07/03/2024
UPDATE: Sacuudiga ayaa muujiyay inuu sare u qaaday iskaashigiisa Soomaaliya , iyadoo markii u horreysay la arkayo kulamada arrimaha Soomaaliya inay xaadirayaan saraakiisha sare ee Sacuudiga.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga, Amiir Faysal Bin Farxaan wuxuu xaadiray laga soo billaabo Jannaayo, dhammaan shirarka la xiriiray arrimaha Soomaaliya ee dibadda ka dhacay oo uu ugu dambeeyay shir barbar socday kulanka 161-aad ee Golaha Jaamacadda Carabta oo ka furmay magaalada Qaahira, kaaso looga hadlay ilaalinta madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya. Soddonkii sanno ee u dambeysay Sacuudiga wuxuu ahaa mid hoos u dhigay maqamka Soomaaliya ee hadda uu dib u hagaajinayo, arrimaha Soomaaliya waxaa ku matali jiray Sacuudiga saraakiil darajo dhexe leh,waxaa lagu sheegaya xilli h**e isbeddelkan inuu ka yimid Sacuudiga oo arkaya sida uu u go’ayo xiriirka Imaaraadka iyo Muqdisho.