Mohamud Muuse Dulyar

Mohamud Muuse Dulyar Aragti Hadal iyo Falaqeynta Siyaasadeeda.

05/03/2025

Daawo l Said Qarbadka Puntland oo ay bulshada reer sanaag fahman?

02/03/2025

XOREYN LA XARAASHAY !.

Aragtidan isku sidkan ee kasoo yeertay Faysal Waraabe iyo Buur-madow ma aha xaajo ugub ah, balse waxay qayb weyn ka tahay xogo xasaasiya oo aan si daahfuran u gorfeeyey goor h**e, kuna qeexay in Siciid Qarbadka Puntland afduubka ku haysta, uu siyaasad darteed XARAASH ugu bedelay qorshihii XOREYNTA Ceerigaabo, isagoo sii dhexmaray Buur-madow.

Dulucda sheekadani, waxay ina baraysaa in sababta uu Siciid Qarbad u furay dagaalka buuraha calmiskaad lafteeduna in ay siyaasad ahayd, isagoo ku hamiyey in qorshaha xoreynta Ceerigaabo oo la xaraasho ay u dhali karto laba xaalo oo kala ah (Baajinta Baraaruga Bulshada Warsangeli iyo Dhulbahante & hanashada Codadka Beelaha Isaaq ee Federaalka), waana sababta Said Qarbad uu dhiiga hal-yeeyada Puntland ugu daadinayo Calmiskaad.

Waxaadna ka arkaysan Siyaasiyinta iyo Isimadda dhaqanka Beelaha Isaaq oo banaanka la soo istagay in ay qeyb ka yihin Olalaha Said Deni Doorashada Faderalka ee lagu wado in ay dhacdo 2026-ka.

Qalinkii / MM Dulyar.

28/02/2025

Aduunyow oo xaalka ba!

Reer Puntland in uu gabal baas u dumay waxaa ku cadaynaysa waxay markii Saddexda Madaxweyne Soomaaliyeed la doonayaan Saciid Abdullahi Deni oo ah siyaasi Fashilmay oo kuna asqoobay siyaasada faderalka laba Doorasho is xigtana ka waayey wax codad ah uu ugu gudabo Wareegga Guusha.

Ma garanaayo foolxumo ka weyn in Saciid Abdullahi Deni oo labo jeer h**e sanka laga qabsaday in aan mar saddexda horgeyno Soomaali weyn waa fahamdaro iyo rajo xumo reer Puntland haysta ma waxaan waynay rag aan siyaasada ahaan gadi karano mise waa talo xumo siyaasadeeda mise mar kale oo saddexda baan daawanaa isaga oo la leeyahay Saciid Abdullahi Deni uma uusan gudbin Wareegga xiga?

Maxay kula tahay Adi inleen talada wax baad ku leedahay?

Maxaa kaga baxay Hadalka Deni?Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Deni oo caawa shacabka la hadlay ayaa ku dhawaaqay i...
27/02/2025

Maxaa kaga baxay Hadalka Deni?

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Deni oo caawa shacabka la hadlay ayaa ku dhawaaqay in gacanta ku hayaan xoog sirdoon oo ka dhan ah dadka gacan saarka la leh uruurka aragagixisid ee Daacisha.

"Cidkasta oo la shaqeysa Daacish waa in ay iskaga baxaan oo dowlada cafis weydiistaan mudo todobo beri gudohood, waxaan haynaa magacyada dadkaasi oo iskugu jira Ganacasato, Culimo, dhaqan iyo kuwo bulshada magac ku leh"

Aniga aragtiday waxaa iga soo baxday Haddan aqoon caqliyada Said Deni in uu doonayo rag ay siyaasad isku hayaan in uu wasakheeyo waadna ogaan doontan maalin dhow wuxuu warbaahinta la soo istagayaa dad magaac leh oo la sumcad dilayo.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed ayaa maalinta berri ah booqasho rasmi ah ku imaanaya magaalada  Muqdisho, t...
27/02/2025

Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed ayaa maalinta berri ah booqasho rasmi ah ku imaanaya magaalada Muqdisho, taasi oo jawaab u ah safarkii Madaxweyne Xasan Sheekh uu horraantii sannadkan 2025 ku tegaley Addis Ababa, kaddib Baaqii Ankara oo dowladda Turkiga garwadeenka aheyd, laguna xaliyay khilaafkii diblomaasiyadeed ee labada dal.

Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa berri ka soo dagaya garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee Muqdisho, waxaana si weyn loo adkeeyay Ammaanka Muqdisho, qeybo ka mid ah duulimaadyada gudaha iyo kuwa dibadda la hakiyay, inta aan ka aheyn duulimaadyada Turkish Airlines iyo Ethiopian Airlines.

