HOPE TV

HOPE TV Warar Barnaamijyo iyo dhexdhexaadnimo halka kala soco in dhiibo fikirkaaga xorta ah adigoo dhowraya xuquuqda warbaahinta

Warar dheeri ah ayaa laga helayaa dagaal qaraar oo ka socda magaalada Bahir Dar ee caasimada Gobalka Amxaarada oo u dhex...
02/03/2024

Warar dheeri ah ayaa laga helayaa dagaal qaraar oo ka socda magaalada Bahir Dar ee caasimada Gobalka Amxaarada oo u dhexeeya Jabhadda Fano iyo ciidanka difaaca Itoobiya ee uu maamulka ra'isul wasaare Abiy Axmed ku gumaadayo Qowmiyadaha waddankaas si gaar ah Amxaraada, Oromada iyo Tigreega.

Ciidanka ayaa lagu soo waramayaa in looga adkaaday deegaanno dhowr ah, waxaana hadda la isla soo galay caasimada Amxaarada.

Xogtii ugu dambeysay ee dagaalka laga helayo ayaa sheegeysa in 150 kamid ah ciidanka Itoobiya ay ku biireen Jabhadda Fano.

Xigasho: Amhara News Service

28/11/2023

Cidamadda ku sugan jiida h**e ee Gobolka Sool ayaa maanta kabhadlay Xalada ka taagan Garowe

01/11/2023

Wararka laga helayo Madaxtooyada Puntland ee Garowe ayaa ku waramaya shirkii Golaha wasiirada Puntland ee caawa ka dib ,Go,aamadii Isimada in Madaxwayne Dani uu Kulan Deg dega kula leeyahay Gudoomiyaha Barlamanka Puntland ,kaas oo.daaran ka tashiga Go,aamada isimada iyo qorshaha Dowlada sidii laysu waafajin lahaa ,

dhinaca kale waxaa jira wasirdowlayaal iyo Kuxigeeno qorshaynaya in ay is casilaaan maadama ay Go,aanka isimada ay Dowladu doonayso in ay ka hor timaado kadibna rabshado ay kandhashaan taas ay ka biyo diideen in ay ku lug yeeshaan sida uu ii sheegay mid ka mida Wasirada is Casilaya oo ka war sugaya Go,aanka Dowlada maada wali uusan kala cadayn

14/10/2023

Dib isu daawo Dani Film la yirahdo ayaa loo shiday Madaxwaynaha

Wadanka Jarmalka oo siweyn loogu soo dhaweyey wasiirkii h**e ee Maaliyadda Puntland ahna Musharax Madaxweyne 2024 Hassan...
01/10/2023

Wadanka Jarmalka oo siweyn loogu soo dhaweyey wasiirkii h**e ee Maaliyadda Puntland ahna Musharax Madaxweyne 2024 Hassan Shire Abgaal.

Munaasabad qado sharaf ah oo ay soo agaasimeen reer Puntlandka Germany ayaa waxaa lagu qabtay magaaladda Worms ee saldhiga hay'adda Seko waxaa kasoo qaybgalay ayuub iyo masuuliyiin kale oo badan.

Isxog wareysi iyo kala war qaadasho kadib wuxuu Musharax madaxweyne iyo masuuliyiinkii kaleba ka wada qaybgaleen xalay munaasabad lagu maamuusayey guushii 25.08.2023 SSC-Khatumo.

Musharax madaxweyne Hassan Shire ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay Jaaliyadaha Puntland iyo Jaaliyadda SSC-KHAATUMO ee qaaradda Europe.

26/09/2023

Ku darsi ma jiro

01/05/2023

Juxa ayaa ka jawabay hadii ku darsi jiro

Musharax Golaha Degaanka Degmada Garowe Abdinur Mohamed Warsame Muwaadin I CodesVote for Abdinur
01/05/2023

Musharax Golaha Degaanka Degmada Garowe Abdinur Mohamed Warsame Muwaadin I Codes

Vote for Abdinur

30/04/2023

Faroole, Dastuurka Arimo Siyaasadeed Looma Furi karo Ha ka waan Toobo Dani,,

Xog hordhac ahSida ay Muujinayaan xogaha dagaalku, dagaalka aaga laas caano wuxuu qaadan doonaa ugu yaraan 4bilood iyo w...
29/03/2023

Xog hordhac ah

Sida ay Muujinayaan xogaha dagaalku, dagaalka aaga laas caano wuxuu qaadan doonaa ugu yaraan 4bilood iyo wax kabadan, markii aan ka eegno habdhismeedka labada Ciidan.

