Bulshaawi

Bulshaawi Welcome

07/01/2025

Dakada Berbera ee Somaliland ❤️

Qaab-dhismeedka Kooxda Daacish Soomaaliya iyo Qabiillada Hoggaanka Kooxda! 1) Cabdulqaadir Muumin Yuusuf; Majeerteen, Ca...
04/01/2025

Qaab-dhismeedka Kooxda Daacish Soomaaliya iyo Qabiillada Hoggaanka Kooxda!

1) Cabdulqaadir Muumin Yuusuf; Majeerteen, Cali Saleebaan.

Waa aas-aasaha iyo aabaha kooxda Daacish Soomaaliya, iyo Amiirka Daacishta Bariga iyo Bartamaha Afrika. Waa wadaad, oday dhaqameed, iyo qurbajoog h**e oo Boqortooyada Ingiriiska ku noolaan jiray. Waxa uu Soomaaliya ku soo laabtay sannadkii 2010 asaga oo markaas kooxda AS ku biiray. Sannadkii 2015 ayuu AS ka goostay oo uu aasaasay garabka kooxda Daacish ee Soomaaliya.

2) Mahad Macallin Jajab: Majeerteen, Cali Saleebaan.

Kooxda dhexdeeda waxaa looga yaqaannaa Caaw Geelle, waa madaxii h**e ee Xafiiska Dacwada kooxda, sidoo kale waxa uu h**e soo noqday ku-xigeenka Xafiiska Maaliyadda kooxda. Hadda waa mid ka mid ah Ku-xigeennada Cabdulqaadir Muumin. Sannadkii 2018 ayaa Mahad Jajab lagu daray liiska argagixisada caalamiga ah ee Mareykanka, waxaa na lagu eedeeyay in uu dagaallamaayaal iyo hub badan soo galiyay Soomaaliya.

3) Cabdiraxmaan faahiye Ciise: Harti, Dashiishe.

Waxaa kooxda dhexdeeda looga yaqaannaa Axmed Aadan, Khaalid, iyo Yacquub. Waa mid ka mid ah ragga ugu sarreeya kooxda Daacish Soomaaliya. Waxa uu soo noqday Ku-xigeenka Amiirka kooxda. Sidoo kale, waxaa jira warar sheegaya in uu Ina Faahiye hadda yahay Amiirka Daacishta Soomaaliya, maadaama uu Cabdulqaadir Muumin noqday Amiirka Daacish ee Bariga iyo Bartamaha Afrika. Waxaa lagu eedeeyaa in uu agaasinkiisa lahaa qarax is miidaamin ah oo kooxdu Boosaaso ka fulisay sannadkii 2017.

4) Abuu Yuusuf; Majeerteen: waa madaxa Ajaanibta kooxda Daacish Soomaaliya. Waxa uu dhalasho ka heystaa dalka Mareykanka oo uu muddo ku noolaa.

5) Cabdixakiin Dhoqob; Majeerteen, Cali Saleebaan.

waxa uu ahaa Macallin Iskuul oo h**e iyo hoggaankii kooxda AS ee gobolka Bari. Waxa uu soo qabtay madaxa arrimaha siyaasadda kooxda Daacish Soomaaliya. Cabdixakiin waxaa lagu dilay duqeeyn ciidanka Mareykanku la heleen baabuurkiisa oo marayay deegaanka Xariiro ee gobolka Bari. Cid lagu badalay wali lama oga.

6) Xamse Fareey; Majeerteen: Waa madaxa dacwadda ee kooxda Daacish Soomaaliya, mahad macalin ayuu na beddelay oo xafiiskan h**e u maamuli jiray.

7) Macalin Bashiir; Majeerteen: kooxda looga dhexdeeda waxaa looga yaqaanaa Cabdullaahi-Buur. Waxa uu ka tirsan yahay saraakiisha sarsare ee xafiiska dacwadda kooxda Daacish Soomaaliya.

😎 Cabdiqani Luqmaan; Majeerteen, Cali Saleebaan: waa madaxa howlgallada ciidanka ee kooxda Daacish Soomaaliya. Dadka qaar ayaa sheegaya in ninka magacan wata uu Leelkase yahay oo aanu Harti aheyn.

