Addo Dirhara Diree officail page

Addo Dirhara Diree officail page
(1)

Manta waxan dhagax dhignay Deyrka Dugsiga sare ee Magalada xayasuftu,Deyrkas o u dhererkisa u yahay 750 Mitir o dhagax a...
05/01/2026

Manta waxan dhagax dhignay Deyrka Dugsiga sare ee Magalada xayasuftu,
Deyrkas o u dhererkisa u yahay 750 Mitir o dhagax ah.

Deyrkas o ay ku baxeysa lacag dhan 11,909,942.52 Birr.

Dhismaha Deyrka waxa iska kaashanaya Bulshada & Degmada.

Dugsiga sare waxa dhismahiisa & Qalabeyntiisa fuliyey hay,ada Islamic Releif o an ugu mahad celinaya.

Waxa farxad weyn ii ah in Jiilka magalada Xayasuftu o ay haysay baahi dugsi sare in ay ka baxaan o ay helaan dugsi dhameystiran o si casri lo dhisay.

Jahada xukumada & xisbiga waa tayeynta waxbarashada & hagajinta Goobaha wax lagu barto


Hiigsi Iyo Horumar.....

Dal iyo degaan karaamadiisa iyo sharafkiisa waxaa suga oo ilaaliya ciidan ku qalabaysay aqoon, tababar ciidan, asluub iy...
05/01/2026

Dal iyo degaan karaamadiisa iyo sharafkiisa waxaa suga oo ilaaliya ciidan ku qalabaysay aqoon, tababar ciidan, asluub iyo aragti ilaalin xuquuqda shacabka.

Waxaa maanta xerada tababarka ee gaashanle khadar ee dagmada birqod ka qalinjabiyay dafcadii 18aad ee ciidanka booliska degaanka soomalida. Tan iyo intii isbadelku degaanka ka dhacay waxaa la dhisay ciidan tiro ahaan iyo tayo ahaanba dhisan.

Ciidanka maanta tababarka loo soo xidhay waa tiradii abid oogu badnayd ee booliska degaanka ee hal mar qalin jabisa. Qalinjabinta ciidanku waxay fariin u tahay cadawga degaanka ee lidka ku ah amniga iyo deganaashaha. Sidoo kale waxay farxad galinaysa muwadiniinta jecel horumarka amnigu saldhiga u yahay.

Waa cudud wax badan kusoo kordhin doonta geedi socodka amni ee degaanka, iyo xaqiijinta barwaaqo loo dhan yahay.

Hambalyo markale ciidamada dhiiran ee aan ku dhaadano, kuwa cadawga naga dhacshee suurta galiyay amniga waxaan leeyahay hambalyo dhamaan haayadaha amniga iyo shacabka DDS.

Waxaa Maanta Xariga Laga Jaray Biyo Gelinta Qabala hosadka   Qurarey Biya galinta aya waxa malgaliyay Qurbo jogta udhala...
03/01/2026

Waxaa Maanta Xariga Laga Jaray Biyo Gelinta Qabala hosadka Qurarey Biya galinta aya waxa malgaliyay Qurbo jogta udhalatay Gobolka waxana Kubaxdi lacag dhan 6,565 ,500Waxaana Xarig Jarkaa Ka Qeyb Galay Masuuliyiin ay Horkaceysi madax arimaha xisbiga Degmada Doollow-addo Marwo Ayan Shikh mohamud Iyo Masuuliyiin kale Shacabka Quraarey Ayaa Ku Bururey Maamulka Degmada iyo qurba jogta ka qeyb qadatay inay helan biyaha nadifka ah Farxad Iyo Inay Aad Baahi Weyn ugu qaben
Hiigsi Iyo Horumar insha Allah.....🙏🏻❤️‍🔥

Mashiinka portable X-ray Oo Shaqadiisa si rasmi ah Looga Bilaabay Hospitalka Ismaamulka Magaalada Dollo addo.Waxan U Mah...
03/01/2026

Mashiinka portable X-ray Oo Shaqadiisa si rasmi ah Looga Bilaabay Hospitalka Ismaamulka Magaalada Dollo addo.

