Kaha Media

Kaha Media Kaha media waa Madal aad Ka Heleyso Warar Sugan oo Xaqiiqo ah

Sawir qiimo leh ha dhafin wll 🥰🌹❤️🍁🤲🏻🇸🇴🇸🇴🇸🇴
21/04/2024

Sawir qiimo leh ha dhafin wll 🥰🌹❤️🍁🤲🏻🇸🇴🇸🇴🇸🇴

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa u magacaabay Aadan Faarax Ibraahim, madaxa xafiiska Isku xirka xarunta dhis...
02/04/2024

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa u magacaabay Aadan Faarax Ibraahim, madaxa xafiiska Isku xirka xarunta dhismaha Dimuqraadiyadda , waa jago leh awoodda Ra’iisul wasaare ku-xigeenka, waxaa hoos tagi doona guddiyo dhowr ah oo guddiga doorashada uu ka mid yahay.

Aadan Faarax, wuxuu ahaa madaxa xisbiga talada haya ee Barwaaqo, waxaa kalo uu soo noqday Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Itoobiya, isagoo Madaxweyne ku-xigeen iyo xilal kala duwan ka soo qabtay deegaanka Soomaalida.

Odowaa oo u  jawaabay Shariif iyo Farmaajo, Xildhibaannada waa isku fac ee ha yimaadan Golaha ”  Xildhibaan Cabdiraxmaan...
31/03/2024

Odowaa oo u jawaabay Shariif iyo Farmaajo, Xildhibaannada waa isku fac ee ha yimaadan Golaha ” Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay tallaabadii shalay ee baarlamaanka Soomaaliya uu ku meel-mariyay wax ka beddelka dastuurka, isaga oo sidoo kale si cajiib ah ugu jawaabay madaxweynayaashii h**e ee dalka Farmaajo iyo Sharfiif.

Ugu h**eyn Odowaa ayaa boggaadiyay wax ka beddelka dastuurka oo uu ku tilmaamay inay tahay tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday, dhanka dowladnimada.

Intaas kadib xildhibaanka ayaa u jawaabay Maxamed Farmaajo iyo Sheekh Shariif oo labaduba ka biyo diidan talllaabadan oo ay gadaal ka riixeyso Villa Soomaaliya.

Odowaa ayaa shaaca ka qaaday in labada madaxweyne h**e ay hadda yihiin laba xildhibaan, loogana baahnaa inay kulanka yimaadaan oo ay ra’yigooda dhiibtaan.

Labada madaxweyne ee h**e ee aniga qadarin baa u hayaa waa laba xildhibaan marka waxa ay ahayd in maanta inay yimaadaan halkan oo ay ka codeeyaan” ayuu yiri Odowaa.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xildhibaannadu ay isku fac yihiin, isla markaana ay leeyihiin cod ay wax ku diidi karaan ama ku yeeli karaan.

“Waxaan idin sheegaa xildhibaan k**a cod badna xildhibaan kale marka xildhibaannadu waxaa isku facee ha’is aaminaan, hana yimaadaan” ayuu sii raaciyay.

Cabdiraxmaan Odowaa oo kamid ah kooxda aadka ugu dhow madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay waxa ay guul ka gaareen arrinta dastuurka oo ay muddo ka taagnayd dood.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xubnaha mucaaradka oo ay hoggaaminayaan Farmaajo iyo Shariif ay kasoo horjeesteen wax ka beddelka dastuurka, waxaana dhankeeda tallaabadan qaadacday Puntland oo sheegtay inay kalsoonidii kala noqotay dowlada dhexe.

Puntland oo aqoonsigii kala laabatay dowladda federaalkaShir deg deg ah oo caawa ay yeesheen Golaha Wasiirrada Puntland ...
31/03/2024

Puntland oo aqoonsigii kala laabatay dowladda federaalka

Shir deg deg ah oo caawa ay yeesheen Golaha Wasiirrada Puntland ayaa soo idlaaday goordhoweyd, kaasi oo looga arrinsanayay tallaabadii uu maanta qaaday baarlamaanka Soomaaliya.

Shirkan deg deg ah oo uu guddoominayay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa tashi dheer kadib lagu gaaray mowqifka maamulka ee ku aadan meel-marinta wax ka beddelka dastuurka ee ay gadaal ka riixaysay Villa Somalia.

