Al Bannaa Media Network

Al Bannaa Media Network Wa page loo furay in lagaga hadlo hormarka, isbedelada siyaasada iyo musuqmaasuqa sana jirsaday koonfurta Gobolka libaan

03/07/2023

Qiimaynta warbixinta Degmoyinka waxa ugu weyn ee aad ka baratay maxay tahay?
Aniga: wax barasho inan la isku daalinin ee aad barato keliya raali gelinta dadka aan wax baranin!!!

Sheeko Sheeko Waxaan so xasustay Sheeko aan maqli jiray waagi aan yaraa "LAFTEY MARYAN QAADAY MADIINA KA DAASHAY TUKOOW ...
24/06/2023

Sheeko Sheeko
Waxaan so xasustay Sheeko aan maqli jiray waagi aan yaraa "LAFTEY MARYAN QAADAY MADIINA KA DAASHAY TUKOOW MAAN LAAWE MXAAD KAGA MEERI" Taas oo ka dhigan maamul degmo oo ay wax ka sugayaan kuwii keenay isaga oo joogo heer gobol iyo heer deegaan, ma is ledahay shacabka maan lawayaasha ee difaacaya ayu wax u qaban.
Xaashaa wax qabadba ka fog ee lafta si fcn halo dab saaro...
Al Bannaa

Alxamdulilaah Degmda kormeerkan imaaday waxaan rajeenayaa inay si fiican uga warbixin doonaan xaalada dhabta ah ee ka ji...
18/05/2023

Alxamdulilaah Degmda kormeerkan imaaday waxaan rajeenayaa inay si fiican uga warbixin doonaan xaalada dhabta ah ee ka jirta meesha. Lkn nasiib xumada jirtaa waxay tahay dadkan sidey hada ka hor u arki wayeen ileen degmada hada lama ansixininee, Mise waxyaaba badan oo qarson ba jira ileen deeganku jawab k**a bixin wayinee xaalada xafis la,aned e ka jirta degmadan gaamurtay..

Asc dhamaan asxabta, Howla gaadh ah Ayan ku mashqulaye. Maalmahan mxaa cusub.......Isu  so noqod wanaagsan  ...
17/05/2023

Asc dhamaan asxabta, Howla gaadh ah Ayan ku mashqulaye. Maalmahan mxaa cusub.......
Isu so noqod wanaagsan
...

WAY DHACDAA.......Way dhici Kartaa in adigoo rabitaanka bulshada aan ahayn, dowladu kuu magacawdo jago muhiim ah taas oo...
15/09/2022

WAY DHACDAA.......
Way dhici Kartaa in adigoo rabitaanka bulshada aan ahayn, dowladu kuu magacawdo jago muhiim ah taas oo dhici karta inaad lahayn aqoonteeda aas aasiga ah (essential knowledge) uu qofka uu u adeegsan lahaa ka mira dhalinta jagadaa.
Way dhici kartaa in tolkaagu qaybo kamid ah ay kusoo magacaabaan kuna soo dhigaan madasha wada tashiga beesha aad saamiga ku qaybsato si laguugu magacaabo jagada, iyadoo markaa inta badan tolku ku rabin, lkn ay kaso qaybgalayaashu aysan ka hadli karin sabbto ah, waxaa ay ka baqayaan in ninkan fikirkoodu waxba ka bedeli karin maadaama hogaaminta besha ay wadato, iyaguna aysan ogoleen markaa in ninkan noqon doono masuulka aysan cadoowtinimo u bilaabanin.
Waxa kaloo dhici karta in masuul deegaanka joogo nacayb uu u qabo shakhsiyaal ka dhisnaa dhanka aqoonta iyo xirfadaba iyaga dartood uu kuu magacaabo.
Hadaba maxaa ka dhalan kara arrinkaa:
🤚Masuulku wuxuu magaalada kala gelinayaa dhalinyara yar yar kuwaas oo usoo aruuriyo cid allaale iyo cidi wax ka sheegto, taas ayuu wakhti badan gelinayaa, wuxuuna il gooni ah ku fiirinaya oo calaamadeesanaya kana hor istaagaya fursadaha ka jira degmada.... iyo arimo kala o badan.
🤚dhanka bulshada, qalbiyada bulshada lagama yaabo inuu ku guuleysto, keliya waxay u arkayaan qof meesha la keensaday oo cid kala u shaqeeysa,xilli kastana waxay aaminayaan in shaqsigaan weligii wax ka bedeli doonin, sidoo kale ay fikir khaldan ka qaadayaan Xisbiga iyo nidaamka dowladeed taas oo ay mid aan ku dhisneyn rabitaan shacab iyo ka qayb gal bulsho..

