ITUS Media

ITUS Media itus waxay kula wadaageysaa waxyaaba badan oo kaa qarsan. fadlan like page kaan.

Majeclaanlaheyd inaad halkaan daganaato ama ku noolaato? Ogow waa magaalada dhexdeeda ee baadiyaha maaha!.
06/11/2024

Majeclaanlaheyd inaad halkaan daganaato ama ku noolaato? Ogow waa magaalada dhexdeeda ee baadiyaha maaha!.

Waxaan ku kacay dhawaqa xabad waxyar kadibna midkale ayaan maqlay laakiin xabada dambe waxay ka yeertay meel fog taas oo...
30/04/2024

Waxaan ku kacay dhawaqa xabad waxyar kadibna midkale ayaan maqlay laakiin
xabada dambe waxay ka yeertay meel fog taas oo aan u maleeyay iney ka timid
dhinaca kale ee xaafada.

Waxaa fiiriyay saacada oo waaba sadexdii aroornimo.

Waxaan garguurad ku fuulay sariirtii, iftiinka bisha ayaa ifiyay madowgii habeenka
ee Africa waxaana la arki karay geedaaha qalalan ee qodaxda leh ee ka baxa
gayiga. Iftiinka sidaas uma xoogana hada, laakin xooga waan arki kara aqal
soomaaliga ka dhisan agteeyda.

Hadaa dumar ayaa ooynaya sidoo kale rag ayaa qeeylinaayo, Kadib xaafadii oo
dhan baa mar qura soo wada baxday waxaana maqlay socodka qof ku soo socoto
xaga mudulki aan ku jiraay. Si dhaqso ah ayaan uga kacay sariirtii waxaana
bilaabay inaan albaabka ka wareejiyo ooddii qodaxaha lahayd taasoo albaab u
ahahayd mudulka aan ku jirro. Waxay oodu leedahaay meel laqabsado oo aan
qodax lahayn taasoo la qabto marka laxirayo ama lafurayo albaabka. Suura gal
maaha bananka qof ka imaado inuu qaado ooda maadama ay leedahay qodxo.

Icaawi mudane! Ayaa banaanka ka maqlay. Laba nin baa la toogtay. Ma heysaa
mashiin udirikaro fariin magaaladaa Burco? Waxaan u baahanahay doctor iyo
ciidan. Ma aanan heynin mashiin heerkaas ah waana raadiyay. Lama aanan xariiri
karin xassan oo waxuu ku haray suuqii isagoo haminayo inuu lacag badan ka
sameyn doono meeshaa uuna ila kulmi doono labo ilaa sedex maalin kadib.
Soomaalidii waxay taaganyihiin agteyday si dulqaad leh sidii in madaxayga ay ku
jiro waxi aduunka xigmad taalay camal iyagoo iga filayo inaan arintan wax ka
qabto oon isku daba rido waxwalba
Waxay dhamaantood ku hubeysanyihiin mindiyo dhaadheer iyo waramo. Qaar
kamida waxay wataan qoray sidoo kale waxaa ku jiro nin af ingiriiska yaqaan
kaasoo labada gacmood ku heysto laba bistooladood nuuca rifoolfer.

Lasoco qeybta labaad iyo Somalids siday isu leeyso.

Qaabkaan adigoon dhulka qoding ayaan beeryar tacban kartaaa.
22/01/2024

Qaabkaan adigoon dhulka qoding ayaan beeryar tacban kartaaa.

Awoowe,  Raas kambooni ilaa raas career badda kutaal adigaa leh ee gaalada Xabashida ah  ka ilaasho oo marnaba hala gorg...
05/01/2024

Awoowe, Raas kambooni ilaa raas career badda kutaal adigaa leh ee gaalada Xabashida ah ka ilaasho oo marnaba hala gorgortamin.

Facil aanan fiirsi loo qabay iyo caano aanan fiiqsi loocabin, feerahay waxyeelaan.Ethiopia yaan lasoo dhaweysan waa iga ...
04/01/2024

Facil aanan fiirsi loo qabay iyo caano aanan fiiqsi loocabin, feerahay waxyeelaan.

Ethiopia yaan lasoo dhaweysan waa iga talo.

Heshiiska Ethiopia lagu siiyay Badda waxaa dhaqaalihiisa bixiyay gadaalna ka joogo waa Israel.  Israel kuma laha wax saa...
03/01/2024

Heshiiska Ethiopia lagu siiyay Badda waxaa dhaqaalihiisa bixiyay gadaalna ka joogo waa Israel. Israel kuma laha wax saameyn ah Babul Mandab, Xuuthiyiinta Yeman ayaana maraakiibteeda ka Joojiyay edeegsiga Red sea iyo marina babul Mandab. Israel ayaa isticmaali doonta badda Soomaaliland saldhigyada ciidamada ee Ethiopia looga gaday badaha soomaalida. Soomaaliya waxaa kusoo wajahan dhibaato aad u weyn waliba dadka reer Soomaaliland maadama ay gacanta Muuse Biixi lagu xalaaleystay badoodii.


soomaaliya

Wiil Soomaali ah ayaa waxuu Sedex sano ka shaqeeynanay Amazon warehouse oo ah suuqa ugu weyn ee Internet ka. Sanadkii wa...
28/12/2023

Wiil Soomaali ah ayaa waxuu Sedex sano ka shaqeeynanay Amazon warehouse oo ah suuqa ugu weyn ee Internet ka. Sanadkii waxuu hali jiray lacag dhan £50,000 oo u dhiganta $65,000 oo doolar. 30% waxay uga baxdaa balwada sida sigaarka iyo shiishada. 50% waxay uga baxdaa ijaarka guri apartment ah oo kuyaalo magaalada dhexdeeda. 20% soo haray ayuu u qeybiyaa cuntada, biilasha sida korontoda, biyaha, gaari raaca iyo gaaska. Bilwalba dhamaadkeeda waa uu ka fara maranyahay lacagtii. Sxbkiis oo Somali jooga baa soo wacay kuna yiri waxaan qabaa sedex xaas ee bishaan biilka waa xagaada. Aad buu u qoslay Ninkii Amazon ka shaeyynayay.

Waxaa qoray ITUS Media

Address

Birmingham

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when ITUS Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to ITUS Media:

Share