SOMALILAND.
1. GOOJA-CADDE: maa xero ciidan oo kaliya, ee Waa aag difaac, oo loo naqshadeeyey in ugu yaraan 3bilood laga dhex dagaalamo, Una qaybsan
A. Dhul ahaan, dhul banana, oo ay ku wareegsan yihiin buuro daafaha ah iyo Togag hoobadka ah, ayna ku xeerantahay Dhoodi xili roobaadka halis ah
B. Taliska Guud, oo ah kaydka iyo saldhigga madaxda ciidanka, daawada, saadka iyo ciidanka.
T. Talisyo difaac oo 7 ah, Kuwaas oo 2 kamid ah ay yihiin kuwa guur guuran iyo 4xarun ilaalo.
J. Dhamaan qaybahaani waxaa ay ku taxan yihiin, Bariga ilaa Galbeedka magaalada Laas caano, qaarkoodna waxaa ay ku yaaleen qarka magaalada.
2. GAADIIDKA: Soomaliland waxaa ay xeradaan isugu keentay inta xogteeda lahayo 380gaari.
3. WADDOOYINKA: Ciidanka Somaliland waxaa uu haystaa 2 waddo, oo labaduba kusoo dhaca Laamiga, Kuwaas oo ay haatan mid ka mid ah Lumiyeen, ayn u hartay Mid laamiga ka durugsan, xili roobaadkana Halis ah.
4. CIIDANKA LUGTA: Inta xogtooda la helay, Aaga (War Zoon) waxaa joogta 8,000, Markii lagu daro Boolis, taraafig, ciidankii badda iyo shacab dhawaan la qoray.
5. GURMADKA: Ciidanka Soomaaliland waxaa u ku adkaanaysa in uu gurmad helo hadda kadib, maadaama dhamaan wixii fikir ciidan haystay Meeshaan la isugu keenay, sidookalana ay yar yihiin dhalinyarada dagaal jooga ahaa, ee fikrado ka heli kara xabadda.
6. QORSHAHA DAGAALKA: Somaliland waxaa ay qorshaynaysaa in ay soo qaado guluf Colaadeed, oo ay ku doonayso in ay xal ugu hesho, aag xumo haysa, oo goobaha ay ku dagaalamayaan oo u badan biyo mareeno, wadooyinkuna ku xunyihiin, maadaama dhulku Dhoodi yahay. Sidoo kale waxaa ay isku dayayaan in ay xabadda ka durjiyaan fariisinka madaxda ciidanka.
7. MAXAY KULUMIYEEN: Mudadii dagaalkaan socday Ciidanka Somaliland waxaa ay Lumiyeen.

B. Guud ahaan deegaanadii ay gacanta ku hayeen ee ku dhawaan Laas caano, Tukaraq, Higlada, Gambara, Kala jeexa, ilaa Laas caano.
T. Waxay lumiyeen, 3Talis oo muhiim ah iyo 4talis ilaalo oo muhiim ahaa, iyo buuro ilaalada iyo sahanka laga qaban jiray.
J. Waxaa hawl gab noqday in kabadan 130 gaari ciidan (Gaadiidka ayaa qaarkood shaqayn waayeen, maadaama ay muddo dheer iska yaaleen, kuwo loo qabay in ay shaqaynayaan waa istaageen, Kuwo waa lagubay, kuwo Waa la qabsaday, kuwana waa lala baxsaday).
X. Waxay Lumiyee 19sargaal mudadii uu Dagaalku socday oo ubadan taliyo Ururo.
Kh. 50maalmood oo dagaalku socday Waxaa Saaxada Dagaalka ka baxday 1,300 ilaa 1,600 (Dhimasho, Dhawac, Fakad iyo maxaabiisba).
8. GUULAHA: Majirto guul la taaban karo oo ay Ciidanka Somaliland ka Gaareen Dahgaalkaan.

