14/12/2024
Yaa ku guuleystay MoUga Somalia & itoobiya
Intaan qodobkaas loo guda gelin waa inaan fahamnaa 3 qodob
1.Xeerka caalamiga ee sharciyada badda oo loo yaqaan (UNCLOS)
2. Ethiopia ma leh bad oo waa land lock laakiin waxay Ieedahay wax loo yaqaan SEA ASSET ama maraakiib iyo ciidan badeed,
3.Soomaaliya oo leh xeebta ugu dheer afrika.
Soomaaliya baddeeda waa saddax qayb
1. Waa qaybta ay soomaaliya leedahay oo loo yaqaan territorial water waana 20 Nautical mile oo u dhiganta 37.04km
2. qaybna waa exclusive economic zone oo iyadan dhan 200 nautical mile oo u dhiganta 370.4 km oo ay soomaaliya leedahay
3. qaybta u shisheysa waa tan sadaxaad oo ah badda caalamiga.
Hadii xitaa markab itoobiya leedahay uu kaso baxo dekadaha dowladaha deriska nala ah Wuxu xaq u leeyahay inuu maro biyaha soomaaliya, somaliana ma u diidi karto oo xeerka UNCLOS ayaa u ogolaanaya, laakiin waxaa la joojin karaa hadii ay jirto
1.in daroogo la gudbinayo
2.in burcad badeed laga hortagayo
3.in khatar Amni ay jirto
4.in uu jiro kalluumeysi sharci darro ah
Qaybta Exclusive economic zone ka waxay soomaaliya xaq u leedahay khyeraadka Halkaas ku jira sida SHIDAAL, MACDAN, KALLUUN,
Tan sadaxaad oo ah biyaha caalamiga waa la wada leeyahay oo cidwalbaa ayay u furantahay
Hadii aan fiirino marka MoUga waxaa ku guusha ugu badan heshay soomaaliya sababtoo ah waxay itoobiya awal iska indhatiri jirtay badda iyo barriga somaaliya (territorial integrity) in dowladda soomaaliya lagala xaajoodo sida uu qabo xeerka UNCLOS , is afgaradkaana waa ku qoranyahay 7 saacadood oo dood ah kadib ayay itoobiya ogolaatay.
Qodobka labaad ee itoobiya looga guuleystay wuxu ahaa in meesha laga saaro saldhig meletary oo badda ah warqadda waxaa ku qornaa heshiis ganacsi (Commercial )
Qodobka sadaxaad ee Somaliya ku guuleysatay waa qodobkii aqoonsiga oo waxay aqoonsatay oo qirtay midnimada dhuleed ee soomaaliya.
Soomaaliyana dhankeeda waxay qortay xeerarka caalamiga waxa uu itoobiya u siinaya oo ah in biyaha soomaaliya sidey rabaan u mari karaan waa u ogolnahay, wixii dakad ku saabsanna waa ka macaamili karnaa
Soo jeedin iyo gunaanad
Waxa hadda la saxiixay waa kaliya is afgarad (MoU ) waxaana na sugeysa muddo 4 bilood in horay loo sii ambaqaado inta dhiman,
Sidaa darteed dowladda soomaaliya waxa wanaagsan iney soo uruuriso wixii sharci yaqaanno ah oo ku takhasusay arrimahan si aanay u dhicin ilduuf saameyn doono jiilka soomaaliyeed ee naga dambeeya