Hayaan Somali TV

Hayaan Somali TV Hayaan Somali TV we focus on people and events that affect people's lives. waad ku mahadsan tahay Booqashadada

We bring topics to light that often go under-reported, listening to all sides of the story and giving a 'voice to the voiceless.'

11/02/2025

Maxaa Keenay JABKA KOOXDA RSF

Kooxda Rapid Support Forces (RSF) ee ka dagaallanta Suudaan waxay wajahday jab soo dadajiyay sababo badan oo is biirsaday. Qodobada ugu muhiimsan ee dardar geliyay dib u gurashadooda iyo guul-darrooyinkooda waa:

1. Weeraradda Cirka ee Militariga Suudaan

Militariga Suudaan (SAF) ayaa adeegsaday diyaaradaha dagaalka si ay u burburiyaan saldhigyada muhiimka ah ee RSF. Maadaama RSF aysan lahayn awood difaac oo ka dhan ah duqeymaha cirka, waxay la kulmeen khasaare culus.

2. Xaalad Taakulayn La'aan iyo Daalkii Dagaalka

RSF waxay dagaal ku jirtay muddo bilooyin ah iyadoo isku dayeysa inay gacanta ku hayso magaalooyinka muhiimka ah. Taasi waxay sababtay in ciidankoodu uu daalo, sahayduna gabaabsi noqoto, taasoo hoos U dhigtay awooddooda dagaal.

3. Kala Jabka Hoggaanka RSF

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in hoggaanka sare ee RSF uu kala qeybsamay. Tani waxay keentay in amarku noqdo mid aan isku xirnayn, taasoo sahashay in ciidankooda la jebiyo.

4. Militariga Suudaan oo Taageero Dibadda ka Helay

Militariga Suudaan ayaa la tuhunsan yahay inuu helay taageero dibadda ah, gaar ahaan dhinaca hubka iyo sirdoonka. Taasi waxay sahashay inay si qorsheysan u garaacaan xarumaha muhiimka ah ee RSF.

5. Shacabka oo Ka Horyimid RSF

RSF waxay sameysay xadgudubyo badan oo ka dhan ah shacabka Suudaan, taasoo keentay in dadku ay taageeraan Militariga Suudaan halkii ay RSF la safan lahaayeen. Arrintani waxay niyad-jab weyn ku keentay dagaalyahannada RSF.

6. Xariirkii Suuq Madowga Hubka oo Go'ay

RSF waxay h**ey uga heli jirtay hub iyo saanad suuq madow ah, oo imaaraatka carabta laakiin weerarro ay SAF la beegsadeen sahaydii RSF iyo xuduudaha laga keeni jiray hubka ayaa yareeyay awooddoodii dagaal.

Gunaanad

Jabka RSF waxaa sabab u ah isku darka awoodda sare ee Militariga Suudaan, taageerada ay dibadda ka heleen, burburka xiriirka hoggaanka RSF, iyo shacabka oo ka horyimid. Waxaa la filan karaa in RSF sii daciifto haddii aysan helin taageero dibadda ah ama dib u habeyn ku sameynin istiraatiijiyadooda dagaal.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in ciidamadeeda milateriga ay diyaar u yihiin inay qaadaan tallaabo kasta oo lagama maar...
11/02/2025

Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in ciidamadeeda milateriga ay diyaar u yihiin inay qaadaan tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah, kaddib markii ciidamada badda ee Mareykanka ay si degdeg ah u weerareen markab hoosaadka Nukliyeerka ah oo ku xirtay deked ku taalla magaalada Busan ee Kuuriyada Koonfureed, waxayna ku eedeysay Mareykanka inuu khatar weyn ku yahay ammaanka qaranka.

Wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi ee KCNA ayaa Talaadadii ka soo xigatay wasaaradda gaashaandhigga dalkaasi in bayaan ay soo saartay ku sheegtay in joogitaanka markabka nukliyeerka ee Maraykanka ee gacanka Kuuriya ay tahay "hadal cad oo muujinaya nacaybka aan kala go'a lahayn ee Maraykanka ee iska horimaad"

Hayaan Somali TV

09/02/2025

Update:- Dagaal xoogan oo udhaxeeya ciidamada xooga dalka oo garab ka helaya kuwa deegaanka iyo kooxda alshabaab ayaa hada kasocda deegaanada bacadka faarax aadan iyo ceelka deegaanka oo hoostaga degmada xareerdheere Ee gobolka mudug.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo katirsan kuwa deegaanka oo kujira roondo ay la kulmeen koox katirsan khawaarijta alshabaab oo ku dhuumaaleysaneysa wadada katimaada ceelka deegaanka, waxaana hada halkaas gurmad ku gaarey ciidamo kale oo katirsan kuwa xooga iyo kuwa deegaanka.

Hayaan Somali TV

Madaxweynaha Dawladda Maraykanka ayaa Amar buuxa ku Baxshay in duqaymo lagu Garaaco goobaha gabaadka u ah Kooxda khawaar...
01/02/2025

Madaxweynaha Dawladda Maraykanka ayaa Amar buuxa ku Baxshay in duqaymo lagu Garaaco goobaha gabaadka u ah Kooxda khawaarijta Daacish ee kusugan Buuralayda Calmiska ee Gobalka Bari Soomaaliya.

Ciiddamada Faransiiska ayaa si k**a dambaysa uga baxay dalka Chad ka dib 70 sano oo ay halkaas ku sugnaayeen. Madaxweyna...
01/02/2025

Ciiddamada Faransiiska ayaa si k**a dambaysa uga baxay dalka Chad ka dib 70 sano oo ay halkaas ku sugnaayeen. Madaxweynaha Chad Maxamed Idiriis Deby ayaa ku dhawaaqay in la soo afjaray joogitaankii ciidanka Faransiiska ee Chad isla markaana ay Paris ogolaatay dalabkii ay u direen ahaa in ay ciiddamadooda kala baxaan.

Faransiiska oo ahaa dalka ugu badan ee ciiddamadu ka joogaan Qaaradda Afrika ayaa sannadihii u dambeeyey laga dalbaday in uu ka boxo waddamada Mali, Niger, Senegal, Ivory Coast iyo Burkina Faso.

Waxana hadda Faransiiska ciiddamadiisu Afrika kaga sugan yihiin dalalka Djibouti iyo Gabon oo keliya taas oo u ah Dawladda faransiiska Guuldaro iyo waji Gabac aad u wayn taas oo uu lakulmo wadan kamid ah Quwadaha Caalamka.

Aruntaan ayaa ka dhalatay Habdhaqanka Qaladan ee uu faransiisku kula dhaqmay Qaarada Afrika asaga oo muda dheer kula dhaq mayey hab dhaqan aay ku naceen wadamadii Afrika ee uu horay u gumaystay.

Hayaan Somali TV

Dunida casriga ah waxaa isa soo taraya halis cusub oo dhinaca amniga ah—FPV drones (First-Person View drones) oo si weyn...
01/02/2025

Dunida casriga ah waxaa isa soo taraya halis cusub oo dhinaca amniga ah—FPV drones (First-Person View drones) oo si weyn usii casriyoobaysa. Waa diyaarado aan si fudud looga dareemi karin raadaarka, awoodna u leh inay si sax ah ugu duulaan hawada sare iyo dhulka hoose, iyagoo fuliyaan weerarro halis ah. Dalal leh nidaamyada difaaca cirka ee ugu casrisan ayaa ku guuldarraystay inay ka hortagaan khatartan cusub!

Askarta illaalada madaxda Soomaaliyeed gaar ahaan koonfurta soomaaliya waxay la kulmayaan xaalad aan h**e loo arag—waqti kasta waa inay feejignaadaan, indhahoodana aysan ka qaadin cirka! Weerarro lama filaan ah ayaa iman kara xilli kasta, meel kasta oo ay madaxdu joogaan. Taasi waxay ka dhigan tahay in ay adkaan doonto in madaxdu daqiiqad meel banaan istaagaan, nolol cabsi badan ayaana u bilaaban doonta, taas oo xabsi la mid ah, iyagoo mar kasta halis ugu jira duqeymo aan la filayn.

