Hodan Media

Hodan Media Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Hodan Media, Radio Station, hodan@gmail. com, Addis Ababa.

GOAT 🏆
22/12/2022

GOAT 🏆

Ururka midowga caasimadaha magaalooyinka dalka Itoobiya ayaa si meeqaam sare leh loogu soo dhaweeyay magaalada Tog-wajaa...
05/12/2022

Ururka midowga caasimadaha magaalooyinka dalka Itoobiya ayaa si meeqaam sare leh loogu soo dhaweeyay magaalada Tog-wajaale.

Ururkan oo khibrad-wadaag u tagay magaalada Wajaale ayaa soo kormeeray mashaariicaha horumarineed ee laga fulinayo magaalada Tog-wajaale, iyaga oo soo indho'indheeyay suuqa sariibadda Wajaale, guryo-wadareedyada iyo goobta lagu xannaneeyo dadka nugul ee tacaddiyada loo gaysto.

Kormeerkaas kaddib, waxaa sharraxaad dheer laga siiyay barnaamijka horumarinta cagaaran ee laga wado Maamulka Magaalada Tog-wajaale iyo qorsheyaasha lagu horumarinayo magaalada Wajaale oo uu soo bandhigay Eng. Axmed Daahir Bade,
Maareeyaha Maamulka Magalada Tog-wajaale.

Kuxigeenka Duqa Maamulka Magaalada Tog-wajaale Mudane Muxyadiin Cabdi Muxummed oo lahadlay warbaahinta Deegaanka ayaa ka warbixiyay mashaariicaha horumarineed ee laga fulinayo magaalada Tog-wajaale iyo caqabadaha ka hortaagan dhanka maalgashiga.
Hodan media

"Waa in laga dhabeeyo halganka la-dagaallanka musuqa", waa hal-ku-dhigga xuska maalinta caalamiga ah ee la-dagaallanka m...
04/12/2022

"Waa in laga dhabeeyo halganka la-dagaallanka musuqa", waa hal-ku-dhigga xuska maalinta caalamiga ah ee la-dagaallanka musuqa oo markii 18aad laga xusayo guud ahaan dalka.

Xuskan oo uu soo agaasimay Komishinka Anshaxa iyo La-dagaallanka Musuqa DDS ayaa ka qabsoomay Maamulka Magaalada Tog-wajaale, waxaana kasoo qaybgalay masuuliyiinta Maamulka Magaalada Tog-wajaale shaqaalaha dowladda iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ee ku dhaqan magaalada Wajaale.

Ujeeddada xuska ayaa ah in shacabku doorkooda ka qaataan halganka lagula jiro la-dagaalanka musuqa iyaga oo ka feejigan si adagna uga hortagaan musuqa.

Hodan media

Xuska 17aad ee maalinta shucuubta iyo qoomiyadaha Itoobiya ee 29-ka Hidhaar oo halku-dheg looga dhigay "Wadajirka qoomiy...
04/12/2022

Xuska 17aad ee maalinta shucuubta iyo qoomiyadaha Itoobiya ee 29-ka Hidhaar oo halku-dheg looga dhigay "Wadajirka qoomiyaduhu waa astaanta nabada waarta" ayaa lagu qabtay madasha kulammada ee Qaryaan Dhoodaan.

Xuska munaasibadani waxaa kasoo qaybgalay Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar, Af-hayeenka Golaha Xildhibaannada marwo Ayaan Cabdi, Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida Inj. Maxammed Shaalle, masuuliyiin iyo marti-sharaf kala duwan.

Munaasibadda xuska 17aad ee maalinta shucuubta iyo qoomiyadaha Itoobiya ee 29-ka Hidhaar oo ka dal ahaan lagu xusi doono deegaanka Sidama ayaa si hordhac ahaan ah loogusii maamuusay guud ahaan deegaannada dalka.

Maalintan ayaa xanbaarsan midnimada iyo wadajirka shuucuubaha itoobiya waxa ayna astaan utahay kala duwanaanshaha diimeed, luuqadeed, dhuleed, dhaqan iyo sinji ee udhaxeeya qoomiyadaha Itoobiya oo ku midoobay dastuur sugaya xuquuqaha iyo madax-bannaanida shucuub walba.

