Rays Media 24

Rays Media 24 Nala joog oo Nala faafi🤝✅💯

Dawladda Kenya ayaa dhammaanba dalalka Afrika u ogolaatay in ay Visa la'aan dalkeeda ku yimaaddan marka laga reebo  wadd...
21/01/2025

Dawladda Kenya ayaa dhammaanba dalalka Afrika u ogolaatay in ay Visa la'aan dalkeeda ku yimaaddan marka laga reebo waddamada Soomaaliya iyo Liibiya.

Labadan dal ayaa looga reebay sabab amni. Dadka aan fiisa la'aanta ku gala Kenya ayaa loo ogol yahay in ay waddankaas joogi karaan laba bilood.

Madaxwayne Hassan wuu shaqaynayaa.
19/01/2025

Madaxwayne Hassan wuu shaqaynayaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kormeeray Taliska Guud Ee Ciidanka Qaranka, Khudbad Muhiim Ahna U Jeediyey Ciid...
18/01/2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kormeeray Taliska Guud Ee Ciidanka Qaranka, Khudbad Muhiim Ahna U Jeediyey Ciidamada Dalka.
“𝕎𝕒𝕩𝕒𝕒𝕟 𝕗𝕦𝕝𝕚𝕟 𝕕𝕠𝕠𝕟𝕒 𝕠𝕠 𝕒𝕒𝕟 𝕨𝕒𝕣𝕖𝕖𝕘𝕥𝕠 𝕜𝕦 𝕤𝕠𝕠 𝕤𝕒𝕒𝕣𝕚 𝕕𝕠𝕠𝕟𝕒 𝕓𝕒𝕝𝕒𝕟𝕢𝕒𝕒𝕕𝕜𝕚𝕚 𝕒𝕒𝕟 𝕤𝕒𝕞𝕖𝕖𝕪𝕖𝕪 𝕨𝕒𝕜𝕙𝕥𝕚𝕘𝕚𝕚 𝕆𝕝𝕠𝕝𝕒𝕙𝕒 𝕖𝕖 𝕒𝕙𝕒𝕒 𝕞𝕦𝕤𝕙𝕒𝕙𝕒𝕣 𝕜𝕠𝕣𝕕𝕙𝕚𝕟𝕥𝕒 𝕔𝕚𝕚𝕕𝕒𝕞𝕒𝕕𝕒 …”

Hargeysa-18-01-2025-(Warbaahinta Madaxtooyada)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna taliyaha guud ee ciidamadda Qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta taliska guud ee ciidanka Qaranka iyo miiska saraakiisha.

Ugu horrayn, Madaxweynaha Qaranku waxa uu salaam ka qaatay cutub katirsan ciidanka Qaranka, waxana halkaas kusoo dhaweeyey taliyaha ciidanka Qaranka, sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo saraakiisha kala duwan ee ka hawlgasha taliska guud ee ciidanka, waxa uu madaxweynuhu mid mid u kormeeray qaybaha kala duwan ee talisku ka kooban yahay, isaga oo xadhigga ka jaray dhismeyaal kala duwan oo taliska lagu soo kordhiyey.

Taliyaha Ciidanka Qaranka, sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani oo kelmedo kooban halkaas ka jeediyey, ayaa madaxweynaha iyo xubnaha wehelinayey soo dhaweeyey, waxana uu caddeeyey inay ka talis ahaan farxad weyn u tahay inuu madaxweynuhu soo booqdo, kormeerna ku sameeyo xarunta taliska guud ee Ciidanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo khudbad miisaan leh halkaas ka jeediyey, ayaa ugu horrayn ciidanka Qaranka ugaga mahadnaqay geesinimada, naf-hurnimada iyo daacadnimada iyo Qarankooda ugu adeegayaan.

