Said Turan

Said Turan Qabiil iyo qaran meel mawada galaan waxaan ahay nin qaran

01/03/2024
Maamulka Masaajidka Waalideyn ee magaalada Muqdisho oo faahfaahiyey meyd ay diideen in ay ku tukadaan:"Waxa na loo keene...
01/02/2024

Maamulka Masaajidka Waalideyn ee magaalada Muqdisho oo faahfaahiyey meyd ay diideen in ay ku tukadaan:

"Waxa na loo keeney meyd ay wadeen wiil uu dhalay marxuumka iyo walaalkii, waxa aan weydiiney in uu tukan jirey saaladda, ilmihii marxuumka ayaana noo sheegey in aan aabbihii tukan jirin salaadda, annana kuma tukan - waana sida ay tahay qof isaga nool diidey salaadda, hadduu dhinto laguma tukanayo." - Ayuu yidhi wadaad u hadlay maamulka masaajidka Waalideyn.
😭😭😭 ilaahow salaad la.aan hanaga dhigin
اللهم اجعلني مقيم الصلاة ومن ذريتي

31/01/2024

Maanta Salaada duhur kadib qof dhintay meydkiisa ayaa la keenay masaajidkaan ku yaalla xaafada Galmudug ee duleedka Muqdisho.

Dadkii markii ay salaada janaasada isku diyaariyeen inay ku tukadaan ayaa masaajidka sawaxan iyo buuq is qabsaday kadib markii imaamka masjidka uu sheegay in aan salaada lagu tukaneynin meydka maadaama uu taaruku salaad ahaa sidaasna loogu sheegay imaamka markii h**e.

Hadal heyn iyo buuq badan ayaa ka dhalatay, dadkii masaajidka joogay maadaama ay la yaab ku noqotay dhacdadaan. Meydkii isagoo salaada janaaso lagu tukan ayaa la celiyay.

Waa iga talo taaraaku salaadow salaada tuko inta aan laguugu tukun.

Qore; Cumar Baashane

Sii faafi walaal si ay ugaarto dadka aan dukan ama aan ilaalin salaada.


26/09/2023

Su'aalo ku saabsan aakhiru samaanka

07/03/2023

Prank qosol ah

17/10/2022
09/09/2022

Af xumo ilaahay haynaga ilaasho

15/06/2022

Wax badso wax beel bay dhashaa🤣🤣🤣

09/06/2022

Soo qabo qof saan umasar badan🤣🤣

08/06/2022

04/03/2022

Caalamadaha Aad ku garan karto khaatumada wanaagsan waxaa ka mid ah.

Calamada 1aad, ; Qofka muslimka ah in Uu geeriyoodo isagoo dhabanada ka dhididayo Rasuulka csw waxa uu yiri:
[موت المؤمن بعرق الجبين].

Calamada 2aad, ; Qofka in Uu ruux baxo habeen jumca ah ama maalin jumca ah Rasuulka csw waxa uu yiri; "Qof muslim ah majiro Oo geeriyoda maalin jumca ah ama habeen jumca ah hadduu jiro ilaahey waxa uu ka bad baadiya cadaabul qabri
[ ما من مسلم يموت يوم الجمعة او ليلة
الجمعة الا وقاه الله من فتنة القبر].

Calamada 3aad, ; Kalmada towxiidka in Uu ku dhawaaqo ka hor inta uusan geeriyoonin.
Rasuulka csw waxa uu yiri
[من كان ءاخر كلامه من الدنيا لا اله الاالله دخل الجنة].

Calamada 4aad, ; in uu shahiid ahaado shahiidka kaliya ma aha in uu jihaad kaliya ku dhintay Rasuulka csw ayaa yiri qofka gubtay qofka biyo ku maashooday qofka daacuun u dhintay qof naftiisa iyo sharafkiisa difaacaya Oo sidaa ku dhintay, dhamaan waa shuhado.

Calamada 5aad, ; in Uu geeriyooda qofka isagoo salaad ku jira ama isagoo Sooman ama muxaadaro diini ah U socda.

Rasuulka csw ayaa yiri markuu alla qofka kheyr la doona qalbigiisa ayuu dhaahiriyaa geeridiisa ka hor " zaxaabadii ayaaa ku yiri rasuulkii allow waa maxay qalbi daahirinta..?
Rasuulka csw waxa uu ugu jawaabay ; camal wanagsan ayuu alla qofka ku il haaminaa ilaa uu ruuxda ka qabto.

Markaad dhameyso aqriska waxaad qortaa ducadaan si qalbi wanag ah
(اللهم أرزقني حسن الخاتمة) ءامين
Dadka kaa danbeeya la wadaag si ay uga faa,ideystan.

