri Waa taa Gashee Is-dabbara Ilmaadeerayaal ~ Somaliland Oo Looga Dhaartay Soomaaliya

“Saddex qodob uun baa muhiim ah Isfahamka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya:- Aqoonsi buuxa oo Jamhuuriyadda barakay...
12/01/2024

“Saddex qodob uun baa muhiim ah Isfahamka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya:

- Aqoonsi buuxa oo Jamhuuriyadda barakaysani hesho.
- Saldhigga Badda oo Itoobiya laga kiraynayo.
- In Itoobiya ay 10% kale oo ka mid ah ganacsigeeda dhoofinta iyo soo-dejinta ay ku kordhiso intii ay h**e ugala doo degi jirtay Berbera.

Intaas oo dhamina waxay marayaan waddooyinka iyo Hay’adaha sharciga ah ee JSL.”

Barkhad Maxamuud Kaariye Safiir ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland ee Dalka Itoobiya.

Ustaad Maxamed Khani waa Ustaad wax ka dhiga qaybta luuqadaha ee Jamacada Harvard University ee ku taala dalka Maraykank...
12/01/2024

Ustaad Maxamed Khani waa Ustaad wax ka dhiga qaybta luuqadaha ee Jamacada Harvard University ee ku taala dalka Maraykanka

Waxa uu yidhi Ustaad Maxamed Khani
maalin aniga oo ku dhex jira gaadhigayga ayaa waxa ii yimi wiil yar oo da'da jira16 sanno waxa uu igu yidhi gaadhiga maku masixi karaa murayada h**e ? waxa aan ku idhi haa gaadhigi ayuu iigu masaxay si wanaagsan aniguna waxa aan siiyey 20 dollar inta uu aad ula yaabay isaga oo marna farxasan ayuu igu yidhi ma Maraykanka ayaad ka timi ? waxa aan ku idhi haa waxa uu igu yidhi ka waran hadi aad iska dayso lacagta shaqada oo aan ka waraysto Jamacadaha Maraykanka ? waxa uu aha wiil aad u edeb badan heer aan gaadhey in aan usoo dhoweeyo agtayda si aanu usheekaysano waxa aan su'aaley imisa jir ayaad tahay ? waxa uu iigu jawaabey waxa aan jira 16 sanno waxa aan dhigta sannadki ugu danbeeyey dugsiga dhex waxa aan ku idhi siday ku dhici karta da'da in aad dhigato dugsi dhexe ? waxa uu igu yidhi haa dhowr sanno ayay h**e ii dhigeen marki ay arkeen in dhamaan calamadahaygu wanaagsan yihin waxa aan ku idhi maxaad qabata ? waxa uu iigu jawaabey aabahay waxa uu dhintay marki aan laba jir aha da'da hooyadayna xaafadaha aya cuntada usoo karisaa aniga iyo walaashayna dibada ayaanu kasoo shaqayna isaga oo hadalki wata ayuu igu yidhi waxa aan maqlay in Jaamacadaha Maraykanku ay deeq wax barasho siiyan ardayda keenta calaamadaha sareeya waxa aan waydiyey miyey jirta cid ku caawisa ? waxa uu igu jawaabey maya waa aniga iyo naftayda waxa aan ka dalbaday in uu hudheelka ii raaco si aanu wax uga cuno laakin waxa uu shuruud igaga dhigay in uu ii masaxo gaadhiga murayadisa danbe sidi uu umasaxay ta h**e si lamid ah

waan ogoladay , marki aanu galay hudheelka waxa uu usheegay in uu dalabkisu dibada yahay oo loo laabo sidi caadada u ahayd waayo waxa uu ula taga hooyadi iyo walaashi , waxa iiga baxday in luuqadisa English ay aad ifiicantahay yahayna habka uu udhaqmaayo nin miisan leh waxa aanu ku balanay in uu ii keen wixi uu waraaqo hayo oo aan isku deyi doono wixi aan uqaban karo amarka Ilaahay iguma ay dheeran arinti oo lix bilood kadiba waxa aan uhelay deeqdi wax barasho marki aan usheegay in loso ogolaaday laba maalmood kadin inta uu iso wacay ayuu igu yidhi gurigi oo dhan farxad Ilaahay ka sugnaatay ayaanu la ooyeyna

