Hilinmedia

Hilinmedia HilinMedia News are Somali young political Journalist, broadcaster and anchor also they are repo Journalist
(2)

19/10/2024

Urur siyaasadeedka barwaaqo waa xisbigii dhallinyarada mustaqbalka.

Munaasibadda Daahfurka Qaadhaan-Ururinta Casriga ah ee Xisbiga ayaa caawa ka qabsoontay magaalada Hargeysa**************...
19/10/2024

Munaasibadda Daahfurka Qaadhaan-Ururinta Casriga ah ee Xisbiga ayaa caawa ka qabsoontay magaalada Hargeysa
***************
حفل إطلاق منصة جمع التبرعات للحزب
***************
Party’s fundraising platform launching ceremony

https://sifalo.co/wadani

Inside Somaliland..........Thank you brother for the bitter decision you took.Having declared that you are not wasting t...
19/10/2024

Inside Somaliland..........

Thank you brother for the bitter decision you took.

Having declared that you are not wasting the wealth of the nation, why are you participating in your contribution to what you worked for when you were young?

So those of you who are injecting malicious words in your mouth, fix your mouth and don't let bad words leave you, and praise words while they are in your mouth.

Abdikarim Ahmed Mooge is a citizen of the Waddani Party and his political pride was supported by the presidential candidate Abdirahman Irro, and God has protected him and he has been honest about what he is going for.

In today's time, liars, drunkards, thieves and anyone who has fallen in life insults and slanders the person of his nation, the truth and the ability and the knowledge and justice, the equality of the people who live together, he works responsibly.

They know him as the person who protects the nation's property and taxes and does not give them the forbidden to a poor and ignorant person.

And that is not the case with the person who swears by God's book that they want.

They know who doesn't what they want,
a bad person, but not what they want.

A true God-fearing citizen who is dedicated to the nation

A request to our community here.Please see the party's donation box here.1. Anywhere and anytime, 2. Any amount you can ...
19/10/2024

A request to our community here.
Please see the party's donation box here.

1. Anywhere and anytime,

2. Any amount you can donate to the Waddani Party,

As a citizen, please respecte the request of the presidential candidate of the national party, Abdirahman Irro, and the first time that this party has asked for it.

If you become a provider, you will have a group whose advice you are a part of.

A party that does not belong to you, and can no longer be campaigned with the national money that you pay in taxes

Fallow Hilinmedia any were and any time.

War Deg-Deg :-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu caawa oo ay taariikhdu tahay 18/10...
18/10/2024

War Deg-Deg :-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu caawa oo ay taariikhdu tahay 18/10/2024 uu soo saaray saddex wareegto oo la xidhiidha isticmaalka hantida Qaranka, Warbaahinta Dawladda iyo Fagaarayaasha Ololaha, Reebbanaanta Adeegsiga Hantida Danta Guud, Shaqaalaha Dawladda iyo Ciidammada Qalabka-sida iyo Gacan-siinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka waqtiga lagu jiro ololaha doorashada Madaxtooyada iyo ururada Siyaasadda ee u muddaysan 13-ka bisha November ee soo socota.

Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinka Madaxweynuhu Sidan:-

 Wareegtada Koowaad

Ku: Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka
Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Og: Komishanka Doorashooyinka Qaranka

Ujeeddo: Isticmaalka War-baahinta Dawladda iyo Fagaarayaasha Ololaha

Sida aad la socotaan, dalka waxa ku soo fool leh doorashooyinka Madaxtooyada iyo Axsaabta Qaranka oo qorshaysan 13-ka November 2024.

Sidaa darteed, aniga oo cuskanaya Qodobka 31aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda, Xeer Lr. 14/2023, waxa aan farayaa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka in Xisbigyada Qaranka iyo Ururada Siyaasaddu u sinnaadaan War-baahinta Dawladda ee kala duwan iyo baahinta wararka muddada ololaha doorashooyinka innagu soo foolka leh.

Sidoo kale, waxa aan farayaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuridda Somaliland in loo sinnaado isticmaalka fagaarayaasha ololaha muddada ololaha doorashooyinka, isla markaana la sugo ammaanka shacabka iyo masuuliyiinta Axsaabta Qaranka iyo Ururrada Siyaasadda Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan fagaarayaasha ololaha.

 Wareegtada Labaad

Ku: Golaha Wasiiradda Jamhuuriyadda Somaliland
Ku: Hay’adaha Madaxa-bannaan ee Dawladda
Og: Komishanka Doorashooyinka Qaranka

Ujeeddo: Reebbanaanta Adeegsiga Hantida Danta Guud, Shaqaalaha Dawladda iyo Ciidammada Qalabka-sida

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, dalka waxa ku soo fool leh doorashooyinka Madaxtooyada iyo Axsaabta Qaranka ee qorshaysan 13-ka November 2024.