Golaha Wasiirrada Puntland ayaa aqoonsiga kala laabtay dowladda federaalka Soomaaliya, sida ay xaqiijinayaan xogaha kasoo baxaya shirka deg-dega ee usoo idlaaday golaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu maamulka ku eedeeyay inuu jebiyey dastuurkii lagu doortey. Sidoo kale golaha ayaa gaaray go’aan kale oo loo cuskadey qodobka 4-aad ee dastuurka dowladda Puntland.

Puntland ayaa h**ey u diidaneyd sida ay Villa Somalia u wado wax ka beddelka dastuurka, ayada oo ka digtay wixii saaka ka dhacay xarunta baarlamaanka, xilli hoggaankeeda uu khilaaf siyaasadeed xooggan kala dhaxeeyo madaxda sare ee dowladda federaalka.

Kor ka aqriso bayaanka kasoo baxay Puntland

Maamulka gobolka Tigrey oo arrin xasaasi ah ka codsaday MareykankaGetachew Reda, Madaxweynaha Maamulka Kumeel gaarka ah ...
30/03/2024

Maamulka gobolka Tigrey oo arrin xasaasi ah ka codsaday Mareykanka

Getachew Reda, Madaxweynaha Maamulka Kumeel gaarka ah ee Tigrayga (TIRA), ayaa u sheegay xubnaha Guddiga Xiriirka Dibadda ee Senate-ka Mareykanka oo ku sugan gobolka Tigray in Heshiiskii colaad joojinta ee Pretoria loo baahan yahay in dadaal weyn ay geliyaan dhammaan saamileyda siyaasadda si loogu hirgeliyo si buuxda.

Warbaahinta gobolka ayaa ku warantay in Getachew uu u sheegay xubnaha senate-ka ee booqashada ku yimid in dadka Tigray-ga aysan awoodin in ay nabad buuxda ku naaloodaan sababo la xiriira dhaqan gelinta buuxda ee heshiiskii Pretoria.

In beesha caalamka oo ay ku jirto dawladda Maraykanku ay gacan ka gaystaan sidii loo joojin lahaa dhibaatada ay la kulman dadka Tigrayga.

Iyadoo la xaqiijinayo dib u soo celinta madax-bannaanidii dastuuriga ahayd ee Dowlad Deegaanka Tigreega, iyo in gacan laga geysto dib u soo celinta dadkii ka barakacay guryahooda, ayuu yidhi Getachew.

Booqashada xubnaha senate-ka Mareykanka ay ku tageen gobolka Tigreega ayaa ka dambeysay xiisaddii u dhaxeysay dowlad deegaanka Tigreega iyo Axmaarada iyadoo ay wali taagan tahay xal u helida maqaamka Galbeedka iyo qeybo ka mid ah koonfurta gobolka Tigray.

Deegaanadaas oo ay weli ku sugan yihiin ciidamo gacan saar la leh. Federaalka iyo Dowlad Deegaanka Amxaarada.

Dawladda Maraykanka ayaa ah mid ka mid ah daneeyayaasha muhiimka ah ee fududeeyay heshiiskii Pretoria ee November 2022-kii.

R/Wasaare XAMZA oo soo saaray sheegasho yaab lehRa’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo qo...
30/03/2024

R/Wasaare XAMZA oo soo saaray sheegasho yaab leh

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay ka shaqeysay guusha maanta laga gaaray wax ka beddelka dastuurka oo ay ansixiyeen xildhibaanada labada Aqal.

Xamza ayaa ku faanay in tallaabadan taariikhiga ah ay qeyb ka tahay fulinta ballan-qaadyada Xukuumadda ee la xiriiray dhammeystirka Dastuurka, sida uu hadalka dhigay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ujeedka laga leeyahay dhammeystirka dastuurka ku sheegay si talada dib loogu celiyo dadka Soomaaliya oo ay u soo doortaan hoggaankooda.

Dhinaca ra’iisul wasaare Xamza ayaa ku boggaadiyey Xildhibaannada labada gole ansixinta wax-ka-beddelka cutubka 1-aad iyo 4-aad ee Dastuurka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu ku ammaanay Baarlamaanka Jamhuuriyadda gudashada waajibaad kooda Qaran, isaga oo sidoo kale boggaadiyey labada guddi ee Dastuurka, kuwaas oo juhdi badan geliyey sidii dalku u yeelan lahaa dastuur dhammeystiran.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in ansixinta wax-ka-beddelka afarta cutub ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay mid dan u ah qof kasta oo Soomaaliyeed.

