BTN TV Welcome To
BTN TV | bulsho television network
is a Somali media that broadcasts reliable news.
(4)

25/11/2024

"Xasan sheekhow shalay farmaajo oo kuu diidan kismaayo ayaad u ordeysay si aad u taagertid doorashadii axmed madoobe xiligaas lagu doortay maanta maxaa is badalay"-Senator Leyla Maax

25/11/2024

Axmed Madoobe oo weerar afka ah ku qaaday Ra'iisul ware Xamze C.Barre isagoo sheegay in wiilkaas yar uu xildhibaan iyo Raisul wasare uu siiyay loo adeegsanaya burburinta maamulka jubland.

Frankfurt, Nofeembar 06, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybg...
06/11/2024

Frankfurt, Nofeembar 06, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay Shirka Maalgashiga Jarmalka iyo Afrika ayaa soo bandhigay fursadaha maalgashi ee ka jira dalkeenna iyo dadaallada dowladda ee horumarka iyo xasilloonida.

Madaxweynaha ayaa xusay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah oo aasaas u ah kobaca dhaqaale, shaqo abuur, la tacaalida isbedelka cimilada iyo amni darrada, isagoo bogaadiyay shirkan oo diiradda saaray sidii loo abuuri lahaa nidaam soo jiita maal-gashadayaasha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in Soomaaliya ay ku guulaystay qorsheyaal isbeddel dhaqaale iyo diyaarinta sharciyada dhowrista maal-gashadayaasha, iyadoo hiigsaneysa in la xoojiyo kaalinta ganacsiga gaarka loo leeyahay ee kobcinta dhaqaalaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu wehelinayey Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay soo dhaweynayso maalgashideyaasha caalamiga ah, isla markaasna ay heleyaan shacab ku tilmaaman firfircooni iyo hal abuur ganacsi.

Wasiir ku xigeenka wasaarada Dekada iyo gadiidka badda Sadam Mohamed abdi oo  deegaan doorashadiisu tahay Maamula Puntla...
06/11/2024

Wasiir ku xigeenka wasaarada Dekada iyo gadiidka badda Sadam Mohamed abdi oo deegaan doorashadiisu tahay Maamula Puntland ayaa xilkii wasiirnimo iska casisey...

Xisbiga Himilo Qaran wuxuu ka digayaa in madashu ay soosaarto go’aanno siyaasadeed oo uga sii daraya xaaladda cakiran ee...
03/10/2024

Xisbiga Himilo Qaran wuxuu ka digayaa in madashu ay soosaarto go’aanno siyaasadeed oo uga sii daraya xaaladda cakiran ee uu dalka hadda ku jiro, islamarkaana abuuri kara khilaafaad siyaasadeed oo hor leh.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa u magacaabay, Mudane S...
26/09/2024

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa u magacaabay, Mudane Sulub Axmed Firin, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XJFS.

Madaxweynihii h**e ee Soomaaliya Shariif Sheekh Ahmed.Hoggaanka dalka waxa uu shalay ka cabanaayay ku xadgudubka xorriya...
19/09/2024

Madaxweynihii h**e ee Soomaaliya Shariif Sheekh Ahmed.

Hoggaanka dalka waxa uu shalay ka cabanaayay ku xadgudubka xorriyadda dhaqdhaqaaqa muwaadiniinta iyo mas'uuliyiinta dalka. Waxaa nasiib darro ah in isla dhaqannadii shalay ay maanta dhacayaan taaso caddeyneysa inaan waxba laga baranin khaladaadkii h**ey u soo dhacay.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Gudoomiyey Shirka Golaha Wasiira...
19/09/2024

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Gudoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Xaalada Siyaasadeed ee Dalka iyo Amniga Guud Deeganada Koonfur Galbeed.