Bal adba fikirkaaga ka hadal...
W/Q:AMN QALINKA SOO JEEDO

HEER INTE LA'EG AYAD KU QAYAASI LAHAYD SAAMAYNTA AAN KU LEENAHAY SAAXADA SIYAASADA EE DEEGAANKA....MEEL SAREMEEL DHAXE M...
15/09/2022

HEER INTE LA'EG AYAD KU QAYAASI LAHAYD SAAMAYNTA AAN KU LEENAHAY SAAXADA SIYAASADA EE DEEGAANKA....
MEEL SARE
MEEL DHAXE
MEEL HOOSE
SAMAYN AN KU LAHAYN
LAA WALAA

Fikirkaagu wa muhiim
W/Q: AMN QALINKA SOO JEEDO

Sideedaba shakhsi kasta dadnimadiisa ayuu ku meel maraa, waxaan usoo joogay maalmahaan danbe shakhsiga in uu adeegsado i...
13/09/2022

Sideedaba shakhsi kasta dadnimadiisa ayuu ku meel maraa, waxaan usoo joogay maalmahaan danbe shakhsiga in uu adeegsado isagoo isticmaalayo awoodiisa ha noqoto mid masuuliyadeed amaba mid qabiilba wuxuu kabaha la dulmarayaa cid kasto oo kasoo horjeedo hadafkisa siyaasadeed, wa sax o meel kasta ayay ka jirtaa balse waxaa wanaagsan shakhsigu u tusaale wanaagsan ka qaato isbedeladii horay uga soo dhacay dalka, sida:
TPLF waxay ugu yaraan dalka ka arimineesay ku dhowaad 30 sano, hadana cid kasta ayaa og xaalada ay ku jirto.
Hadaba isbedelada siyaasadeed wa sidaas oo joogto maaha, lkn walaaltinimada ayaa ah midda aan go,eenin marnaba, hadaba in laga digtoonaado xadgudubyada jira iyo jaa'ifaynta shakhsiyaadka aadan ka mideesneen dhanka siyaasada ayaa muhiim ah.
Badanaa wax badan oo aan u sacaba tumi jirnay oo hada lagula yaabayo hadii aad dhahdid waan sameenayaa wakhti xaadirkaan sida Ginbot 20, oo kale.
Hadalkeyga nuxurkisu waa mideynta fikirada iyo hadafyaalka ku jira dhalinyarada, odayaasha, haweenka iyo dadka xaga danbe jooga ee la aamusan afkaarta keliya aan la eegin midka qeeylinayo....
W/Q:AMN

Ethiopian New Year 2015...T.IWaxaa bilaabanaya sanadka cusub ee itoobiya kaas oo noqonayo 2015 T.I. Hadaba hadii aad is ...
10/09/2022

Ethiopian New Year 2015...T.I
Waxaa bilaabanaya sanadka cusub ee itoobiya kaas oo noqonayo 2015 T.I. Hadaba hadii aad is laheed caalamku wuu kaa tagay oo wuxuu marayaa 2022, iska imaaw itoobiya oo waxaa ka jarmaya cimrigaaga ku dhowaad 8 sano. Waxaan isleeyahay waa mudo aad ubadan oo wax badan ku qabsan kartid oo dadkii kaa tagay aad uga daba tagi kartid. Hadaba bilaaw ka mira dhalinta hammigaaga iyo mustaqbalkaaga. Wakhtigii tagay wuu kaa tagay ee ka faaideyso kan hadda taagan.
Allah mahad leh
W/Q:AMN

