Cosob Somali Tv

Cosob Somali Tv Ogaw wax cusub Maalin walba
(2)

27/07/2024

"MD xasan waxaan ugu baaqeynaa in wasiir shaqadiisa yaqaan uu u magacabo gaashaandhigga".Xil Gamadiid

27/07/2024

Xoghayaha Xisbiga MD Shariif "waxaan ogsoonahay in jabkii ciidanka ee ceel lahelay iyo cows-weyne uu wasiirka ka danbeyay".

27/07/2024

Askarigu ma yaqaano mucaarad iyo muxaafid"wasirrka Gashaandhiga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

27/07/2024

Ma aqblayano shacabka aan matalno in maalinkasta dhulka ay daganyihiin cagaf lamarsiiyo si dhulkaas dan shaqsi ah loogu qabsado"Xil xirsi.

27/07/2024

Xildhibaanda mucaaradkaa dalka iyo dadka hau tureen"Xil cadar.

27/07/2024

BARNAAMIJKA DUNIDA MAXAA KA CUSUB.

DEG DEG: waxaa maanta xuriyaddiisi dib u helay wariye calinuur salaad.wariye calinuur ayaa maalmo u xirnaa dowlad kadib ...
27/07/2024

DEG DEG: waxaa maanta xuriyaddiisi dib u helay wariye calinuur salaad.
wariye calinuur ayaa maalmo u xirnaa dowlad kadib markii booliska gobalka banadir ay xabsi u taxaabeen wariyaha .
Bahda warbaahinta iyo siyaasiyiin kale duwan ayaa siyaabo adag uga hadlay xariga wariye calinuur salaad kaas oo iminka xuriyaddiisi dib u helay .
Cosobsomalitv

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay xubno cusub oo ka m...
27/07/2024

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda JFS.
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gudanaya waajibka Dastuuriga ah ee ku xusan qoddobada 97, 98 iyo 100aad ee dastuurkaga KMG ah, isla markaana uu tixgeliyay talada Madaxweynaha JSF, uuna garawsaday hawlada baaxadda leh ee horyaalla Xukuumadda, waxa uu magacaabay xubnaha hoos ku xusan:
1. Mudane Gen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe) – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.
2. Mudane Cumar Cali Cabdi – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga
3. Mudane Siciid Maxamed Maxamuud (Xayd) – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta
4. Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha

27/07/2024

"Madaxweynaha qaranka waxuu geed dheer iyo mid gaaban u koray sidii dib loogu soo celin lahaa hubkii shacabka gacanta ku dhigay uu madaxwynuhu lahaa"Xil xasan abdi nuur.

27/07/2024

Sharciyad baarlaamka aad kumaamulaysid haloo sinaado"Xil abdi samad.

27/07/2024

Dalkan iyo dadkaan dad dhaqaajiyo oo hanaanka dowladanimada ku haga majiro, xafiis waliba qof waliba Qarabadiisi ayuu geeystey.

27/07/2024

Madaxweyne shariif ‘’ in la arko hub sharci daro ah oo ciidamadii dowladda galbinayaan runtii waa wax aad looga naxo’’.

27/07/2024

Shacabka muqdishu oo oo wax laga xumaado ku tilmamay hadal ka soo baxay madaxweynihii h**e dalka.

In maanta layiraahdo waa markey ugu xumeyd Oo hantidii Qaranka layska boobo, Oo aan xitaa dariiq sax ah loo Marin, Oo dh...
27/07/2024

In maanta layiraahdo waa markey ugu xumeyd Oo hantidii Qaranka layska boobo, Oo aan xitaa dariiq sax ah loo Marin, Oo dhulki layska xaraashto xagay nageyneysaa?!Waxay nagaynaysaa inaan dib ulaabano.

27/07/2024

Dagaal qaraar oo xalay ka dhacay degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay, kaaso oo u dhaxeeya ciidamada Itoobiya ee ku sugan halkaasi iyo kooxda AS.

26/07/2024

Yaa Ku guuleysan doona doorashada Madaxweynaha Mareynkanka Donald Trump Mise Kamala Harris?.

