07/06/2022
Dhallinyarooy xal baa la rabaa!!!
Waxa ku soo fatahmay dhallintii badi mawjado kala ah baagamuudo, malaayacni, aqoontoodii oo wax u tari weyday, hal-abuur la'aan, indho-xirnaan adduun iqb. Wax badanna wey ka dhalan karaan bay ila tahay dhibaatooyinkaas oo ah quus, isdhiib, niyad jab, qalbi ka dhoof, dhac, b**b, dil, iqb. War bal u kaadiya waxa kale ee aad hadal haysaane, kuwan haddii aad ila qabtaan maxa ku xallin lahaydeen, kollay xal sixir ah samayn maynee bal talo iyo tusaalayn maxa ku darsan lahaydeen. War ragga wax isku tuhmayoow waa dhibaato bulsheed, mas'uuliyadina wey idin ka saarantahay oo damiirkiina iyo dadnimadiinuba idin ku waajib yeelayso, baraaruga dhallinyarada iyo bulsho weyntaba an ka wada qeyb qaadano intii aan awoodno. Waa dhinaca qariyey wanaagyadii kale ee dhallintu lahaayeen, intooda badan ee Soomaaliya joogta.
Waxa an ka sheekayno waa wax lagu ba'ay oo adduun iyo aakhiro meelna inoo buuxinayn, bal nin nabar ku socdo oo sheekaynaaya, ogayn nabarka ku socda, meesha uu uga yimi, cidda ku wada, cidda ka danbaysay, inta dhibaatadiisu le'egtahay, waxa ka dhalan kara, waxbaba aan u war hayn ee iska socda ilaa uu ka soo dhaco oo nabarku soo rito mooyee.
Cayaaro, siyaasad majo rogan (oo in laga hadlo ila ma xumee haddii uu ka hadalkaagu uu wadadii iyo dawgeed hayo, Allana ogyahay sida aan uga warano), qabyaalad, kala qoqob. War wax aan laga sheekayn karin oo wacyi xumada haysata dadka badi ay sabab u tahay in ay waxaa ku nefisaan. Haddii wacyigu intaa ka sarayn lahaa horta sidan lagu ma sii jireen, waxaasna laga ma sheekeeyeen in la koriyo wacyi bulsheedka waa wadada dhibaatooyinka ina haysta badi ama gebi ahaan ba laga ga bixi karo, sida loo koriyo iyo wixii ay u baahantahayna bal ka soo faalooda waa intiina akhrisaye, in aan waxba la akhriyine waaba asaaska wacyi xumada ina haysata. Allow magantaaa.
W/Q
Zir Guye