11/01/2025
Axmed Yare, waxa uu kamid yahay dhallinyarada faraha badan ee si iskaa wax u qabso ah ugu shaqaysta xirfaddooda Kabacaseeyaha. Axmed dhaqaalaha uu ka helo kabacaseeyaha ama (baalashka)waxa uu ku masruufaa reerkooda aabbihii waxa uu kamid yahay dadka la nool xanuunka maskaxda Alle ha caafiyo e. Guri buuxa ayuu inankaas yari kasoo baxaa subax walba oo wixii Alle irsaaqad u qoray usoo qaadaa. Waxa aan ku faraxsanahay inuu si dadban uga mid yahay Sagaljet sida oo kale Axmed inuu xafladda kasoo qaybgalo oo la siiyo kaadhka martiqaadka iyo qarashka uu isku soo diyaarinaayaba waxa lahaa guddoomiyaha shirkadda Cabdi Yuusuf Aar.
Waxa aan cid kasta oo dhallinyaradaasi ka ag dhow yihiin ama gacanyareyaal u yihiin ka codsanayaa inay dhiirgeliyaan oo hoos u eegaan.