Hoggaanka Warfaafinta JWXO

Hoggaanka Warfaafinta JWXO TV-GA QARANKA OGADENYA Ilays Tv: waa Television-ka kaliya ee ku hadla afka ururka ONLF,matalana shacabka Ogadenya ee Abasiniya gumaysato. Guul iyo Gobonimo

08/03/2024

Daawo: Kulan muhiim ah oo ay yeesheen Guddiga Doorashooyinka Ethiopia iyo Xisbiyada Mucaaradka ah

Waraysi: K/hogaanka Warfaafinta JWXO ah na Xoghaynta guddiga fulinta Naftii-hure Abdirahman Mohamed Ahmed.

23/10/2023

Bayaanka JWXO-ONLF ee sanadguuradii 5aad ee ka soo wareegtay heshiiskii JWXO iyo Dowladda itoobiya.

Waxaa lagu jira usbuuc masuuliinta, xubnaha, taageerayaasha iyo shacabka Soomaaliyeed ay u socoto qiimayn iyo ka baaraan-degidda Heshiiska, faa’iido iyo khasaare iyo halka looga sii gudbi. JWXO waxay aaminsan tahay bayaanka ayaa ka turjumaya, af Soomaalina wuu ku soo bixi doonaa.

Shacabka Soomaaliyeed dhammaan, gaar ahaan kuwa leh dowlad degaanka Soomaaliyeed nabadda faa’iido badan bay ka heleen. Dowladda Itoobiyana way ku nasatay.

In kasta oo heshiiska qaybo ka mid ilaa iyo hadda aan la hirgalinin, haddana si guud isbadalka ka dhashay wuu muuqdaa.

Qaddiyadda Soomaaliyeed weli si dhab ah looma gudo galin oo wixii dagaalka muddada qarniga ka badan socday si dhab ah looma xallin, lamana taaban. Laakiin waa hawl socota, wax ka qabadkeeduna uu qabyo yahay.

Jabhadda iyo Shacabka waxaa ka go’aan inay wadda nabada ah xaqooda ku raadsadaan.

Waxaan rajaynayaa in dowladda Itoobiyana aysan dhayalsan, mugga, taariikhda iyo tacaddiyada muddada jiray ee qaddiyadda Soomaaliyeed oo ay dhankooda fursaddan ay heleen oo maamuladii ka horeeyay aanay helin ay muhimadeeda siiyaan oo u soo jeestaan in si wanaag ah lagu maareeyo.

Ciyaar walba waxay u baahan tahay in ay jiraan laba geesaha iyo dhinaca isla haya.

Mahadsanid.

15/10/2023
Wafidiga Ururka ONLF ee uu hogaaminayo Afahayeenka Uruka ONLF Mudan Cadaani Hirmooge ayaa kulan khaas ah la yeeshay Rays...
25/09/2023

Wafidiga Ururka ONLF ee uu hogaaminayo Afahayeenka Uruka ONLF Mudan Cadaani Hirmooge ayaa kulan khaas ah la yeeshay Raysul Wazaaraha Dowlada Federaalka Somaaliyeed Mudane Xamza Abdi Barre.

Uruka ONLF ayaa Raysal Wazaaaraha ooga mahad celiyay Shaqada Qaranka ee uu Umada Somaaliyeed uu uhaayo isaga iyo Dhamaan dowladiisaba, iyo sida ay oga go antahay ineey wadanka kusoo celiyaan Amni iyo kala dambayn oo ay ugu horeeyso ciribtirka Khawaarijta ee la haray dowladnimadii somaaliyeed.

Ururka ONLF ayaa u ballan qaaday Raysal Wazaare Xamza iyo dowladiisaba ineey kala shaqeeyn doonaan sidii uu Qaranka somaaliyeed u istaagi lahaa umada somaaliyeedna loo mideeyn lahaa, urukuna waxuu ka qaadan karaa qayb libaax.

Raysul Wazaare Xamza ayaa Uruka uga mahadceliyay Hishiiskii ay la qaateen Dowladda Federaalka Ethiopia waxuuna Raysul wazaaraha kula dardaaramay in lasii xoojiyo Halganka Qalinka si loo samata bixiyo Shacabka somaaliyeed ee ku dhaqan dowlad deegaanka somaaliyeed.

Kulankaan oo ay labada dhinca waxyaalo badan ku gorfeeyeen ayaa ku soo dhamaaday is afgarad iyo in la sii xoojiyo xiriika labada Dhinac.

16/09/2023

Goobihii Laga Xusay Sannad guuradii 39aad ee ONLF iyo Muuqaaladii.

28/08/2023
Waxaa Qoray Guddoomiyaha JWXO Halgame Dr Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Mahdi Dhiiga Qofka Somaliga ah ee Dowlad degaanka S...
19/07/2023

Waxaa Qoray Guddoomiyaha JWXO Halgame Dr Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Mahdi

Dhiiga Qofka Somaliga ah ee Dowlad degaanka Somaliyeed ku nool muxuu masuul walba oo yimaada u xalaalaysta.

Qofka Somaliga Maxaa dhiigiisa qiimo tiray? Maxaa askari kasta ama Somali ha ahaado, ama mid Itoobiyada kore ka yimid uu siduu rabo qofka Somaliga ugu shabaaxtamaa.
Magteena Maxaa hadur ka dhigay?

Askari Itoobiya ka yimaada markuu qof Somali ah dilo maxaa loo xidhaa, maxaase kan Somaliga oo qof Somali ah dila uu Hawshiisa u sii wataa? Yaa masuuliyadda iska leh? Wiilka Somaliga ee inta qoriga loo dhiibay bahalka laga dhigay miyaa eedda leh , mise kan qoriga u dhiibay ee ku dhowranaya inuu dadkiisa cuno ayaa iska leh?

Nuxurku waxaa weeye, Ri’ walba shilalkay isdhigto ayaa lagu qowracaa. Shacabka Somaliyeed wuxuu ogolaaday in inta la dulaysto, kii yimaadana siduu rabo ka yeelo, in weliba sacab iyo amaan ay ugu daraan.

Ragow Talo adduun taada uun ma aha!

09/07/2023

Adresse

Allee Julles Massenet
Paris

Notifications

Soyez le premier à savoir et laissez-nous vous envoyer un courriel lorsque Hoggaanka Warfaafinta JWXO publie des nouvelles et des promotions. Votre adresse e-mail ne sera pas utilisée à d'autres fins, et vous pouvez vous désabonner à tout moment.

Vidéos

Partager



Tu pourrais aussi aimer