10) Fahad Aboole; Ogaadeen: waa madaxa loojiistikada kooxda Daacish Soomaaliya.

9) Abuu Xafsa; Gaaljecel: Waa Ku-xigeenka madaxa howlgallada ciidanka, waxa uu ku xigaa Cabdiqani Luqmaan. Waa Nin dhalinyaro ah oo dhamaadka da'da 20aadka ilaa billowga 30aadka ku jira. Waxa uu h**e uga tirsanaa AS oo uu Hiiraan kaga biiray. Waxa uu ka mid yahay xubnaha dhalinyarada bartamaha iyo koofurta dalka kooxda uga soo duma.

11) Xamaas; Xawaadle: waa madaxa guud ee ciidanka kooxda Daacish Soomaaliya. Xamaas iyo Abuu Xafsa oo labadu ba reer Hiiraan ah ayaa loo badinayaa in ay fududeeyeen in kooxda Daacish Soomaaliya ay unugyo howlgallo fulin kara Beledweyne ku yeelato. H**e ayay kooxdu u sheegatay in ay Beledweyne dhowr howlgal ka fulisay.

12) Jacfar Dabaashaan; Majeerteen, Cismaan Maxamuud.

13) Cabdirashiid; Qabiilkiisa la ma hayo: waxa uu isku hayaa madaxa Sirdoonka iyo madaxa xafiiska hubka iyo agabka dagaalka. Kooxda dhexdeeda waxaa looga yaqaan Mukhtaar. Waxa uu xariir fiican la leeyahay Burcad Badeedda iyo ganacsatada Yeman hubka ka soo dhoofisa.

Hoggaanada kale ee kooxda waxaa ka mid ah: Cabdiwali Maxamuud Aw Yuusuf Walah (Majeerteen, Cali Saleebaan); Abshir-Gardheere Maxamuud Mire; Jaamac-Dheere Ismaaciil Saciid Saalax; Axmed-Beerdhagax Omar Cali.

Xigasho: Hiraal Institute, US State Department, NISA, iyo ilo madaxbannaan.

W/Q: Maxamed Weheliye, Geeljire Times.

Birbira ❤️😅
03/01/2025

Birbira ❤️😅

26/12/2024

Dacawalay Saaka Shacabkii Laha Ayaa Gacanta Kuhaya!

Xukuuumada Somaliland, ayaa si adag u canbaareysay xasuuqa loo geystay shacabka  Dacawaley.Wasiirka Wasaaradda Amniga Gu...
25/12/2024

Xukuuumada Somaliland, ayaa si adag u canbaareysay xasuuqa loo geystay shacabka Dacawaley.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha JSL Mudane Cabdalle Maxamed Carab oo ka masuul ah amniga Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, kuna hadlaya afka Xukuumadda waxaa uu cambaaraynayaa Xasuuqa ay degaanka Dacawaley ee Maamulka Soomalida Itoobiya ay ka geysteen Ciidamada Liyuu Booliska, kuwaas oo xasuuq u geystey dad shacab ah oo xoolo dhaqato ah, arrintaasoo ka soo horjeedda xaquuqda aadamaha iyo hanaanka Dawladnimo.

Dhinaca kale Ciidamada Liyuu Booliska ayaa Degaanka Dacawalay ka afduubay Madax-dhaqameed ka soo jeedda Somaliland, kuwaasoo halkaa u tegey ka shaqaynta Nabadda iyo daminta Colaadda halkaa ka dhacday maalmihii u danbeeyey, taasoo ah gef iyo xadgudub cad.

Wasiirka Amniga Gudaha JSL waxaa uu si xoog leh u cambaaraynayaa falalka foosha xun ee ay Degaanka Dacawalay ka geysteen Ciidmada Liyuu Booliska ee Degaanka Maamulka Soomalida Itoobiya, kuwaasoo geystey Xasuuq baahsan, masuuliyadda ka dhalatana ay qaadi doonaan.
Madaxweynaha Maamuul Soomaalidda Itoobiya, ayaa Xukuumadda Jamhuuriyadda u caddeeyey sida uu uga xun yahay falalka foosha xun ee ka dhacay Degaanka Dacawalay.
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay la xidhiidhay Dawladda Federaalka Itoobiya oo xidhiidh Nabadgelyo iyo mid siyaasadeedba ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland, waxayna Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku wargelisay arrinta ka dhacday Degaanka Dacawalay iyo dhibaatada ay geysteen Ciidamada Liyuu Booliska, iyadoo Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Itoobiya maalinta beri ah wada hadal ku dhex mari doono Xadka labada Dawladood.
Cabdillaahi Axmed Caarshe
Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadeynaha ee Wasaaradda Amniga Gudaha JSL.