Sadick Mohamed HassanMadaxa Xafiiska Maaliyada iyo Hor- Dhaqaalaha Degmada Gurra Baqaqsa...AMN
10/09/2022

Sadick Mohamed Hassan
Madaxa Xafiiska Maaliyada iyo Hor- Dhaqaalaha Degmada Gurra Baqaqsa...
AMN

Abtiyoow xaasidnimada iska daaya, away gabdhihii gobta ahaa ee  , wiilashaan howlgalkoodii dhanka bakoolka sidan kuso no...
08/09/2022

Abtiyoow xaasidnimada iska daaya, away gabdhihii gobta ahaa ee , wiilashaan howlgalkoodii dhanka bakoolka sidan kuso noqday maxay ugu adkeenayaan.
Kaftanka maanta
ALMN

GURA DHAMOLE HEALTH CENTER,ASC: waxaan maanta booqanay xarunta caafimaadka ee degmada Guradhaamole, Gobolka Liibaan, DDS...
07/09/2022

GURA DHAMOLE HEALTH CENTER,
ASC: waxaan maanta booqanay xarunta caafimaadka ee degmada Guradhaamole, Gobolka Liibaan, DDS. Xilli ay saacadohoodii shaqo ay ku guda jireen shaqaalaha xarunta, waxaan nasiib u yeeshay inaan la kulmo iyagoo kuguda jira cabirida iyo latacaalida caruurta nafaqa darada la liidan, ee ka yimaada magaalada dhaamoole iyo qabaleeyada hoos yimaada degmada, iyadoo ay jiraan abaaro iyo sicir bararka sida ba'an u saameeyay bulshada ayaa waxay sidoo kale natiijadu ka muuqanesaa caruurta ku noolaan jiray caanaha iyo dheefta xoolaha, markii la waayayna ay nafaqo darro ba'an saameesay caruurta yar yar. Hadaba waxay noo sheegeen shaqaalaha xaruntu uga howlgalaan si todobaadle ah OTP ga, sida ay inoo xaqiijiyeen todobaad kasta celcelis ahaan 6-10 caruur ah ayaa gasho OTPga kadib marka ay maraar hababka kala duwan ee loo hubiyo heerka nafaqa darada (Screaning). Caruurta laga helo nafaqa darada waxaa la siyaa Plumpy nut ama buskut dhuudhuuq. Kaas oo ay ka heli karaan nafaqo taas dib uu ugu kabanayo. Sidoo kale waxay wacyageliyaan hooyooyinka wato dhalaankaan qaabka ay u siinayaan iyo caruurta kale ee aan lahayn nafaqo darada aynan la wadaagin buskutka, si uu ugu filnaado inta la siiyay.
Waxaan aad ula dhacay qaabka ay howshooda u gudanayaan weliba iyagoo ku darayo dulqaad iyo furfurnaan dhanka qaabilida hooyooyinka dhibaateysan oo ka yimid qabaleeyada ka fog fog degmada,
Sidoo kale waxan Xafiiska Caafimaadka ee Deg, Guradhamole ku bogaadinayaa howshaa uu bulshada u hayo, waloow bulshada in lagu booqdo qabaleeyada ay aad ugasii fiicnaan lahayd oo iyagoo joogo goobahooda loogu adeego.
, .
W/Q:AMN

Congratulation Hambalyo Hooyo Nuuriya,
05/09/2022

Congratulation
Hambalyo Hooyo Nuuriya,

Guradhamole Boyz
04/09/2022

Guradhamole Boyz

XOG: ardayda deegaanka soomaalida imtixaanka waxaa looga qaadi doona jaamacadaha ugu dhow, sida jaamacadda jigjiga iyo h...
03/09/2022

XOG: ardayda deegaanka soomaalida imtixaanka waxaa looga qaadi doona jaamacadaha ugu dhow, sida jaamacadda jigjiga iyo hawasa.

Qorshihii ahaa in ardayda lugu kala qaybiyo jaamacadaha dalka oo dhan wuu suurtoobi wayay sababa dhaqaale iyo waqtiba.