Madaxweynuhu waxa uu ciidamada iyo saraakiisha u sharraxay ujeeddada kormeerkiisa maanta iyo sida uu muhiimadda gaar ahaaneed u siinayo ciidanka, “Waxa aan maanta go’aansaday inaan idin dhex imaaddo si aan ugu kuurgalo xaaladdiina, dhegaysto xogta iyo warbiximaha aad jeceshihiin inaad ila wadaagtaan, islamarkaana aan indho indheeyo oo kormeero halka ay tahay inaan ka bilaabo dib u habaynta iyo dib u dhiska aan la doonayo Ciidanka Qaranka, dal kasta oo dunida kamid ah haybaddiisa, sharaftiisa iyo quruxdiisu waa ciidankiisa Qaranka,” ayuu yidhi Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu u bushaareeyey Ciidamada Qaranka inuu ka dhabaynayo ballanqaadkiisii dhinaca mushahar-kordhinta ciidanka iyo dib u habayntoodaba, culays kasta oo jirana uu fulinayo ballantiisii, waxana uu yidhi,“Inkasta oo dhaqaalaha Somaliland uu hoos dhac ku yimi sannadihii 2022, 2023 iyo 2024-ka sababo aynu wada ognahay awgood oo ay kamid yihiin in dalku galay dagaallo, doorashooyin iyo kaabayaasha dhaqaalaha oo dhaawac weyni soo gaadhay sida gubashadii WAAHEEN iyo WAJAALE, haddana waxa aan fulin doonaa mushahar-kordhintii ciidanka ee aan ballan qaaday ee ahayd Boqolkiiba laba Boqol iyo Konton muddo-xileedkayga, waxana aan kusoo saari doonaa Degreeto Madaxweyne sida ay u kordhi doonto.”

Kormeerka Madaxweynuhu ku tegay taliska guud ee Ciidanka waxa ku wehelinayey xubno kamid ah golaha wasiirrada, La-taliyaha Amniga Qaranka iyo qaar kamid ah taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee dalka.

Wa-bilaahi Tawfiiq

Wareegto Madaxweyne. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maan...
16/01/2025

Wareegto Madaxweyne.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 16/01/2025 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-035 /012025 uu ku magacaabay Masuuliyiinta Baanka Dhexe.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markii aan tixgeliyey: Xeerka Baanka Dhexe ee Xeer Lr 54/2012;

Markii aan tixgeliyey: Ahmiyadda uu Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland u leeyahay Horumarka iyo koboca dhaqaalaha ee dalka;

Markii aan arkay: Aqoontooda, kartidooda, iyo waayo-aragnimadooda;

Markii aan ku qancay: In ay hanan karaan mas’uuliyadaha ka dhalanaya xilalkan hoos ku xusan;

Markii aan sameeyey: La-tashi;

Waxa aan go’aamiyey laga bilaabo taariikhda maanta;

1. In Cabdinaasir Axmed Xirsi Maxamed uu ahaado Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2. In Xamse Cabdiraxmaan Kheyre Coofle uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland.

3. In Yaasiin Jaamac Axmed Shide (Calase) uu ahaado Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland

Allaa Mahad Leh

______________________________________
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Wareegto Madaxweyne Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maant...
16/01/2025

Wareegto Madaxweyne

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 16/01/2025 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-036 /012025 uu ku magacaabay Agaasimeyaal Guud oo Cusub.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markii aan arkay: Aqoontooda, kartidooda, iyo waayo-aragnimadooda;

Markii aan tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ay u leeyihiin u adeegidda dadweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhismaha Qaranka;

Markii aan ku qancay: In ay hanan karaan mas’uuliyadaha ka dhalanaya xilalkan hoos ku xusan;

Markii aan sameeyey: La-tashi;

Waxa aan go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo mas’uuliyiinta hoos ku xusan:

1. Muniir Axmed Cigaal Faarax Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2. Cabdishakuur Ismaaciil Xuseen Kaahin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada & Qoyska ee Jamhuuriyadda Somaliland.

3. Cabdirisaaq Axmed Gaas Faarax Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Jamhuuriyadda Somaliland

4. Cabdalla Maxamed Yuusuf Cabdi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Jamhuuriyadda Somaliland.

5. Dr Axmed Maxamuud Jaamac (Zaki) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

6. Cabdiraxmaan Xuseen Xaaji Xirsi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska ee Jamhuuriyadda Somaliland

7. Axmed Cismaan Jaamac Faarax Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta reer Miyiga ee Jamhuuriyadda Somaliland.

8. Siciid Muuse Xoosh Coofle (Rooble) Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

9. Aadan Jaamac Ducaale Barre Agaasimaha Guud ee Komishinka Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Allaa Mahad Leh
_______________________________________
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Wareegto Madaxweyne. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maan...
16/01/2025

Wareegto Madaxweyne.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 16/01/2025 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-037/012025 uu ku magacaabay Masuuliyiinta Hay’addaha Shaqaalaha Dawladda ugu saraysa.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markii aan tixgeliyey: Xeerka Shaqaalaha Dawladda ee Xeer 97/2022.

