29/06/2024
Ethiopiyada MAANTA waa SOMALIYADII 1986
Soomaaliya iyo Ethiopia waxay wadaagaan taariikho badan waa dad dagaalo iyo loolan dhuleed isku hayay taniyo 1500. Dabeecaddaha ay wadaagaan, taariikhdii shalay, iyo dhulka ay kuwada nool yihiin baa ka dhigaysa in odoraska mustabqalka siyaasadeed ay ka masso ka ahaadaan.
1986 waa waqtigii rasmigaha ahaa ee bur-burka dawladii somaaliya uu soo bilaamay waxay ahyd waqti dalku siyaasadiisa arimaha dibada ay dhisan tahy oo ay caadi tahy haseyeeshee, gudahaa uu ka holcayo taas oo ay sii dheertahy dawladii dhamayd ee somaaliya waxaa taladeeda isku haystay 4 qalo oo kala ah bah dalaayad oo ahayd xaasaskii Maxamed siyaad bare iyo Bah khadiijo oo aayduna ahayd xaaskale iyo qoladii xididka ahyd oo gabdhaha siyaad bare qabay oo margan ugu h**eeyo iyo iyo dadkii gacanta midig u ahaa siyaad oo Cali samater ugu h**eeyo.
Labo sano ka dib waa tii SNM waqooyi gashay, SPM iyo UNC ay koonfur cagta soo saareen markaas waxaa xigay in kala haadkii iyo burburbkii si dhaba uu u dhacay.
Hadaba Ethiopia manta waa halkii somaliya 1986 dalku gudaha waa ka holcayaa dibadana waa ka dhisan yahay.
Kornaylkaan Ethiopia qabsaday aqoon ciidan ka sokow malahan aqoon siyaasadeed iyo mid taariikheed waayo dalkii siyaasad kuma dhaqin oo bulshadii ma jihayn oo cilmiga siyaasada cusub (modren political science) Afar qaab baaa miduun umada loo jiheeyaa
1, inaad cadaw dibadaaa u samaysid.
waa inaad bulshadaas ka dhaadhicisaa in wadan hebel iyo urur hebel ay jiritaankooda iyo noloshoodaba khatar ku yihiin oodna maalinkaste wadankaas u hanjabtaa waa sida wadaadada Iraan maamulaa ay shacabka eeraaniyiinta ah uga dhaadhacsheen maraykan, Israel iyo carab baa idiin cadawa taasna ay keentay inaysan shacabkuba ku mashuuqlin gal-daloolada, hormar laanta iyo musuqa dalka ka jira ee indhaha shacabku kaliya reer galbeed iyo carab eegaan. Ku darsoo waa siyaasada nimanka Kenesedka Israel jooga ay shacabkii Isreal u jeheeyeen Carab baa idiin caw ah
2, cadaw u samayn iyo hormar wada socda.
waxaa ku dhaqma badanaa wadama reer yurub iyo maraykanka waa in bulshada cadaw loo sameeyo oo la dhoho urur hebel iyo wadan hebel khatar buu inagu yahay oo ay la socoto hormar iyo shaqa abuur. Reer galbeedka baana ku dhaqma oo waxaa loo sameeya shacabkaas cadaw la yiraahdo argagixisanimo iyo shine iyo rush waa cadaw. Dhanka kalana shiinaha iyo ruushkuba waa adeegsadaan.
3, in baqdin dadka lagu jiheeyo.
waa in dadka la caburiyo oo cabsi lagu muquuniyo waana siyaasada ugu xun ee shacab lagu jiheeyo lkn kaligii taliyaha adeegsanaaaya siyaasadaas maalmay xilka ku haysaa. Waana siyaasda ay adeegsadaan Afewark, jim un ka kuuriyada waqooyi iyo rag badan.
4, cadaw usamayn iyo caburin.
waa digteetar dadkiisii asagu cunay lkn eelka iyo waxyeelada wadama kale u tiirinaaya kuna mashquulinaaya wadan hebel baa cadaw idiin ah. Waana wixii Ethiopia lagu dhaqi jiray 1930 ilaa 2018.
Hadaba umadaadan jihayn ma maamuli kartid waayo aday kugu mashquuli.
