23/10/2022
Qeebtii 2
Magac bixinta habboon ee Soomaalida
Waxaa sidoo kale jira dad ilbaxnimada si kale u qaatay oo u adeeggaya saan-caddaalaha, kuwaas oo caruurtoodii kala maagay magacyadii dhaladka ahaa ee astaanta iyo summaddii awoowe huwanaa, magacyadaa baddalkoodana ula baxay magacyo waddamo, magaalooyin, lacago iyo kuwo warbaahinta ama aflaanta laga soo dheegtay, waxaana magacyadaa ka xusi karnaa (Barlin , Yurub, iglan, Istanbuul, Falastiin, Geni, Istarliin, Dirham, Laki, Joon, Deefid, Jeekey, Raanbow iyo kuwo kale oo badan). Dagaaladii sokeeye markii ay ka curteyn gayiga Soomaaliyeed, dad badan ayaa naftooda qurbaha ula cararay, oo in ka badan labaatan sano dalal shisheeye ku noolaa, xilligan markii xoogaa neecaawda nabadda la helay qaar ka mid ah dadkaa ayaa wadankii dib ugu soo noqday ayagoo watta dhaqanka waddamadii ay ka yimaadeyn, kuwaas oo iskugu yeeraya magacyo aan muuno iyo milgo ay leeyihiin toona ay jirin, waxa ay dadkaas ahaayeen isma dhaanto iyo dhasheed, waxa ay ahaayeen soddon jir dhaqankiisa ka aradan iyo caruur ilma adeerro ama ilmo eeddo ah oo isugu yeeraya magacyo ka turjumaya halkii ay ka yimaadeyn kuwaas oo aysan ka dhaxeyn wax is faham ah, markaas ayaad dhab ahaan qireysa feylasuufnimada Abwaan Xaaji Aadan Axmed (Afqalooc), kaa soo xaaladdaas ka maansooday 40 sano:
Afar qofoo wallaalo ah haddii ruuxba beled aado
Mid waliba akhlaaq gooniyuu kala imaadaaye
Arrinna kuma heshiiyaane way kala irdhoobaane
Mid waliba adaa toosan bay ula ekaataaye
Sidaasay barkood u eg yihiin inamadeenniiye.
Haddii aan sii gudo galno magac-bixinta habboon, Soomaalidii h**e magaca is k**a ay san bixin jirin ee siyaalo kala duwan oo ay ujeeddo ku qotonto ayay ku bixin jireyn kuna saleysan afka, hiddaha iyo dhaqankooda suuban, magacyad ay bixinayaan waxa ay ahaayeen kuwo muujinaya xilli dhalasho, ama odorasaya saadaal wacan ayada oo loo cir-eegayo, ama sifeeya muuqaalka ilmaha, waxaa iyana mar dhici jirtay in ilmaha loogu