Markii aan tixgeliyey: Ahmiyadda Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu u leedahay dhismaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland

Markii aan arkay: Aqoontooda, Kartidooda, iyo Waayo-aragnimadoodaba, isla markaana in ay hanan karaan mas’uuliyadaha ka dhalanaya xilalkan;

Markii aan sameeyey: La-tashi;

Waxa aan go’aamiyey;

1. In Cabdicasiis Xirsi Warsame Geelle uu ahaado Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawaladda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2. In Xasan Xuseen Cabdi (Xaydar) uu ahaado, Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawaladda ee Jamhuuriyadda Somaliland

3. In Cabdirashiid Maxamed Warsame uu ahaado Xubin ka mid ah Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

4. In Maxamed Axmed Xasan Jabarti Saadle, uu ahaado Xubin ka mid ah Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

5. In Sakariye Cabdiraxmaan Ismaaciil Carraale, uu ahaado Xubin ka mid ah Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

6. In Ibraahim Ducaale Boos uu ahaado Xubin ka mid ah Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

7. In Mustafe Maxamed Cawil Diiriye uu ahaado Xubin ka mid ah Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Allaa Mahad Leh

__________________________________
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

12/01/2025

Somaliland

Madaxweyne Xasan iyadoo ka joog la leeyahay ayuu Addis Ababa ka degey February 17, 2024, waa lagu soo bahdilay, shalayna...
12/01/2025

Madaxweyne Xasan iyadoo ka joog la leeyahay ayuu Addis Ababa ka degey February 17, 2024, waa lagu soo bahdilay, shalayna ciidanka Badda Itoobiya ayaa loo diyaariyey in uu salaan ka qaato, waa bahdilaad kale.

Abiy isagaa loo hoyday, dowladahii kalana wuxuu tusay in aan Madaxweynaha Soomaaliya la isku halleyn karin, lana saadaalin karin.

Madaxweyne Xasan wuxuu ku tala galay in uu bowdooyinka qaranka Soomaaliyeed midba maalin qaawiyo, waajib ayaa naga saaran in aanan ku eegan.
Abdishakuur.

Hassan Sheekh Iyo Abiye Ahmed.
12/01/2025

Hassan Sheekh Iyo Abiye Ahmed.

Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaadhay Addis ababa, waxaana soo dhaweeyay Raysal wasaaraha Itoobiya.
11/01/2025

Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaadhay Addis ababa, waxaana soo dhaweeyay Raysal wasaaraha Itoobiya.

WAREEGTO MADAXWEYNE. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maan...
11/01/2025

WAREEGTO MADAXWEYNE.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 11/01/2025 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-027/012025 uu ku magacaabay Badhasaabada Gobolada Dalka iyo ku-xigeenadooda.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan;-

Wareegto Madaxweyene

Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markii aan arkay: Aqoontooda, kartidooda, iyo waayo-aragnimadooda;

Markii aan tixgeliyey: Ahmiyadda ay Badha-saabyadu ay u leeyihiin u adeegidda dadweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhismaha Qaranka;

Markii aan ku qancay: In ay hanan karaan mas’uuliyadaha ka dhalanaya xilalkan hoos ku xusan;

Markii aan sameeyey: La-tashi;

Waxa aan go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo mas’uuliyiinta hoos ku xusan:

1 Proff Axmed Maxamed Cadaad Badhasaabka Gobolka Maroodijeex.

2 Wali Cabdi Jaamac Kheyrre
Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Maroodijeex.

3 Muxummad Xasan Jaamac (Xoday) Badhasaabka Gobolka Awdal.

4 Daahir Axmed Jaamac Buraale Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Awdal.

5 Maxamed Daahir Cabdalla Gaafane Badhasaabka Gobolka Saaxil.

6 Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) Badhasaabka Gobolka Togdheer.