Xalka? Waa in si degdeg ah looga fikiraa sidii amniga madaxda loo xoojin lahaa kahor inta aysan dhibaato weyn dhicin! Waxaa lagama maarmaan ah in la helo nidaamyo difaac oo waxtar leh, oo la jaan-qaadi kara halisaha cusub ee ka dhashay horumarka teknolojiyadda casriga ah.

Sugnaanta amniga waa mudnaan—haddaan si degdeg ah wax looga qaban, waqti dambe lama heli doono!

Mohamed Salaad oo ah Wiil Soomaaliyeed ayaa loo xiray danbi la xariira in isaga oo aan haysan sharciga gaari wadista uu ...
30/01/2025

Mohamed Salaad oo ah Wiil Soomaaliyeed ayaa loo xiray danbi la xariira in isaga oo aan haysan sharciga gaari wadista uu shil galay, isla markaana dhaawac daran u gaystay gabar 17 jir ah oo gaari kale wadatay gobolka Minnesota.

Gabadhan oo ah gabar cadaan ah waxaa gaaray dhaawac halis ah oo ay muujinayaan in nafteedu halis gashay isla markana ay suurogal tahay in ay curyaanto.

Waxaa la xusay in uu ku socday xawaaro aad u sareeya mana jirin wax masuuliyad ah oo uu iska saaray in uu gaarigiisa xakameeyo sida warka lagu xusay.

Mohamed h**ey ayaa loogu qabtay danbiyo la xarira gaari wadista waxana u haystay digniino la xariira in uusan gaari wadi karin.

Qoyska gabadhan cadaanka ayaa ku andacoonaya in gabadhooda kas loo dili rabay maadam ay muuqato masuuliyad xumada Darawalka dhibka gaystay.

Arinta Mohamed Salad waxaa sii murjinaysa in uusan haysan sharciga gaari wadista taas oo ka dhigan danbi weyn.

Hayaan Somali TV

28/01/2025

Gobalka hiiraan Bartamaha Soomaaliya waxaa markale dib uga Curtay Dagaalka lagulajiri kooxda khawaarijta AS kuwaas oo dhibaato iyo Xasuuq kawada guud ahaan Dalka Soomaaliya.

Dagaal socday 24 Saacadood kaas oo dhexmaray Xoogaga macawislayda oo Taageero ka helaya Militariga Soomaaliya ayaa Cagta mariyey Goobo badan oo aay horay ugu sugnaayeen maleeshiyadka Khawaarijta waxana dagaalka lagu dilay in kabadan 30 khawaarijta.

Hayaan Somali TV

DEG DEG: SSC-Khaatumo oo mamnuucday Ajaanibta deegaanka Soogalaya.Warqad hada kasoo baxday Wasaaradda Amniga Maamulka SS...
28/01/2025

DEG DEG: SSC-Khaatumo oo mamnuucday Ajaanibta deegaanka Soogalaya.

Warqad hada kasoo baxday Wasaaradda Amniga Maamulka SSC-Khaatumo ayaa lagaga hadlay qatarta amni ee ajaanibta soogalootiga ah iyo kuwa sharci darada kujoogo.

Warqadaan ayaa waxaa kuqoron 6 qodob oo halista ajaanibta lagaga hadlay oo ay kamid yihiin ganacsiyada yar yar ee ajaanibta suuqyada la wareegan.

Hayaan Somali TV

Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyootay xaaska fanaanka caanka ah ee Dayax Dalnuurshe, sida ...
08/01/2025

Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyootay xaaska fanaanka caanka ah ee Dayax Dalnuurshe, sida ay xaqiijiyeen dad ku dhow fanaanka.

Marxuumadda oo lagu magacaabi jiray Farxiya The Boss Lady ayaa la sheegay ay maalmahan ay xanuusaneyd, isla markaana ay ugu dambeyn saaka geeriyootay.

Geerida kahor waxaa jiray qoraal kooban oo uu Dayax soo galiyay mid kamid ah barahiisa bulshada, isaga oo dadka Soomaaliyeed uga codsaday inay soo duceeyaan xaaskiisa oo xanuunsan, balse saaka ay ku geeriyootay mid kamid ah isbitaallada magaalada Muqdisho.

Farxiyo ayaa ahayd gabar dhalinyaro ah oo aad u firfircoon, isla markaana si weyn looga yaqaanay baraha bulshada ee ay Soomaalida ku wada xariirto.