“Xukuumadda DanQaran ayaa muddo gaaban ku xaqiijisay guulo waaweyn oo wax badan ku soo kordhinaya hannaanka Dowladnimada Soomaaliya, kuwaas oo ay kamid yihiin, Deyn Cafinta, Qaadista Cunaqabateynta Hubka, Dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta, Ku Biirista Suuqa Bariga Afrika, xoojinta xiriirka caalamiga ah iyo tallaabada maanta lagu ansixiyey wax-ka-beddelka cutubka 1-aad iyo 4-aad ee Dastuurka JFS” ayaa lagu yiri qoraalka.

254 mudane oo ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka ayaa maanta u codeeyay ansixinta cutubyo kamid ah Dastuurka, mana jirin cid diiday, sida uu ku dhowaaqay Aadan Madoobe.

Talaabadan ayaa ka dhigan middii ugu horreysay ee uu baarlamaan Soomaaliyeed qaado muddo 55 sano ah kadib, taas oo kusoo aaday xilli xasaasi ah

Xasan Sheekh oo war culus soo saaray kadib ansixintii wax ka beddelka dastuurkaMadaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan She...
30/03/2024

Xasan Sheekh oo war culus soo saaray kadib ansixintii wax ka beddelka dastuurka
Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay tallaabadii ay maanta qaadeen xildhibaannada labada Gole oo ansixiyay cutubka 1-aad iyo 4-aad ee Dastuurka dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in maanta ay tahay maalin taariikh ah oo baal dahab ka gali doonta hannaanka dowlad-dhiska dalka ee muddada dheer soo socday.

Sidoo kale wuxuu ku bogaadiyey Guddoonka iyo Xildhibaannada Labada Aqal ansixinta qabyo-tirka cutubyada 4-ta ah ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya oo ay ka soo shaqeeyeen Labada Guddi ee dib u eegsita Dastuurka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in dastuurka uu ku saleysan yahay Shareecada Islaamka iyo dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed, loona baahan yahay in la dhameystiro.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xarriiqay ahmiyadda ay u leedahay dowladnimada Soomaaliyeed dhammeystirka Dastuurka.

“Maanta waa maalin taariikhi oo baal dahab ka gali doonta hannaanka dowlad-dhiska dalka ee muddada soosocday. Dhammeystirka Dastuurka waxa uu aas-aas u yahay horumarinta dimuqraadiyadda, qarannimada iyo Hay’adaha dowladnimada, ayuu yiri Xasan Sheekh.

Dhinaca kale wuxuu baaqay baarlamaanka Soomaaliyeed inuu sii wado dadaalkiisa ku aadan dhammeystirka dalka, si loo turxaan bixyo qodobada harsan.

waxaan ugu baaqayaa Xildhibaanna Labada Aqal in ay sii amba-qaadaan turxaan-bixinta, toosinta iyo dhammeystirka cutubyada dhiman ee Dastuurka” ayuu mar kale..

Ansixinta wax ka beddelka dastuurka oo ay si aqlabiyad leh maanta ku meel-mariyeen xildhibaannada ayaa kusoo aaday, xilli ay diidan yihiin mucaaradka iyo Puntland.

Sidee looga falceliyay ansixinta wax ka beddelka dastuurka?Xildhibaannada labada gole ee baarlamaanka federalka Soomaali...
30/03/2024

Sidee looga falceliyay ansixinta wax ka beddelka dastuurka?

Xildhibaannada labada gole ee baarlamaanka federalka Soomaaliya ayaa maanta go’aan rasmi ah ka gaaray wax ka beddelka dastuurka KMG ka ah waxayna si aqlabiyad leh ugu codeeyeen afarta cutub ee ugu horreyso dastuurka dalka.

Aqalka sare 42 Senator ayaa ogolaatay wax ka beddelka dastuurka, ayaga oo Haa ugu coddeeyay afarta cutub ee dooddooda maalmihii dambe ka socotay baarlamaanka.

Sidoo kale 212 Xildhibaan ayaa iyagna Haa ugu coddeeyay, waxaana sidaas cod aqlabiyad ah loogu ansixiyay wax ka beddelka dastuurka, sida uu ku dhowaaqay Aadan Madoobe.

Haddaba sidee looga faceliay tallaabada baarlamaanka Soomaaliya?