Sidaa darteed, aniga oo cuskanaya Qodobka 101aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka Qaranka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, Xeer Lr. 91/2023, waxa reebban in Hantida Danta Guud ee Qaranka nooc kasta oo ay tahay loo adeegsado Ololaha Doorashooyinka innagu soo foolka leh.

Sidoo kale, waxa reebban in shaqaalaha Dawladda iyo Ciidammada kala duwan ee Qalabka-sidaa ay ku lug-yeeshaan, kana qayb-galaan ololaha Doorashooyinka qorshaysan 13-ka November 2024.

Cid kasta oo baal-marta awaamiirtaasi, waxa aan farayaa masuuliyiinta u xil-saaran in ay ka qaadaan tallaabo sharciga waafaqsan.

 Wareegtada Saddexaad

Ku: Golaha Wasiiradda Jamhuuriyadda Somaliland
Ku: Hay’adaha Madaxa-bannaan ee Dawladda
Ku: Taliyayaasha Ciidammada Qalabka-sida

Og: Komishanka Doorashooyinka Qaranka

Ujeeddo: Gacan-siinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, dalka waxa ku soo fool leh doorashooyinka Madaxtooyada iyo Axsaabta Qaranka ee qorshaysan 13-ka November 2024.

Sidaa darteed, idinka oo gudanaya waajibaadka iyo masuuliyadda aad Qaranka u haysaan, waxa aan idin farayaa in aad gacan ku siisaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland gudashada waajibaadkooda Qaran ee qabsoomidda doorashooyinka Madaxtooyada iyo Axsaabta Qaranka, idinka oo raacaya shuruucda iyo xeerarka dalka.

Waxa aan si gaar ah u farayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Taliyayaasha Ciidammada Qalabka-sida ee Jamhuuriyadda Somaliland in ay Komishanka Doorashooyinka Qaranka ku gacan siiyaan sugidda amniga muddada ay socdaan ololaha iyo doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland.


ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

XAALADDA SICIR BARARKA & XALALKA II MUUQDA.Shaqo la’aanta, Sicir bararka iyo Sinnaan la’aantu (ama kala duruga dabaqadah...
18/10/2024

XAALADDA SICIR BARARKA & XALALKA II MUUQDA.

Shaqo la’aanta, Sicir bararka iyo Sinnaan la’aantu (ama kala duruga dabaqadaha dhaqaale), waa saddexda mushkiladood ee dhaqaaale ee dal kasta dawladdiisu la taacasho. Waa miqiyaaska laga eego, laguna qiimeeyo hufnaanta, bad-qabka iyo korodhka ama isbeddel ka dhabta ah ee uu sameeyo dhaqaalahu, madaama ay saddexdan qodob yahiin kuwa jaangooya ama turjuma saamaaynta tooska ah ee isbeddellada dhaqaale ku yeeshaan nolosha dadka, heer qof iyo qoysba. Markasta oo ay is raacaan laba kamid ahi waxa loo aqoonsadaa “Dhiig-bax Dhaqaale”. Sidaa darteed waa salka qiimaynta u ah shaqada ay dawladdu ka qabato dhaqaalaha iyo nuxurka doodaha doorashooyinka ee dhammaan dalalka aduunka ee ay ka qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ahi.

Imika Somaliland, sida ka muuqata shaxda hoose, waxa isku raacay sicir barar ba’an oo ku dhacay badi ascaarta asaasiga ah sida, maciishadda, tamarta iyo agab kale ee suuqa yaala badi. Waxa taas weheliya hoos u dhac weyn oo xawli ku socda oo ku yimi sarifka shilinka Somaliland, gaar ahaan muddooyinkan danbe. Iyada oo ay intaa dheertahay yaraansho ama hoos u dhac laga dareemayo suuqa shaqada iyo wax kala iibsiga. Sidoo kale, maadaama culayska ugu badan ee dhaqaale ku dhacayo dan-yarta, waxa kala durug ku iminayaa heerka sinnaanta bulshada (Economic inquality). Waxa intaaa dheer in Somaliland ganacsatadu ay alaabta ku qiimayso Dollar, dabadeed marka ay wax ka iibinayaan qof sida Somaliland shilling, waxa ay ugu dhuuftaan sarrif ay ugu yeedhaan gacanta labaad, taas oo kasii sarraysa sarrifkan kacay, taasina waxay kor usii qaaddaa qiimaha ascaarta lagu iibanayo ama sicir bararka.