Waxan U Mahadcelinayaa Marka Kobad Alle SWT, Sidoo Kale Hogaaminta Gobolka, H Degmada,Hogaaminta Hospitalka Dadaalka Wanaagsan ee Lagu Tayeynayo Adeegbixinta Hospitalka & Qancinta Bukaanada.

Mahadsanid Walaal Xamse Xeyd Sida Dadkaaga Ugu Hagar Baxday.....🙏🏻🏥

Abaar Ba'an Ayaa Kajirta Guud Ahaan Gobolka Liibaan,Waxaan Maanta Anagoo Kasoconay Kambaniga SAHEL/Genale Agricultural K...
01/01/2026

Abaar Ba'an Ayaa Kajirta Guud Ahaan Gobolka Liibaan,Waxaan Maanta Anagoo Kasoconay Kambaniga SAHEL/Genale Agricultural Kuwareejinay Maamulka Degmada Boqolmaayo 2000 Liter Oo Shiidaal Ah, Taasoo Aan Ugu Tala Galnay In Looga Qeyb Qaato Biyo Dhaanka Abaarta Maadama Degmada Ay Leedahay Booyad Biyo Dhaan Ah.

Xaqiiqiyan Waxaan U Mahadcelinayaa Hogaaminta Gobolka Iyo H.Degmada Boqolmaayo Dadaalka Wanaagsan Ee Ay Wadaan.

Waxaan Ladareen Nahay Dadkeena.
Yaa Rabi Abaarta Naga Xijaab......

31/12/2025
Degmada Dolow Ado Maanta oo ay Taariikhdu tahay 21 ka bisha Tehsaas 2018 waxaa noo qabsoomey Qiimeynta Warbixinta Waxqab...
31/12/2025

Degmada Dolow Ado
Maanta oo ay Taariikhdu tahay 21 ka bisha Tehsaas 2018 waxaa noo qabsoomey Qiimeynta Warbixinta Waxqabadka 6 da Bilood SM 2018 t.i Dhanka Howlihii laga qabtey dhanka Horumarka, Nabad gelyada, Dawladaha hoose iyo Shaqooyinka Xisbiga

Dollow Addo & Boqolmaayo.Guud Ahaan Degmooyinka Gobolka Liibaan Dds, Waxaa Ka Qabsoomey Qiimeynta, Warbixinta Waxqabadka...
31/12/2025

Dollow Addo & Boqolmaayo.

Guud Ahaan Degmooyinka Gobolka Liibaan Dds, Waxaa Ka Qabsoomey Qiimeynta, Warbixinta Waxqabadka 6'da Bilood dhinacyada Horumarka, Nabad gelyada, Dawladaha hoose iyo Shaqooyinka Xisbiga.....🙏🏻✅️

30/12/2025

Abdirizack Adan (Tall):- ''Waxan Ahay Xubin Xisbiga Barwaaqo Katirsan, Taageersana Geedi Socodka Iyo Sida Dhalinyarada Na hogaamisa ay Nagu Hogaamiyaan Waana Mid Aan Ku Qanacsanahay 100% Oo Aan Lahayn ilduuf, Saacad Kastana Waxaa Laqabtaa Shaqooyin Aad Iyo Aad Waxbadan Ka Beddela Nolosha Dhaqan Dhaqaale Ee Bulshadeena, Muhiim na U ah nolosha Shacabkeena.

Xaqiiqiyan Inkabadan 200 oo mashruuc Oo Horumarineed Ayaa Laga Fuliyey Guud ahaan Degmooyinka Gobolka Liibaan. Muddo 7 sano Gudaheed Waxaa Laqabtay Shaqo aan Laqabanin 30 sano..inta uu isbeddelka ka dhacay deegaanka Soomalida''

Hiigsi Iyo Horumar.
prosperity Party To All.....🙏🏻

Waxan Ahay Xubin Xisbiga Barwaaqo Katirsan, Taageersana Geedi Socodka Iyo Sida Dhalinyarada Na hogaamisa ay Nagu Hogaami...
30/12/2025

Waxan Ahay Xubin Xisbiga Barwaaqo Katirsan, Taageersana Geedi Socodka Iyo Sida Dhalinyarada Na hogaamisa ay Nagu Hogaamiyaan Waana Mid Aan Ku Qanacsanahay 100% Oo Aan Lahayn ilduuf, Saacad Kastana Waxaa Laqabtaa Shaqooyin Aad Iyo Aad Waxbadan Ka Beddela Nolosha Dhaqan Dhaqaale Ee Bulshadeena, Muhiim na U ah nolosha Shacabkeena.