AUN geerida kadiska ah ee ku timid marxuumadda ayaa dhalisay hadal-heyn xoogan, waxaana tacsideeda si weyn looga dareemay baraha bulshada ee Internetka.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa inay la aaso, isla markaana ehelladu ay ka warbixiyaan geerida ku timid marxuumadda oo dad badan ay ka naxeen.

Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya oo cambaareeyay go'aan Ganacsade Ajnabi ah loogu xiray dhoofi...
06/01/2025

Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya oo cambaareeyay go'aan Ganacsade Ajnabi ah loogu xiray dhoofinta Xoolaha.

Israa'iil oo duqeysay fariisimaha ciidamada Suuriya ee koonfurta XalabDuqeymaha cirka ee Israa’iil ayaa habeenkii Khamii...
03/01/2025

Israa'iil oo duqeysay fariisimaha ciidamada Suuriya ee koonfurta Xalab

Duqeymaha cirka ee Israa’iil ayaa habeenkii Khamiista lala beegsaday fariisimo ciidamada Suuriya ay ku leeyihiin koonfurta Xalab, sida ay sheegtay kooxda la socodka xuquuqda aadanaha Suuriya, halka dadka deegaanka ay sheegeen in ay maqleen qaraxyo waaweyn.

Kormeerayaasha ayaa sheegay in ay maqleen dhawaqa "ugu yaraan todobo qarax oo waaweyn oo ka dhashay ciidamada cirka ee Israa'iil oo beegsaday shaybaadhada difaaca ee deegaanka Al-Safira ee koonfurta Xalab iyo cilmi-baadhisyo cilmiyeed," kuwaas oo ah goobo ay leeyihiin ciidamada Suuriya oo laga marki xukunka laga tuuray Bashaar Al-asad.

Israa'iil ayaa boqolaal duqeymo ah ku qaaday saldhigyada militariga Suuriya kadib markii kooxo hubaysan oo ay hogaaminayso Hayat Tahrir al-Sham ay xukunka ka tuureen Assad 8-dii December.

Israa'iil ayaa qiil uga dhigtay duullaankaas iyadoo sheegtay inay doonayso inay ka hortagto in xarumahan iyo hubkaba ay ku dhacaan gacmaha cadawga.

Hayaan Somali TV

02/01/2025

Soomaaliya Sanadkii Tagay ee 2024 Soomaaliya waxa aay Aduunyada ka gashay Baal madoow Siyaasad ahaan dhawale ahaan jiritaan ahaan halka aay dhacdooyinka Liitaa aay ahaayeen kuwa maalinle u dhaca waagii soo baryaaba iyo Gabal dhacaba Warbaahintu waxay Tabinaysay wax yaabo laga Argagaxo oo mid ba mida kale ka darantahay.

Madaxda Soomaalidu Tilaabo kasta oo aay Qaadaan waxay ahayd mid Bansiin ku sii shubaysay Rajada iyo hamiga Shacabka Soomaaliyeed aay ka lahaayeen Dalkooda waxana maalinba maalinta aay ka danbaysay Sii lumaysay Rajadii Shacabka halka aay Siyaasiyuntuna aay ahaayeen kiwa ku sii kala faganayey Aragtida iyo Ra'ayiga.

Dhamaadkii Sanadkii Tagay ee 2024 Bilihii, Maalmihii, iyo Saacadihii ugu danbeeyey Arinta Siyaasiyiintu waxay ahayd mid Gacan ka hadal iyo Qoriga Afkiisa la'iskula tagay taas oo aay ka dhasheen Qasaare Naf iyo maalba leh ma ahan wax fudud gacan ka hadalku marka la eego dawladnimada aan Cagaha asag ku taagnen ee Soomaaliya.

Qilaafka ugu adag ee Siyaasadeed waa midka u dhexeeya DFS iyo maamulka Jubbaland kaas oo aay madaxda federaalku aay u adeegsadeen Talaabo Militari inkastoo Militarigii madaxda Sare aay Siyaasada u adeegsadeen aay Jubbaland maalin Cad Awoodii Militariga wiiqday hadana Dawladdu ma ahan mid wali ka quusatay inay Awood wax ku maroojiso.