Xaaladdani waxay culays dhaqaale oo aad u weyn ku keenaysaa guud ahaan bulshada, dhaqaalaha dalka iyo gaar ahaan dan-yarta oo ay ku adkaanayso in ay gooyaan quutal daruuriga. Sidoo kale waxa ay dhaawacaysaa awoodda wax iibsi iyo kala iibsi ee suuqa, taas oo saamayn taban ku yeelanaysa xaddiga dhaq-dhaqaada dhaqaalaha iyo wax kala iibsiga ee suuqa. Arrintani waxa ay horseedi kartaa silsilad taxan oo saamayno is daba socda oo taban leh, haddii aan lagu jabin ama joojin awooddaha dawladnimo ee sixitaanka Khalkhal-ka iyo hoos u dhaca dhaqaalaha. Walaw Somaliland hannaankeeda dhaqaale ku salaysan yahay suuqa xorta ah, haddana dawladda waxa u furan dhawr siyaasadood oo ay xaaladan ku fara gelin karto si ay u saxdo. Xalalka waxa ka mid ah:

1) Siyaasadda Lacagta (Monetary Policy): in dawladda gaar ahaan Bangiga dhexe fara-galiyo iskuna miisaamo xaddiga lacageed ee suuqa ku jirta, iyada oo la dhimayo xadiga shilinka Somaliland ee suuqa ku jira, Bangiguna soo daayo lacag dollar ah, illaa sarrifka bartiisii lagu celinayo kuna xasilo.

2) Qiimaha Shidaalka: waa in dawladdu daristaa sababta qiimaha shidaalku si gaar ah innoogu kiciyay, si meesha looga saaro caqabad kasta oo arrintaa door ku leh. Sidoo kale waxa daruuri ah in dawladdu adeegsatato fursad kasta iyo tallaabo kasta oo haamaha kaydka shidaalka qaranku ummadda kaga jabin karaan qiimaha shidaalka ee cirka isku shareeray.

3) La Xaajoodka Ganacsatada Waaweyn: waa in dawladda gaar ahaan haayadaha ay khusaysaa kala xaajoodaan ganacsatada waaweyn, sidii ay u dhimi lahaayeen qiimayaasha, gaar ahaan kuwa nolosha iyo ganacsiga daruuriga u ah, tii oo ay dawladdu adeegsanayso fursadaha ay haysato sida cashuur dhimista ama kaabis ay ku samayso adeegyada iyo agabka asaasiga ah.

Dhanka kale, waxa muhiimaah in ganacsatada waaweyni ay ummaddooda u tudhaan, oo haddii ba culaysyo dhab ahi jiraan, ay iyagu qaataan culayska, dammiirkuna shaqeeyo oo ay bulshadooda duruufaha badani haystaan ee itaalka daran, aanay isu dhaafin culays kasta oo dhaqaale oo yimaad. Taasi badelkeedana ay si ehelnimo, islaannimo iyo waddaninimo ba leh u go’aan qaataan. Sidoo kale waxa muhiim ah ay dhugmo gaar ah u yeeshaan oo weliba kabaan shaqaalahooda iyo ganacsatada jeeb yarta ah ee ka hoos shaqaysa.

Ugu danbayn, waxa aan ka digayaa ilduuf kasta oo arrintan ku yimaadda iyo talaabooyin dhanka khaldan loo qaadaa in ay horseedi doonaan, caqabado iyo dhiig baxyo dhaqaale oo bulshada, dalka iyo dhaqaalaheenaba dhaxalsiiya khasaare weyn, Alle k**a dhigo e.

Allaa Mahad Leh.
Roble Abdi Muse

Muse Bihi Abdi la soco qoraalka dhalinyarada
Oct 18, 2024

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa maanta qaabilay "Gudoomiyihii garabka Dhalinyarada Kulmiye ee Gobalka Saaxil...
17/10/2024

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa maanta qaabilay "Gudoomiyihii garabka Dhalinyarada Kulmiye ee Gobalka Saaxil iyo Xoghayihii abaabulka" kuwaas oo shalay iska casilay Kulmiye Party kuna biiray xisbiga Waddani Party

Hilinmedia kala soco wixii warar ah.

17/10/2024

EX-Xildhibaan Jirde""Doorasho iney dhacdo shaki Badan ayaa laga qabey,
laakiin ilaahay galadii Kubadu dhexdeena ayey taalaa,

Hilinmedia

17/10/2024

"Cabdiraxmaan Cirro" Xukuumadu iyadoo waqtigii doorashada lagu gudo jiro ayey lacag Soo daabacatey, si ay doorashada u khalkhaliyaan

Is casilaadaha soo kordhaaya saaka waxaa ku soo kordhey Wasiirkii h**e ee maaliyada Somaliland Yusuf Maxamed Cabdi , imi...
17/10/2024

Is casilaadaha soo kordhaaya saaka waxaa ku soo kordhey

Wasiirkii h**e ee maaliyada Somaliland Yusuf Maxamed Cabdi , iminkana ka tirsanaa komishanka Tacliinta sare ayaa iska xasilay Xubintii komishanka,

Xubtintii golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye iyo guud ahaan kamid ahaanshihii Xisbigaasi.