DADKA DEEGAANKA
1. AAGA DAGAALKA: Dhulka ay ka dagaalamayaan waa dhul furan, oo ku wareegsan magaalada Laas caano iyo deegaanada Hoos yimaada, habka uu udhisan yahay ciidanku, waa koox koox uqaabaysan horusocod (Weerar), inta badan Waxaa ay dagaan aaga Dagaalka ee ay ka kiciyaan, Ciidanka Somaliland.
B. Taliska Guud, waa magaalada laas caano oo ay fadhiyaan Qaar ka mid ah Madaxda ciidamada iyo naqshadaynta Dagaalka.
T. Talis ahaan Waxay u dhisan yihiin Talisyo difaac oo 2 ah, talisyada guur guura oo 4 ah iyo 7xarun ilaalo.
J. Dhamaan qaybahaani waxaa ay ku taxan yihiin, Wareega sare ee aag difaaca Gooja cadde, iyo Laamiga dheer ee Bari ilaa Galbeedka magaalada.
2. GAADIIDKA: Dadka Deegaanku waxaa ay aaga dagaalka isugu keeneen 480, inta xogtooda la hayo.
3. WADDOOYINKA: Dadka Deegaanku waxaa ay haystaa Dhamaan wadooyinkii muhiimka u ahaa dagaalkooda, Taleex, Garoowe, Boocame, Kala bayr iyo Howdka intiisa kalaba waa u furantahay.
4. CIIDANKA LUGTA: Inta xogtooda la helay, Aaga (War Zoon) waxaa joogta 10,000ilaa 13,000.
5. GURMADKA: Ciidanka Deegaanka Waxaa ay heli karaan Gurmad dhinacyo kala Duwan ah.
A. Puntland oo aan ilaa hadda Ciidankeeda iyo Gaadiidkeeda dagaalka ee Dowliga ahi uusan Dagaalka galin, Madaxduna aysan Wali ku dhawaaqin dagaal toos ah.
B. Dadka ku abtirsada Laas caano ana Dhulbahante oo aan Wali bilaabin Qafaal iyo ciidan aruurin.
T. Magaalooyink badan oo ay dagaal beelaha Harti wali aan laga soo gurman.
J. Beesha Kablalax ama Daaroon oo ay ku abtirsadaan dadka deegaanku, lana siman beesha dagta Somaliland ee Isaaq iyo inta ay cagaha ku wattaan Ayaan Wali dagaalka Soogalin iyaguna.
6. QORSHAHA DAGAALKA: Qorshaha Dagaalka dadka deegaanku waxaa uu haatan u egyahay mid waji Cusub galay, yeelana doona wajiyo kala duwan.
A. In lasugo Weerarka Somaliland ku dhawaaqday, si loo helo fursad lagu naafayn karo Ciidanka Weerarka ah.
B. In la bilaabo weeraro joogto ah, oo isugu jira kuwo Garba siman ah iyo Kuwo Kudhufo oo ka dhaqaaq ah.
T. In ay bilaabato Jid gallo lagu sameeyo wixii gurmad ah, ama dhaq dhaqaaq kasta oo ku wajahan Gooja cadde.
7. MAXAY LUMIYEEN: Intii uu dagaalkaani socday waxaa dadka deegaanka soogaaray naafooyin kala duwan.
A. Waxaa ay lumiyeen 4sargaal oo Muhiim ah.
B. Waxaa hawl gab noqotay in ka badan 10gaari oo wax yeelooyin kala duwa soo gaareen iyo kuwo shaqayn waayey (Gaadiidka Hawl gabka ah ayaa ku yaraa, maadaama dhamaan gaadiidka Laas caano yimid uu ahaa mid Soconayey oo shaqaynayey, lana soo xulay markii lasoodirayey).
T. Waxaa saaxada Dagaalka ka baxay ku dhawaad 300 ilaa 700 as kari
J. Waxaa geeriyooday tiro badan oo Shacab ah oo duqayn lagu dilay.
X. Waxaana khasaare balaaran iyo bur bur loogaystay Magaaladii laas caano.
8. GUULAHA: Inta uu dagaalkaani socday, waxaa ay dadka deegaanku gaareen guulo waaweyn oo muhiim u ah deegaankooda iyo dagaalkaba.
B. Waxay qabsadeen Magaaladii Laascaano oo ah magaalo madaxda Gobolka Sool.
T. Waxay Qabsadeen Deegaano ay Somaliland Xukuntay, Tukaraq, Gambara, Kala jeexa iyo Tuulooyin yar yar.
J. Waxay gacanta ku dhigeen 7 talis oo muhiim ah, fariisomo yar yar iyo gooba ilaalada la saarto.
X. Waxa soobandhigeen oo qabsadeen gaadiid Dagaal oo dagaalka dib u galay.
J. Hadda waxay dib u qabsadeen marino kuhiim u ahaa isu socodka Gooja cadde iyo Somaliland inteeda kale.