Dhanka kale dhibatada kale ee Soomaaliya ka Aloosan waa Dagaalka Qabiilka waxana moodaa in Soomaaliya aay dib ugu laabatay Cudurkii Qabiilka waxana inta badan kataagan Dagaal beeleedyo hubaysan waxana moodaa Arin aay hurinayan Siyaasiyiinta dhexdooda Siyaasada isku haya, danta aay ka leeyihiina waa inay ku awr kacsadan oo kaliya.

Dhibku ma ahan mid ka imaanaya Soomaalida oo kaliya ee Soomaaliya halka ugu Culus waa Ajanabiga ama Dalalka shisheeye oo wadan waliba uu doonayo inuu danihiisa ugaarka ah ka fulsado Soomaaliya waxa uuna Qayb wayn ka yahay mushkilada kataagan wadankeena waxa uuna adeegsadaa Siyaasiyiinta doonaya inay macaash iyo dhaqaale ka abuuran Siyaasada.

W/Q Ali Fa'iid

    Dowladda Soomaaliya ayaa iska diiday codsiga Itoobiya ee kasii mid ahaanshaha ciidamada nabad ilaalinta AUSSOM. Arri...
27/12/2024

Dowladda Soomaaliya ayaa iska diiday codsiga Itoobiya ee kasii mid ahaanshaha ciidamada nabad ilaalinta AUSSOM. Arrintan ayaa imanaysa kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Asmara kula kulmay Asias Afwerki, Madaxweynaha Eritrea.

Ka reebidda ciidamada Itoobiya ee hawlgalkan ayaa la macne ah in is af garadkii Ankara burburay, isla markaana uu baaqday safar uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku tegi lahaa Addis Ababa.

Hawlgalkan ayaa waxa beddelka Itoobiya geli doonta dowladda Masar oo gudaha Soomaaliya keeni doonta 10,000 oo askarteeda ah.
Sidee uaragtaa?

Dawladda Soomaaliya oo kulankii Itoobiyaanka ee saaka war kasoo saartay ayaa sheegtay in laysku raacay madax banaani ila...
24/12/2024

Dawladda Soomaaliya oo kulankii Itoobiyaanka ee saaka war kasoo saartay ayaa sheegtay in laysku raacay madax banaani ilaalinta, sii ambaqaadida Baaqii Ankara & Itoobiya oo sheegtay in ay baarayso dhacdadii Doolow.

Soomaaliya ayaa warkan cusub kusheegtay in xariirka Soomaaliya iyo Itoobiya uu soo hagaagayo wixii ka dambeeyey is aragii Ankara, oo hadda natiijo fiican laga hayo.

Saacado kahor labada dalba waa is eedeeyeen, Itoobiyana marnaba ma in ay baaritaan ku sameynayso dhacdadii Doolow.

Dawladda Itoobiya ayaa beenisay eeda DF Soomaaliya ee ah in ay ciidanka Itoobiya ka qeyb noqdeen dagaalkii shalay ka dha...
24/12/2024

Dawladda Itoobiya ayaa beenisay eeda DF Soomaaliya ee ah in ay ciidanka Itoobiya ka qeyb noqdeen dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Doolow ee gobalka Gedo.

Itoobiya ayaa ku eedeysay in arrintan ay Soomaaliya uga gol leedahay in aan xariirka lawanaajin, ayna jirto gacan 3-aad oo daganaanta Geeska Afrika diidan, taas oo ay Itoobiyaanku u wadaan dhanka Masar.

Itoobiya iyo Masar ayaa maanta hadalo ad adag hawada isku mariyey, waxay Qaahira sheegtay in aan Itoobiya Badda Cas loo ogolaan doonin aslanba, xiligaas oo uu garabtaagnaa Axmed Fiqi oo maalmo kahor Ankara kaga qeybgalay madashii heshiiska Itoobiya iyo Soomaaliya.

Maanta, iyadoo ay dhinacyadu sidaas u hadlayaan hadana Soomaaliya ayaa u dirsatay Addis Ababa wafdi Itoobiya kala hadla sidii ay Badda kugari lahayd.

