Ogaden News Agency ONA

Ogaden News Agency ONA Get the latest news and updates from the Ogaden Region here on our official page.
(1)

Xubnaha JWXO ee Magaalada godey oo galabta shir isoogu yimid Waxaa galabta ka qabsoomay xafiiska jabhada wadaniga xorayn...
13/01/2025

Xubnaha JWXO ee Magaalada godey oo galabta shir isoogu yimid

Waxaa galabta ka qabsoomay xafiiska jabhada wadaniga xoraynta Ogadenia JWXO ee Magaalada godey ee Xarunta gobalka shabelle shir balaadhan oo ay ka soo qayb galeen bulshada qaybaheeda kala duwan iyo masuuliyin ay ka mid yihiin gudoomiyahii h**e ee xubnaha JWXO ee gobalka jarar mudane sheikh mawliid adan iyo halgame amiin Xaqdoon oo soo gaaray Magaalada godey

Shirka oo uu furay gudoomiyaha xubnaha halgamaa maxamed garaad sahal
Ka dib waxaa warbixin waafiya siiyay Xubnaha halgame amiin Xaqdoon
Ka dib waxaa qudbad taariikh halgameed ah ka jeediyay shirka gudoomiyihii h**e ee xubnaha JWXO ee gobalka jarar halgame sheikh mawliid adan

Ka dib kooxda fanka ee birjeex shabelle ayaa dhaantooyin wadani ah ka qaaday shirka

Shirka oo muda socday ayaa ku soo dhamaaday guul

Nuur Ilkacase
ONA SHABELLE

Xubnaha JWXO ee dagmada imay bari oo kulmay Waxaa kulan isoogu yimid Xubnaha jabhada wadaniga xoraynta Ogadenia JWXO ee ...
10/01/2025

Xubnaha JWXO ee dagmada imay bari oo kulmay

Waxaa kulan isoogu yimid Xubnaha jabhada wadaniga xoraynta Ogadenia JWXO ee dagmada imay bari ee gobalka shabelle
Kulan.kan oo lagu furay wacdi diini Ka dib waxaa warbixin waafiya siiyay Xubnahii ka soo qayb galay gudoomiyaha xubnaha dagmada imay bari halgamaa maxamed budul gudoomiyaha ayaa xubnaha faray in shaqada ururka la sii xoojiyo

Dhanka kale masuulintii ka hadashay shirka ayaa xubnaha ooga mahad celiyay shaqa wanaagooda

Kulanka oo muda socday ayaa ku soo dhamaaday guul

ONA SHABELLE

Midowga Dhallinyarada iyo Ardayda Ogaadeenya ee OYSU, Faraciisa Faafan ayaa wacyigelin ugu tegay qaarkamida ardayda wax ...
08/01/2025

Midowga Dhallinyarada iyo Ardayda Ogaadeenya ee OYSU, Faraciisa Faafan ayaa wacyigelin ugu tegay qaarkamida ardayda wax ka barata dugsiyada waxbarashada magaalada Jigjiga.

Wafti uu hogaaminayo gudoomiyaha xubnaha JWXO ee gobalka shabelle halgame maxmed garaad sahal oo garay tuulada kuus awli...
07/01/2025

Wafti uu hogaaminayo gudoomiyaha xubnaha JWXO ee gobalka shabelle halgame maxmed garaad sahal oo garay tuulada kuus awliyo

Waxaa tuulada kuus waliyo oo hoos timaada dagmada imay bari ee gobalka shabelle gaaray wafti uu hogaaminayo gudoomiyaha xubnaha JWXO ee gobalka shabelle mudane maxmed garaad iyo ku xigeenkiisa mudane abdi amaan soyaan
Waftiga oo baraxada h**e ee tuulada ay kaga hor tageen shacabka ku dhaqan tuulada ayaa oogu mahad celinyay soo dhawaynta iyo sida ay halganka u garab taagan yihiin

Ka dib Waftiga ayaa ku wareejisay shawr maxamed cajab gaari cuuryaan iyo deeq lacageed oo ay oogu deeqeen dad muxsinin ah

Wafiga ayaa u jeedkiisu ahaa in ay gaarsiiyaan deeqdan aan kor ku xusnay halganto shawr oo ka mid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba halgankana ku leh taarikha dahabi ah

ONA SHABELLE

(Nabadu waxay ku timaaday go-aan geesinimo oo ay qateen halyeeyadii u dagalamayay Sharafta shacabka Somaliyeed ee ma aha...
04/01/2025

(Nabadu waxay ku timaaday go-aan geesinimo oo ay qateen halyeeyadii u dagalamayay Sharafta shacabka Somaliyeed ee ma ahan wax lagu helay si dhib-Yar ayadoon ognahay mudo dheer xanuunka iyo gumaadka lagu hayay shacabka Somaliyeed .