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn u boggaadiyay tallaabada ay qaadeen xildhibaanada ee ku aadan ansixinta dastuurka.

Khaalid Aadan Cabdifitaax “Mashallah guul wayn ayay ummada Soomaaliyeedmaanta gaartay mar haddii dowladnimada Soomaaliya salka dhulka loo dhigay”.

Cabdullahi Maxamed Xaashi “Halkaan waa lagu kala adkaaday, diid ama yeel 4-ta cutub ee dastuurka”.

Bahja Cabdalle “Kuwii diidayay malmahaan aween mise fawda lee ka ahayd? #8221;.

Axmed Taatiko ayaa isaguna falcelintiisa ku yiri “Dastuur dhameystiran waa qaran dhameystiran”.

Khadar Cabdullahi “Waligey ma, arkin maanta kahor ayadoo howshu bilaa buuq bilaa diidmo iyo bilaa fowdo kusoo dhamaatay wada ogol isla ogol dalxoreeye guuleyso”.

Cabdicasiis Beereed “Maanta waa maalin taariikhi qaranka somalia iyo shacabka Soomaaliyeed weey guuleysteen hambalyo”

Puntland oo jawaab culus ka bixisay tallaabadii maantaMaamul goboleedka Puntland ayaa si deg deg ah uga falceliyay ansix...
30/03/2024

Puntland oo jawaab culus ka bixisay tallaabadii maanta

Maamul goboleedka Puntland ayaa si deg deg ah uga falceliyay ansixinta wax ka beddelka dastuurka oo ay maanta ku dhaqaaqeen xildhibaannada labada Aqal ee baarlamaanka, kuwaas oo si aqlabiyad leh ku meel-mariyay.

Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulkaasi, Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo qoraal kooban soo saaray ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay heshiiskii lagu wada joogan wixii ka dambeeyay dagaalkii sokeeye ee ka dhacay dalka sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweyne XSM wuxuu maanta jebiyey heshiiskii Somalia ku wada joogtay dagaalkii sokeeye kadib 1991” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Puntland.

Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in la laalaa dastuurkii heshiiska lagu lahaa iyo shuruucdii kale ee dalka

“Wuxuu laalay dastuurkii lagu doortay, laguna dhaariyey. Wuxuu dhumiyey sharciyaddii (legitimacy) iyo kalsoonidii xafiiskiisu lahaa.” ayuu mar kale yiri wasiir Juxa.

Jawaabta Puntland ayaa timid, saacdo uun, kadib markii maanta xildhibaanada laba gole ay meel mariyeen afarta cutub ee ugu horreyso dastuurka KMG ka ah ee dalka.

254 mudane oo ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka ayaa u codeeyay ansixinta cutubyo kamid ah Dastuurka, mana jirin cid diiday, sida uu ku dhowaaqay Sheekh Aadan Madoobe.

Talaabadan ayaa ka dhigan middii ugu horreysay ee uu baarlamaan Soomaaliyeed qaado muddo 55 sano ah kadib, taas oo kusoo aaday xilli xasaasi ah

Maxay ka dhigan tahay tallaabada taariikhiga ah ee uu qaaday baarlamanka?Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya  ayaa maa...
30/03/2024

Maxay ka dhigan tahay tallaabada taariikhiga ah ee uu qaaday baarlamanka?
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta 55 sano kadib qaaday tallaabo wayn oo taariikhi ah oo ku aadan dhameystirka dastuurka dalka.

Labada gole ee baarlamaanka ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel-mariyay afarta cutub ee ugu horreyso dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

254 mudane oo ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka ayaa u codeeyay ansixinta cutubyo kamid ah Dastuurka, mana jirin cid diiday, sida uu ku dhowaaqay Sheekh Aadan Madoobe.

Talaabadan ayaa ka dhigan middii ugu horreysay ee uu baarlamaan Soomaaliyeed qaado wuxuu ka dambeeyay 1969-kii.

Xildhibaanada baarlamaanka ee ansixiyay wax ka beddelka dastuurka ayaa si weyn uga hadlay arrintan oo muddo dheer dood xoogan ay ka taagnaayd.