08/03/2023

.

Saaka Saacadsa Geeska Africa markay ahayd 8
subaxnimo Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee dowladda Puntland waxa ay xukun toogasho ah ku fulisay Xukumanayaal ka tirsanaa Ururada Alshabaab iyo Daacish kuwaas oo tiradoodu gaareysay isku geyn 13 nin.

Fulinta toogashada ayaa ka kala dhacdey magaalooyinka Galkacyo,Garowe iyo Bossaaso.

Magaalada Galkacyo waxaa lagu toogtey 5 nin oo ka tirsanaa Amniyaadka Alshabaab kuwaas oo h**ey dilal iyo Qaraxyo la sheegay inay uga geystey xaafada Wadajir ee dhinaca Galmudug.

Garowena waxaa lagu toogtey Shubeyb oo sanadki 2016 lagu qabtey dagaaladi Ciidamada Puntland kuwso Afjareen Puntland kuso duushey sanadki 2016 ee ka dhacay Suuj,Garmaal iyo Kulub balse inti Cafis lo fidideyey kuso laabtey Garowe isago dilal hor leh kaso geystey magaalada Muqdisho.

Bossaaso waxaa lagu dilay mid kamid ah Shabakadihi dadka Reer Bossaaso madaxa u duuban jirey ee marar kala duwanaa ka tirsanaa Daacish iyo Alshabaab oo tiradoodu gaareysay 6 nin.

05/03/2023

Garaad Jamac Garaad Ismail Waraysi Bixiyey

Caasimada hartiga waa garoowe e waxay dhigtay taariikh lama ilaawaan ah, waxayna cadaysay sababta ay caasimad tol waynah...
01/03/2023

Caasimada hartiga waa garoowe e waxay dhigtay taariikh lama ilaawaan ah, waxayna cadaysay sababta ay caasimad tol waynaha ugu tahay. Dib u dejintii shacabka kasoo barakay laascaanood ayay hormuud u noqotay caasimadu,guryahana si bilaash ah ayaa lagu dagayaa. Cisbitaalada ayaa si bilaash ku dawaynaya dhaawacyada, marka inyaroo qiima dhimis aad u fiican samaysay laga reebo. Dawlada hoose ayaa hormuudka ka ah gurmadka saadka ee cuntada iyo daawada..

Iskuulada waxaa shacabkii soo barakacay looga dhigay bilaash guud ahaan puntland mana jirto shuruudo iyo lacag la isku xujaynayo toona..

Baabuurta bajaajta ayaa maalin gooniya loo xidhay xoogsatadii ku shaqaysan jirtay, si'ay quudkooda usoo dhacsadaan.. adigu yaan war idinku daaline nin garoowe yimi qax iyo barakac toona dareemi maayo..

Inaan garowe ku dhashay, ku bar-baaray, ku koray, wax ku bartay, magaaladaydiina ay tahay runtii waaku faanayaa.. shacabka reer garoowe ee gobta ahna sidii aan la jeclaa way kasii badiyeen.

Cali Sondoon

Garowe Puntland

Deni oo ku fashilmay Qorshe uu Boqor Burhaan ula tegay.M Deni oo Mudo xileedkiisu Gabo Gabo-yahay ayaa Bosaaso kula kulm...
10/02/2023

Deni oo ku fashilmay Qorshe uu Boqor Burhaan ula tegay.