Nidaamka jaamacadaha ugu dhow waxaa laga wadaa. Tusaale-

Gobolada liibaan,daawo iyo afdheer waxaa looga qaadi jaamacada hawasa.
Jarar shabele iyo gobolada xiga waxaa looga qaadi jaamacada qabri dahar qorsho noocaas ayaa jira.

Fadlan lasii wadaag ardayda wixii xogga dheeraad ah waan idinla soo wadaagi doona.
WADANI TV2

OGEEYSIIS, OGEEYSIISAniga oo ka duulayo hadalka masuulka na matalayay ee aan xariirka la sameenay ee ku aadana dhinaca t...
02/09/2022

OGEEYSIIS, OGEEYSIIS
Aniga oo ka duulayo hadalka masuulka na matalayay ee aan xariirka la sameenay ee ku aadana dhinaca tababarka magaalooyinka ee degmoyinka gobolka liibaan markii laga tagay sadexda degmo ee kala ah Gurabaqaqsa, Qarsadula iyo Guradhamole. Ee uu yidhi "Dhaqaale yari maadaama ay ka jirto ayaa looga tagay" hadaba waxaan go'aansaday inaan iftiimiyo ama aan qeexo,
1-Xaalada dhabta ee magaala degmada ugu weyn kusugantahay, Nadaafad iyo Fayodhowr ahaan,
2-Noocyada kala duwan ee Dhaqaalaha u soo xaroodo dowladaha hoose ee sadexda degmo,
3-Meelaha ay ku qarash gareyaan iyo habka ay u maamulaan.
4- iyo su'aalo badan oo la isweydiinayo.
Hadaba fikir ahaantayda waxan go'aansaday inaan ka bilaabo degmada Gurabaqaqsaa, maadaama ay iyadu tahay halka aan isleeyahay dhaqaale ahaan way ka kobacsantahay maadama wado laami ahi dhax marto.
Hadaba maxad kaqabta ama aad ku darsan lahayd.
W/Q:AMN

Well said, Halgamaa Carte Cabdi Ducale
02/09/2022

Well said, Halgamaa Carte Cabdi Ducale

Nasiib xuma badanaa markii masuulkii wakiilka ka ahaa degmooyinkan uu dhahay dhaqaale malaha, lkn dadaal dheeraad ah oo ...
02/09/2022

Nasiib xuma badanaa markii masuulkii wakiilka ka ahaa degmooyinkan uu dhahay dhaqaale malaha, lkn dadaal dheeraad ah oo ay sameeyeen dhalinyarada ka howlgasho baraha bulshada iyo kuwa deegaanka joogo ay dib usoo saxeen warqadii h**e ee 4ta degma lagu sheegay.
Down dadka hurda
Down daneestaha
W/Q:AMN

War deg deg ah..Xariir aan lasameenay masuuliyiinta matasho degmoyinkan (Guradhamole, Gurabaqaqsa iyo Qarsadula) ee gobo...
01/09/2022

War deg deg ah..
Xariir aan lasameenay masuuliyiinta matasho degmoyinkan (Guradhamole, Gurabaqaqsa iyo Qarsadula) ee gobolka liibaan, ayaa waxay noo cadeeyeen in sababta ugu weyn ee degmoyinkan looga reebay tababarkaa u soo abaabulay xafiiska Hormarinta magaalooyinka iyo Dhismaha, ayaa waxay tahay
👉 in 3dan degmo dowladahooda hoose *Municipality* aysan soo xarayn dakhliigi loogu talogalay, taas oo sabab u noqotay inay ka haraan tababarkaan.
Hadaba arinkan maxaa ka dhalan kara?
1- in niyada laga saaro wax la yiraah maamul magaalo helaan 3dan degmo
2- in ay joogayaan halka ay hadda joogaan.
Maxaad is leedahay sababta ka danbeesa dib u dhacaan?
W/Q:AMN

Deg degGobolka liibaan wuxuu ka koobanyahay 7 degmo, Halka warqada hoose ku cad ay tilmaameeso,  tababar lasiinayo hogaa...
01/09/2022