labo sanno kadib ayuu magacisu kaso muuqday The New York Times Magazine in uu yahay khabiirka ugu da'da yar "Modern technology" waxa ay noqotay mid aad nooga farxisay aniga iyo reerkayga xaaskayga aya iyaduna dhinaceeda Visa usamaysay hooyadi iyo walaashi isaga oo aan ogayn marki ay soo galeen maraykan ayaanu si kedis ah uga hor keenay marki uu arkayna wax hadal ahi way kaso bixi waayen xata waxa uu awoodi waayey oohinti farxada reerki sidi ayay ku degeen Maraykan oo uu kula wareegey , maalin maalmaha kamid ah aniga oo ku jira gurigayga ayan arkay isaga oo gaadhigayga dibada ku maydhaya yaab ayay igu noqotay inta aan ubaxay ayan ku qayliyey oo ku idhi maxaad samaynaysa ? waxa uu iigu jawaabey ida naftaydu yay ilaawin waxa aan aha iyo wax aad iga dhigtay !!

inankan uu inooga sheekaynayey ustaad Maxamed Khani waa nin udhashay Falastin magacisana la yidhaado Fariid Cabdilcaali waa nin cilmiga si aad ah ugu xusan dalka Maraykanka hadana waxa uu kamid yahay Ustaadada ugu caansan uguna wanaagsan Jaamacada Harvard University ee dalka Maraykanka.

Abdulla Farah

Ethiopians if we unite we can open the door that the unjust world has closed for us**********************The overall sit...
12/01/2024

Ethiopians if we unite we can open the door that the unjust world has closed for us
**********************

The overall situation of Somaliland.

E. A. According to a study conducted in 2021, the GDP of Somaliland was 3.34 billion US dollars and the per capita income was 775 dollars. At the same time, the GDP of Somalia was 7.628 billion dollars and the capita income was 446.98. At that time the population of Somalililand was 5.7 million while the population of Somalia was 13.3 million It was a prediction.

According to this information, the establishment of a stable government in Somaliland is economically better than Somalia. International relations and trade development expert Thomas Joel Kibwana () states that this comparative prosperity in Somaliland will lead to further sovereignty and has been a major challenge to the Somali government.

An international agreement on the sovereignty.

Article One of the Montevido Agreement signed in 1933 translates as a single entity government, a known state, a people permanently residing in the state, a government that can effectively control or administer the state and have international relations.

According to this, it has been three decades since Somaliland met most of the criteria. When we look at this fact, the sovereign unity of Somalia is not because Somaliland has signed an agreement with Ethiopia, but because it is because of the previous Al-Shabab, conducting five stable elections and making different international relations.

Article 3 of this agreement states, "giving or denying political recognition to one state is not the decision of another country but the state itself decides. No external influence is forbidden to obtain this right." Therefore, the agreement between Ethiopia and Somaliland considering their long term benefits is determined by the signatories not by the permission of other countries.

The hidden African Union research.

Somaliland Fact-Finding Mission to Somaliland led by the African Union Vice Chairman Patrick Mazimaka and includes top professionals from the Union's Military, Peace and Security, Refugees and Humanitarian Affairs and Police Affairs Department (AU Fact-Finding mission to Somalililand) etc. A. A was in Somaliland from April 30 to May 4 2005 and did research on the situation of Somaliland.

Click on the link to read the full information.

https://ebc.et/newsdetails.aspx?newsid=5400

Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa duqayn aan loo neel dayin xalay ku garaaacay dalka Yemen, iyagoo adeegsanaya diyaarado iy...
12/01/2024

Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa duqayn aan loo neel dayin xalay ku garaaacay dalka Yemen, iyagoo adeegsanaya diyaarado iyo gantaalaha Maraakiibta laga rido.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka wadajirka ah ee Maraykanka iyo Ingiriisku ku qaadeen dalka Yemen.

11/01/2024

TOOS-LIVE: Garoonka Cabdale stadium 🏟 Berbera ayaa imika lagu shaacin doonaa champion league Somaliland.

REASONS OF WHY SOMALILAND BECOMING THE 56TH STATE OF AFRICA IN 20241. SOMALILAND HISTORICAL BACKGROUNDSomaliland was a B...
11/01/2024

REASONS OF WHY SOMALILAND BECOMING THE 56TH STATE OF AFRICA IN 2024

1. SOMALILAND HISTORICAL BACKGROUND

Somaliland was a British Protectorate for 76 years (1884-1960). Somaliland became independent and recognized country before Somalia. Somaliland achieved independence separately from Great Britain on June 26, 1960 while Somalia achieved independence from Italy on July 1, 1960. Somaliland immediately received International Recognition before Somalia from 35 countries that included China, Egypt, Ethiopia, France, Ghana, Israel, Libya, and the Soviet Union etc. Somaliland achieved independence and recognition before Somalia, Mauritania, Nigeria, Senegal, Gabon, Republic of the Congo, Chad, Ivory Coast, Burkina Faso, Benin, Sierra Leone, Uganda, Kenya, Algeria, Zambia, Zimbabwe, Namibia etc.