M Deni oo Mudo xileedkiisu Gabo Gabo-yahay ayaa Bosaaso kula kulmay isimada Puntland qaarkood, Gaar ahaan Boqorka & Ugaas Yaasiin.

Ilo Wareed aan Helay baa ii sheegay in Deni markii h**e codsaday inuu Duubabka dhaqanka kula kulmo Xerada PMPF, oo ah Meesha uu ka Degenyahay Bosaaso, hase ahaatee Boqorka ayaa diiday inuu tago xerada ciidamada Imaaraadka ee Duleedka Bosaaso.

Siciid C/laahi Deni wuxuu Boqor Burhaan kala hadlay inuu bixinayo Mag-dhowgii Dadkii ku dhintay Colaadii uu maleegay ee Bosaaso, taas bedelkeedna uu Boqorku xaliyo arrimaha Gobolka Nugaal, isla markaana uu yareeyo oo Deni kala Shaqeeyo Mudo kordhin uu kaligiis riixayo hase ahaatee Boqorka ayaa arrimahaasi dhamaantood diiday.

Deni oo Mudo xileedkiisu Gabaabis yahay ayaa wajahaya culays Siyaasadeed oo ay u dheer-tahay Dagaalka Gobolka Sool oo aanu si quman uga hadlin.

Maxaad ka fahantay Qoraalkayga!👇

Xogo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaysa in is faham-waa xooggan soo kala dhex galay Cabdirisaaq Khaliif iyo Muuse Biixi. ...
09/02/2023

Xogo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaysa in is faham-waa xooggan soo kala dhex galay Cabdirisaaq Khaliif iyo Muuse Biixi.

Guddoomiyaha Baarlamanka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif ayaa sida la sheegayo Taliska Muuse Biixi ka dalbaday in Ciidamada laga saaro Gobolka Sool si loo helo jawi lagu bilaabi karo wada-hadal.

Waxaase wararku tilmaamayaan in dalabkaas uu ku gacan-sayray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi islamarkaana ku adkaystay in Ciidamada Somaliland sii joogayaan Gobolka Sool.

Xiriir dhanka Taleefonka ah oo saacadihii la soo dhaafay dhawr jeer dhexmaray Muuse Biixi iyo Cabdirisaaq Khaliif ayaa la sheegayaa in uu isfam la'aan ku dhammaaday.

Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif ayaa ku sugan magaalada Laascaanood halkaas oo buuraha u dhow maalintii afraad uu ka socdo dagaal u dhexeeya Ciidamada Somaliland iyo Ciidamada SSC.

06/02/2023

: War murtiyeedka shirkii laascaanood ka socday in kasta oo ay qoraalka ku soo sareen luqada English-ka balse turjumaadeedu waa intan;

Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Og: Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (Labada Aqal)

Og: Xubnaha Golaha Ammaanka

Og: Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Og: Guddoomiyaha Midowga Afrika

Og: Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta

Og: Dawladaha xubnaha ka ah IGAD

CC: Dhammaan ergada diblumaasiyadeed ee Soomaaliya

BAAQ LAASCAANOOD

5 Febraayo 2023.

Shacabka Soomaaliyeed iyo inta badan Beesha Caalamka ayaa ka warqabta in 15-kii sano ee u dambeeyay ay deegaanada SSC-Khaatumo kala kulmeen dhibaatooyin badan oo ay sababeen in ay si sharci darro ah ku joogaan maamulka gooni-goosadka ah ee Somaliland. Dhibaatooyinkaasi waxa ka dhashay kacdoonkii loo yaqaanay “Kacdoonka Buluuga ah” kaas oo shacabka ku dhaqan goboladaasi ay u istaageen inay ka soo horjeestaan gooni-isu-taagga Somaliland, iyagoo si hagar la’aan ah u taagay calankii Soomaaliyeed ee buluugga ahaa. Waxay ka dhiidhiyeen ajandayaasha xasuuqa ah ee lagu beegsanayo muwaadiniinta caanka ah, cunaqabataynta dhaqaale ee ka hortagaysa joogitaanka hay’adaha horumarinta ee goboladan, ku xad-gudbida xuquuqdooda nololeed, xoriyada iyo raadinta farxadda.