Cabdiraxmaan Xuseen Odowaa oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in tallaabada ay qaadeen ay tahay mid wax ka beddeleysa nidaamka dowladnimada dalka

“Dastuurka waxa laga beddalay waxay ahaayeen wax too toosin ah oo qurxin ah waxna waxay ahaayeen wax ku saabsan haylkalka & nidaamka dowladnimada” ayuu yiri Odowaa.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in fursad ay siineyso shacabka Soomaaliyeed oo uu tilmaamay inay soo dooran doonaan xildhibaannada iyo madaxweynahooda.

“Hadda waxa ugu badan ee laga beddalay waxay ahayd madaxweynaha iyo xildhibaannadu inay soo doortaan shacabka Soomaaliyeed, doorashadaas oo ah qof iyo cod” ayuu raaciyay.

Dhankeeda xildhibaan Qaali Cali Shire oo ka hadashay codeynta ka dhacday baarlamaanka ayaa sheegtay inay tahay guul usoo hoyatay Ummadda Soomaaliyeed, waxayna farriin u dirtay xubnaha mucaaradka, gaar ahaan madaxweynayaashii h**e ee diidan dastuurka.
Shacabka Soomaaliyeed way guulaysteen waxaan rabaa inaan farriin u diray dad waxaa jiray diidan, horta kursigan hal nin ayaa nasiib u yeelan kara ama hal madaxweyne ee waxaa ballan qaadeen qof kasta inuu dhameystiri doono dastuurka hadda waxaan leeyahay kuligiina madaxweynayaal ma noqon kartaanee ninka uu jaanisk

Xasan Sheekh oo shirka ka socda Masar ka shaaciyay dhibaato ka jirta SoomaaliyaMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxa...
08/11/2022

Xasan Sheekh oo shirka ka socda Masar ka shaaciyay dhibaato ka jirta Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee isbeddelka Cimilada Adduunka (COP27) oo ka socda dalka Masar ayaa diiradda ku saaray sida isbeddelka Cimiladu uu u saameysay Adduunka iyo xaaladaha bani’aadannimo ee ka dhashay ee shacabka Soomaaliyeed ay wajahayaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dalalka ka qeyb-galaya shirkan ay la yimaadaan qorsheyaal ku dhisan iskaashi horseed u noqda wax ka qabashada saamaynta isbeddelka Cimiladu uu ku yeeshay Adduunka, waxa uuna adkeeyay gurmadka ay u baahan yhiin dadka Soomaaliyeed ee Abaaruhu saameeyeen.

“Sannadkan aan ku jirno in ka badan siddeed boqol oo milyan oo qof oo Afrikaan ah ayaa waxaa heysta cunto yari. Soomaaliya gudaheedana, in ka badan 7 milyan oo qof ma dabooli karaan baahiyahooda cunto ee aasaasiga ah waxayna u baahan yihiin gargaar bani’aadamnimo oo degdeg ah. Waxaan u baahanahay in aan is waydiino sababta? Jawaabtu waa isbeddelka Cimilada iyo colaadda,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xusay in uu dalku u nugul yahay isbeddelka Cimilada, ayaa sheegay in si wax looga qabto saameynta xooggan ee la xiriirta arrintaas ay Dowladda Soomaaliya abuurtay Wasaaradda degaanka iyo isbeddelka Cimilada, sidoo kalana daah-furtay Hindise lagu dhireynayo Soomaaliya.

“Soomaaliya waxaa soo food saartay dhibaato bini’aadinimo oo aan inta awooddeena ah isku dayeyno in aan wax ka qabanno, taas oo ka dhalatay Abaaraha soo noqnoqda. Waxa kale oo na soo maray daadad ba’an kuwaas oo baabi’iyay kaabayaashii dhaqaalaha, dhul beereedkii ugu fiicnaa iyo sidoo kale hab-nololeedkii bulshadeenna. Dadkeenu ma awoodaan in ay beertaan dalagyada Abaarta jirta awgeed” ayuu ku yiri khudbadiisa.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu dambeyn sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay dhismaha mustaqbal dhaqaale oo xasilloon, iyada oo laga faa’iideysanayo dhaqaalaha badda iyo fursadda beeraha ayaa xoojiyay ahmiyadda ay leedahay in dalalka Adduunku ay maanta muujiyaan isku-tiirsanaan, iyada oo aan loo eegin dal horumaray iyo mid soo karaya, si loo maareeyo duruufaha bani’aadannimo ee dadka dunidu ay wajahayaan.

Address

Jijiga Ethiopia (Fafan Zone) Somali Regional State
Jijiga
1000

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Kaha Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share