Deg deg
Gobolka liibaan wuxuu ka koobanyahay 7 degmo, Halka warqada hoose ku cad ay tilmaameeso, tababar lasiinayo hogaaminta qaybo kamid ah si loo tayeeyo garaadkooda dhanka magaalooyinka.
Hadaba maxa ku dhacay oo xafiiska Hor, Magaalooyinka iyo Dhismaha DDS. Inuu u yeero keliya 4 degmo halka 3 degmo laga reebay tababarka? Sidan ognahay weli lama siin tababar noocan oo kala ah hada ka hor degmooyinkaan, maxay tahay sababta loogu yeeri waayay mise weli iyagu baadiya ayay joogaan ama tuulo?
Degmoyinka laga tagay
Guradhamole
Gurabaqaqsa
Qarsadula
Hadaba dadkeygoow ma inagaa hurudna mise deegaanka ayaanba na arkeenin?
Is weydii adiguba.
W/Q:AMN

"Ha fiirinin da'da ee ka faaideyso maskaxda ku duugan" Suxufi Cabdiwasac Adan Fantastic keep going
01/09/2022

"Ha fiirinin da'da ee ka faaideyso maskaxda ku duugan"
Suxufi Cabdiwasac Adan Fantastic keep going

Abdirazak Albannaa.....
31/08/2022

Abdirazak Albannaa.....

Asc 🤌🏻 Halkan waa dollo addo ethio telecommunications oo simcard laga qaato waxan raba in aan idin soo gudbiyo dhibka fa...
31/08/2022

Asc

🤌🏻 Halkan waa dollo addo ethio telecommunications oo simcard laga qaato waxan raba in aan idin soo gudbiyo dhibka faraha badan ee lagula dhaqmo dadka masakinta ah ee maalin walba hor tuuran albabkaas

1. Shaqalaha

👉🏿shaqalaha goobta ka shaqeeyo waa 2 shaqaalo kuraasta dhex taalana waa 5 ilaa 6 oo loogu tala galay in ay u adeegan shacab fara badan 3 degmo dolo addo dolo bay iyo boqolmayo ogowna 5 camp ee qaxootiga wey wada isticmalan simcardka sida ay ku qatanba
👨🏻‍💼 shaqalaha goobta waxey imadan 9 saac halki qofka 20-30 daqiiqo aya loo shaqeynaya madama foomam aad u badan laga buuxinayo maalin walbana

Mida kale waxa jiro ganacsato marka ay imaadam aan safka gelin oo gudaha oo sii dhaafiyo loona ogol yahay in ay 10 simcard ka badan soo qatan

2. Yaa la xisaabtamaya?

Ma waxa la xisaabtamaya xafiiska maamulka mise dowlada hoose mise ganacsiga iyo gaadidka yey hoostagan ileen sharci dowlad mesha k**a maqne waxa uu xil ka saaray maamulka in ay ka xisabtaman mar marna booqasha ku tagan sida xilka la iskaga saaro goobaha gacansiga iyo halka lagu soo dhaweyo madaxda looga warhaayo

3. Kaararka hadalka

Kararka hadalka ee telephone lagu shubto waxa si goona ah loogu keena axmaaro magalada duk**a ku leh halka kuwa somalida ah ay hellocash ama sahay kaga sarafayan ayago kuso tiurayo hawo hadii aad ka doonatid maso heleysid ileen adiga magaca somali ayad xambarsan tahaye

4.shaqalaha ka shaqeya

Shaqalaha ka shaqeyo maxa u diidayo in soomali noqdaan ileen wiilal shaqo la’an fara badan aya degmadeena joogan taasna waxey ku tuseysa in aan xil la iska saarin laguna burarugsaneyn

Gaba gabadi iyo gunanadki maamulka cusub ee lawada sugayo iyo kuwa gobalkaba waxan ka codsan laha in ay isla xisabtan la imadan ku burarugan baahiyaha aas aasiga ee masuliyada ka saaran tahay

Wad mahadsan tahiin
W/Q: Ramadan Ramu

WAR DAG DAG AH  !!waxan si hagar la aan AH oola shaqeyneyna shacabkeena dhibaateysan "waxa hadalkaas ku jawaabay wazir k...
30/08/2022

WAR DAG DAG AH !!