26/07/2024

Taliyaha CXS ayaa tacsi ugu tagay Ehelada iyo Xerta AUN Sheekh Cusmaan Xidig, wuxuuna so saxiixay Buuga tacsida.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta gaaray degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose,...
26/07/2024

Madaxweynaha maamulka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta gaaray degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose, xilli dhawaan wadada xariirisa magaalooyinka Kismaayo iyo Afmdow kooxaha AS laga saaray.
Boqolaal shacab ah ayaa madaxweynaha ku soo dhaweeyay bartamaha magaaladaan.
Madaxweynaha ayaa u tagay degmada Afmadow dardargalinta howlgalada ay wadaan Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland kuwaas oo guulo wax ku ool ah laga gaaray maalmahii lasoo dhaafay.

26/07/2024

"Dadka badanaa waxey aaminsanyihiin in Saliida Qumbaha Timaha kaliya loo isticmaalo..." Farxiyo Xasan Jidhi.

25/07/2024

Dowladda Soomaliyaa oo shaacisey xiliga ay dhacayso doorashooyinka Maamul goboledyada dalka.

Ciidanka Ammaanka  gobolka Mudug ayaa gacanta ku dhigay Axmed Cali Shire oo ah 20 jir isu ekaysiiyey qof dumar ah in mud...
25/07/2024

Ciidanka Ammaanka gobolka Mudug ayaa gacanta ku dhigay Axmed Cali Shire oo ah 20 jir isu ekaysiiyey qof dumar ah in muddo ahna ka shaqaysan jirey magaalooyinka Galkacyo, Garoowe iyo Boosaaso, wuxuuna ku qaraaban jirey magaca Anisa Cali Shire.

25/07/2024

Sheeko yaaab leh oo dhaxmartay ciidaanka Booliska qeybta baarista dhaqan xumada iyo Axmed Suudi oo xalay la xiray .

Wasiirka Howlaha Guud iyo Shaqaalaha dalka Ruwanda ayaa laga eryay shaqada sababo la xiriira arrimo wax isdabamarin iyo ...
25/07/2024

Wasiirka Howlaha Guud iyo Shaqaalaha dalka Ruwanda ayaa laga eryay shaqada sababo la xiriira arrimo wax isdabamarin iyo shaqo gudasho xumo.

25/07/2024

Warka Duhur ee Cosob Somali Tv (25/ 07/ 2024)

25/07/2024

Maamulka degmada Cabdicasiis oo sooo bandhigay hub iyo maandooriye gacanta lagu soo dhigay.

Madaxweyne kuxigeenka Mareykanka Kamala Heris ayaa kaga h**eysa Donald Trump Farqi aad u yar, ra’yi aroorin laga qaaday ...
25/07/2024

Madaxweyne kuxigeenka Mareykanka Kamala Heris ayaa kaga h**eysa Donald Trump Farqi aad u yar, ra’yi aroorin laga qaaday dadweynaha Mareykanka ee la xariirta Qofki ay u dooran lahayeen inuu hogaamiyo 4 Sano ee soo socoto.

25/07/2024

Wasiir Fiqi ’’Dastuurka Soomaaliya waligiis Xabashi ayaa qori jirtay ninka diidan in hadda la bedelana ayaga ayuu la shaqeyaaa.’’

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ah, ayaa la...
25/07/2024

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ah, ayaa lagu ansixiyey Xisaab Xirka Hey’adaha Dowladda ee sanad Maaliyadeedka 2023, kaas oo si faah-faahsan u qeexaya hannaanka loo isticmaalay iyo habraacyadii kala duwanaa ee uu soo maray xisaab xirka.
Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu meel-mariyey Heshiis-is-afgarad ah ee u dhexeeya Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga iyo Shirkadda Dekedaha ee Abu-Dhabi Ports Group.
Golaha Wasiirrada ayaa warbixin ku saabsan dagaalladii horraantii Bishan Luulyo ka dhacay Degmeda Luuq waxa uu ka dhageystay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo kamid ahaa wafdi ay dowladdu halkaas u dirtay, iyada oo Xukuumadda DanQaran oo kaashanaysa dowlad goboleedka Jubbaland ay ku guulaysatay Xabbad joojin iyo in dhibkii dhacay wadahadal lagu xalliyo.
Golaha ayaa Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ka dhageystay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka iyo dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha AS ah ee ka socda qaar kamid ah gobollada, waxuuna goluhu bogaadiyey guulaha ay ciidanku ka gaarayaan sifeynta AS.

25/07/2024

Ciidanka daraawishta jubbaland iyo kuwa dowladda oo howgal ka sameyen tuulooyin hoostaga gobolka Jubbada hoose.

Address

Bristol

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Cosob Somali Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Cosob Somali Tv:

Videos

Share

Category


Other TV Channels in Bristol

Show All