2. SOMALILAND REPUBLIC LOCATION

Somaliland is located in the Horn of Africa. It lies between 08°00′ – 11°30′ parallel North of the Equator (Latitudes) and between 42°30′ – 49°00′ Meridian East of Greenwich (Longitudes). It is bordered by the Red Sea to the North (Southern Coast of Gulf of Aden), Djibouti to the West, Ethiopia to the South, and Somalia to the East. Somaliland has a coastline with the majority lying along the Gulf of Aden (Red Sea). The country is slightly larger than England, with an area of 176,000km² (110,000 sq. miles) and with a population around 5.8 million.

3. REASONS OF DISSOLVING 1960 UNION WITH SOMALIA

Sharing ethnicity, religion, language, culture, traditions, color etc do not determine the creation of union or federation or even preserve the existence or survivability of union or federation but only fair power-sharing and justice determine the success and survivability of union or federation and that is what Somalia failed to understand and respect during the 30 years of the failed union (1960-1990).

Even though Somaliland was the parent-country that invited Somalia for sharing union with Somaliland for achieving independence before Somalia, Somalia never respected the terms and conditions of the union but subjected Somaliland people to 22 years (1960-1982) of power-sharing denial, oppression and injustice and 8 years (1983-1990) of all kinds of human rights abuses and heinous crimes such as suppression, persecution, imprisonment, looting, genocide and destructions. Those two historical reasons ended the union between Somaliland and Somalia in May 1991 after devastating eight-year- long civil war (1983-1990) between Somaliland and Somalia. Somaliland people reclaimed their independence of June 26, 1960 again. One wonders why people of Somalia still pursue the revival of the disastrous union knowing power-sharing denial for 22 years and genocide and destruction for 8 years. Unions are dissolvable but independence is indissolvable. June 26, 1960 is indissolvable.

SOME VIDEOS OF GENOCIDE AND DESTRUCTION

I. https://www.facebook.com/mohamudismail.farah/videos/897439374768996/

II. pic.twitter.com/7uTHf7qhrV pic.twitter.com/QU4SmdJTs5

III. https://youtu.be/KpSMrCQDs1Q

IV. https://en.m.wikipedia.org/wiki/Isaaq_genocide

V. https://www.facebook.com/mixmedianewsproduction/videos/1934384873379860/

VI. LETTER OF DEATH: http://www.longlivesomaliland.com/letterofdeath_by_general_morgan.htm.

4. AFRICAN ESTABLISHED TERRITORIAL BORDERS ARE BASED ON LAND, NOT ON CLAN LINEAGE

There are no clan or tribal borders in Africa but there are state or national territorial borders only. Borders of all African countries are based on land, not on clan lineage or tribal origin. The territory, people, independence and recognition of each African country is defined and based on colonial borders drawn by African colonilal powers. The political map of Africa showing African countries was made by Europe, not by Africans. Somaliland territory, people, independence and recognition is based on Somaliland British Protectorate Borders. The borders of Djibouti, Somaliland and Somalia have internationally the same legitimacy and status for being all colonially-drawn borders defining their people, independence, territory and recognition as the rest of Africa. European Colonial Borders define territory, people, independence, statehood and diplomatic recognition of each country in Africa, Asia, and Arab World.

In Africa, three conditions are usually required for continental and international diplomatic recognition of a country:

(A) Being separate colony

(B) Having separate, unique colonial borders.

(C) And having written proclamation of independence granted by Colonizing power

Somaliland Fulfilled All The Three Conditions : Somaliland was British Protectorate for 76 years. Somaliland has defined British Somaliland Protectorate Colonial Borders. And Somaliland was granted independence by Great Britain on June 26, 1960 [Shown below]

Somalia does not have the right to challenge or lobby against Somaliland independence and recognition because Somaliland is older country than Somalia in achieving independence and recognition in Africa in 1960. Somaliland was independent, sovereign, recognized nation while Somalia was still Italian colony. Somaliland achieved independence and recognition on June 26, 1960 from Great Britain while Somalia achieved independence on July 1, 1960 from Italy. Then the two shared disastrous union for 30 years (1960-1990) from which Somaliland withdrew in 1991 after devastating civil war.