Habka loo Maro Markad dooneyso inaad ka Qubeysato JANAABADA"الغسل من الجنابة؛Janabadu"الجنابة؛ ;  Waxey Ku timaada dhowr...
05/02/2022

Habka loo Maro Markad dooneyso inaad ka Qubeysato JANAABADA"الغسل من الجنابة؛

Janabadu"الجنابة؛ ; Waxey Ku timaada dhowr siyaalood , Tusaale , inaad Xaaskaga Xaalasha ah U galmooto , inaad gacanta biyo isaga keento"Siigeysi" Ama inaad Riyooto Oo Sidaane biyo Kaaga yimaadaan.
Dhamaan Xaaladahan Waxeey Waajib kaaga dhigayaan 'Qubeys"

Dadka qaarkood Musqusha Kaliya ineey galaan ayay Si Caadi ah U soo meeyrtaan" Qubeystan ; isla markaane Waxey U maleeyaan ineey daahir ka Noqdeen janaabadii Cusleeyd .!! Hadaba
Waxaa Kuu Muhiimsan inaad Sharciga raacdid Oo Sida Diinta Ku fareyso qaadatid:
Waana Kuwan Wadooyiinka laga rabo inaad marto hoos Ka aqriso:

1: waxaad sa fiican u dhaqeysaa labadaada gacmood iyo xubinta taranka, kadibna waad weysesaneysaa.

2: Waa inaad Niyeysataa Inaad Ka Qubeysaneysid janaabo.

3: Madaxa biyo Ku shubo Sadax goor Adigoo timaha madaxa faraha gil gilanayo ilaa lafta madaxa ka soo taabato.

4: Ka dib jirkaaga intiisa kale biyaha ku shub Adigoo ka bilaawaya qeeybtada midig Ee jirkaaga ilaa qeeybta kale Ee bidixdada Ka dib
Biyahaa gaarsii Kil kilaha iyo Xundhurta.
5: Labada Gomadood dhaq Ugu dambeeyn.

" Ma Ogtahay Sababta Eey Waajib Kugu tahay inaad Qoraalkan Sii Share gareeysid .?!!

Qofkii Diinta Wax looga sheego is lamarkaane intuu bartay dadka kale gaarsiin Waayo Liijaamo Naareed ayaa qiyaamaha afka loo gelinaa.

Dad Waxaa jiro Adiga Kaaga baahi badan Oo jecel ineey Wax badan Ka Ogaadan Qaabka looga Qubeysto janaabada , Wll Sii gaarsii.

Adigane Sadaqo jaariyo ayeey Kuu noqoneysaa
Xishoodka iyo Kibirka iska dhaafa , Dadka Wanaaga gaarsiiya.Ducadaada Ha Naga hagran
Daaci Saciid cusmaan xaaji xasan

U Share gareey walalahaga.
Mahadsanid
W/Q turyare

13/01/2022
28/07/2021

Taxana Caafimaadka

1. Waxyaabaha ugu badan ee neerfaha iyo wadna xanuunka keena waxaa ka mid ah in qofku marka hurdada uu ka kaco h**ey ka istaago, fadhiiso ugu yaraan saddex daqiiqo sababto ah jirku wali k**a wada toosin hadii aad adiga ka wada toostay

2. Caloosha fadhisa iyo saxarada oo qofka ku adkaata waxyaabaha ugu badan ee keena waxaa ka mid ah in qofku istaag ku cabo biyaha, jooji istaaga aad ku cabayso biyaha uma fiicna caafimaadka dheefshiidkaaga

3. Waxyaabaha xusuus la'aanta sababta u ah dadkuna inta badan ay ku baraarugsaneen waxaa ka mid ah cuntada saliidu ama dufanka ku badan yahay, dufanku waxay dhibaato ku yihiin caafimaadka wadnaha iyo maskxda, jooji ama yaree dufanka iyo cuntada saliidu ku badan tahay

4. Cunista kaluunka waa mid ka mid ah waxyaabaha saacida in tintu ay si dagdag ah u baxdo, cun ugu yaraan maalintii kalluun ama digaagad sababtoo ah hilibka cad waa digaaga iyo kalluunka waxaa ka buuxa maadooyin u wanaagsan timaha qofka

5. Xilliyada qaboobaha ah inta aadan qubaysan ka hor madaxaaga mari saliid sababto ah saliidu waxay ka hortagtaa in biyaha qaboow ay dhaawacaan maskaxdaada sidoo kale waxay jirka ka dhigtaa mid liisho ah oo aan u baahneen in aad marsato kareemyada jirka

Qodobkee Saamayn Kugu Reebtay

Ha Kula Akhristaa Walaalaha Kale

28/07/2021

Address

Addis Ababa

Telephone

+252907664050

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Said Turan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Said Turan:

Videos

Share

Category