Xaqiiqiyan Inkabadan 200 (Laba Boqol) oo mashruuc Oo Horumarineed Ayaa Laga Fuliyey Guud ahaan Degmooyinka Gobolka Liibaan. Muddo 7 sano Gudaheed Waxaa Laqabtay, Shaqo aan Laqabanin 30 kii Sano Ee Lasoo Dhaafay Intii Isbeddelka Deegaanka Soomaalida Ka horeysay.

Shalay Isbeddelkii Kahor Dhagoole Siyaasadeed Ayaan Ahayn,Maantase Dalka Iyo Deegaankaba Hal Miis Ayaa Wax Lagu Go'aamiyaa, Xisbi Lawada Leeyahay, Tallada Dalkana Aan ku leenahay Saameynta Iyo Doorka Ugu Weyn,,Dhanka Kale Ka Gobol Liibaan Ahaan, Meeqaam Siyaasaddeed Oo Mug Iyo Miizaan Leh, Oo anan horey abid ugu yeelanin DDS, Ayaan Maanta Deegaanka Ku Leenahay, Waxaa La-Isku Xiray Oo Lamataaneyey Siyaasad ahaan, Dhaqan Ahaan Iyo Dhalyo Ahaanba Dadkeygii Wajeer, Nairobi, Raama, Sadey Dollow, Filtu Ilaa Dhaamoole.

Hiigsi Iyo Horumar.
prosperity Party To All.....🙏🏻

Xafiiska Beeraha Degmada Dollo-Addo Gobolka Liibaan.Waxaan shahaado sharaf guddoonsiinay xaafadaha modhelka ah ee cagaar...
30/12/2025

Xafiiska Beeraha Degmada Dollo-Addo Gobolka Liibaan.

Waxaan shahaado sharaf guddoonsiinay xaafadaha modhelka ah ee cagaarinta iyo beer-xaafadeedda natiijo aad uwanaagsan ka keenay. Shaqsiyaadkan ayaa ah kuwa kudayasho mudan oo wax ka baddalay bilicda iyo guud ahaan deegaanka iyagoo guryahooda ku beeray dhirta noocyadeeda kala duwan.Waan kaga mahadcelineynaa dadaalka, ka go'naanshaha iyo dhabar adeygga ay umuujiyeen in guryahooda cagaar ka dhigaan.

Guud ahaan bulshada waxaan ku wacyigelineynaa iney dhirbeerista xoogga saaraan sifo loo helo deegaan qurxoon, qaboow, una adkeysta isbedeladda cimilada.....🙏🏻

Waxsoosaarka Beeraha Gobolka Liibaan Degmada Boqolmaayo.Guud Ahaan Degmooyinka Gobolka Liibaan ee Ku Teedsan Wabiga Daaw...
29/12/2025

Waxsoosaarka Beeraha Gobolka Liibaan Degmada Boqolmaayo.

Guud Ahaan Degmooyinka Gobolka Liibaan ee Ku Teedsan Wabiga Daawa Iyo Genale Ayaa Waxaa Ay Shacabka U Jiheysteen Tacab Iyo Waxsosaar iyadoo Xukuumada iyo Xisbigana Ay Kacaawiyeen Geshiyada Kala Duwan Ee Beeraha.

Dadkeygiyow Aan kaa Faa'iideysano Kheyraadkeena Dihan Ee Dhulka Iyo Biyaha🙏🏻

Address

Jijiga

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Addo Dirhara Diree officail page posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Addo Dirhara Diree officail page:

Share