Balse waxaa jira mudada lixda sano ah ee Nabada lagu naaloonayo lahaysto Kooxo iska indha tiraya’Waxaana jirta cadaalad daro u baahan in la joojiyo inta uusa qalalin ubaxa Nabadu waana inaan hubinaa inay sii jirto Nabadu aqoon-Sanaana kuwa suurta galiyay Nabada)

Ogaden National Liberation Front
https://x.com/onlfofficial/status/1875242895516598307?s=46

Ururka ONLF Ayaa RW Itoobiya Xasuusiyay Cida Keentay iyo Sababta Ay Kutimid Nabada Lagu Naaloonayo Deegaanka Soomaalida ...
04/01/2025

Ururka ONLF Ayaa RW Itoobiya Xasuusiyay Cida Keentay iyo Sababta Ay Kutimid Nabada Lagu Naaloonayo Deegaanka Soomaalida (Ogadenia) Ee Uu Abiye Ku Dhex Lugaynayo Halka Uu Isagu Rabo.

Hadalka qoraalka ah ee ONLF ayaa lagu yidhi Nabadu Ma aha Wax Hadiyad La Isu Siiyo.

ONLF ayaa xustay in la ilaaliyo nabada isla markaana la tixgaliyo kuwii dheegooda huray ee hadana ogolaaday in ay nabada qaataan.

Waxaa shir isugu yimid Xubnaha JWXO ee Gobolka Faafan.Waxaa galabta ka qabsoomay Xafiiska Gobolka Faafan ee Jabhada wada...
02/01/2025

Waxaa shir isugu yimid Xubnaha JWXO ee Gobolka Faafan.

Waxaa galabta ka qabsoomay Xafiiska Gobolka Faafan ee Jabhada wadaniga xoreynta ogaadeeniya Jwxo shir ay soo agaasimeen Maamulka Xafiiska Gobolka Faafan.

Shirkan ayaa waxaa ka sooqayb galay Xubnaha ururka ee ku Dhaqan Magaalada Jigjiga iyo Masuuliyiin sare oo kamida Golaha dhexe iyo Gudiga Fulinta Jwxo

Shirkan oo daaranaa kala war qaadasho iyo Warbixino ayay khudbado kala duwan ka soojeediyeen Madasha qaar kamida Xubnihii shirka sooxaadiray iyo masuuliyiintii goob-Jooga ahaa

Mas'uuliyiinta madasha kahadlay oo ay ugu h**eeyaan Guddoomiye kuxigeenkii h**e Mudane Halgamaa Daahir Maxamed Cali (Daahir Baasto) iyo Hoggaanka Arimaha gudaha ahna Xoghayaha Guud Ururka midowga iyo dhalinyarada Ardayda Soomaalida ogaadeenya OYSU Mudane Camar sheikh Cabdullaahi (Cumar Soya) iyo sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Faafan Mudane Cabdullaahi Cabdi Qani iyo Xubno kale oo madasha kahadlay
Ayaa warbixino iyo Talooyin ku aadan Shaqada halganka usoo jeediyey Xubnihii shirka sooxaadiray. Iyaga oo kula dardaarmay in ay siixoojiyaan korna usii qaadaan shaqada ururka.

Xubnaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya ee Dagmada Garbo oo kulmay.Waxaa galabta xafiiska JWXO ee dagmada garbo ku...
02/01/2025

Xubnaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya ee Dagmada Garbo oo kulmay.

Waxaa galabta xafiiska JWXO ee dagmada garbo kulan qiimo badan isku yimid xubnaha Jabhada wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya ee ku nool dagmada garbo oo ka tirsan Gobalka Nogob.

Kulanka oo lagaga hadlay arimo muhiima ayaa waxaa hogaaminayay gudoomiyaha xubnaha JWXO ee dagmada garbo halkaas oo uu warbixin dal iyo dibadaba siiyay xubnihii shirka soo xaadiray kulana dardaarmay sidii shaqooyin yaala loo sii laba jibaari lahaa qabashadooda .

Gabagabadii kulanka ayaa lagu soo xidhay suugaan halgameed.

ONA.

Garbo.

31/12/2024

ONLF Chairman New Year Message

31/12/2024

Fariinta Guddoomiyaha JWXO ee Sanadka Cusub

ONLF Chairman New Year Message
31/12/2024

ONLF Chairman New Year Message

30/12/2024

Daawo: Riwaayaddii Lamagacbaxday,
"U Dulqaado Harraadka, Halgankaagana Muuji.
Qaybtii 1aad.

Gudiga xubnaha JWXO ee dagmada imay bari oo kulan isoogu yimid Waxaa kulan isoogu yimid Gudiga xubnaha JWXO ee dagmada i...
28/12/2024

Gudiga xubnaha JWXO ee dagmada imay bari oo kulan isoogu yimid

Waxaa kulan isoogu yimid Gudiga xubnaha JWXO ee dagmada imay bari ee gobalka shabelle kulan.kan oo bishiiba mar ay isoogu yimaadaan Gudigu laguna qiimeeyo habsami u socodka shaqada ururka ee dagmada imay bari
Kulankan ayay Gudigu kaga doodeen sidii loo dar dar galin lahaa hawlaha horutabinta leh ee ururka
Iyo sidii abaabul loogu bixi lahaa tuulooyinka hoos yimaada dagmada