Abiye Axmed judhiiba markuu xilka yimid wuxuu ka leexday sunihii siyaasadeed ee Ethiopia lagu dhaqi jiray wuxuu is yiri cadawgaan umada loo sameeyay bal la heshii oo furfurnaan siyaasadeed samee wuxuu la heshiiyay Erriteriya wuxuu sirdoonkiisii kala soo baxay somaliya wuxuu khalkhalgalintii ka daayay sudan. Hayeeshee, baluu kororsaday. Shacabkii Ethiopia waxaa ku dhacay jihayn la-aan isla markiiba waxaa kacay shacabkii tigreega oo xuduudka daganaa talaa ku cadaatay Abiye wuxuu is yiri siyaasadii adkayd soo celi wuxuu weerar ku qaaday TPLF asagoo waliba Afawarki u adeegsaday taasina waxay keentay kaf siyaasadeed oo kale oo shacabka aad madaxda u tahay siwaliba isku haya waa jariimo wayn inaad dawlad iyo ciidan shisheeye ah aad u adeegsato waana siyaasadihii khaldanaa ee Cabdullahi Yuusuf qaatay oo kale uma shaqayn taasina oo TPLF heshiiskii Beritoria ee dalka south Africa uun bay ku joogaan oo waliba ayaga garsiinya.
Waxaa xigay fANO oo ah jabhada loogu cabsida badan yahy gabagabaysayna isku socodkii gobolka amxaarada, dishay saraakiil ciidan iyo gudoomiyeyaal dagmo, qabsatayna dhulbadan. waxaa kor u kacay OLLA waxaa dib u qarxay dagaaladii somalida iyo Cnafarta.
Sunihii Siyaasada Ethiopia lagu dhaqi jiray asagaa ka leexday waa maahmaahdii Somaliyeed ee ahdy LAXNI ALIF KAAGALA, ALBAQRUU KU DHIBAAYE 2018 talaabaduu qaaday oo ahyd inuu ka leexday wadadii dalkaan lagu maamuli jiray baa keentay inuu manta dhextaagan yahy Ethiopia oo dhaqaale ahaan burburtay, Ethiopia oo ku dhawaad 10 jabhadood ka jiraan, Ethiopia oo kaalintiidii siyaasadeed lumisay.
Marka labaad aqoon taariikheed malahan oo taase haday jiri laahyd wuxuu wax ka baran lahaa dalka uu maamulaayo iyo sidiisoo kale ragga awooda meesha raba inay ku qabsadaan inaysan ku dagdagin dagaal gudaha ah tusaale Malles zenawi dagaal guud oo uu qaado waxaa ugu horaysay 1998 oo uu ereteriya ku dhardhaaray waa 7 sano markuu xilka hayay waa maruu xidididaystay oo gobol waliba oo Ethiopia asagu uu nin gaystay waa maruu dalkii sifiican gacanta ugu dhigay, ina siyaad bare dagaal uu qaado waxaa ugu h**eeyay 1977 waa maruu xilka joogay 8 sano waa maruu meel kaste cid daacad u ah gaystay iyo maruu dalkii gacanta kuwada dhigay, Mingiste oo asna dalka qabsaday 1974 laba sano oo ay labdii jeeraal oo midna Oromada ka soo jeeday midna Ereteriya ahaa ay is hayeen labadiina uu dilay kadib, wuxuu dagaal galay 1977 lkn dagaalkaasi wuxuu ahaa mid dibadaa oo uu somaaliya la galay dagaalka dibadaana dadkaaba lagu mideeyaa.
Hadaba Abiye laba sano gudahood buu dagaal gudahaa ku galay asagoon dalkii wada qabsan meelwaiba aan dad u daacada gaysan asagoo aqoonyahankii, saraakiishii, diblomaasiyiintii iyo jananadii ciidanka ee TPLF ay dibada wada joogaan hubka Ethiopia yana 80% gacanta ku haya buu dagaal ku qaaday taasi waxay u horseeday inuusan dagaalkii ku guulaysan iyo burbur iyo awoodii dalkiisa oo wiiqanta.