Muqdisho, Arbaco 18 Sebtembar 2024: – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo caawa kulan is...
18/09/2024

Muqdisho, Arbaco 18 Sebtembar 2024: – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo caawa kulan isugu yimid, ayaa lagu ansixiyey soo-jeedinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee magacaabista labo kamid ah Danjireyaasha Soomaaliya ku matalaya dalalka caalamka, oo kala ah:

1. Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed) – Safiir

2. Mudane Yuusuf Axmed Jeego – Safiir

Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu ansixiyey Siyaasadda habraaca Qaran ee warbixinta iyo dabagalka xuquuqul insaanka, taas oo muhiimad gaar ah siinaysa ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya. Siyaasaddan cusub ayaa la filayaa in ay kaalin weyn ka qaadato xoojinta hufnaanta iyo dabagalka ku aaddan xaaladaha xuquuqda aadanaha ee dalka.

Golaha Wasiirrada ayaa lagu soo bandhigay warbixin faah-faahsan oo la xiriirta dardargelinta qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), kaas oo lagu taageerayo horumarinta nidaamka dowliga ah iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Qorshahani wuxuu xoojinayaa isku xirnaanta hey’adaha dowladda, wuxuuna horseedayaa in la helo nidaam hufan oo lagula socdo fulinta iyo horumarinta siyaasadaha qaranka, iyada oo la hubinayo in dhammaan qorshayaasha iyo barnaamijyada dowladda ay waafaqsan yihiin yoolalka horumarineed ee dalka.

Khubaro ku xeeldheer arrimaha qorsheynta iyo maamulka dowladda ayaa golaha u soo bandhigay qaababka ugu habboon ee dalka looga hirgelin karo hannaanka NTP, kaas oo diiradda saaraya kobcinta dhaqaalaha, hagaajinta adeegyada bulshada, iyo xoojinta maamulka hay’adaha dowladda si loo gaaro horumar waara.

Sidoo kale, Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa golaha ka siiyey warbixinno la xiriira xaaladda amniga iyo dadaallada lagu xasilinayo dalka ee ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta, iyada oo la xoojiyey qorshayaasha lagu sugayo amniga iyo ciribtirka kooxaha argaggixisada.

12/09/2024

Muuqaal koobaya: Bandhiga Daraasadda Sahayda Ardayga Soomaaliyeed.

Sawiro: Bandhiga Daraasadda Sahayda Ardayga Soomaaliyeed.
11/09/2024

Sawiro: Bandhiga Daraasadda Sahayda Ardayga Soomaaliyeed.

Sawiro: Munaasabada bandhiga waxbarashada ee kobac
11/09/2024

Sawiro: Munaasabada bandhiga waxbarashada ee kobac

11/09/2024

Muuqaal koobaya munaasabada Bandhiga waxbarashada Kobac ..

08/09/2024

Qayb kamid ah su'aalaha arimaha bulshada ee BTN TV

07/09/2024

Ilyas maxmed waa wiil dhalinyaro ah oo gawaarida iyo bajaajta ku dhaqa magaalada muqdisho wuxuuna ka war bixiyay caqabadaha uu kala kulmo dadka uu baabuurta u dhaqo.

07/09/2024

Sidee ku ogaan kartaa qofka si dhab ah kuu jecel.

07/09/2024

Qofka ku jecel waa qofka wax walba oo wanaagsan kula jecel ama kugula taliya.

07/09/2024

Muuqaal koobaya isbuucii difaacashada buuga qalinjabinta ee ardayda jaamacada IMAM University

Adresse

Koblenz
56072

Benachrichtigungen

Lassen Sie sich von uns eine E-Mail senden und seien Sie der erste der Neuigkeiten und Aktionen von BTN TV erfährt. Ihre E-Mail-Adresse wird nicht für andere Zwecke verwendet und Sie können sich jederzeit abmelden.

Service Kontaktieren

Nachricht an BTN TV senden:

Videos

Teilen


Andere Medienfirmen in Koblenz

Alles Anzeigen