Hodan media

Xafiiska Arrimaha Haweenka & Carruurta Deegaanka oo ku jira ol'olaha 16 cisho ee kahortagga tacaddiga loo gaysto dumarka...
04/12/2022

Xafiiska Arrimaha Haweenka & Carruurta Deegaanka oo ku jira ol'olaha 16 cisho ee kahortagga tacaddiga loo gaysto dumarka ayaa booqday haweenka ku xidhan xabsiga Alaamudiin ee magaalada Jigjiga.

Dumarkan maxaabiista ayaa la guddoonsiiyay hadyado loogu talo'galay & qado-sharafeed uu Xafiiska Arrimaha Haweenka & Caruurtu ugu talo'galay, halka maamulka xafiiskuna la qaatay dumarka maxabiista kulan ballaadhan oo lagu xaalwaraysanayo xaaladdooda sida oo kalena halgoob wax lagu wada cunay.

Dumarkan maxaabiista ayaa sheegay in si fiican loola dhaqmo wax dhibaato ahna ayna kala kulmin xabsiga wakhtigoodana ku bixiyaan waxbarashada qaybaheeda kala duwan & farsamada gacanta oo lagu baro xabsiga.

Maantana ay aad ufaraxsan yihiin maaddaama oo Xafiiska Arrimaha Haweenka & Carruurtu soo booqday xaalkooda ay ku sugan yihiinna wax ka ogaaday.

SRTV Somali

Dhalinyarada magalada hodan kawada tashaday xalada qabalaha iyo tan degmada  magalada hodan aya qabtAy bahiyada gaaarka ...
20/11/2022

Dhalinyarada magalada hodan kawada tashaday xalada qabalaha iyo tan degmada magalada hodan aya qabtAy bahiyada gaaarka ah sida _biyaha _wado la, aanta ,_leydh la.aanta dhibatoyinka ka jira senterka fuyan jabse gaar ahaan qabalaha hodan

Good Luck my Lovely players😗
20/11/2022

Good Luck my Lovely players😗

The First game of the 2022 FIFA World Cup is TONIGHT ! Nov 20th, Sunday at Al Bayt stadium,Qatar.Host country Qatar part...
20/11/2022

The First game of the 2022 FIFA World Cup is TONIGHT ! Nov 20th, Sunday at Al Bayt stadium,Qatar.

Host country Qatar participates in the FIFA World Cup for the first time. Their performance against S. American powerhouse Ecuador will hopefully create a good impression.

⚽️ Qatar VS Ecuador @ 6:00 pm

Watch this game on DStv’s dedicated SuperSport channels.

Package:Compact

💥 Download the DStv App from your Google/Apple store and Watch the LIVE event of the opening ceremony for the FIFA World Cup Qatar 2022 from 5 pm.

Buy, reconnect or upgrade your package
Click on the link below
👇👇
https://bit.ly/2WDuBLk

#ሁሉምያለውእኛጋርነው

20/11/2022

Hodan media

●;-Xafiiska Caafimaadka Degmada Baabili ee gobolka faafan. Degmada baabili ee gobolka faafan waxaa ka qabsoomay tababark...
20/11/2022

●;-Xafiiska Caafimaadka Degmada Baabili ee gobolka faafan.

Degmada baabili ee gobolka faafan waxaa ka qabsoomay tababarka diwaangalinta iyo isku xidhka 1 ku 5 iyo 1 ku 30 dhamaan qoysaska qabalayada iyo rugaha caafimaadada degmada babili ee gobolka faafan.

Tababarkan ayaa ka qabsomay madasha kulamada degmada baabili ee gobolka faafan.

Waxaana kulanka tababarka furay gudoomiye ku xigenka degmada babili Mudane Amiin cabdi daud.

Sidoo kale waxaa tababarka soo qaban qaabiyay xafiiska caafimaadka degmada babili oo uu ugu horeeyo Madaxa xafiiska cafimadka degmada baabili Mudane dayib xasan dahir iyo xubin ka socday xafiiska caafimaadka heer deegaan oo casharada u soo jeedinayay ka soo qaybgalayaasha tababarka oo ay ugu horeeyaan dhaman shaqaalaha xarumaha caafimaadka 17 santar ee degmada babili.

Mulli media network

Address

Hodan@gmail. Com
Addis Ababa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hodan Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share