01/12/2024
Magaalada jigjiga ama deegaanka soomaalida loogagama durbaan tumikaro, loomana soo dhoofinkaro afkaaro qabiil iyo kuwa siyaasadeed oo ka aloosan dalalka aan dariska nahay:
Waxaannu haysannaa amni iyo xasilooni siyaasadeed, iyo sidoo kale wada noolaansho bulsho oo aan taariikhda inta uu soo jiday deegaan ku soo helin.
Ma ogolaanayno in lagu kala geeyo bulshada, hebel oo waddan kale ah Baan ku taageersanahay abtir qabiil, ama Dana siyaasadeed , oo aan ugu geeraari jigjiga.
Waxaan arkaynay kuwo isu sheegaya inay ku hadlayaan codka waxgaradka deegaanka soomaalida oo leh waxaan taageersanahay hebel ama koox hebel.
Dadyawga isticmaalaya ereyada bulshada soomaaliyeed ee deegaanka kala gaynaya ujeedkoodu waa in ay uun khalkhal galiyaan amniga deegaanka ama ay ka abuuraan deegaanka dhaqan siyaasadeedka halaagay daawladda soomaaliya ee ah QABIILKA.
Haddaba hay,adaha amniga ee deegaanka waxay uga digayaan in ay joojiyaan dadkaasi carqaladda ay wadaan, haddii ayse joojin waayaan waxa ay wajahayaan in sharciga lahorgeeyo.
Deegaanka soomaaliduna ma xamili karo in laga garaaco durbaan siyaasadeed oo lagu taagaareeyo ama lagu diidayo wax kabaxsan danihiisa.
WQ: Dayib Axmed . Hogaanka Nabadgelyada DDS.