After dissolving their unions, Senegal/Gambia, Egypt/Syria and Ethiopia/Eritrea each restored and retained its original independence and recognition at OAU and at UN that they had before sharing unions. The countries emerging from the former Soviet Union and Federal Yugoslavia have been all recognized by the United Nations. So, why not letting Somaliland Republic restore and retain its original independence and recognition of June 26, 1960 after dissolving the disastrous union (1960-1990) with Somalia and withdrawing from it on May 18, 1991?

OAU and UN both recognized South Sudan without having previous colonizing power and colonial borders separate from Sudan. South Sudan was integral part of Sudan which was British colony. So, why not recognizing Somaliland which was separate colony with different colonizing power from Somalia? Somaliland was British Protectorate while Somalia was Italian colony.

5. REFUTING MISINFORMATIONS OF SOMALIA AGAINST SOMALILAND RECOGNITION

1. FIRST MISINFORMATION: Somalia falsely claims that Somaliland was a province of Somalia to label it with secessionism or separatism to deny Somaliland of recognition while in fact Somaliland was separate colony from Somalia named Somaliland British protectorate for 76 years and became independent country in Africa before Somalia, achieving independence and recognition by 35 countries on June 26, 1960 when Somalia was still Italian colony achieving independence on July 1, 1960. The proclamation of Somaliland independence granted by the colonizing power (Great Britain) is shown below. How Somaliland, becoming independent and recognized country by the world on June 26, 1960 before Somalia, become a province of Somalia? Somaliland achieved independence before Somalia, Mauritania, Nigeria, Senegal, Gabon, Republic of the Congo, Chad, Ivory Coast, Burkina Faso, Benin, Sierra Leone, Uganda, Kenya, Algeria, Zambia, Zimbabwe, Namibia etc. That argument of Somalia is baseless and fabrication.

2. SECOND MISINFORMATION: That the recognition of Somaliland will open Pandora’s Box in Africa to encourage secessionists or separatists to change African established colonial borders of the continent of Africa implying that Somaliland was secessionist province that broke away from Somalia. If Nyanza Province of Kenya or Arusha Region of Tanzania or Puntland province of Somalia secedes or breaks away from their own respective countries, they would definitely qualify to be secessionists, separatists or breakaways and that would change or shift the colonial borders of Africa inherited from European colonial powers thus creating instability and political unrest in the continent of Africa as those provinces share history, colonial borders, independence and recognition with their own motherlands.

But Somaliland was older country than Somalia in Africa in achieving independence before Somalia in 1960 as its proclamation of independence shows below. The independence and recognition of Somaliland would be based on British Somaliland protectorate colonial borders and will not influence secessionism or separatism in Africa but will enhance the African Conference of 1964 for reaffirming Africa colonial borders to keep the security, peace and stability of the continent. How the independence and recognition of Somaliland based on its legitimate colonial borders and becoming independent nation before Somalia would open Pandora’s Box for secessionists or separatists in Africa while the independence and recognition of all African countries are based on their colonial borders? This argument of Somalia is baseless too.

3. THIRD MISINFORMATION: Somalia claims that Somaliland accepted the terms of the union set by Somalia in 1960 that Somaliland could not withdraw from the failed union. There were no terms set between the two countries in 1960 at all. Somaliland (parent-country) initiated the unification between the two countries in 1960 then Somalia violated the conditions of fair power-sharing of the union by hijacking it for the 30 years of its existence (1960-1990) inflicting genocide and destructions against Somaliland people after raising grievances against injustice, oppression and persecution. Somaliland withdrew from that union after bloody war of liberation in 1991. Hence, how Somaliland, which was the initiator or host of the union accepted terms dictated or set by Somalia which was the guest or invitee to the union? If one side had to set terms to the other side, it would have been Somaliland because it initiated the birth of the failed union. This argument does not hold too.

Somaliland has fulfilled all the conditions necessary for Afrian colonies to be independent and recognized and it is unfair to be treated differently for 32 years. Somaliland cannot let Somalia abuse it with the independence it achieved before Somalia and with the failed union it created or initiated. Somaliland recognition is overdue. It is time to recognize Somaliland on its established colonial borders in order to become part of the International Community.

Author: Ibrahim Hassan Gagale
[Somaliland Recognition Advocate].

Address

35 Shetland Road
Bristol
BS105JW

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Berbera News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Berbera News:

Videos

Share

Nearby media companies



You may also like