Waxuu ku dhawaaqey inuu dhisi doono Murashax Cabdiraxmaan Cirro

Sanad gguuradi 30aad ee ka soo wareegtey daabacaadii lacagta Somaliland oo lagu qabtey Qasriga madaxtooyada somaliland,I...
17/10/2024

Sanad gguuradi 30aad ee ka soo wareegtey daabacaadii lacagta Somaliland oo lagu qabtey Qasriga madaxtooyada somaliland,
Iyadoonhadalo kala duwan ay ka jeediyeen waziiro, ganacsato.

Hilinmedia

17/10/2024

Mulkiilaha shirkada Dahabshiil Group "Koley intaa madaxweynuhu ordey dhoola tus buu ku jiraaye maba ordi karo, hadaan ordi lahaana cid wax iga duubta ma hayo waa ilaahay mahadii"

17/10/2024

DEG DEG:"Xisbiga Kulmiye waa Rag u sii diyar garobayaba mucaradnimo iyago xilka haya"Xoghaye Jamaal

Waxa aannu Booqasho ku tagnay degmooyinka iyo magaalooyinka Bali-Mataan, Sabawanaag, Bali Ciise, Bali Kaliil iyo deegaan...
16/10/2024

Waxa aannu Booqasho ku tagnay degmooyinka iyo magaalooyinka Bali-Mataan, Sabawanaag, Bali Ciise, Bali Kaliil iyo deegaannada ku xeeran. Si aannu dadka deegaanadaas u gaadhsiinno farriin raalligelin ah oo uu murashax Dr. Cirro noo wakiishay, kaddib markii isaga oo tixgelinaya go’aankii Guddiga anshaxa doorashooyinka uu ka baaqday safar u qorshaysnaa in uu ku tago maanta.
Waxa aannu dadkayaga uga mahadnaqaynaa soo dhoweyntii diirranayd iyo niyadsamidii ay duruufaha noola fahmeen.

Safarka waxaa igu wehelinayey Xildhibaan Maxamed Khadar, Khadar Axmed Guddoomiye K/X Ololaha ee heer qaran, ahna Mas'uulka Ololaha ee Gobolka Maroodijeex, Maxamed Sidiiq Dhamme Xoghayaha Arrimaha Bulshada, Cabdikariim Cali Baarjeex xoghayaha Duulista iyo hawada iyo masuuliyiin kale.

Wasiir Ku Xigeenkii Wax-barashada Somaliland Maxamuud Yuusuf Cilmi ayaa xilkii iska casiley,Isagoo sheegey inaan xaalada...
16/10/2024

Wasiir Ku Xigeenkii Wax-barashada Somaliland Maxamuud Yuusuf Cilmi ayaa xilkii iska casiley,

Isagoo sheegey inaan xaalada dalku ku jiro u saamaxayn ka mid ahaashaha golaha waziirada ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,

Waxa uu sii raaciyey inuu dhisi doon Musharaxa Madaxweyne" Cabdiraxmaan Cirro

Hilinmedia

16/10/2024

Madaxweynaha jamhuuriyada somaliland" kuwii ciidanka qaranka laayey iyo kuwii magta ka bixiyey iyo kuwa u heesaaya waa danbiilayaal waana la xukumayaa"

Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa kullan la yeeshay Danjiraha Dawl...
16/10/2024

Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa kullan la yeeshay Danjiraha Dawladda Sweden Danjire Joachim Waern,kaas oo uu fadhigiisu yahay magaalada Nairobi.

Kulankan ayaa waxa lagaga wadda hadlay arrimaha doorashooyinka fooda inagu soo haya ee isku sidkan,kuwaas oo dalka ka dhici doonna 13ka Nov 2024.

Sidoo kalena kullankaas ayaa waxa lagaga wadda hadlay qorshayaasha siyaasadeed ee Xisbiga WADDANI iyo arrimo la xidhiidha siyaasadaha iyo xaaladaha nabadgalyo ee hadda ka alloosan mandaqadda geeska Afrika.

16/10/2024

Waa in la weyneeyaa xuska maalinta shuhadada ee SNM 17 october ''Muj Axmed Shiine''

Adresse

Hamburger Str. 229
Braunschweig
38114

Telefon

+33758953746

Webseite

Benachrichtigungen

Lassen Sie sich von uns eine E-Mail senden und seien Sie der erste der Neuigkeiten und Aktionen von Hilinmedia erfährt. Ihre E-Mail-Adresse wird nicht für andere Zwecke verwendet und Sie können sich jederzeit abmelden.

Service Kontaktieren

Nachricht an Hilinmedia senden:

Videos

Teilen