18/12/2024

Shangeed waxaa si buuxda ula wareegay Ciidamada Madamiga Iyo Milateryga ☑️

17/12/2024

Ciidanka qaranka ceerigaabo iyo caawa 💚🤍❤️

Madaxweyne Cabdiraxmaan (Cirro) oo wareegto ku magacaabay Xubnaha Golaha Wasiirrada, Wasiiru-dawlayaal iyo Wasiir Ku xig...
14/12/2024

Madaxweyne Cabdiraxmaan (Cirro) oo wareegto ku magacaabay Xubnaha Golaha Wasiirrada, Wasiiru-dawlayaal iyo Wasiir Ku xigeennada Jamhuuriyadda Somaliland ee Xukuumadda Cusub yeelan doonto.

Go’aamo ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland.1- waxaa shirka la iskula qaatay in tallaabo sharciga waafaqs...
08/12/2024

Go’aamo ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland.

1- waxaa shirka la iskula qaatay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado dadka ku baaqaya Arrimaha Nabadgalyo darro, sharcigana la horkeeno qofkasta oo ku kaca wax taabanaya Nabadgalyada guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

2- In tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado dadka ku hadlaya cayda, aflagaadooyinka lagu kala qaybinayo bushada, kuwaasoo abuuraya colaad iyo xumaan bulshada dhexdeeda ka dhacda.

3- Waa in Saxaafaddu ka fogaataa in ay baahiyaan hadalo xanaf leh oo dhaawacaya wada jirka bulshada iyo guud ahaanba Qarannimada jamhuuriyadda Somaliland.

4- Maanta laga bilaabo waxaa la joojiyey in Hoteelada iyo meelaha kale ee la isugu yimaaddo in lagu qabto shirar qabiilaysan, waxaana la farayaa Hotelada in ay ka digtoonaadaan shirarka qabilaysan, Hotel ka lagu qabto shirar noocaas ah Tallaabo ayaa laga qaadayaa.

5- waxaa shirka la iskula qaatay in la adkeeyo amniga guud ee Dalka, gaar ahaana amniga Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.

6- shirka waxaa la iskula qaatay in la adkeeyo amniga Xuduudaha iyo Kaantaroolada, si loo xaqiijiyo amniga guud ee Dalka.

Maxaad ka rajenaysaa madaxweynaha cusub ee Somaliland Cabdiraxmaan Ciro?
27/11/2024

Maxaad ka rajenaysaa madaxweynaha cusub ee Somaliland Cabdiraxmaan Ciro?

26/11/2024

DEG DEG: Rasaas-Xoogan Ayaa Hada Kasocota Magalad Ceerigaabo.

19/11/2024

Muuse Xasan Yusuf 🫡

Hambalyo madaxweyne ciro
19/11/2024

Hambalyo madaxweyne ciro

Xisbiyada cusub ee soo baxay:WADDANIKAAHKULMIYE
19/11/2024

Xisbiyada cusub ee soo baxay:

WADDANI
KAAH
KULMIYE

17/11/2024

Beesha calamku talow gormay baxayan 🤣🤣

Allah haw naxariistee Madaxweynihii h**e ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa ku geeriyooday Harg...
15/11/2024

Allah haw naxariistee Madaxweynihii h**e ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa ku geeriyooday Hargeysa.

❤️🫡
14/11/2024

❤️🫡

Guul ayaan ku rajeynayaa sxb
03/11/2024

Guul ayaan ku rajeynayaa sxb

Adresse

Paris
PARIS

Notifications

Soyez le premier à savoir et laissez-nous vous envoyer un courriel lorsque Bulshaawi publie des nouvelles et des promotions. Votre adresse e-mail ne sera pas utilisée à d'autres fins, et vous pouvez vous désabonner à tout moment.

Vidéos

Partager