ONA SHABELLE

Ururka Haweenka Ogaadeenia farcooda magaalada godey oo galabta kulan.koodii bilaha ahaa isoogu yimid Waxaa galabta  kula...
27/12/2024

Ururka Haweenka Ogaadeenia farcooda magaalada godey oo galabta kulan.koodii bilaha ahaa isoogu yimid

Waxaa galabta kulan.koodii bilaha ahaa isoogu yimid Ururka haweenka Ogadenia JWXO faracooda magaalada godey ee xarunta gobalka shabelle
Kulanka oo ay furtay gudoomiyaha hoyooyinka gobalka shabelle halganto mrwo koraad Axmed ayaa oogu baaqday haweenka ree Ogadenia in ay ka qayb qaataan halganka qalin ku halganka ah ee ay JWXO hormuudka u tahay gudoomiyaha ayaa xustay in ay hoyooyinka tiir dhaxaad u ahaayeen dhamaan halgamada somaliyeed oo dhan

Dhanka kale masuulintii ka hadashay kulanka oo uu oogu horayso gudoomiye kuxigeenka hoyooyinka JWXO ee gobalka shabelle marwo xalimo maxamed ayaa fartay xubnaha in loo diyaar garoobo shaqooyin dheeri ah

Kulanka oo muda socday ayaa si guul ah ku soo dhamaaday

ONA SHABELLE

22/12/2024

Daawo: Gabay Waddaniya Abwaan Mukhtaar.

Xafiiska JWXO Ee Jigjiga Oo Riwaayad Halgameed Lagu Soo Bandhigay.Waxaa xalay oo Sabti ahayd lagu qabtay xafiiska Jabhad...
21/12/2024

Xafiiska JWXO Ee Jigjiga Oo Riwaayad Halgameed Lagu Soo Bandhigay.

Waxaa xalay oo Sabti ahayd lagu qabtay xafiiska Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO) ee magaalada Jigjiga riwaayad-halgameed la magac baxday: "U Dulqaado Harraadka, Hadafkaagana Muuji" oo ay soo bandhigeen kooxda fanka JWXO.

Munaasabaddan oo si cajiib ah u soo dubbarideen maamulka cusub ee Midawga Dhallinyarada iyo Ardeyda Ogaadeenya ee OYSU, faraciisa Faafan, ayay ka soo qaybgaleen qaar ka mid ah guddiga fulinta JWXO, maamulka gobolka Faafan, dhallinyarada iyo marti-sharaf kale oo lagu casuumay madasha, kuwaas oo si aad ah ula dhacay qaab-masraxeedka ay dhallinyaradu la yimaaddeen.

Riwaayaddan oo ahayd mid guubaabo iyo farriin halgameed sidday (sida magacaba laga dheehan karo) ayaa loo gol lahaa in lagu soo gudbiyo dhambaal qaddiyaddeed oo lagu kobcinayo garaadka waddinnimo ee dhallinyarada, si ay ula wadaagaan kuwa la filka ah, ka dibna loo helo jiil ku baraarugsan gumeysiga ab-ka-soo-gaadhka ah ee Itoobiya ee Ogaadeenya haysta.

Madashan oo uu khudbad kooban ka jeediyay Guddoomiyaha JWXO ee gobolka Shabeelle; Halgame, Maxamed Garaad Sahal ayaa dhallinyarada iyo xubnaha kale ee JWXO-ba kula dardaarmay in qof walba oo xubin ah laga helo saddex sifo oo laf-dhabar u halganka, kuwaas oo kala ah: run-sheegnimo, geesinnimo iyo deeqsinnimo si buu yidhi loo helo, ". . . lahaansho iyo adkaysi halgameed."

Maamulka OYSU ee gobolka Faafan ayaa sheegay in barnaamijyada noocan oo kale ah la sii wadi doono haddii Alle idmo, waxa ayna oo si aad ah ugu mahad celiyeen ka soo qayb-galeyaashii munaasabadda oo "Habeenka Ogaadeenya" loo bixiyey.

ONA, Jigjiga; Ogaadeenya.

21/12/2024

Waraysi K/hogaanka Warfaafinta JWXO Naftiihure Avocado Mohamed: Maxaad ka taqaanaa dagaalyahanadii Gabdhaha ahaa ee ONLF Wacdaraha kadhiga goobaha dagaalka iyo hada

Xubnaha JWXO Ee Kismaayo oo Kulmay.Waxaa kulan abaabul iyo kala warqaadasho ah isugu yimid Taagerayaasha Ururka ONLF ee ...
21/12/2024

Xubnaha JWXO Ee Kismaayo oo Kulmay.

Waxaa kulan abaabul iyo kala warqaadasho ah isugu yimid Taagerayaasha Ururka ONLF ee ku dhaqan magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose ee dalka Somalia.

Kulanka oo ay kasoo qayb galeen mas'uuliyiin katirsan Ururka ONLF ayaa si qoto dheer loogu kala warqaatay, waxaana la isla qaatay in sare looqaado abaabulka bulshada.

ONA.

Address

Jijiga

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ogaden News Agency ONA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Ogaden News Agency ONA:

Videos

Share

Category