Ciidanka wadanka Ethiopia ee Sida Gardarada ah ku jooga Gudaha Dalkeena  Soomaaliya ayaa 37 Sano kadib Dagaalkii 1977 wa...
23/12/2024

Ciidanka wadanka Ethiopia ee Sida Gardarada ah ku jooga Gudaha Dalkeena Soomaaliya ayaa 37 Sano kadib Dagaalkii 1977 waxa aay Dileen Sargaalkii ugu Darajada Sareeyey Ciidanka Militariga Soomaaliya ee ku sugan Xadbeenadka Soomaaliya iyo dhulka DDS.

AUN G/dhexe Taliye Qoorgaab waxaa si bareer ah u toogtay Ciidanka Xabashida Ethiopia ee ku Sugan Degmadda Doolow Gobalka Gedo kadib markii aay Dagaalkii maanta ku Qabteen sida aay Xaqiijinayan Dadka kusugan magaladda Doolow Soomaaliya.

Qoorgaab waxa uu ahaa Sargaal katirsanaa Ciidanka Militariga Federaalka Soomaaliya waana Sargaalkii ugu Darajada Sareeyey Ciidanka Soomaaliya ee ku Sugan aaga Gobalka Gedo waxana uu Geeriyooday kadib markii uu galay Gacanta Ciidanka Ethiopian-ka kadib dagaal Culus oo dhexmaray Ciidamadda Soomaaliya iyo kuwa Xabashida.

Ethiopian-ka ayaa dilay in kabadan 10 Askari oo Soomaali ah halka aay Gacanta ku dhigeen Ciidan Badan oo Katirsan Ciidankii Soomaaliya ee joogay Degmadda Doolow Soomaaliya kuwaas oo maxaabiis ahaan aay ugu haystaan Xeryaha aay Ethiopian-ku ku leeyihiin Duleed yada Doolow.

Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa Canbaaraysay Dagaalka Qasaraha sababay ee aay Ciidanka Ethiopia ku soo Qaadeen Gudaha Soomaaliya Xili aay Dawladda federaalka Soomaaliya aay Saakay Subaxnimadii h**e Ethiopia u dirtay Wafdi heer sare ah oo lasheegay inay isdabadhigayan Heshiiskii ANKARA.

Hayaan Somali TV

Janaraalkii hogaaminayay ciidamada ilaalinta Goobaha hubka wax Gumaada ee Nugleerka wadanka  Ruushka ataa  lagu dilay qa...
17/12/2024

Janaraalkii hogaaminayay ciidamada ilaalinta Goobaha hubka wax Gumaada ee Nugleerka wadanka Ruushka ataa lagu dilay qarax

Lt Gen Igor Kirillov, oo ah sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada qalabka sida ee Ruushka, ayaa lagu dilay qarax ka dhacay magaalada Moscow ee caasimadda waddanka Ruushka.

Igor waxaa uu ahaa hogaamiyaha ciidamada ilaalada hubka nukliyeerka ee Ruushka ee loo soo gaabiyo NBC, Waxaa sidoo kale lagu soo warramayaa in qaraxaas lagu dilay ku xiigeenkiisa.

Igor Kirillow ayaa dhintay kadib markii uu qarxay bam lagu soo xiray mooto xili uu Talaadadii manta uu ka baxayay gurigiisa, Isniintii, Ukraine ayaa Kirillov ku soo oogtay dacwad ka dhan ah isticmaalka hubka kiimikada ah ee h**e looga mamnuucay Ukraine. Waxay ku eedeysay inuu geystay dembi dagaal.

Ingiriiska iyo waddamo kale ayaa ayaa h**e Kirrilov ugu soo rogay cunaqabateynsababo la xiriira doorkii uu ku lahaa adeegsiga hubka kiimikada ee Ruushka, Waxaa xilka loo magacaabay bishii April ee sanadkii 2017-kii.

Adresse

Munich

Benachrichtigungen

Lassen Sie sich von uns eine E-Mail senden und seien Sie der erste der Neuigkeiten und Aktionen von Hayaan Somali TV erfährt. Ihre E-Mail-Adresse wird nicht für andere Zwecke verwendet und Sie können sich jederzeit abmelden.

Service Kontaktieren

Nachricht an Hayaan Somali TV senden:

Videos

Teilen