Si looga hortago dhibaatooyinkaas, waxaa lagama maarmaan noqotay in la qabto shirweyne aayo-ka-tashi ah oo ay isugu imaanayaan madax-dhaqameedka, culumaa’udiinka, waxgaradka, haweenka iyo ururada dhalinyarada iyo dhammaan qeybaha bulshada rayidka ah. Waxay shirka ku qabteen magaalada Laascaanood ee xarunta u ah gobolada SSC-Khaatumo 28 January 2023 ilaa 5 February 2023.

Falanqeyn dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka dib, ergadu waxay si wadajir ah isugu raaceen qodobbada soo socda.

1- Waxaan cadeyneynaa in aanan ka tirsaneyn Maamulka Somaliland, isla markaana aanaan marnaba ogoleyn, kana qeyb qaadaneyn barnaamijka gooni-isu-taagga, inkastoo maamulka Somaliland uu isku dayayo inuu nagu khasbo si ka soo horjeeda xeerarka iyo xeerarka caalamiga ah.

2-Deegaanka SSC-Khaatumo waxay ka tirsan yihiin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna u taagan yihiin midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

3. Ergadii shirka maamul u samaynta SSC iyo Khaatumo waxay doorteen 45 xubnood oo ka kooban 45 xubnood oo maamuli doona arrimaha deegaanada SSC-Khaatumo.

4-Shirweynaha aayo-ka-tashi ee SSC iyo Khaatumo wuxuu ku dhawaaqayaa in dhulka SSC- Khaatumo lagu maamuli doono dastuurka iyo shuruucda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

5. Annagoo ka duulayna qodobka 48-aad ee dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, xubintiisa 2-aad, waxaan go’aansannay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay maamusho gobollada SSC-Khaatumo inta laga dhameystirayo federaaleynta dhulka Soomaaliyeed.

6. Maamulka Somaliland waa in uu ixtiraamaa rabitaanka iyo rabitaanka shacabka SSC-Khaatumo ee ku aaddan aayo-ka-tashigooda, maamulka Somaliland-na uu ciidamadiisa kala baxo dhulka SSC-Khaatumo shuruud la’aan.

7. Waanu soo dhawaynaynaa wadahadal kasta oo lala yeesho Somaliland, waa marka ay si buuxda ciidamadooda ugala baxaan deegaanada SSC-Khaatumo.

8. Waxaanu halkan ku cadaynaynaa in aanu ahayn argagixiso sida uu maamulka Somaliland isku dayayo in uu nagu sumadeeyo. Anagu waxaanu nahay dadkii lahaa deegaanada SSC-Khaatumo ee ay Somaliland ku soo duushay oo ay xoog ku qabsatay. Isla markaana aanu diyaar u nahay oo aanu awood u lahayn in aanu ilaalino oo aanu ilaalino amniga deegaamadayada, waxa aanu diyaar u nahay in aanu kala shaqayno maamulada iyo gobolada aanu dariska nahay wax kasta oo khuseeya amniga, nabadgalyada iyo xasiloonida.

9. Shaki kuma jiro in Maamulka Somaliland uu masuul ka yahay dilalka iyo dilalka qorsheysan ee loo geysanayo shacabka SSC- Khaatumo ee 15-kii sano ee u dambeeyay ay dhulkeena xoog ku heystaan. Waxaaba laga yaabaa in taasi ay sare u kacdo olole lagu xasuuqayo shacabka SSC-Khaatumo. Tani waxay abuurtay jawi cabsi leh oo saameyn xun ku yeeshay maal-gashi iyo dhaqdhaqaaq ganacsi.

10. Waxaan ugu baaqaynaa Madax-dhaqameedka, Culimo-awdiinka iyo Waxgaradka Beesha Isaaq inay maamulkooda ku qanciyaan inuu ciidamadiisa kala baxo SSC-Khaatumo.

dhulalka iyo ka hortagga amni-darrada iyo suurtagalnimada colaad aan loo baahnayn oo waxyeello leh.

11. Waxaan beesha caalamka iyo hay’adaha xuquuqul insaanka ugu baaqaynaa inay baaritaan ku sameeyaan gabood-fallada uu maamulka Somaliland u geystay dadkeenna.