waxan si hagar la aan AH oola shaqeyneyna shacabkeena dhibaateysan "waxa hadalkaas ku jawaabay wazir kuxigenka xafiska caafimadka DDS mudane :Dr sharmake sharif buule oo mardhaw warbaahinta cadaalad TV ay la xariirtay bahda cadaalad TV ayaga oo baahida shacabka eegaya ayaa waxan la xariirnay Wazir kuxigenka xafiska caafimadka DDS Dr sharmake oo aan la wadaagnay
Cudur ka dilaacay Duckaro oo ka tirsan dagmada gurre baqaqsa wazirka ayaa noo sheegay in cudurkan meela farabadan oo deeganka somalida laga soo sheegayo wazirka ayaa sheegay in gobalada liiban daawo iyo Doolo laga soo sheegayo waxan si dhakhsa AH ooga jawaabeyna baahiyaha shacabka ay tabaneyan wazirka ayaa umahad naqay bahda cadaalad TV sey oola soo xariirtay waana inkaga mahadcelineyna

Cadaalad Tv

Waa dhacdooyin ku soobadanaya Jijiga Axmarada Ku nool Casimada Degaanka Jijiga ayaa manta si Badheedha u hor seexday Xaf...
30/08/2022

Waa dhacdooyin ku soobadanaya Jijiga

Axmarada Ku nool Casimada Degaanka Jijiga ayaa manta si Badheedha u hor seexday Xafiska Barlamanka DDS iyagoo dalbanaya in Ciidka Liyuu Policeka Loodiro Dagaalka Ka socda Xadka Axmarada iyo Tigreyga oo la dufaaco Axmaraada

Mar aan wax ka waydiinay shacabka hor jiifay barlamanka ayaa sheegay in mdxweyne mustafe m omer ciidan dag daga u diro gobolka ahmarada

Xafiskii Golaha Xildhibanada DDS Ma Lala Waregay Horta mise Xildhibanadu iyago Jiifa Ayay Shaqeyan

Hadaba see u Aragtaa arintani Adigu????

War deg deg ahQabalaha Dockoro, Degmada Gurabaqaqsa,Waxa lasoo sheegaayaa in uu dilaacay xanuunka jadeecada 3caruurna ku...
30/08/2022

War deg deg ah
Qabalaha Dockoro, Degmada Gurabaqaqsa,
Waxa lasoo sheegaayaa in uu dilaacay xanuunka jadeecada 3caruurna ku geeriyoodeen, sida dad goob joogayaal inoo xaqiijiyeen magaarin wax gargaar caafimaad ah hadaba waxaan bahda caafimaadka ku wargelineynaa in si degdeg ah ay ku gaaran goobtaa.
W/q : AMN
Wblahi towfiq

Dhamaan waalidiinta waxaan ku wargelineenaa inay geeyaan/diwaangeliyaan caruurtooda kuwa gaadhay da'da wax barashada, Al...
29/08/2022

Dhamaan waalidiinta waxaan ku wargelineenaa inay geeyaan/diwaangeliyaan caruurtooda kuwa gaadhay da'da wax barashada,
AlBannaa

Deg deg.Ciidamada Dawlada ayaa iskaga baxay Magaalada kobo.War-Saxaafaded hada kaso Baxay Dawlada Federalka Ethiopia aya...
27/08/2022

Deg deg.
Ciidamada Dawlada ayaa iskaga baxay Magaalada kobo.

War-Saxaafaded hada kaso Baxay Dawlada Federalka Ethiopia ayaa lagu Sheegay inay Ciidamada Dawladu iskaga baxeen Magaalada kobo si lo Badbaadiyo shacabka.

War-Saxafadedka Dawlada ayaa lagu Sheegay in Ka bixitaanka Ciidamada Dawlada ee kobo la xidhiidhi si aan Shacabka logu dul-'Dagaalamin.

Tan ayaa Noqonaysa Guushii ugu Waynayd ee Dagaalka ay ka gadhaan Ciidamada TPLf.

Xigasho/Ogaden Media

Address

Gura Dhamole
Ambo
000

Telephone

+251913239367

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Al Bannaa Media Network posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Al Bannaa Media Network:

Share