7 Siciid Axmed Maxamed Raage Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Togdheer.

8 Axmed Faarax Cismaan Cabdi Badhasaabka Gobolka Sool.

9 Naaleeye Axmed Jaamac Liibaan Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Sool.

10 Saalax Yuusuf Diiriye Guuleed Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Sanaag.

11 Maxamed Cabdillaahi Jaamac (Bookh) Badhasaabka Gobolka Gebilay.

12 Cabdirisaaq Axmed Muxummad (Huuno) Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Gebilay.

13 Proff Axmed Cabdillaahi Maxamed (Dhegayare) Badhasaabka Gobolka Saraar.

14 Maxamuud Warsame Geeddi (Hilbayare) Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Saraar.

15 Cabdi Siciid Faahiye Allaale Badhasaabka Gobolka Salal.

16 Cismaan Cumar Nuur Aare Badhasaab Kuxigeenka Gobolka Salal.

17 Cabdisalaan Maxamed Xasan Maxamed Badhasaabka Gobolka Badhan.

18 Cali Maxamed Axmed Cadami Badhasaab Kuxigeenka Gobolka Badhan.

19 Maxamuud Xasan Saleebaan (Doob) Badhasaabka Gobolka Hawd.

20 Ayaanle Maxamuud Raage Qaalib Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Hawd.

21 Fu’aad Cabdi Diiriye Maxamed Badhasaabka Gobolka Xaysimo.

22 Maxamed Dayib Yuusuf Aadan Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Daadmadheedh.

23 Mustafe Ibraahim Axmed Faarax Badhasaabka Gobolka Buuhoodle

ALLAA MAHAD LEH
_____________________________________________
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Qaar ka mid ah Badhasaabada maanta madaxweyne Cirro, magacaabay.1 Prof : Axmed Maxmed Cadaad guddoomiyaha Maroodi-jeex.2...
11/01/2025

Qaar ka mid ah Badhasaabada maanta madaxweyne Cirro, magacaabay.

1 Prof : Axmed Maxmed Cadaad guddoomiyaha Maroodi-jeex.
2 Maxamed Xasan Jaamac Xoday guddoomiyaha Awdal
3 Maxaxmed Daahir Cabdale Gaafane guddoomiyaha Saaxil
4 Maxamuud Cali Saleeban Ramaax guddoomiyaha Togdheer.
5 Axmef Faarax Cismaan Cabdi, Sool
6 Maxamed Cabdilaahi Jamaac Bookh, Gebilay.
7 Maxamuud Xasan Saleebaan Doob , Hawd

06/01/2025
Madaxweyne Masar Al Sisi, oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa xusay in Masar ...
29/12/2024

Madaxweyne Masar Al Sisi, oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa xusay in Masar ay ka shaqeyneyso sidii ay Soomaaliya uga taageeri laherd in la gaaro amni iyo xasillooni, haddii ay ahaan lahayd mid loo maraayo "iskaashi laba geesood ah" oo ay horay u galeen Muqdisho iyo Qaariha ama ka qaybgalka hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika marka ay Soomaaliya codsato.

Madaxweyne Sisi waxa uu intaa ku daray in uu si dhaw ula socdo heshiiskii ay dhawaan wada gaareen Itoobiya iyo Soomaaliya ee Turkiga fududeeyay, isagoo rajo ka muujiyay in heshiiskani uu qayb ka qaadan doono xaqiijinta Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika, isla markaana uu noqdo mid waafaqsan mabaadi'da sharciga caalamiga ah.

Madaxweynaha Faransiiska oo lumiyay kaalintiisii Milatari iyo siyaasadeed ee Africa ayaa dhawaan la kulmay Abiy, waxa uuna Masar kala hadlay xiisada sii kordhaysa iyo waxa Masar ugu yeertay in aan “gorgortan laga galayn amniga Qarankeeda iyo xasiloonida Badacas”.

Jahawareer siyaasadeed:- Farsama xumo mise xifaaltan ka dhexeeya!Tan iyo shalay waxaa hadalo is diidan oo ku jahawareers...
28/12/2024

Jahawareer siyaasadeed:- Farsama xumo mise xifaaltan ka dhexeeya!

Tan iyo shalay waxaa hadalo is diidan oo ku jahawareersan ka soo baxayeen madaxda dowladda sida wasaarada arrimaha dibada iyo xafiiska amniga qaranka. Hadaladaan ayaa abuuray shaki iyo dadku fahmi waayaan sida wax u socdaan. Arrimahaan ayaa la xiriira qadiyada ciidanka Itoobiya.

Waxaan soo qaadanaynaa hadaladaas oo qaarkood isburinayaan!

1:-Ku xigeenka Wakiilka Soomaaliya ee UN-ka .

“Howlgalka cusub ee AUSSOM waxaa ka qeyb qaadan doona 11,00 oo askari, iyada oo loo marayo heshiisyo laba geesood ah oo la gaaray bishii November, tallaabadaas oo ka reebaysa Itoobiya howlgalka cusub."

2:- Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda.

“Waxaan bogaadinayaa wakiillada
Soomaaliya u jooga xarunta UN-ka, sida hagar la'aanta ah ee ay ugu adeegayaan danaha Qaranka”

3:-Cali Balcad

“Shuruudihii aan joogitaanka ciidamada Itoobiyaanka ku diidnay waa la xaliyay, latashiyo ayaa socda, waxna waa iska beddeli karaan go'aankii h**e, waxaanse xaqiifin in 11,900 loo qeybshay 4 dal oo kala ah: Jabuuti, Burundi, Uganda & Kenya"

4:- Lataliyaha Amniga Qaranka

“Mandate-ka AUSSOM ayaa u ogolaanaya DFS inay go'aamiso ka qeybgalka dalalka ku biiraya howlgalka AUSSOM, go'aan ayaana dhowaan lagu dhawaaqi doonaa. Baaqii Ankara waa mid xoogan”

Hadaladaan go’aan nuucee ah aan ku qaadan karnaa? Yaanse rumaysanaa?

Puntland “Anaga lacag inoo gaar ah ayan sameysaneeynaa 2025. Kamana dhigna inaan Somalinimada ka baxnay”
21/12/2024

Puntland “Anaga lacag inoo gaar ah ayan sameysaneeynaa 2025. Kamana dhigna inaan Somalinimada ka baxnay”

“ Halkii shalay [Teendhadii] laguma laaban doono waa ballan, dalkan k**a talin doono qof aan dadku dooran “ madaxweyne X...
21/12/2024

“ Halkii shalay [Teendhadii] laguma laaban doono waa ballan, dalkan k**a talin doono qof aan dadku dooran “ madaxweyne Xasan Sheekh.

WAR-SAXAAFADEED.Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland  Oo Fadhigii u h**eeyey Ku yeeshay Qasriga Madaxgtooyada JSL....
15/12/2024

WAR-SAXAAFADEED.

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland Oo Fadhigii u h**eeyey Ku yeeshay Qasriga Madaxgtooyada JSL.

Hargeysa-15-12-2024-()-Fadhigii 001aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenku, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa ka qabsoomay maanta oo ay taariikhdu tahay 15/12/2024 Qasriga Madaxtooyada Somaliland oo ay ka soo qaybgaleen dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada oo isugu jira (Wasiirro, Wasiiru-dawlayaal iyo Wasiir ku xigeenno).

Isbarasho ka dib, Madaxweynuhu waxa uu golihiisa wasiirrada cusub la wadaagay waajibaadka Qaran ee loo igmaday inay ku shaqeeyaan, waxaanu la wadaagay Barnaamijka hagaha u ah wax-qabadka xukuumadiisa, sida ku cad qorshaha Buuggga Xisbiga oo ka kooban lix Cutub (6), taas oo ay saldhig u yihiin wada-jir iyo waxqabad muuqda.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu dul istaagay arrimaha mudnaanta u leh xukuumadiisa 100 cisho ee soo socda. Madaxweynuhu waxa uu golihiisa Xasuusiyey in uu Qaranku inooga fadhiyo in aynu ugu shaqayno daacadnimo iyo hufnaan.

Dhinaca kale Golaha Wasiirrada waxa loo qaybiyey Wax-ka-bedelka iyo kaabista Xeerka kala xadaynta Nidaamka Xukuumadda xeer No.71/2015 oo ujeedada looga bedelay qaab-dhismeedka wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa-bannaan si loo waafajiyo xeerka.

Madaxweynuhu wuxuu si guud uga hadlay arrimaha nabadgelyada qaybo ka mida Gobolka Sanaag, waxaanu madaxweynuhu marlabaad ku celiyey baaq nabadgelyo.

ALLAA MAHA DLEH

Mudane Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Dirección

Calle Canton De San Francisco Javier
Vitoria-Gasteiz

Teléfono

+34632691485

Página web

Notificaciones

Sé el primero en enterarse y déjanos enviarle un correo electrónico cuando Rays Media 24 publique noticias y promociones. Su dirección de correo electrónico no se utilizará para ningún otro fin, y puede darse de baja en cualquier momento.

Contato La Empresa

Enviar un mensaje a Rays Media 24:

Videos

Compartir

Categoría