12. Waxaan ugu baaqaynaa dowladda federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka in ay si toos ah ula macaamilaan guddiga maamulka loo doortay ee u xilsaaran in ay maamulaan dhammaan arrimaha khuseeya deegaanada SSC-Khaatumo.

13. Natiijadii iyo go’aamadii ay si wadajir ah oo wada jir ah u gaadheen dhammaan ergadii ka qayb-galaysay shirweynihii aayo-ka-tashi ee ka dhacay magaalada Laascaanood, waa kuwii ugu dambeeyay, waxaana lagu beddeli karaa ama lagu beddeli karaa hab-raac iyo hab-maamuus isku mid ah.

=Dhamaad=

06/02/2023

: Ciidamada Somaliland oo gaadiid dagaal laga furtay

Dagaal u dhexeeya maleeshiyaadka Somaliland iyo xoogagga Daraawiishta xaq u dirirka SSC ayaa ka socda duleedka Laascaanood.

Maleeshiyaadka Somaliland ayaa sida wararku sheegayan weeraray ciidamada difaaca SSC ee ku sugan Laascaanood.

Balse Ciidamada degaanka ayaa iska difaacay duullaanka Taliska Muuse Biixi waxaana maleeshiyaadka Somaliland lagu jebiyay saddex aag sida xogaha lagu helayo.

Ciidamada SSC ayaa la sheegaya in ay gacanta ku dhigeen hub iyo gaadiid dagaal oo ay ku jiraan tekniko ah

Khasaaraha labada dhinaca weli faahfaahin sugan lagama hayo waxaana weli socda dagaalka.

Mudaneyaasha Labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku leh magaalada Muqdisho ayaa ajandahood...
26/12/2022

Mudaneyaasha Labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku leh magaalada Muqdisho ayaa ajandahoodu yahay akhrinta labaad ee Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2023-ka. Warbixinta horudhaca ah ayaa lagu sheegay in miisaaniyadda ay sanadkan diiradda saareyso arrimaha bulshadda, amniga, iyo ciidamadda.

Muxuu yahay ajandaha shirka Muqdisho uga furmay Madaxda Soomaaliya?Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay shirkii 4-aad ee y...
26/12/2022

Muxuu yahay ajandaha shirka Muqdisho uga furmay Madaxda Soomaaliya?

Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay shirkii 4-aad ee yeeshaan Dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir tan iyo intii uu xilka hayay Masaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaluya ayaa lagu sheegay in shirkan madaxdu ku odorayso federaaleynta garsoorka iyo asteynta awoodaha heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, arrinkan oo la xusay in ay qeyb ka ah dhammeystirka fulinta qodobbadii war-murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Madasha Qaranka 3-aad ee ku soo gaba-gaboobay Muqdisho 12-kii Sebteembar.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ay iska xog-wareysan doonaan xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Shirkan ayaa soo aadaya, iyadoo xiisad siyaasadeed ka taagan maamulka Koonfur Galbeed, taas oo la xiriirta muddo kordhinta hal sano ah ee madaxweyne Laftagareen oo diidan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed.

Siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed ee la magac-baxay (Midowga Musharaxiinta) ayaa 23 bishan ka digay in Madaxweyne Laftagareen ka qaybgalo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho, iyagoo ku eedeeyay in uu shacab ku xasuuqay

22/12/2022

Ilhan Omar oo si wayn loogu soo dhaweeyay Garowe

Adresse

Worms

Öffnungszeiten

Samstag 09:00 - 17:00
Sonntag 09:00 - 17:00

Telefon

+17657746833

Webseite

Benachrichtigungen

Lassen Sie sich von uns eine E-Mail senden und seien Sie der erste der Neuigkeiten und Aktionen von HOPE TV erfährt. Ihre E-Mail-Adresse wird nicht für andere Zwecke verwendet und Sie können sich jederzeit abmelden.

Service Kontaktieren

Nachricht an HOPE TV senden:

Videos

Teilen

Kategorie


Andere Fernsehsender in Worms

Alles Anzeigen

Sie können auch mögen