Sawirada Abiy Ahmed ayaa lagu dhejiyay wadada dheer ee garoonka Diyaaradaha illaa Madaxtooyada, waa booqashadii labaad rasmi ah oo Ra’iisul Wasaare Abiy ku imaan doono Muqdisho, kaddib safarkiisii u horreeyay sanadkii 2019.

Kaddib safarka Abiy ayaa la filayaa inuu todobaadyo kaddib uu Soomaaliya iyo Ethiopia booqasho Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo isku mari doona Muqdisho iyo Addis Ababa.

23/02/2025

Hadalka Taliye Daraawiishta Puntland Maxaa Laga la soo bixi kara?

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland Gen Adan Abdi Xaashi ayaa si cad u sheegay goobaha iyo talisyada ay ku sugan yihin Ciidanka Daraawiishta Puntland,waxaana arrintaas aad u la yaabay khuburada arrimaha ciidaanka ku xeer-dheere iyaga oo is waydiyey horta Taliyuhu yuu u sheegayaa meelaha ay ciidamadda Puntland ku sugan Yihin?

Ma waxaa loo qaadan karaa marin hebel iyo wadado hebel baa idin furan ka baxa mise waa xeelada Cadowga lagu dhagarayo bal adab? Maxaa keeni kara bay kula tahay in Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland Mudan Adan Abdi Xaashi uu Mediyaha la soo fariisto istaraajiyadda ciidaanka iyo goobaha gaarka ah ay talisyadda ku leeyihin in uu magaacooda sheego.

23/02/2025

RW Xamse"lama rabo in maamul-goboleedku inu Jabhadnimo u dalaco"

Xaqiiq: Gudiga Taakulanta ciidaamadda Puntland oo xubno Daacish ah laga helay.Warar hoose oo aan ka helayno sargaalkii a...
18/02/2025

Xaqiiq: Gudiga Taakulanta ciidaamadda Puntland oo xubno Daacish ah laga helay.

Warar hoose oo aan ka helayno sargaalkii amaanka Puntland ayaa noo sheegay in Gudiga Taakulada Ciidamada Puntland in laga dhexe helay xubno is hoose u la shaqeynayey uruurka aragagixisid Daacish oo ay hadda Puntland dagaal culus kula jirto.

Ilo ka tirsan ha’yadda sirdoonka Puntland ayaa i sheegayey in ay dhawan furimaha dagaalka geeyeen qalabka wax lagu dhageysto oo markii h**e loogu talogalay in ciidaan iyo cadowga lagu dhageysto laakinse waxaa ka soo baxay codad la yaab leh kadib markii xubno sare-sare oo ka tirsan Gudiga Taakulanta Ciidamada Puntland la helay iyaga oo cadowga Daacish xogo xasaaasi ah siinaya.

Arrintan ayaa ilaa hadda ah mid la qarinayo sababto ah haddii ay banaanka timado waxaa laga baqayaa in uu fashil ku yimado dagaalka lagu hayo uruurka aragagixisid ah ee Daacish.

MMDulyar

AFGEMBI & AFDUUB.Siciid Qarbad iyo kooxdiisu, waxay ku tala galeen inay afgembi ku sameeyaan cid kasta oo u diyaarsan in...
17/02/2025

AFGEMBI & AFDUUB.

Siciid Qarbad iyo kooxdiisu, waxay ku tala galeen inay afgembi ku sameeyaan cid kasta oo u diyaarsan inay bulshada ka badbaadiso khiyaamada maamulka Saciid Qarbad kana aragti duwan, waana sababta keentay in ciwaankaygii uu maamulka Qarbad AFDUUB ku qaato oo usoo diro qaaqlayaashiisa baraha bulshada.

Balse waxaan bulshada u bayaaminayaa in ciwaanka la afduubtay si dhakhso ah loo soo celinayo, inta kahoraysana halkan ayaynu isku dhaafsan doonaa, waana baahin doonaa xog kasta oo caqabad ku ah horumarka bulshadeena.

Qalinkii / MM Dulyar

Adresse

Mühlweg 17
Regensburg
93053

Benachrichtigungen

Lassen Sie sich von uns eine E-Mail senden und seien Sie der erste der Neuigkeiten und Aktionen von Mohamud Muuse Dulyar erfährt. Ihre E-Mail-Adresse wird nicht für andere Zwecke verwendet und Sie können sich jederzeit abmelden.

Service Kontaktieren

Nachricht an Mohamud Muuse Dulyar senden:

Videos

Teilen