Waxay ahyd inuu qunyar socod ahaado Ereteriya iyo Somaliya siyaasadii adkayd ee TPFL ay ku dhaqi jirtay kusii hayo kadibna uu siyar siyar u ugaarsado madaxda, saraakiisha iyo jananada ciidanka ee TPLF oo qaar uu dalka ka masaafuriyo (safiiro ka dhigo) oo shaqooyin dibadaa uusiiyo qaybna disqualified ka dhigo qaybna xiro oo danbiyo ku soo oogo. Sidaasoo kalana uu ka dhigo Amxaradana kadib ugu yaraan 6 ilaa 7 sano kadib uu dagaal iyo hard power kiisa uu lasoo boxo markaas cid ka hortimaada iyo cid saamayn siyaasadeed lehba ma jirto.
Lakin talo iskuma kaasheegto. Waa maraad gaari waydo iyo maraad garan wayd. Shaxda hal god ood il-duufto baa kugu keeni kara Irmaan bilaa xariga inuu ninkaad is-haysaan helo kadibna uu ka g**o ku dhoho, sidoo kale siyaasaduna hal go'aan ood ka il-duufto baa ninka aad is haysaan siin kara dhibco siyaasadeed.
Hadaba Somaliyadii 1986 iyo Ethiopiyada manta waxay wadaagaan
1, dal gudaha ka holcaya, lakin kor iyo siyaasada arimaha dibada ka dhisan
2, jabhado. UNC, SPM iyo SNM waxay ahaayeen 3 jabhadood ee ugu xooga badnaa waqtigaas soomaaliya kajiray waxay haysteen hub iyo awood aan la dhayalsan Karin waxaa xiiso u qabay oo si koox kooxa ugu biiri jiray dhalinyaradii deegaanadaas. Hadab si lamida jabhadaha FANO, OLLA, TPLF iyo kuwa yaryar ee deegaanada yaryar ka jira markaad eegto waxay leeyihiin dhamaan astaamihii jabhadaas kore waayo waxaa koox koox ugu biiraya dhalinyartii, waxa haystaan hub aan caadi ahayn waxay ka taliyaan qaybo dalka kamida marka waxay fursad u heli karaan inay dumiyaan taliska Abiye sida kuwaasba u dumiyeen tii Siyaad Barre.
3, dictaateeriyad.
4, awood isasiin iyo faquuq siyaasadeed oo dadka qaybtiis loogaysto.
5, siyaasadii reer galbeedka oo ka mashuushay Ethiopia. Awal way ilaashan jireen lkn hadan waxay kaga mashquuleen Ukrayn iyo Russia, Israel iyo Falastin.
Haday Ethiopia bur-burto siduu xaal noqon?
Inkasoo bur-burka Ethiopia uusan wax sahlan ahayn waayo reer galbeed bay xaram u tahy hadana holoca gudaha , dagaalada iyo xasuuqa gudaha ka jira iyo ka sii jeedka reer galbeedka markaad fiiriso waa suura gal baad is oran in maraan fogayn hilfaha laysku qaado
Hadab haday burbuirto Eyhiopia waxaa macquul noqon karta:-
1, in sidii Yugoslavia ay dhawr wadan noqon taasi waa tan ugu macquulsan oo waayo waa dad aan isir, af, diin midna wadaagin oo qasab iyo jajuub layskugu hayay marka hadii fawdo yar dhacdo midwaliba gaarkiisa buu u istaagi. Amxaradu wadan madax banana bay sheegan, Somaalidu laba wado miduun bay raaci inay wadan sheegato iyo inay somaalida kale ku soo biirto, Tegrega oo ah kuwa dhibta ugu badan gaarayso waxaa dhulkooda kusoo siqi doon Ereteriyaanka oo leh dhulbadan oo halkaas dhaca baanu leenahay marka kuwaase waa allow sahl xaalkoodu, canfari way midoobi kan Djabouti jooga iyo kan Ethiopiya jooga iyo kan Ereteriya ku dhaqan way midoobi dal bayna sheegan.
Bur-burkaas Ethiopia wuxuu saamayn doonaan dalalka Somaliya, Djabout iyo ereteriya.
2, in jabhadi la wareegto sidii TPLF taasina waa inay awood adeegsataa iyo xasuuq aad uwayn jabhada ugu macquulsan ee la wareegi kartana waa Fano ama TPLF oo soo rogaal celisa
3, ama in Abiye xalkeeno oo dib u hehisiin iyo siyaasadii adkayd oo isku daro.
W/Q Muxyadiin Maxamed